caqlisasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqlisasho
m.dh la-mid: caqliyaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqliyaysasho
m.f.dh eeg caqliyayso. la-mid: caqlisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqliyaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) caqli yeelasho; garaadaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtiisasho
-da: (magac, dhedig, keli) noole dilo oo wax bakhtiyay ka dhigasho. Bakhtiisashada guduudanaha waa lagu yaqaan.
baqtiisasho-da: (magac, dhedig, keli) nal ama dab shidan densashadii. Bakhtiisashada dabka waad la daahdaye horay nooga demi. Dh: baqtiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabiidsasho
(Cabiidsasha-da)
Addoonsasho; beelaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiidsasho
m.f.dh eeg cabiidso. la-mid: cabiidsad, cabiidsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiidsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cabiidsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadiigsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax samayntii iska diidid oo carigsi. Dh: cadiigsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel kore oo dusha laga fuulo samaysasho. Dh: callaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canqarsasho
m.dh la-mid: anqarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canqarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo aad hadda dhashay, biyo ama caano siin. Dh: anqarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariigsasho
m.dh la-mid: cariiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariigsasho
-da: (magac, dhedig, keli) canaagidda cid kale. Dh: cariigsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cariiqsasho
(Cariiqsasha-da)
Cariiqsi wax u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiqsasho
m.f.dh eeg cariiqso. la-mid: cariigsad, cariigsasho, cariigsi, cariiqsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) canaagis; amardiidis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaqiiqsasho
(Xaqiiqsasha-da)
Xaqiiqadii gaarid; rumaysasho; hubsasho; sugid; salgaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqiiqsasho
m.f.dh eeg xaqiiqso. la-mid: xaqiiqsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqiiqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hubsasho oo jiriddeeda ka salgaadhid. Dh: hubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaqiinsasho
(Yaqiinsasha-da)
Rumaysasho; xaqiiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaqiinsasho
m.f.dh eeg yaqiinso. la-mid: yaqiinsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaqiinsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax la arkay ama la maqlay rumaysasho. Beenaale warkiisu yaqiinsasho ma leh. Dh: xaqiiqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calasho
f.g3 (-shaday, -shatay) la-mid: calalso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calasho
(fal) cunto iyo wax la mid ah, afka geli oo ilkaha ku googoo oo raamso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqasho
m.dh la-mid: aqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg caqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqliso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: caqliyayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqliso
v. become intelligent; become experienced
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqliso
a: caqliyayso
de: become intelligent; become experienced
lx: caqliso
pd: (caqlistay)
ps: v3b=intr
key: caqliso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lisasho
m.f.dh eeg liso. la-mid: lisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lisasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo maalasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) baxsad gelin. Dh: didsasho, eryasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabsasho
(Cabsasha-da)
Cabsiyi gelid; biqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsasho
m.f.dh eeg cabso. la-mid: cabsad, cabsi, cabsood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabsasho
vl. n. fear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabsasho
-cabsashada: (n) fright (faraayt); dread, terror or fear cabsi
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cabsasho
Timore
Fearsome
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareenka welwel wehesho oo mustaqbalka dhow halis laga cabsanayo. Dh: baqasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabsasho
de: fear
lx: cabsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: cabsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calfasho
(Calfasha-da)
Calaf ka dhigasho; dheefsasho; (ama calafsasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calfasho
m.dh la-mid: calafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calfasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calfad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calmasho
(Calmasha-da)
Jeclaysasho; doorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calmasho
m.f.dh eeg calmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calmasho
vl. n. act of choosing, loving
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calmasho
-calmashada: (n) a wish or longing; desire (di-zaayr)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calmasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calmad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calmasho
de: act of choosing, loving
lx: calmasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: calmasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqlisad
-ka: (magac, dhedig, keli) korodhka waaya'aragnimada; garaadsad; caqliyaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqsasho
m.f.dh eeg naqso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) naq roobaad oo xareed iyo doog reeba helid. Dh: doogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalsasho
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale oo cadaw ah, dilkiisa baal ku qaadasho oo ku faanid ama sharaf ku sheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynsasho
m.f.dh eeg caynso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cayn xirasho caynso: (fal) muur, caynka ku xidho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayrsasho
-cayrsashada: (n) the act or an instance of chasing or pursuing ~ eryasho, bursasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasisasho
m.f.dh eeg nasiso².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamisasho
m.f.dh eeg qamiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaylsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, qayladhaan u dirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariisasho
m.f.dh eeg bariiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariisasho
-da: (magac, dhedig, keli) subaxdii oo dib loo dhigo dareerinta xoolaha siiba xilliyada barwaaqada ah, gaar ahaan adhiga iyo lo'da. Bariisashada hore ku gaadha reerka. Bariisashada ayaan kuu iman. Dh: bar barqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbirasho
-da: (magac, dhedig, keli) walax inta ay tahay qiyaasasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cageysasho
m.f.dh eeg cageyso. la-mid: cageysad, cageysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calafsasho
m.f.dh eeg calafso. la-mid: calafsad, calafsi, calfad, calfasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calafsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax calaf ka dhigasho. Dh: calafsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalsasho
m.f.dh eeg calalso. la-mid: calalsad, calalsi, calashad, calashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calalsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqliyayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Ilmo, wax garaadkiisu kordhay noqosho. 2. Qof fal xun oo uu sameyn jirey ka waantoobid. 3. Qof bisil oo waaya-arag ah noqosho. la-mid: caqliso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caqliyayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Ilmo, wax garaadkiisu kordhay noqosho. 2. Qof fal xun oo uu sameyn jirey ka waantoobid. 3. Qof bisil oo waaya-arag ah noqosho. m.f.dh, caqliyaysasho. la-mid: caqliso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqliyayso
v.auto: acquire intelligence through experience ~ by other means
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqliyayso
(fal) garaad iyo fiiro dheer yeelo; waaya'arag noqo. Dh: caqliyeyso, aqliyayso, garaadayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqliyayso
de: acquire intelligence through experience ~ by other means
lx: caqliyayso
pd: (caqliyaystay)
ps: v3b=auto
key: caqliyayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararsasho
m.f.dh eeg cararso. la-mid: carareysad, carareysasho, carareysi, cacarsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carigsasho
-da: (magac, dhedig, keli) canaagista cid kale. Dh: carigsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydhsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ka daba orditaanka iyo baacsashada wax kaa cararaya oo kaa cabsoonaya. Dh: cayrsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbisasho
m.f.dh eeg dabbiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fariisasho
(Fariisasha-da)
1. Dhulka ama wax kale korkood salka dhigid ama saarid.
2. Degid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fariisasho
m.f.dh eeg fariiso. la-mid: fadhiisad, fadhiisasho, fariisad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fariisasho
-fariisashada: (n) the act of sitting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fariisasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fadhiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaddisasho
m.dh la-mid: geddisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaddisasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaabo ganacsi ah iibsasho; rogrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaldisasho
m.dh la-mid: jildisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labbisasho
(Labbisasha-da)
Labbis qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labbisasho
m.f.dh eeg labbiso. la-mid: labbisad, lebbisad, lebbisasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labbisasho
-labbisashada: (n) the act of dressing or wearing a cloth ~ dhar xirasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labbisasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhar qurux badan xidhan ahaan. Dh: lebbisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqaysasho
m.f.dh eeg naqayso. la-mid: naqaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan oo isku dhex jira inta fiican ka xulasho ama laba nooc kaad doonaysad ka doorasho. Dh: miidhad, doorasho, xulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaawisasho
m.f.dh eeg qaawiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaawisasho
-da: (magac, dhedig, keli) jidhka ama qayb ka mid ah dharka ka tirid: is qaawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallidasho
-da: (magac, dhedig, keli) sheekh culimada madaahibta ka mid ah masalo diini ah kaga dayasho. Hadaad cilmi u lahayn inaad nas dhigan xukun kala soo baxdo qallidasho samee. Dh: kudayasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbiidsasho
-da: (magac, dhedig, keli) adoonsasho ama bidde ka dhigasho. Dh: cabiidsasho, beelaysasho, biddeysasho, adoonsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carriigsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cadiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqtiinsasho
m.f.dh eeg naqtiinso. la-mid: naqtiinsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qallajisasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qallajisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąamiinsasho
m.dh la-mid: ąammiinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballansasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, ballan la dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caadaysasho
(Caadaysasha-da)
Caado ka dhigasho; caado u noqosho; wax u barasho; (ama caadeysasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadaysasho
m.f.dh eeg caadayso. la-mid: caadaysad, caadaysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caadaysasho
vl. n. act of forming a habit; getting used to something