carcoorriyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carcoorriyid
m.f.dh eeg carcoorri². la-mid: carcoorrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carcoorriyid
-da: (magac, dhedig, keli) bawdaqaawis been ah samayn; goolaaftan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carcoorri
(Carcoorri-ga)
Bowdoqaawis been ah; garmaame.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carcoorri
carcoorri¹: m.dh Bawdaqaawis been ah; garmaame.
carcoorri²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Bowdaqaawis samayn; garmaamayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carcoorri
v. threaten to do something; show one is willing to do something without really intending to
carcoorri vl. n. girding one's loins, tightening up one's garments before a fight; bluffing preparation for a fight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carcoorri
(fal) bawdaqaawis been ah samee. Dh: goolaaftan.
carcoorri-da: (magac, dhedig, keli) bawdaqaawis aan dhab ahayn; goolaaftan.
carcoorri-ga: (magac, lab, keli) socod tartiib ah; socod degganaan iyo xasilooni ka muuqdaan.
carcoorri-ga: (magac, lab, keli) druur biyo gelisay oo laga filanayo in ay da'do. Cirku maanta meeluu ka curtaba wuu carcooriyayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carcoorrin
m.dh la-mid: caarcooriyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carcoorrin
-ta: (magac, dhedig, keli) bawdaqaawis been ah; goolaaftan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carcoorri_1
de: threaten to do s.t.; show one is willing to do s.t. without really intending to
hm: 1
lx: carcoorri
pd: (carcoorriyey)
ps: v2a=
key: carcoorri_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carcoorri_2
de: girding one's loins, tightening up one's garments before a fight; bluffing preparation for a fight
hm: 2
lx: carcoorri
pd: (-ga)
ps: vn-m
syn: bowdoqaawis
key: carcoorri_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamboorriyid
m.f.dh eeg hamboorri².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamboorriyid
-da: (magac, dhedig, keli) sidii wax xagga hore u dhacaya oo kale u socod; handoolliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanboorriyid
(Hanboorriyid-da)
Horay u tuurid, u riixid, u harbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanboorriyid
-da: (magac, dhedig, keli) horay u tuurid, u riixid, u harbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darandoorriyid
(Darandoorriyid-da)
Darandoorriga samayntiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darandoorriyid
m.f.dh eeg darandoorri². la-mid: darandoorri¹ (3), darandoorrin, darandoorris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darandoorriyid
-da: (magac, dhedig, keli) naasaha si isweydaar ah u dhiijin oo caano uga lisid. Geela darandoorriyid ayaa lagu lisaa. Dh: darandoorrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darooryid
(Darooryid-da)
Hadal badan oo daroori ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darooryid
m.f.dh eeg daroori². la-mid: darooryaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darooryid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg darooryaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caarootiyid
m.f.dh eeg caarooti². la-mid: caarooti¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarootiyid
-da: (magac, dhedig, keli) roob aan weli dhab u curan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marmaarriyid
(Marmaarriyid-da)
Si marmaarri ah, wax meel ugu mudid, u gelin, ugu librin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marmaarriyid
m.f.dh eeg marmaarri². la-mid: marmaarri¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmaarriyid
-da: (magac, dhedig, keli) ku cadaadin oo meel cidhiidhi ah ku jujuubid. Marmaarriyidda musbaarku gidaarka way jebisaa. Dh: jujuubid, cadaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroorsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: baroori.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroorsii
(fal) qof kale, ka oohi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caracoori
-ga: (magac, lab, keli) xadhko iyo wax la mid ah oo la isku tidco oo la midabeeyo. Waxa qoorta loo sudhaa wanka sumalka ah ee idaha lagu daro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carceerid
m.f.dh eeg carceer². la-mid: carceer¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiryid
m.dh la-mid: ciriiryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carroobid
m.f.dh eeg carrow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darroorid
(Darroorid-da)
Darroor soo deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darroorid
m.f.dh eeg darroor².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garsoorid
(Garsoorid-da)
Garta dadka u qaybin oo ku kala saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garsoorid
m.f.dh eeg garsoor². la-mid: garsoor¹ (2).
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Garsoorid
Giustizia
Justice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garsoorid
-da: (magac, dhedig, keli) garta dadka u qaybin oo ku kala saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarqoorid
(Qarqoorid-da)
Wax la qarqooray, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqoorid
m.f.dh eeg qarqoor². la-mid: qarqoor¹, qooqaar¹, qooqaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqoorid
-da: (magac, dhedig, keli) meel wax laga soo bixinayo intay ku fadhdhido godid oo soo afwareegid. Dhagaxa qarqoorid la'aan lagu bixin kari maayo. Dh: qarqooris.
qarqoorid -da: (magac, dhedig, keli) nabar muuqda oo dillaacsan ku jiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarroorid
m.f.dh eeg qarroor².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarroorid
-da: (magac, dhedig, keli) surgin, muruş cinjir iyo wixii la mid ah, guntamid oo isku roorid Qarrooridda muruqu way xanuun badan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asoolliyid
m.f.dh eeg asoolli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baroordiiq
(Baroordiiq-a, Baroordiiq-da)
Qof wax culusi gaareen, hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis ah oo lagu yiraahdo; baroor la qaybsad; tacsi ugu tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroordiiq
baroordiiq¹: m.l/dh 1. Hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis oo loo jeediyo qof dhibaato culus gaartay; tacsi. 2. la-mid: baroordiiqid.
baroordiiq²: f.mg1 (-qay, -qday) U b.: hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis ah qof dhibaato culus gaartay u jeedin; tacsi ugu tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baroordiiq
baroordiiq¹: m.l/dh Hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis oo loo jeediyo qof dhibaato culus gaartay; tacsi.
baroordiiq²: f.mg1 (-qay, -qday) U b.: hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis ah qof dhibaato culus gaartay u jeedin; tacsi ugu tegid. m.f.dh, baroordiiqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baroordiiq
vl. n., [compound] consoling, sympathizing, joining in mourning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baroordiiq
-da: (n) the act of mourning (moorning) ~ tacsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroordiiq
-da: (magac, dhedig, keli) hadallo dejin iyo samirsiis ah oo lagu yidhaado qof dhib culus ama geeriyi ku timi. Dh: tacsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baroordiiq
de: consoling, sympathizing, joining in mourning
lx: baroordiiq
pd: (-a ~ -da)
ps: vn2a-m/f-cmp
key: baroordiiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroorsiin
m.dh la-mid: baroorin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroorsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ka oohin. Ka baroorsiinta waalidku ma fiicna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coorcoorid
m.f.dh eeg coorcoor².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haloosiyid
m.f.dh eeg haloosi². la-mid: haloosin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haloosiyid
-da: (magac, dhedig, keli) waddo weyni iyo ballaar isku darsatay noqosho; haloodid.
haloosiyid-da: (magac, dhedig, keli) wax soo socda oo la qaban doono isku diyaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sagootiyid
(Sagootiyid-da)
Qof tegaya cabbaar sii raacid; anbabbixin; (ama saagootiyid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagootiyid
m.dh la-mid: saagootiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagootiyid
-da: (magac, dhedig, keli) qof tegeya, sii dhowayn: cabbaar sii raacid oo anbabixin. Li: soodhoweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraariyid
-da: (magac, dhedig, keli) gariirid; ruxid; gilgilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caloolbixid
(Caloolbixid-da)
Calooshoo inta dhaqaaqda baxda; shubmid; dooxmid; falmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolbixid
m.f.dh eeg caloolbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolbixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg caloobax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carancoorri
-ga: (magac, lab, keli) xadhig loo xidho wanka sumalka ah marka idaha lagu darayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carcaraafid
m.f.dh eeg carcaraaf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maroorsamid
m.f.dh eeg maroorsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maroorsamid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u xoodmid oo u qalloocsamid. Dh: qalloocsamid, xoodmid. Li: toosmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaloombiyid
m.f.dh eeg qaloombi². la-mid: qaloombi¹, qaloombin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaloombiyid
-da: (magac, dhedig, keli) buuq iyo sawaxan samayn. Dh: buuqid, hugmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaloonbiyid
(Qaloonbiyid-da)
Buuqid; hugmid; dhawaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaloonbiyid
-da: (magac. dhedig. keli) eeg qaloombiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarqarsiyid
(Qarqarsiyid-da)
1. Qarqarsi u xirid.
2. Ku dirqin; khasbid; sandulleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarqarsiyid
m.f.dh eeg qarqarsi². la-mid: qarqarsiin, qarqarsiinyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarqarsiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid bugta jal ku khasbid. Nin buka qarqarsiyid wax ku sii. Dh: dirqiyid.
qarqarsiyid-da: (magac, dhedig, keli) rati si aanu u kicin surka iyo jeenyaha iskaga xidhid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saagootiyid
m.f.dh eeg saagooti². la-mid: saagooti¹, sagooti¹, sagootiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saagootiyid
-da: (magac, dhedig, keli) qof tegeya sii raacid oo woxoogaa sii dhoweyn. Dh: sabootiyid, saabootiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baroordiiqid
m.f.dh eeg baroordiiq². la-mid: baroordiiq¹ (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baroordiiqid
-da: (magac, dhedig, keli) calaacal loogu ooyo qof dhintay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbaadhiyid
-da: (magac, dhedig, keli) si durduro ku jirto u ordid. Dh: durdurin, baabacayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handoolliyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hamboorriyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrageddiyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg carrageddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waraabootiyid
(Waraabootiyid-da)
Waraabooti ama bahalow ku dhicid; bahaloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabootiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cudur waraabooti ama bahalow ah qaadid. Dh: bahaloobid.