carisqalid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carisqalid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg carisqal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carisqal
(fal) ri' rimman, inta aanay dhalin qal: shinkeegii oo aan gaadhin, gawrac.
carisqal -ka: (magac, lab, keli) 'neef rimman', shinkiisii oonan gaadhin, qalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carisqalniin
-ka: (magac, lab, keli) neef dhaysin ah, qalniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carqalad
m.dh Qas iyo lab lagu sameeyo hawl si wanaagsan u socota. la-mid: carqalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carqalad
f. n. confusion, disturbance; interruption; obstacle, impediment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carqalad
-da: (n) hindrance (hindhrans)-, obstacle (oobis-tikaiy impediment (im-pedha-mant)-, disturbance (dis-teer-bansi) ~ xannibaad, rabshad. —Syn: obstruction, disruption, bar, barrier, block, snag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carqalad
-da: (magac, dhedig, keli) wax hawl socota is hor taagta ama wiiqa. Dh: caqabad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carqalad
bw: Arabic
de: confusion, disturbance; interruption; obstacle, impediment
lx: carqalad
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: carqalad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carwasaadid
m.dh la-mid: calwasaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajisad
m.dh la-mid: caajisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajisad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo caajis badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajisid
m.dh la-mid: caajisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajisid
-da: (magac, dhedig, keli) caajis dareemid, wahsi dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cakisid
m.f.dh eeg cakis². la-mid: cakis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cakisid
-da: (magac, dhedig, keli) cajiimid; rafaaqid; qooshid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cararid
(Cararid-da)
Wax laga baqo ama laga naxo ama si kale aan loo rabin, ka ordid; baxsasho; roorid, fakasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararid
m.f.dh eeg carar². la-mid: carar¹ (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cararid
vl. n. running away
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cararid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi darteed, xawli u socod. Dh: roorid, ordid, fakasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cararid
de: running away
lx: cararid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: cararid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmali
m.l.kh C. ah: haweenay la guursaday oo la furay ama ninkii ka dhintay; garoob.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carmali
-da: (magac, dhedig, keli) eeg carmal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carqalo
m.dh la-mid: carqalad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carqalo
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhaliya in hawl iwm oo socday uu wiiqmo. Dh: carqalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casilid
(Casilid-da)
Meel ama jago uu hayey ka qaadid, ka ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casilid
m.f.dh eeg casil. la-mid: casilaad (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casilid
-da: (magac, dhedig, keli) qof xil hayay, ka qaadid. Dh: casilaad.
casilid: -da: (magac, dhedig, keli) (is ~) xil iyo shaqo aad haysay iskaga fadhiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casmali
(Casmali-da)
1. Tarbuush guduudan.
2. Shaah aan caddays ahayn, ee guduudan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casmali
casmali¹: m.l.kh C: ah: shaah aan caano lagu darin; bigays.
casmali²: m.dh Tarbuush guduudan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casmali
m.l.kh C: ah: shaah aan caano lagu darin; bigays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casmali
f. n. red fez
casmali m. n.-mass: weak tea without milk ~ cream
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casmali
-ga: (magac, lab, keli) shaah aan caddeys ahayn oo guduudan ama madaw. Dh: bigeys, bigays, cusmali. Li: caddays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la waayay, beddelkiisii keenid ama siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayilid
(Cayilid-da)
Hilib iyo baruur badan yeelasho; wax shilis ama buuran noqosho; naaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayilid
m.f.dh eeg cayil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayilid
-da: (magac, dhedig, keli) baruur yeelad; naaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masalid
m.f.dh eeg masal². la-mid: masilid, matalid, matilid, meselid, metelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masalid
-da: (magac, dhedig, keli) riwaayad ama dhacdo hore fal ahaan cid ku tusid. Masalidu waa aqoon mawhibo la socoto. Dh: matalid, jilid.
masalid -da: (magac, dhedig, keli) masal soo qaadasho. Dh: tusaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalid
m.dh la-mid: callaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbarid
m.f.dh eeg carbar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carigsad
-ka: (magac, lab, keli) canaagista iyo ka hor jeedsiga fikir, talo ama amar la bixiyay; wax la yeeli lahaa, qof dartii ama xumayntii u diidid, ama wax aan la sameeyeen oo qof ku xumayntii loo sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cariiqsi
(Cariiqsi-ga)
Wax la yeeli lahaa, qof darti ama ku xumaynti, u diidid; wax aan la sameeyeen oo qof ku xumaynti loo sameeyo; (ama cariigsi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiqsi
m.l 1. Wax la yeeli lahaa, qof darti ama ku xumaynti, u diidid; wax aan sameeyeen oo qof ku xumaynti loo sameeyo. 2. la-mid: cariiqsasho. la-mid: cariiqsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cariiqsi
m.l 1. Wax la yeeli lahaa, qof darti ama ku xumaynti, u diidid; wax aan sameeyeen oo qof ku xumaynti loo sameeyo. la-mid: cariiqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cariiqsi
vl. n. provoking, 'bugging' someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cariiqsi
-ga: (n) the act of challenging or provoking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiqsi
-ga: (magac, lab, keli) carigsi; canaagid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cariiqsi
de: provoking, 'bugging' s.o.
lx: cariiqsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: cariiqsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carjabid
(Carjabid-da)
Carjab noqosho; cusayb ka bi'id; duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carjabid
m.f.dh eeg carjab². la-mid: carjab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carjabid
-da: (magac, dhedig, keli) duug noqosho; cusayb ka bi'id; duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cartamid
(Cartamid-da)
Kulayl la rogrogmasho; karkarid; dhirfid; xanaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cartamid
m.f.dh eeg cartan². la-mid: cartan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cartamid
-da: (magac, dhedig, keli) cadho iyo wax la mid ah dartood, la kirtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cigaalid
(Cigaalid-da)
Riddo dheer, ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cigaalid
m.f.dh eeg cigaal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cigaalid
-da: (magac, dhedig, keli) qalab iyo sharraxaad kale wax ku qurxin. Dh: shaqlid. cigaalid -da: (magac, dhedig, keli) riddo dheer, ridid. Cigaalida warmaha aad baan u aqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cillalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhi ah, wax ku gufayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dariiqad
-da: (magac, dhedig, keli) hab wax loo fahansiiyo qofka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darsamid
m.f.dh la-mid: darmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darsamid
-da: (magac, dhedig, keli) biirid oo isku mid noqosho. Dh: biirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fashalid
(Fashalid-da)
(arrin) ka jibakeenid la'aan; ku guuldarraysasho; dhicisoobid; jabid; dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashalid
m.f.dh eeg fashal². la-mid: fashal¹ (2), fashalaad, fashil¹, fashilaad, fash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashalid
-da: (magac, dhedig, keli) guuldarraysad iyo jab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karsamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la karshay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mariilid
m.dh la-mid: maliilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalqalid
m.dh la-mid: khalkhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarqarid
(Qarqarid-da)
1. Qarqaryo iska garasho, dareemid; dhaxan la gariirid; jarayn; jarcayn; burunjiyeyn.
2. Gariirid; ruxasho; gilgilmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqarid
m.f.dh eeg qarqar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarid
-da: (magac, dhedg, keli) eeg qadhqadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasaalid
(Qasaalid-da)
Biyo ku nadiifin; mayrid; dhaqid; xalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasaalid
m.f.dh eeg qasaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaalid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ku maydhis; dhiqid. Dharku waa nadiif oo qasaalid uma baahna. Dh: maydhid, dhaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
risaalad
m.dh la-mid: risaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
risaalad
-da: (magac, dhedig, keli) farriin Ilaahay u soo dhiibo Nebi oo dad wax loogu sheego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salsalid
(Salsalid-da)
1. Heesta awrta lagu raro, ku heesid, qaadid.
2. Sasid; argaggixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salsalid
m.f.dh eeg salasal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salsalid
-da: (magac, dhedig, keli) awr la rarayo, hees salsal ah u qaadid.
salsalid-da: (magac, dhedig, keli) sasid; argaggixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarsarid
(Sarsarid-da)
(oogo) sarsar u yeelid, ku dhigid; tiiftiifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarsarid
m.f.dh eeg sarsar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarsarid
-da: (magac, dhedig, keli) 'oogo' sarsaru yeelid, ku dhigid; xagtimo badan u yeelid. Dh: dildillaaci, tiiftiifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walqalid
(Walqalid-da)
Walqal samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walqalid
m.f.dh eeg walqal². la-mid: waqlalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walqalid
-da: (magac, dhedig, keli) waqlal u samayn; ka wanqalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanqalid
-da: (magac, dhedig, keli) wanqal samayn. Ilmaha haddii kol laga wanqalo wanqalid kale uma hadhin. Dh: wanqalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warqabid
m.f.dh eeg warqab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warqabid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin xogta ku saabsan hayn oo ka war qabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalqabid
-da: (magac, dhedig, keli) cudurka caalka qabid. Dh: caalow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caashaqid
m.f.dh eeg caashaq². la-mid: caashaq¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caashaqid
-da: (magac, dhedig, keli) jeclaanshaha qotada dheer ee cid ama wax loo qabo.
caashaqid -da: (magac, dhedig, keli) doonni ama markab, dekedda ku soo xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Callaalid
(Callaalid-da)
Callaal siin; laaluushid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
callaalid
m.f.dh eeg callaal². la-mid: calaal¹, calaalid, callaal¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaalid
-da: (magac, dhedig, keli) callaal siin; laaluushid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carajabid
-da: (magac, dhedig, keli) cadhaburburid; cadhajabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cargaagid
m.f.dh eeg cargaag². la-mid: margaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cariiqsad
(Cariiqsad-ka)
Cariiqsi, cariiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiqsad
m.l la-mid: cariiqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cariiqsad
vl. n. provocation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiqsad
-ka: (magac, lab, keli) amardiiddo.