canyayuubid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canyayuubid
(Canyayuubid-da)
Si fool xun isugu laallaabid; canyayuub ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canyayuubid
m.f.dh eeg canyayuub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canyayuubid
-da: (magac, dhedig, keli) camanjuujin iyo jactadin; si aan habboonayn u duudduubid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canyayuubi
-yey / say: (v) wrinkle or form into folds or creases
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canyayuub
(Canyayuub-ka)
Duudduub si aan qurux badnayn laysugu laallaabay; isku jajabsan; aan la kala bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canyayuub
canyayuub¹: m.l Si qaab daran oo wax loo duudduubo.
canyayuub²: f.g1 (-bay, -btay) Si qaab daran wax u duudduubid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canyayuub
canyayuub¹: m.l Si qaab daran oo wax loo duudduubo.
canyayuub²: f.g1 (-bay, -btay) Si qaab daran wax u duudduubid. m.f.dh, canyayuubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canyayuub
m. n. rumpled item, creased material
canyayuub v. rumple, crease
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canyayuub
-ka: (n) an irregular or untidy crease; wrinkle (rin-kal); crinkle (kirin-kal) rumple (ram-pel), crease (kiriis) ~ duuduub, laalaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canyayuub
(fal) si aan habboonayn oo cidhiidhi ah u duudduub. Dh: camanjuuji, canbus.
canyayuub -ka: (magac, lab, keli) duudduub si aan qurux badnayn la isugu laablaabay; wax aan kala baxsanayn. Dh: jactad, canbus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canyayuub_1
de: rumpled item, creased material
hm: 1
lx: canyayuub
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: canyayuub_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canyayuub_2
de: rumple, crease
hm: 2
lx: canyayuub
pd: (canyayuubay)
ps: v1=
key: canyayuub_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudduub
duudduub¹: m.l la-mid: duudduubid.
duudduub²: f.g1 (-bay, -btay) 1 . Dhawr jeer isku duubid; isku laablaabid; canyayuubid; haryuubid. 2. Guudmarid. la-mid: duubduub².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duudduub
f.g1 (-bay, -btay) 1. Dhawr jeer isku duubid; isku laablaabid; canyayuubid; haryuubid. 2. Guudmarid. m.f.dh, duudduubid. la-mid: duubduub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambusid
-da: (magac, dhedig, keli) canyayuubid; jactadid; canyayuub u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canyayuus
(Canyayuus-ka)
Miro qare oo la dubey oo dabadeed la budeeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canyayuus
m.l.u Iniino qare oo la dubay kaddibna la daqiijiyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canyayuus
m. n. fruit species, which is cooked and pounded up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canyayuus
-ka: (magac, lab, keli) midhaha qaraha oo inta la dubay, budo laga dhigay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canyayuus
de: fruit sp., which is cooked and pounded up
lx: canyayuus
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: canyayuus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afyuubid
-da: (magac, dhedig, keli) kibir iyo aftaagid cid na lala hadli waayo. Afyuubid buu kulankii ku dhammaystay, kolkii gartii laga helay. Dh: aftaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayuumid
m.f.dh eeg cayuun².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canbaruud
(Canbaruud-ka)
Miro la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canbaruud
m. n. pear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canbaruud
-da: (n) pear (peer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbaruud
-ka: (magac, lab, keli) jaad khudaarta ka mid ah oo cad jilicsan leh, lafna aan lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canbaruud
de: pear
lx: canbaruud
pd: (-ka)
ps: n2-m-enum
key: canbaruud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cantuugid
(Cantuugid-da)
(cunno) kol afka buuxin; afka muggi ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantuugid
m.f.dh eeg cantuug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantuugid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto, sharaab iyo wixii la mid ah, kol keliya afka gelin; afka muggii ku qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaayuulid
-da: (magac, dhedig, koli) oohin uu calaacal iyo yadaadun weheliyo ku hugmid. Yaayuulidda iska daa. Dh: yuusid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhuufid
m.f.dh eeg candhuuf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canshuurid
(Canshuurid-da)
Canshuur ku qaadid; (ama cashuurid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canshuurid
m.f.dh eeg canshuur². la-mid: cashuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canshuurid
-da: (magac, dhedig, keli) cashuur ka qaadid. Dh: cashuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cantatabid
(Cantatabid-da)
Hadal cantatab ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantatabid
m.f.dh eeg cantatab². la-mid: catatabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantatabid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal cantatab ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faylduubid
m.f.dh eeg faylduub².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka xayuubi
v. take off ~ away, strip off, uncover
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ka xayuubi
-yey / say: (v) take away; remove (ri-muuv); strip (istirip)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_xayuubi
de: take off ~ away, strip off, uncover
lx: ka xayuubi
pd: (xayuubiyey)
ps: v2a=expr
key: ka_xayuubi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caananuugid
-da: (magac, dhedig, keli) naas jiqid, naas dhaadhyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanashubid
-da: (magac, dhedig, keli) xil madax- nimo u caleemasaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaayuusid
m.f.dh eeg galaayuus².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaayuusid
-da: (magac, dhedig, keli) muusannaabid oo qaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manjasuuxid
m.f.dh eeg manjasuux². la-mid: majasuuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canbaaroobid
(Canbaaroobid-da)
1. Canbaar yeelasho.
2. Ceeboobid; dhaleecoobid; fadeexoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbaaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) canbaar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhasaabid
m.f.dh eeg candhasaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhasaabid
-da: (magac, dhedig, keli) naasaha candhasaab gelin oo ku qarin. Dh: candhasaabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carragguurid
m.f.dh eeg carragguur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carragguurid
-da: (magac, dhedig, keli) carraguur ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garbadduubid
(Garbadduubid-da)
Garbadduub u xirid ama u qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbadduubid
m.f.dh eeg garbadduub². la-mid: gardadduubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbadduubid
-da: (magac, dhedig, keli) qof labada gacmood, dhabarka dib ugu laabid oo ku xidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gardadduubid
m.dh la-mid: garbadduubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afduubid
(Afduubid-da)
Xoog ku kaxaysasho; qafaalid; boojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afduubid
m.f.dh eeg afduub². la-mid: afduub¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afduubid
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama duunyo xoog ku kaxaysad; qafaalashada dad ama duunyo. Dh: afduubis.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
afduubid
خَطَّفَ اخْتِطَافِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alluubid
-da: (magac, dhedig, keli) wax yuubid. D qalluubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caabudid
(Caabudid-da)
Ilaah ka cabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabudid
m.dh la-mid: caabidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabudid
-da: (magac, dhedig, keli) Rabbi ka cabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabuqid
m.f.dh eeg caabuq³. la-mid: caabaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabuqid
-da: (magac, dhedig, keli) nabarkii jidhka ku yaallay oo dib u barar ama millila, hoosta na dheecaan ku yeesha. Dh: caabaqid, hurgumow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadaabid
(Cadaabid-da)
Cadaab ku ridid; kadeedid; saxariirin; naarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaabid
m.f.dh eeg cadaab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaabid
-da: (magac, dhedig, keli) kadeedid oo saxariirin; dhib gaadhsiin.
cadaabid -da: (magac, dhedig, keli) 'awood Ilaahay' cadaab ku ridid; naarta geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaadid
m.dh la-mid: cinaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbusid
-da: (magac, dhedig, keli) si foolxun isugu laallaabid; mid canyayuuban ka dhigid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cannabis
/kannabis/ (n) xashiishad (geed maskaxda dooriya oo lugu marqaamo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantarid
m.f.dh eeg cantar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantarid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan macne lahayn ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Qof cunto uu cantuugo siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cantuuji
v. make someone to take a mouthful of something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantuuji
(fal) Cunto, sharaab iyo wixii la mid ah, qof kale in afku u qaado sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cantuuji
a: cantuug
de: make s.o. to take a mouthful of s.t.
lx: cantuuji
pd: (cantuujiyey)
ps: v2a=tr
key: cantuuji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carjabid
(Carjabid-da)
Carjab noqosho; cusayb ka bi'id; duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carjabid
m.f.dh eeg carjab². la-mid: carjab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carjabid
-da: (magac, dhedig, keli) duug noqosho; cusayb ka bi'id; duugoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casuumid
-da: (magac, dhedig, keli) martiqaadid iyo sooryayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cataabid
(Cataabid-da)
Hadal cataw ah ku hadlid; calaacalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cataabid
m.f.dh eeg catow². la-mid: catow¹ (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cataabid
vl. n. reproaching; rebuke
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cataabid
-da: (n) complaining (kom-pleeyning) ~ cabasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cataabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calaacalid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cataabid
de: reproaching; rebuke
lx: cataabid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: cataabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayaarid
(Cayaarid-da)
Cayaar ka qaybgelid; dheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayaarid
m.f.dh eeg cayaar². la-mid: ciyaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka qaybgelid. Dh: dheelid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Caynduub
Dugaagad ku jirta madaxa baanadaha qaarkood ee gudaha ku leh girgirro maroorsan oo libiqa ku dul wareega.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabayuub
-ka: (magac, lab, keli) weel ama koob dhegle ah oo dheer xagga sarana af ballaadhan ku leh, xagga hoosana u yar. Dh: farasle, dabadhuub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandabid
m.f.dh eeg gandab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanjabid
(Hanjabid-da)
Hadallo hanjabaad ah qof ku dhihid; (ama hanjamid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjabid
m.f.dh eeg hanjab. la-mid: hanjabaad, hanjabo, hanjamaad, hanjamid, hanjamo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanjabid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hadedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanuunid
(Hanuunid-da)
Hanuun helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanuunid
m.f.dh eeg hanuun³.