caqliggaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caqliggaab
(Caqliggaab-ka)
Caqli gaaban leh; aan waxgarasho badnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqliggaab
m.l/dh (caqliggaab, m.dh) Qof aan caqli badan lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqliggaab
m. n., [compound] unintelligent person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqliggaab
de: unintelligent person
lx: caqliggaab
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: caqliggaab
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caqligaab
-ah: (adj): deficient in intelligence; feeble-minded (fiibal-maayndhidh) ~ caqli daciif
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqligaab
-ka: (magac, lab, keli) qof aragtidiisa ama fakarkiisu gaaban yahay. Dh: maangaab. Li: indheergarad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqli gal
adj., [expression] believable, credible; logical, rational, reasonable
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caqli gal
-ah: (adj) logical (loojikal)-, rational (raashinal)-, reasonable (rii-sana-bal); analytic, ratiocinative
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqli_gal
de: believable, credible; logical, rational, reasonable
lx: caqli gal
ps: adj-expr
key: caqli_gal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqli badan
adj., [expression] smart, very intelligent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caqli badan
(adj) smart (ismaart); bright (baraaytp, intelligent (in-ta-lajent) quick-witted (kuwik-witidh)-, intellectual (intel-ek-juu-el)-, brilliant (biriil-yant) ~ maskax badan, xariif, caqlilow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqli_badan
de: smart, very intelligent
lx: caqli badan
ps: adj-expr
key: caqli_badan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caqlillaawe
(Caqlillaawa-ha)
Aan caqli fiican lahayn; garaadlaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqlillaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Nin aan caqli fiican lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqlillaawe
m. n. slow person (not having a keen mind); not alert
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqlillaawe
de: slow person (not having a keen mind); not alert
lx: caqlillaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: caqlillaawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqlixumaan
-ta: (magac, dhedig, keli) garashaxumaan; maangaabnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masalaggaab
m.l.kh M. ah: nin aan cilmi badan lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqligaabnimo
-da: (magac, dhedig, keli) caqligaab ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalgab
f.mg1 (-bay, -btay) Ka c.: Karti iyo awood wax lagu qabto waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caalgab
f.mg1 (-bay, -btay) Ka c.: Karti iyo awood wax lagu qabto waayid. m.f.dh, caalgabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caalgab
v., [compound] give up, abandon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalgab
(fal) arrin aad ku jirtay, maaro iyo xal u waa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caalgab
de: give up, abandon
lx: caalgab
pd: (caalgabay)
ps: v1=cmp
key: caalgab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqlisad
-ka: (magac, dhedig, keli) korodhka waaya'aragnimada; garaadsad; caqliyaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqliyad
m.dh Ra'yi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caqliyad
m.dh Ra'yi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqliyad
f. n. mentality; idea, thought
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caqliyad
-da: (n) intelligence (in-tala-jansi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqliyad
-da: (magac, dhedig, keli) fikir iyo talo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqliyad
de: mentality; idea, thought
lx: caqliyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: caqliyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqliyay
(fal) «u ~» caqli ku sir, garaad ku dhaaf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqli la'
adj., [expression] senseless, meaningless; mindless, foolish, unintelligent
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqli yar
adj., [expression] stupid, foolish
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqli_la'
de: senseless, meaningless; mindless, foolish, unintelligent
lx: caqli la'
ps: adj-expr
key: caqli_la'
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqli_yar
de: stupid, foolish
lx: caqli yar
ps: adj-expr
key: caqli_yar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqliyari
m.dh Nacasnimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caqliyari
m.dh Nacasnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqliyari
f. n. stupidity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caqliyari
-da: (n) lack of intelligence; stupidness (istuu-pidh-nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqliyari
-da: (magac, dhedig, keli) garaadyari; maangaabni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqliyari
de: stupidity Lit: to have little brain
lx: caqliyari
pd: (-da)
ps: n-f
key: caqliyari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casargaab
m.l Waqtiga casarka ah qaybtiisa dambe. la-mid: casargaabad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casargaab
m.l Waqtiga casarka ah qaybtiisa dambe. la-mid: casargaabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawlitaan
-ka: (magac, lab, keli) midab cawl ah u yeelitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaggaab
-ka: (magac, lab, keli) surwaal gaaban oo inta jilbaha ka sarraysa oo qudha qariya.
dabaggaab-ta: (magac, dhedig, keli) naag xidhata dharka gaagaaban sida jiibka iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galabgaab
(Galabgaab-ka)
Galabta inteeda danbe; casargaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabgaab
m.l Galabnimada inteeda dambe ee qorraxdhaca ka horreysa. la-mid: galabgaabad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galabgaab
m.l Galabnimada inteeda dambe ee qorraxdhaca ka horreysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
galabgaab
m. n. late afternoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galabgaab
-ka: (n) afternoon (af ter nuun)-, late afternoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabgaab
-ka: (magac, lab, keli) galabta inteeda dambe. Dh: casargaab, casarliiq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
galabgaab
de: late afternoon
lx: galabgaab
pd: (-ka)
ps: n2-m-time
key: galabgaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halligaad
-da: (magac, dhedig, keli) halaag ku ridid; dhib weyn gaadhsiin. Dh: halligid, halligis, dilid.
halligaad -da: (magac, dhedig, keli) qabuuraha gaalada lagu aaso. Gaalada waxa lagu aasaa halligaad. Dh: qabuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karingaab
-ka: (magac, lab, keli) buuraha is haysta duudkooda kore oo siman meel inta kale ka gaaban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waqtigaan
n. phr., time: this time, currently, now
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waqtigaan
de: this time, currently, now
initial: w
lx: waqtigaan
ps: np-time
key: waqtigaan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caqlilaawe
-caqlilaawaha: (n) stupid male
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Caqlilaawe
Idiota
Idiot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqlilaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan caqli fiican lahayn; qof aan garasho badnayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casar gaab
m. n. late afternoon
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casar_gaab
de: late afternoon
lx: casar gaab
pd: (-ka)
ps: n2-m-time
key: casar_gaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hallignaan
m.dh la-mid: halaagnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallignaan
-ta: (magac, dhedig, keli) halignaan; baaba'naan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maalingaal
(Maalingaal-ka)
Hawl la dheereeyo oo la isku bixiyo; hawl aan la kala goyn, aan laga nasan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalingaal
maalingaal¹: m.l 1. Hawl maalin dhan socoto oo aan kala go' lahayn. 2. la-mid: maalingaalid.
maalingaal²: f.mg1 (-aalay, -aashay) Hawl maalin dhan wadid iyada oo aan la kala goyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maalingaal
m. n., [compound] long drawn-out ~ uninterrupted work
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalingaal
-ka: (magac, lab, keli) maalin hawsheeda la dheereeyo oo la isku bixiyo; hawl isku xiriirsan oo aan loo nassan.
maalingaal -ka: (magac, lab, keli) geedi socodkiisu maalin gellinkeed ka badan yahay dharaar iska dhanna ka yar yahay. Maalingaal ayuu reerku magaalada u jiraa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maalingaal
de: long drawn-out ~ uninterrupted work
lx: maalingaal
nt: maalingaal [v1=] 'work without interruption for the whole day'
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: maalingaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahiiggaan
m.l la-mid: mahiigaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
calligrafia
s.f. - far qurxin (ta).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
calligraphy
/kaaligraafy/ (n) far, far-gury.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqliyaysad
-ka: (magac, lab, keli) caqli iyo garaad yeelad. Dh: caqlisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqsingaal
-ka: (magac, lab, keli) daaq aan reerka u dhowayn laakiin geelu tiig ku gaadhi karo. Daaqsingaal baan reerkii u jirnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maalintacab
-ka: (magac, lab, keli) qof shaqada uu maalin dhan qabto ka hela inta maalintaas uu cunayo ama uu cabbayo oo keliya. Waxaygu waa maalintacab oo afkayga ma dhaafo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashiiggaan
m.l la-mid: mashiinggaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashiiggaan
-ka: (magac, lab, keli) nooc hubka degta lagu qaato ka mid ah oo rasaasi ka dhacdo. Dh: mishigaan.