cargun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cargun
m.dh Doog aad u jilicsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cargun
m.dh Doog aad u jilicsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carun
(Carun-ka)
Dhiigga intiisa cad; (ama yacarun).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carun
m.l 1. Dhiig guduudkiisu yaryahay. 2. Doog yar oo markaa soo baxay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carun
m. n., (mass n.): blood plasma
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carun
-ka: (n) the discharge of bloody mucus from the body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carun
-ka: (magac, lab, keli) nabarka dheecaankiisu aanu weli malax soocan noqon. Dh: yacarun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carun
de: blood plasma
lx: carun
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: carun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cardun
m.l la-mid: curdan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cardun
m. n. bud, shoot, sprout; newly born; unripe (plant, fruit); very young (of persons)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cardun
de: bud, shoot, sprout; newly born; unripe (plant, fruit); very young (of persons)
lx: cardun
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cardun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carbuun
(Carbuun-ta)
Wax la gadanayo qiimihiisa in kamid ah, oo horay loo sii baxsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbuun
carbuun¹: m.dh (-no, m.dh) In lacag ah oo cid wax laga gatay horumar ahaan loo sii siiyo.
carbuun²: f.g1 (-nay, -ntay) Wax la gadanayo qiimihiisa in ka mid ah qaddimin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carbuun
carbuun¹: m.dh (-no, m.dh) In lacag ah oo cid wax laga gatay horumar ahaan loo sii siiyo.
carbuun²: f.g1 (-nay, -ntay) Wax la gadanayo qiimihiisa in ka mid ah qaddimin. m.f.dh, carbuunid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carbuun
f. n. deposit, collateral, down payment; reservation
carbuun v. put down a deposit on, reserve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carbuun
-ta: (n) deposit (di-paazit); handsel (haand-sal); down payment; stake money, earnest money, caution money ~ rahaamad, booscelis
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
CARBUUN
Caparra Handsel Waa horay u bixinta qayb ka mid ah qiimaha wax la kala gatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbuun
(fal) wax lagu heshiiyey kala iibsigiisa, cudhaadh ka bixi.
carbuun -ta: (magac, dhedig, keli) wax lagu heshiiyey kala iibsigiisa, qiimihiisii qayb ka mid ah sii horummarin; curaar ka sii bixin. Dh: cudhaadh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
argue
/arg yuu/argues, arguing, argued; (v) murmid ama doadid. e.g. She always argues with her little sister.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
argue
/argyuu/ (v) murumow, doothow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
argue
v.tr., (press) cadaadi; (debate any question) iska xeji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arjun
f.g1 (-umay, -untay; -umi) Qof dhagax ku dilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arjun
(fal) wax qari; wax dabool ama aas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrun
arrun¹: m.l Fariisinta neef geel ah oo taagan la fariisiyo. la-mid: arrumid.
arrun²: f.g1 (-umay, -untay; -umi) Neef geel ah oo taagan fariisin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arrun
v. make (a camel) crouch ~ curl up
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arrun
de: make (a camel) crouch ~ curl up
lx: arrun
pd: (arrumay)
ps: v1=tr
key: arrun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caran
-ka: (magac, lab, keli) qof maangaab ah oo maskaxdiisu aanay dhannayn. Dh: doqon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cargo
m.dh.kh Laan ama miro curdan ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cargo
f. n. unripe, not mature (of vegetation)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cargo
/kaargo/ (n) xammuul (alaabta gaadiid lugu raro).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cargo
-ah: (adj) unripe (anrayp); immature ~ aan bislaan, curdan
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
cargo
/kaargo/ (n) ror (rorky baabuurky iwm.).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cargo
-ha: (magac, lab, keli) midhaha aan bisaylka ahayn. Dh: qaydhiin, qaarac. Li: bisayl.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cargo
cf: cardun
de: unripe, not mature (of vegetation)
lx: cargo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: cargo
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cargo
n., maal, -ki, shexnad, -di; bring your cargo, soo nawil, shexnadda nawila.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carin
m.f.dh eeg cari. la-mid: caris (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carin
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» noole, carasho ka keenid. Dh: dhirin; dhidhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casun
f.g1 (-umay, -untay; -umi) Cid casuumad u fidin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casun
f.g1 (-umay, -untay; -umi) Cid casuumad u fidin. m.f.dh, casumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casun
v. invite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
casun
-casumay / casuntay: (v) invite (invaayt) ~ martiqaad. Ex: xafladdii buu igu casumay; he invited me to the party
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casun
(fal) cid kale, martiqaad oo sooryee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casun
de: invite
lx: casun
pd: (casumay)
ps: v1=
xe: Thank you for inviting me.
xv: Waad ku mahadsantahay inaad i casuntay.
key: casun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curun
m.l Xirmo xaskul, caws, mayrax iyo wixi lamida ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarun
-ta: (magac, dhedig, keli) dhir yar oo jiq ah oo meel kooban ka baxda. Riyihii qarunta ayay galeene dacawada ka eega. Dh: jidji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urgun
m.l (-unno, m.dh) Hoore adkaaday oo weel salkiisa ku haray, gufar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urgun
-ka: (magac, lab, keli) hoore adkaaday oo weel salkiisa ku haray, gufar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarun
(Xarun-ta)
1. Meel barakaysan oo loo soo xarmado, la soo aado, la isugu yimaado.
2. Xaram.
3. Saldhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarun
m.dh (-umo, m.l) 1. Caasimad; magaalo madax. 2. Rug; saldhig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xarun
m.dh (-umo, m.l) 1. Caasimad; magaalo madax. 2. Rug; saldhig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarun
f. n. place of pilgrimage; religious community; seat of government, capital; headquarters; center
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xarun
-ta: (n) center (sen-tar) also centre; station (isteey-shin) ~ saldhig 2. base (beeys). Ex: xarun milatari; military base
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarun
-ta: (magac, dhedig, keli) guri intiisa dhawran ee dumarka u gaarka ah. Dh: xaran, xaram.
xarun -ta: (magac, dhedig, keli) meel saldhig ah oo dad badani iskugu yimaaddaan oo maamul iyo hoggaan uu fadhiyo. Waxa caasimad walba laga dhisaa xarun ciidan. Dh: saldhig, Wa: xarumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xarun
de: place of pilgrimage; religious community; [ext.] seat of government, capital; headquarters; center
initial: x
lx: xarun
pd: (-ta Pl: xarumo (/ha))
ps: n1-f, n2-f
key: xarun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aargud
f.mg1 (-day, -dday) 1. Ka aa.: cid dakano ay gashay ka gudid. 2. U aa.: cid qof laga dilay, ciddii dishay qof ka mid ah dilid. la-mid: aargudo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aargud
f.mg1 (-day, -dday) 1. Ka aa.: cid dakano ay gashay ka gudid. 2. U aa.: cid qof laga dilay, ciddii dishay qof ka mid ah dilid. m.f.dh, aargudid. la-mid: aargudo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargud
(fal) «u ~» ciddaada oo aano loo geystay uga soo goo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajuun
-ka: (magac, lab, keli) dibiga yar ee aan geesku weli u soo bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cangub
(Cangub-ka)
Geedquwaax dheddinka u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cangub
m.l Geed quwaax qodax leh oo dhiddinka u eg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cangub
m.l Geed quwaax qodax leh oo dhiddinka u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cangub
m. n., [collective] resin-bearing plant species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cangub
-ka: (magac, lab, keli) geedquwaax dhiddinka u eg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cangub
de: resin-bearing plant sp. which can cause itching similar to the effect of poison ivy
lx: cangub
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: cangub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carayn
m.f.dh eeg caree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carayn
-ta: (n) an act of daring; a challenge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale 'car!' ku dhihid oo u digid. Dh: carays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carbin
(Carbin-ta)
Hebed ka dhigid; layiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbin
m.f.dh eeg carbi. la-mid: carbis (2).
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Carbin
Istruire
To train
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale, rabbayn oo laylitirid. Dh: laylyid, agabbarid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
carbon
/karbon/ (n) curiyaha kaarboon, waa curiyaha dhuxushu ka kooban tahay.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
carbon
/karbon/ (n) kaarboong (wal kiimiky eh oo walaaghi noolby luku helaw). Diamonds are carbon in the form of crystals.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cargis
-ka: (magac, lab, keli) eeg carqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carmin
(Carmin-ta)
1. (weel) carmo marmarin.
2. Tumid yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmin
m.f.dh eeg carmi. la-mid: carmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carmin
-ta: (magac, dhedig, keli) tunniin aan badnayn tumid. Dh: carmis.
carmin -ta: (magac, dhedig, keli) 'weel' carmo marmarin. Dh: carmis.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Carpus
Gobolka Cumaacumta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carqin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo wasakhayn; biyo fadhiya walaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cartan
(Cartan-ka)
Kulayl la rogrogmanaya; kul; caro; dhirif; xanaaq; karkar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cartan
cartan¹: m.l Qaylo iyo wax burburin ay sameeyaan nafleyda qaar marka ay xanaaqaan. la-mid: cartamid.
cartan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. Ur aad u udgoon wax ka soo urid. 2. la-mid: car 2. Xanaag dartii, qaylo iyo wax burburin samayn. 3. Karkarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cartan
cartan¹: m.l Qaylo iyo wax burburin ay sameeyaan nafleyda qaar marka ay xanaaqaan.
cartan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. Ur aad u udgoon wax ka soo urid. 2. la-mid: car 2. Xanaag dartii, qaylo iyo wax burburin samayn. 3. Karkarid. m.f.dh, cartamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cartan
v. become angry; boil
cartan vl. n. anger; roar; boiling
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cartan
nickname; name-m anger; roarer; boiling. Syn: Carte
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cartan
-cartamay / cartantay: (v) become angry; anger (ang-ger); j annoy ~ xanaaq, carood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cartan
ama Carte, magac loo baxsho wiil hooyadii ay la dhib aragtay fooshiisa. Waxa kale oo loo baxshaa wiil kolkii uu yaraa oohin badnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cartan
(fal) xanaaq oo kirtan.
cartan -ka: (magac, lab, keli) kulayl ama cadho la kirtamid, la rogrogmid. Dh: xanaaq, dhirif, cadho, karkar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
carton
/kartan/ (n) kartoon (sanduuq warqad adag ka samaysan).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
carton
/kartan/ (n) kartoong (sanduuq oo baaky amy aag luky suubiyi).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
carton
carton, n.M. - Kartuush; Kartoon,
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caruus
-ka: (n) bridegroom (baraaydh-guruum); groom (guruum) ~ arooska
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caruus
-ka: (magac, lab, keli) nin aroos cusub ku jira oo markaa uun guursaday. Dh: aroos.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayuun
(Cayuun-ta)
Jaadadka geela jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayuun
cayuun¹: m.dh 1. Geel gaagaaban oo laga helo deexda. 2. Eegmo dhibaato leh oo dadka qaarkii leeyahay. la-mid: acyuun.
cayuun²: f.g1 (-uumay, -uuntay) Cid il wax ku yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cayuun
cayuun¹: m.dh 1. Geel gaagaaban oo laga helo deexda. 2. Eegmo dhibaato leh oo dadka qaarkii leeyahay. la-mid: acyuun.
cayuun²: f.g1 (-uumay, -uuntay) Cid il wax ku yeelid. m.f.dh, cayuumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayuun
f. n. camel species
cayuun [feminine] n. evil eye, casting the evil eye on someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayuun
-ta: (n) a stare believed to cause someone misfortune; an evil eye ~ il, dhajis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayuun
-ka: (magac, lab, keli) jaadadka geela midkood. Dh: ayuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curdun
m.l la-mid: curdan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fargan
(Fargan-ka)
Wax yar oo adag (quruurux, kd.) oo inta si gaar ah faraha loogu qabto, xoog loo gano; finiin.