carjebin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carjebin
m.f.dh eeg carjebi. la-mid: carjebis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carjebi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dhar cusayb ka bi'in. 2. Weel la culay carka ka bi'in.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carjebi
v. make something second-hand ~ used, cause to be no longer fresh
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carjebi
de: make s.t. second-hand ~ used, cause to be no longer fresh
lx: carjebi
pd: (carjebiyey)
ps: v2a=tr
key: carjebi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carjabin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhiil la cugay, caano yar ku dhaqdhaqid.
carjabin -ta: (magac, dhedig, keli) wax duugoobay ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carjebis
m.l la-mid: carjebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catajebin
m.dh la-mid: cashatebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carbin
(Carbin-ta)
Hebed ka dhigid; layiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbin
m.f.dh eeg carbi. la-mid: carbis (2).
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Carbin
Istruire
To train
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale, rabbayn oo laylitirid. Dh: laylyid, agabbarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afjebin
-ta: (magac, dhedig, keli) hore u dhicid; kufitaan afka loo dhaco. Dh: afgoosi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajabin
m.f.dh eeg cajabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajabin
-ta: (magac, dhedig, keli) «is» is la weynaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajebid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la arkay ama la maqlay ka yaabid. Dh: fajacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carjabi
(fal) duug ka dhig.
carjabi: (fal) dhiil la cugay, in yar oo caano ah ku dhaqdhaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbedin
-ta: (magac, dhedig, keli) warwareejin oo caansiirin. Dh: carbedis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carjabid
(Carjabid-da)
Carjab noqosho; cusayb ka bi'id; duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carjabid
m.f.dh eeg carjab². la-mid: carjab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carjabid
-da: (magac, dhedig, keli) duug noqosho; cusayb ka bi'id; duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wartebin
m.f.dh eeg wartebi. la-mid: wartebis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wartebin
-ta: (magac, dhedig, keli) war baahin oo dadka gaadhsiin. Wartebinta shirkadaha cid baa u xilsaaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barqajebin
(magac, dhedig, keli) barqada dhammaadkeeda ama dabayaaqadeeda. Barqajebintii ba waan tebay inta maqan lo'da.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhajebin
-ta: (magac, dhedig, keli) cadhaburburin; cadhabeelsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caracelin
m.f.dh eeg caraceli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carajabid
-da: (magac, dhedig, keli) cadhaburburid; cadhajabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carocelin
m.f.dh eeg caroceli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carraabin
(Carraabin-ta)
1. Galab, wax meel u kaxayn, meel u dirid.
2. (marti) inay hoyato u diidid oo iska gudbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carraabin
m.f.dh eeg carraabi. la-mid: carraabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraabin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, galabnimo kaxayn oo xeradoodii ku hoyn.
carraabin -ta: (magac, dhedig, keli) marti, in ay kuu hoyato u diidid oo isdhaafin. Dh: carraabis. Li: bariin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catajebis
m.l la-mid: cashatebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafajebin
m.dh Hadal saamayn weyn leh oo sharafta iyo shaqsiyadda qofka dhaawaca.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafajebin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, waxyeellayn iyo hagardaamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabarjebin
dhabarjebin¹: m.l Heerka bislaanshaha miraha ee gahayrnimada ka dambeeya.
dhabarjebin²: m.f.dh eeg dhabarjebi. la-mid: dhabarjebis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhabarjebin
m.l Heerka bislaanshaha miraha ee gahayrnimada ka dambeeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabarjebin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dhabarjebis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacab jebin
f. n. rout (of an enemy)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nacab_jebin
de: rout (of an enemy)
lx: nacab jebin
pd: (-ta)
ps: np-f
key: nacab_jebin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddarjebin
m.f.dh eeg qaddarjebi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddarjebin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhallin- yarnimo ku dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharafjebin
m.f.dh eeg sharafjebi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cabin
/kaabin/ 1. kabbiin (gol hurdo oo markabka ku dhex yaal) 2.cariish.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Cabin
qol
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
cabin
/kaabin/ (n) 1. shukaanty (kabiing). 2. daash.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabin
-ta: (magac, dhedig, keli) mid kale, wax uu cabbo siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajeb
cajeb!: erey la yidhaa marka wax layaab leh, la arko ama la maqlo. Dh: yaab! cajaa'ib!
cajeb: (fal) wax ka yaab; wax la fajac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley tababbar gaar ah siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carbi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley tababbar gaar ah siin. m.f.dh, carbin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carbi
v. tame, break in, train
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carbi
-yey / say: (v) train (tareeyri), coach (kooj); prepare (piri-peer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbi
(fal) mid da' yar, tababbar. Carbi awrka intaanad raranin. Dh: rabbee, agabbar, tababbar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carbi
de: tame, break in, train
lx: carbi
pd: (carbiyey)
ps: v2a=
key: carbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carin
m.f.dh eeg cari. la-mid: caris (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carin
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» noole, carasho ka keenid. Dh: dhirin; dhidhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jebin
(Jebin-ta)
1. Wax is haysta xoog u kala duulin; labo cad ka dhigid.
2. (ganacsi) qiime hoos u dhigid; raqiisin.
3. (weeso, kd.) gadid; burin.
4. (guddoon, qiil, kd.) burin.
5. (cayaar) dhibcihii ama intii lagu adkaana hayey, intaan la gaarin, laga reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jebin
m.f.dh eeg jebi. la-mid: jabin, jabis, jebis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jebin
vl. n. defeat, annihilation (of enemy)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jebin
-ta: (n) the act of breaking or defeating ~ jabin-ta, jabis-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jebin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hore iskugu yaallay, fullaacin oo jebin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jebin
de: defeat, annihilation (of enemy)
lx: jebin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: jebin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barjin
-ka: (magac, lab, keli) kursi gaaban oo afar addin leh, kana samaysan loox ama harag lo'aad. Dh: ganbar, gambadh, mijilis.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
caabin
resistance
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caajin
(Caajin-ta)
1. Baahi ama rabitin ama jacayl wax loo qabey, wax deeqa siin; dhergin.
2. Celin, joojin, hakin, qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajin
m.f.dh eeg caaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajin
-ta: (magac, dhedig, keli) Baahi ama rabitaan jacayl wax loo qabey, wax lagaga kaaftoomo siin. Dh: dhergin, haqabtirid.
caajin -ta: (magac, dhedig, keli) celin; joojin; hakin; qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajabi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) C./ka c.: qof yaab ku abuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cajabi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) C./ka c.: qof yaab ku abuurid. m.f.dh, cajabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cajabi
v. cause someone to be amazed, astonished
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajabi
(fal) ka yaabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cajabi
de: cause s.o. to be amazed, astonished
lx: cajabi
pd: (cajabiyey)
ps: v2a=tr
key: cajabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cajiin
(Cajiin-ka)
Bur ama budo kale oo la qooyo oo la rafaaqo, si hadhow kimis looga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajiin
cajiin¹: m.l/dh 1. Budo meseggo ama galley oo biyo lagu rafaaqay. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur laysku qasay oo canjeelo laga sameeyo.
cajiin²: f.g1 (-iimay, -iintay; -iimi) 1. Biyo ku rafaaqid budo meseggo ama galley. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur isku qasid si canjeelo looga sameeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cajiin
cajiin¹: m.l/dh 1. Budo meseggo ama galley oo biyo lagu rafaaqay. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur laysku qasay oo canjeelo laga sameeyo.
cajiin²: f.g1 (-iimay, -iintay; -iimi) 1. Biyo ku rafaaqid budo meseggo ama galley. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur isku qasid si canjeelo looga sameeyo. m.f.dh, cajiimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cajiin
m. n. dough; paste (pasty substance like toothpaste)
cajiin v. make paste; mix dough, knead
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cajiin
-ta: (n) dough (dow); pastry (peystri) ~ qamiir
cajiin -cajiimay / cajiintay: (v) knead (niidh); knead dough
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajiin
(fal) daqiiq iyo wax la mid ah, xash oo isku rufaaq. Dh: xash; rufaaq; qoosh.
cajiin -ta: (magac, dhedig, keli) bur ama budo kale oo la qooyo oo la rufaaqo kimisna laga dhigo. Dh: qoosh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carabi
(Carabi-da)
Magac kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carabi
carabi¹: m.l Af ay dadka Carbeed ku hadlaan.
carabi²: m.dh Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carabi
m.l Af ay dadka carbeed ku hadlaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Carabi
m. n., [collective] Arabic
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carabi
f. n. fish species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Carabi
-ga: (n) Arabic language
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabi
-ga: (magac, dhedig, keli) afka ay Carabtu ku hadasho. Dh: af-Carbeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carabi
-ga: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbis
m.l (-syo, m.dh) 1. Xero ciidan oo wax lagu tababbaro. 2. la-mid: carbin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carbis
m.l (-syo, m.dh) 1. Xero ciidan oo wax lagu tababbaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carbis
vl. n. exercise, maneuver, drill, training; jogging
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbis
-ka: (magac, lab, keli) eeg carbin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carbis
de: exercise, maneuver, drill, training; jogging
lx: carbis
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: carbis
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
carbon
/karbon/ (n) curiyaha kaarboon, waa curiyaha dhuxushu ka kooban tahay.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
carbon
/karbon/ (n) kaarboong (wal kiimiky eh oo walaaghi noolby luku helaw). Diamonds are carbon in the form of crystals.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carjab
(Carjab-ka)
Carkii cusaybku ka ba'ay; aan cusbayn; duug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carjab
carjab¹: m.l 1. C. ah: maro urtii cusaybku ka ba'ay. 2. la-mid: carjabid.
carjab²: f.mg1 (-bay, -btay) Maro, urtii cusaybka ka bi'id.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carjab
m. n., [compound] used object, second-hand item
carjab v., [compound] lose its newness, become used (of a garment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carjab
-ka: (magac, lab, keli) walax cusaybnimadii ka baaba'day oo duugowday. Dh: duug. Li: cusayb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carmin
(Carmin-ta)
1. (weel) carmo marmarin.
2. Tumid yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmin
m.f.dh eeg carmi. la-mid: carmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carmin
-ta: (magac, dhedig, keli) tunniin aan badnayn tumid. Dh: carmis.
carmin -ta: (magac, dhedig, keli) 'weel' carmo marmarin. Dh: carmis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carqin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo wasakhayn; biyo fadhiya walaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirbin
(Cirbin-ta)
Cagta cagta u saarid; dabasocosho; ku xigid.