careeran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
careeran
(fal) mid la wada arkayo oo muuqda, noqo; caan noqo. Nin warkiisu carceerayoo, wanaaggiisu cad beelayoo, noqo cawri ka baaqday. Dh: muuqo, caanbax. Li: qarsoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caweeran
f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Qof aan indhaha si fiican wax uga arag noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caweeran
f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Qof aan indhaha si fiican wax uga arag noqosho. m.f.dh, caweermid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caweeran
v. be partially blind, have impaired vision because of trauma ~ illness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caweeran
(tilmaame) mid cawaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caweeran
de: be partially blind, have impaired vision because of trauma ~ illness
lx: caweeran
pd: (caweeramay)
ps: v1=
key: caweeran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hareerayn
(Hareerayn-ta)
Hareeraha ka marid; xerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hareerayn
m.f.dh eeg hareeree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hareerayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhinac walba ka marid: hareeraha ka marid. Tuugga hareerayn baa lagu qabtaa. Dh: xerayn, hareerays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shareeran
La shareeray; awdan; qarsoon; jiq ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shareeran
shareeran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Wax la qariyey noqosho. 2. Wax la awday noqosho.
shareeran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax la qariyey ahaansho. 2. Wax la awday ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shareeran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) 1. Wax la qariyey ahaansho. 2. Wax la awday ahaansho. m.f.dh, shareernaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shareeran
der. [adjective] blocked, covered with thick undergrowth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shareeran
(tilmaame) mid la shareeray; qof wejigiisu qarsoon yahay. Shalaan arkay gashaanti shareeran. Dh: awdan, qarsoon, shaqlan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shareeran
de: blocked, covered with thick undergrowth
initial: s
lx: shareeran
pd: (shareernaa)
ps: adj-der
key: shareeran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wareersan
Wareer qaba; wareer hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareersan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax wareeray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wareersan
der. [adjective] dizzy, with one's head spinning; confused; agitated, restless
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wareersan
-aa / ayd: (adj) 1. headachy (heedh-eki); having a headache. 2. confounding (kon-fawnding); bewildered (bi-wil-deridh); puzzled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareersan
(tilmaame) wareer qaba; doorsoon.
wareersan: (tilmaame) madaxu xanuunayo oo dawakhsan ah. Nin wareersan baa ii yimid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wareersan
de: dizzy, with one's head spinning; confused; agitated, restless
initial: w
lx: wareersan
pd: (wareersanaa)
ps: adj-der
key: wareersan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
career
/kariyar/ (n) 1. xirfad; mihno (v) 2. xawaarayn; roorid (xawaare daran ku ordid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
career
/koriyar/ (n) 1. hool amy shughul qofky demeng dheer wethy. My brother chose a career as a farmer. (v) 2. kabaal-kuurrumow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
areerin
m.l.kh A. ah: hilib jiir ah oo daliigo dhaadheer oo dhuudhuuban laga dhigay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
areerin
m.l.kh A. ah: hilib jiir ah oo daliigo dhaadheer oo dhuudhuuban laga dhigay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
areerin
-ta: (magac, lab, keli) hab kolka hilbo la muqmadaynayo loo dhaadheereeyo si ay engejintiisu u fududaato. Naagyahay abiidkay ma cunin soor areerinahe. Dh: dareerin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bareera
name-f intention; frankness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bareera
magac loo baxsho gabadh la rajaynayo inay noqoto qof dhiirran oo si aan madmadow lahayn wax u samaysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
careeya
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar dumarka u gaar ah oo ay ciyaaraan marwooyinka guurkoodu cusub yahay. Careeya waxa lagu jiibiyaa: careeyo careeyadeeniiyey, careeyo waa nimay raacdaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
careysan
der. [adjective] angry, enraged, angered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
careysan
-careysnaa I careysnayd: (adj) angry (ang-geri), disgruntled (dis-gurantlidh) ~ xanaaqsan, caraysan. —Syn: furious, indignant, irate, ireful, mad, wrathful
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
careysan
a: cadhaysan ~ caraysan
de: angry, enraged, angered
lx: careysan
pd: (careysnaa)
ps: adj-der
key: careysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cartiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) la-mid: catiran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dareerin
(Dareerin-ta)
1. (xoolo, biyo, kd.) meel ka kaxayn oo meel kale u dhaqaajin.
2. (hilib) daliigo dheerdheer ka dhigid.
3. (hadal, akhris) tixid; matin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareerin
dareerin¹: m.f.dh eeg dareeri. la-mid: dareeris¹, dureerin.
dareerin²: m.dh (xisaab) Wadarta tibxaha ee susun. Guud ahaan, waa tibaax leh sansaanka ah x1 + x2 + x3 + x4 +... taas oo x1 ay yihiin tirooyin maanagal ah ama murakab ah (series).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareerin
m.dh (xisaab) Wadarta tibxaha ee susun. Guud ahaan, waa tibaax leh sansaanka ah x1 + x2 + x3 + x4 +... taas oo x1 ay yihiin tirooyin maanagal ah ama murakab ah (series).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dareerin
Series
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareerin
-ta: (magac, dhedig, keli) kaxaynta xoolaha laga saaro xerada oo la soofgeeyo. Dh: soofin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hareeray
(fal) dhinacyada ka gal oo xeray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarreran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Dhar, derbi iyo wixi lamida wax dillaacay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarreran
-ka: (magac, lab, keli) dhar, derbi ama wax kale oo dillaacay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wareerin
(Wareerin-ta)
Wareer ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareerin
m.f.dh eeg wareeri.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wareerin
-ta: (n) confusion (kon-fiyuu-shin); confusing (kon-fiyuus-ing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareerin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale wareer ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cargeegtan
-ka: (magac, lab, keli) eeg cargaagtan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabeebsan
(tilmaame) mid cabeeb hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carceerid
m.f.dh eeg carceer². la-mid: carceer¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carceersi
m.l la-mid: carceersasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carceerso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax muuqaalkiisa libdhid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carceerso
v. fix one's gaze intently (to see at a distance); look at something with blurred vision
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carceerso
de: fix one's gaze intently (to see at a distance); look at s.t. with blurred vision
lx: carceerso
pd: (carceersaday)
ps: v3a=intr
key: carceerso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
carcerare
v.tr. - xabbisid, xirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dameerayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faalka kolka la dhigo oo uu qaldamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareensan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax dareemay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareensan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax, wax dareemay ahaansho. m.f.dh, dareensanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dareensan
der. [adjective] suspected; sensed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareensan
(tilmaame) maanka ku haya oo og.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dareensan
de: suspected; sensed
lx: dareensan
pd: (dareensanaa)
ps: adj-der
key: dareensan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareersad
m.l la-mid: dareersasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hareeraha
(n) [Plural] surroundings (sa-rown-dhingis) ~ nawaaxiga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hareerays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hareerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jareexayn
(Jareexayn-ta)
Hadal jareexo ah, qof ku dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jareexayn
m.f.dh eeg jareexee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jareexayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, hadal ku dhibid oo adyadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maageeran
f.mg1 (-rmay, -rantay) Ku m.: ood dhagax, iyo wixi lamida wax meel lagu wareejiyey ahaansho. la-mid: maageersan, meegaaran, meegaarsan, waageeran, waag
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maageeran
f.mg1 (-rmay, -rantay) Ku m.: ood dhagax, iyo wixi lamida wax meel lagu wareejiyey ahaansho. m.f.dh, maageernaan. la-mid: maageersan, meegaaran, meegaarsan, waageeran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maageeran
der. [adjective] encircled (by), surrounded (with); in a circle (around something)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maageeran
(tilmaame) wax wareejisan ah, deyran ah. Jago maageeran ayaan iibsaday Dh: deyran, meegaaran, wareejisan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maageeran
a: meegaarsan
de: encircled (by), surrounded (with); in a circle (around s.t.) (with preposition ku)
lx: maageeran
pd: (maageernaa)
ps: adj-der
key: maageeran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sareedaan
(Sareedaan-ka)
Jikada doonyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sareedaan
m.l (-aammo, m.dh) Jikada doonyaha iyo maraakiibta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sareedaan
m. n. ship's galley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sareedaan
-ka: (magac, lab, keli) barwaaqo iyo khayr badnaanta.
sareedaan -ta: (magac, dhedig, keli) halka ay dadka doonyuhu wax ku karsadaan ee madbakha u ah. Dh: jiko.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sareedaan
de: ship's galley {E}
initial: s
lx: sareedaan
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: sareedaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sareedayn
m.f.dh eeg sareedee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sareedayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaago ka dhigid; baraarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waageeran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) la-mid: maageeran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waageeran
(tilmaame) deyr ama ijaar ku meegaarsan ah. Booto meegaaran ayaan ibbsaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareegsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax qaab goobaabin ah leh ahaansho. 2. Ku w.: wax meel ku hareeraysan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wareegsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax qaab goobaabin ah leh ahaansho. 2. Ku w.: wax meel ku hareeraysan ahaansho. m.f.dh, wareegsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wareegsan
der. [adjective] round, circular
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wareegsan
-aa / ayd: (adj) round (raawn-di); circular (seer-ki-laar); curved (keer-vidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareegsan
(tilmaame) deyr ama miir ku xayndaaban ah. Dh: meegaaran.
wareegsan: (tilmaame) duuban oo isku meersan ah. Xadhiggu wuu isku wareegsan yahaye kala bixbixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wareegsan
cf: kob, jaan, kuryeysan
de: round, circular
initial: w
lx: wareegsan
pd: (wareegsanaa)
ps: adj-der
key: wareegsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xareedayn
(Xareedayn-ta)
Xareed ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xareedayn
m.dh (kiimika) Hab ka kooban karkarinta hoor iyo qaboojinta uumigiisa. Xareedaynta waxa loo isticmaalaa safaynta hoorarka ama kala sooridda xubnaha iskujir hoor ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xareedayn
m.dh (kiim.) Hab ka kooban karkarinta hoor iyo qaboojinta uumigiisa. Xareedaynta waxa loo isticmaalaa safaynta hoorarka ama kala sooridda xubnaha iskujir hoor ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xareedayn
Distilation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xareedayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xareed ka dhigid. Dh: saafiyayn, xareedays.
xareedayn-ta: (magac, dhedig, keli) hab milanka hooreyaasha isku jira lagu kala sooco iyada oo la kulaylinayo illaa uu midi uumi ama adke isku beddelayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bareeritaan
-ka: (magac, lab, keli) qarsoodi iyo gabbasho li'i wax u samayn. Dh: badheedhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casarweerar
-ka: (magac, lab, keli) weerar badheedh ah oo aan geed loogu soo gabban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hareeraysan
(tilmaame) wax dhinac kastiba laga maray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hareereysan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax hareer kasta looga meersan yahay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hareereysan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax hareer kasta looga meersan yahay ahaansho. m.f.dh, hareereysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musareersan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: musaraarsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saranseeran
(tilmaame) mid dhibaato iyo wax uu xaq u lahaa waayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shareernaan
m.f.dh eeg shareeran². la-mid: shareernaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareeritaan
-ka: (magac, lab, keli) wareer qabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caran
-ka: (magac, lab, keli) qof maangaab ah oo maskaxdiisu aanay dhannayn. Dh: doqon.