carisqal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carisqal
(fal) ri' rimman, inta aanay dhalin qal: shinkeegii oo aan gaadhin, gawrac.
carisqal -ka: (magac, lab, keli) 'neef rimman', shinkiisii oonan gaadhin, qalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carisqalid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg carisqal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cariiqsad
(Cariiqsad-ka)
Cariiqsi, cariiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiqsad
m.l la-mid: cariiqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cariiqsad
vl. n. provocation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiqsad
-ka: (magac, lab, keli) amardiiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cariiqsad
a: cariiqsasho (/da) [vn6-f]
de: provocation
lx: cariiqsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: cariiqsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caris
m.l 1. Dhul siman oo ciiddiisu guduudan tahay. 2. la-mid: carin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caris
m.l. Dhul siman oo ciiddiisu guduudan tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caris
-ka: (magac, dhedig, keli) 'neef rimman', dhaysin oo jimic noqosho. Dh: bilaabid, dhaysin, gorin.
caris -ka: (magac, lab, keli) eeg carin.
caris: (tilmaame) rida rimman ee bilawga ah. Caris riyaad caano kama dhowa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casal
(Casal-ka)
Malab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casal
m.l Malab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casal
m. n., (mass n.): honey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casal
-ka: (magac, lab, keli) malabka ay shinnidu dhigto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casal
bw: Arabic
de: honey
lx: casal
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
syn: malab
key: casal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cisal
m.l 1. (-llo, m.dh) Xubnaha taranta labka ee dibiga, wanka, orgiga iyo wixi lamida. 2. Caws yaryar oo dhaqso u soo baxa marka roob ku da'o.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cisal
m. n. penis (of a bull, a ram, a goat)
cisal m. n. grass species, that springs up immediately after rain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cisal
-ka: (n) penis of male animals, especially camels, bulls etc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cisal
-ka: (magac, lab, keli) xubinta taranka ee labka xoolaha qaybta labaraaflaha; xiniinta wanka.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
càrica
s.f. - jago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiq
m.l Wax qadiin ah; wax qiimo leh; wax caan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiq
-a: (magac, lab, keli) wax qadiim ah oo waa hore jirri jiray.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
carità
s.f. - naxriis, sadaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carmal
(Carmal-ka)
Naag la guursadey oo ama la furay ama laga dhintay; garoob; (ama carmali).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmal
m.l.u Haweenay la guursaday oo la furay ama ninkii ka dhintay; garoob.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carmal
m.l.u Haweenay la guursaday oo la furay ama ninkii ka dhintay; garoob.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carmal
m. n. divorcee, widow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carmal
-ka: (n) widower (widhowar) or divorce (dhi-voor-see)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carmal
-ka: (magac, lab, keli) gabadh la guursaday. dabadeedna la furay ama seygii ka geeriyooday. Dh: garoob, cadrad, carmali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carmal
a: carmali {N & E < Arb}
de: divorcee, widow
lx: carmal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: carmal
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
carmal
ثَيِّبِ، مُطَلَّقَة، أَرْمَلَة
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
carnal
/kaarnal/ (adj) dareenka kacsiga ama galmo la xiriira.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
carpal
/karpal/ (adj) cur-curta ama lafaheeda la xiriira.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
casual
/kashuwal/ (adj) 1. iska-caadi ah (sida labbiska caadiga ah iwm) 2. si fursad ah isaga dhacay (aan qorshe iyo ulakac toona ku dhicin) (adj) 3. aan joogto ahayn.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
casual
/kaashuwal/ (adj) 1. deggyng, inis dhibaany, ooftis ing haayny. He has a casual feeling toward his enemy. 2. aathi eh. A casual dress. 3. lyngky darbyny. A casual visit.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
causal
(adj) pertaining to a cause; directed against a cause
ku saabsan sababta keentay
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
barista
s.m. - baariiste.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajisad
m.dh la-mid: caajisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajisad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo caajis badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: caajisan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajisan
(tilmaame) mid caajis hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cakisan
cakisan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax la cakisa noqosho.
cakisan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la cakisay ahaansho (bur, timir, dhoob, iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cakisan
cakisan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax la cakisa noqosho.
cakisan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la cakisay ahaansho (bur, timir, dhoob, iyo wixi lamida). m.f.dh, cakisnaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Capital
Raasamaal
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Capital
Hanti
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
capital
/kaapital/ (n) 1. magaalo-madax (n) 2. raasummaal (lacagta hore oo ganacsiga lugu bilaabo) (n) 3. xarafka weyn ee alifbeetada (adj) 4. dil toogasho ah.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Capital
Xoola madax
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
capital
/kaapital/ (n) 1. aasimithy arlaathy. 2. harafky wiing ee elifky, sithy A, B, C. 3. raasumaal (maalky bilaawshey oo faa'ithy lyngky darny). 4. athuud.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
capital
capital, n.m. - Hanti; Qaniimad, Kabitaal
investissement du capital - Maal gelin; Hanti gelin,
capital fixe - Hanti qotoma.
capital circulant - Hanti wareega.
capital constant - Hanti joogtada.
capital variable - Hanti isbeddela,
capital industriel - Hanti sanceed
forme générale du capital - Formulaha guud ee Hanti,
avance de capital - Hanti qadiman.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cariifa
name-f knowledgeable, cognizant, acquainted
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carqalo
m.dh la-mid: carqalad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carqalo
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhaliya in hawl iwm oo socday uu wiiqmo. Dh: carqalad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Crystal
Wiriq
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Crystal
Wirlq
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
crystal
/kristal/ (n) 1. qarsho dabiici ah oo sida barafka u iftiinta (n) 2. dhalo aan midab lahayn oo arag-gudbiye ah (n) 3. jariir (burburka yar yar ee wax adke ah sida sonkorta, milixa iwm.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
marital
/maaratal/ ee guur (guurka qofka; guur ku lug leh).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
marital
marital, adj. - la xidhiidha guurka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
marshal
/maarshal/ (n) 1. maarshaal (darajada ugu sarraysa ee ciidamada) 2. qof sarkaal sare ah (oo meel u sarreeya) 3. isku-habayn (isku-duwid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax caro haysa ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carbisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax caro haysa ahaansho. m.f.dh, carbisnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carbisan
der. [adjective] trained, exercised, taught; tamed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carbisan
-aa / ayd: (adj) trained (tareeynidh); coached (koojid); prepared (piri-peeridh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbisan
(tilmaame) qof ama bahal la rabbeeyay. Libaaxani waa mid carbisan. Dh: rabbaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carbisan
de: trained, exercised, taught; tamed
lx: carbisan
pd: (carbisnaa)
ps: adj-der
key: carbisan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cardinal
/kardhinal/ (n) 1. wadaadka kaniisadda u sarreeya (adj) 2. aasaasi ah (ugu muhiimsan).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
cardinal
/kardhinal/ (n) 1. baathyrighy kaniisythy katoollikithy ingky koreeyi oo poopky hoos seethaw. 2. shimbir arly Ameeriky luku helaw.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cardinal
cardinal, n.m. (religion) - waxa weye darajo lagagaadho diinta Kirishtaanka,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carigsad
-ka: (magac, lab, keli) canaagista iyo ka hor jeedsiga fikir, talo ama amar la bixiyay; wax la yeeli lahaa, qof dartii ama xumayntii u diidid, ama wax aan la sameeyeen oo qof ku xumayntii loo sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cariiqsi
(Cariiqsi-ga)
Wax la yeeli lahaa, qof darti ama ku xumaynti, u diidid; wax aan la sameeyeen oo qof ku xumaynti loo sameeyo; (ama cariigsi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiqsi
m.l 1. Wax la yeeli lahaa, qof darti ama ku xumaynti, u diidid; wax aan sameeyeen oo qof ku xumaynti loo sameeyo. 2. la-mid: cariiqsasho. la-mid: cariiqsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cariiqsi
m.l 1. Wax la yeeli lahaa, qof darti ama ku xumaynti, u diidid; wax aan sameeyeen oo qof ku xumaynti loo sameeyo. la-mid: cariiqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cariiqsi
vl. n. provoking, 'bugging' someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cariiqsi
-ga: (n) the act of challenging or provoking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiqsi
-ga: (magac, lab, keli) carigsi; canaagid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cariiqsi
de: provoking, 'bugging' s.o.
lx: cariiqsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: cariiqsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiqso
f.mg3 (-saday, -satay) Ku c.: fal cid lagu canaadayo ku kicid. la-mid: cariigso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cariiqso
f.mg3 (-saday, -satay) Ku c.: fal cid lagu canaadayo ku kicid. m.f.dh, cariiqsasho. la-mid: cariigso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cariiqso
v. provoke, do something out of spite
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiqso
(fal) eeg cariigso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cariiqso
de: provoke, do s.t. out of spite
lx: cariiqso
pd: (cariiqsaday)
ps: v3a=
xe: Dont provoke me!
xv: Ha i cariiqsan!
key: cariiqso
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
carnival
/kaarnival/ (n) meherijaan (xaflad shacbi oo leh ciyaaro, bannaanbax, cabbitaan iwm).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
carnival
/kaarnaval/ (n) feesty, iid, mahrajaang.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
charisma
/karisma/charismatic; (n) 1. burji (buruudka gofku dadka ku kasbado ama wax uga dhaadhicin karo) 2.karaamo, karaamaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dariiqad
-da: (magac, dhedig, keli) hab wax loo fahansiiyo qofka.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Parietal
Kood
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
parietal
(adj) walls of a cavity; of, or pertaining to a specific portion of the skull.
gidaarada godadka ama qayb ka mid ah lafta madaxa
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
parietal
parietal, adj. - lafta madaxa ee maskaxda ku wareegsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbisnaan
m.f.dh eeg carbisan. la-mid: carbisnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbisnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) rabbaysnaan; tababbarsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barriiqad
-ka: (magac, lab, keli) barriiqasho lugaha oo ku kala orda. Barriiqadka waa lagu kufaa. Dh: sinbiriirixad, silbad, tarrimba, sibiibasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadiyaal
m.l.kh la-mid: caadyaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaradqab
-ka: (magac, lab, keli) caws sidii uu u baxay aan la daaqin. Dh: afqab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajisnaan
m.dh la-mid: caajisnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajisnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof wahsanaaya ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cakisnaan
m.f.dh eeg cakisan². la-mid: cakisnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqli gal
adj., [expression] believable, credible; logical, rational, reasonable
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caqli gal
-ah: (adj) logical (loojikal)-, rational (raashinal)-, reasonable (rii-sana-bal); analytic, ratiocinative
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqli_gal
de: believable, credible; logical, rational, reasonable
lx: caqli gal
ps: adj-expr
key: caqli_gal
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cardinale
agg. e s.m.- jiheed; tiro; wadaad sare ee masiixi ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carfitaan
-ka: (magac, lab, keli) ur udgoon soo saaritaan.