cantoobi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantoobi
(fal) wax daadsan ama firi leh sida badar kuul iyo wixii la mid ah, sacabada ku qaad. Dh: xantoobi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantoobin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax daadsan oo firi leh sida badar kuul iyo wixii la mid ah, sacabbada ku qaadasho. Dh: xantoobin, cantoobis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantoobis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cantoobin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantoobsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cantoobsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantoob
m.dh la-mid: cantoobo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cantoobo
(Cantooba-da)
Xaantoobo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantoobo
m.dh (-ooyin, m.l) In kol shanta farood iyo calaacasha lagu qabto oo buuxisa. la-mid: cantoob, xantoobo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cantoobo
f. n. handful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cantoobo
-cantoobada: (n) handful (haandh-fuul) ~ gacan muggeed, xantoobo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantoobo
(fal) wax daadsan oo firi leh sida badar kuul iyo wixii la mid ah, sacabada ku qaado. Dh: xantoobo, cantoobso.
cantoobo-da: (magac, dhedig keli) sacab muggii. Dh: xantoobo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cantoobo
a: xaantoobo
de: handful
lx: cantoobo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: cantoobo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantoobi
f.g2 (-iyay, -isay) Hal mar sacabka wax ku qaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xantoobi
v. take a handful of something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xantoobi
-yey I say: (v) grasp a handful; take a handful ~ xantoobso, cantoobi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xantoobi
de: take a handful of s.t.
initial: x
lx: xantoobi
pd: (xantoobiyey)
ps: v2a=tr
key: xantoobi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caatoobid
(Caatoobid-da)
1. Caato noqosho.
2. Daalid, noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caatoobid
m.f.dh eeg caatow². la-mid: caatow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caatoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid weyd ah noqosho.
caatoobid -da: (magac, dhedig, keli) daalid; noogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantoobso
(fal) in cantoobo ah qaado, in sacabka buuxisa qaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gantoobid
m.f.dh eeg gantoob². la-mid: gandoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gantoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax gandooban oo aan dhannayn ka dhigid. Dh: gaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gantoobni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg gantoobnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantoobin
-ta: (magac, dhedig, keli) in weyn gacanta kaga qaadasho. Dh: cantoobin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantoobin
m.f.dh eeg xantoobi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantoobin
-ta: (magac, dhedig, keli) kol sacabka k wada qaadid. Dh: cantoobin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantoobsi
-ga: (magac, lab, keli) cantoobo muggeed qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yantoobsi
-ga: (magac, lab, keli) sacabka mar kuwada wada qaadasho. Yantoobsi weynaa wiilka yari. Dh: cantoobsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caatoob
inch. v. become thin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caatoob
a: caatow
de: become thin
lx: caatoob
pd: (caatoobay)
ps: v1=inch
key: caatoob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
catooti
-da: (magac, dhedig, keli) tootir; qaallo.
catooti -ga: (magac, lab, keli) wiil buuran oo cad balaqsan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gantoob
Gantoob-ka)
Wax la soo gaabshey; aan la dhammaystirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gantoob
gantoob¹: m.l 1. Xijaab ka samaysan kebed ama dermo oo kala qaybiya aqal gudihiisa. 2. Wax la soo gaabshay; aan la dhammaystirin. la-mid: gandoob¹.
gantoob²: f.g1 (-bay, -btay) Aqal, derin, maro iyo wixi lamida ku kala qoqobid. la-mid: gandoob².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gantoob
m.l 1. Xijaab ka samaysan kebed ama dermo oo kala qaybiya aqal gudihiisa. 2. Wax la soo gaabshay; aan la dhammaystirin. la-mid: gandoob.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gantoob
m. n. room divider, partition; something cut short, unfinished business
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gantoob
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aanan dhammaystirnayn; wax intii looga baahnaa badh ka maqan yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gantoob
a: gandoob
de: room divider, partition; s.t. cut short, unfinished business
lx: gantoob
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: gantoob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantoob
(fal) sacab muggii qaad; in sacab keliya buuxisa mar qudha qaad. Gorowga ii xantoob. Dh: cantoob.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
catoobid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal cataw ah ku hadlid; calaacalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xantoobo
(Xantooba-da)
In kol shanta farood iyo calaacasha lagu qabto oo lagu qaado, (ama cantoobo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantoobo
m.dh (-ooyin, m.l) In kol shanta farood iyo calaacasha lagu qabto oo lagu qaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xantoobo
m.dh (-ooyin, m.l) In kol shanta farood iyo calaacasha lagu qabto oo lagu qaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xantoobo
f. n. handful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xantoobo
-xantoobada: (n) handful (haandh-fuul)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantoobo
-da: (magac, dhedig, keli) sacab muggi Xantoobo ciid ah ayuu indhaha kaga shubay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xantoobo
a: cantoobo
de: handful
initial: x
lx: xantoobo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xantoobo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantoobsad
-ka: (magac, lab, keli) wax daadsan oo firi leh, sida badar iyo wixii la mid ah, sacabka ku qaadasho. Dh: xantoobsasho, cantoobsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waantoobid
(Waantoobid-da)
Waano qaadasho; waansamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waantoobid
m.f.dh eeg waantow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waantoobid
-da: (magac, dhedig, keli) waano qaadasho. Ubadku way kala waantoobid ogyihiin. Dh: waansamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanoobid
-da: (magac, dhedig, keli) caano noqosho; caddaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaroobid
(Caaroobid-da)
Cadanyood; xajiimood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaroobid
m.f.dh eeg caarow. la-mid: caarood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) cadanyoobid; xajiimoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadhoobid
m.f.dh eeg cadhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhoobid
-da: (magac, dhedig, keli) cudurka cadhada yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammoobid
m.f.dh eeg cammow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cammoobid
-da: (magac, dhedig, keli) indho beelid; dhaayabeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carroobid
m.f.dh eeg carrow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayroobid
(Cayroobid-da)
Cayr noqosho; xoola beelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayroobid
m.f.dh eeg cayrow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayroobid
-da: (magac, dhedig, keli) caydh noqosho: xoola beelid. Dh: caydhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangoobid
m.f.dh eeg dangow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gandoobid
m.dh la-mid: gantoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gandoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax gandooban ka dhigid. Dh: gaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gantooban
f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax gantoob loo yeelay ahaansho. la-mid: gandooban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gantooban
(timaame) wax lasoo gaabshay oo aan dhammaystirnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tantoomid
(Tantoomid-da)
Tantoonyo ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tantoomid
m.f.dh eeg tantoon. la-mid: tantoonyeyn, tatoomid, tatoonyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tantoomid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, tantoomo ku dhufasho. Tantoomida ka daa inanka yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xankoobid
m.l Nooc ka mid ah dhirta xabagta leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantoobee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Wax xantoobo ku qaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xantoobee
v. take handfuls of something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantoobee
(fal) cantoobo cantoobo u dhig; kolba xantoobo qaad. Masaakiinta bariiska u xantoobee ha wada gaadhee. Dh: cantoobee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xantoobee
de: take handfuls of s.t.
initial: x
lx: xantoobee
pd: (xantoobeeyey)
ps: v2b=tr
key: xantoobee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantoobso
f.g3 (-saday, -satay) Hal xantoobo gacanta ku qaadasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xantoobso
v. pick up a handful of something for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xantoobso
-xantoobsaday / xantoobsatay: (v) grasp a handful; take a handful ~ xantoobi, cantoobso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantoobso
(fal) calaacasha buuxso oo adigu sacab muggii qaado. Gorowga xantoobso oo candhuufta ku bi'i. Dh: cantoobso, cantoobo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xantoobso
de: pick up a handful of s.t. for oneself
initial: x
lx: xantoobso
nt: xantoobsad (ka) [vn-m], xantoobsasho (/da) [vn-f]
pd: (xantoobsaday)
ps: v3a=tr
key: xantoobso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yantoobso
(fal) sacabka buuxso oo wada qaado. Saloolka yantoobso. Dh: xantoobso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantiyoobid
(Hantiyoobid-da)
Hanti noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantiyoobid
m.f.dh eeg hantiyow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hanti ahaan loo leeyahay noqosho. Dh: hantiyaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macagtoobid
m.f.dh eeg macagtow.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
canto
s.m. hees.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
TOOBI
(Tobi) N Ipomoea spathulata Hall. F. Convolvulaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantab
m.dh Meel godan, canka xoolaha ku taal oo daaqu ku ururo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
catoow
-ga: (n) complaint (kom-paleynt) ~ cataw
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
banooni
m. n. ball
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
banooni
-ga: (n) ball (bool) ~ kubad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banooni
-ga: (magac, lab, keli) walax duuban oo wareegsan, kana samaysan balaastiik, saan ama waxyaabo kale oo la isku dardaray. Neef baa lagu afuufaa oo waxa lagu ciyaaraa cagta ama gacanta. Banooniga ii soo laag. Dh: kubbad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
banooni
de: ball
lx: banooni
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: kubbad {S}
key: banooni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadwoob
m.l (baayoloji) Jidh huruud ah oo ku dhex samaysma moqorka Goonka garaaf ee ilma galeenka naasleyda marka ay ukunta sii daayaan kaddib. Waxay dhiiqdaa hormoonka borojestaroon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadwoob
m.l (baay.) Jidh huruud ah oo ku dhex samaysma moqorka Goonka garaaf ee ilma galeenka naasleyda marka ay ukunta sii daayaan kaddib. Waxay dhiiqdaa hormoonka borojestaroon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caroofi
m.l C. ah: neef geel ah, lixaad weyn, sanqaroor rogan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carooti
f.mg2 (-iyay, -isay) Cir, daruuro biyo ka buuxaan yeelasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cartoon
/kartuun/ (n) 1. sawir-gacmeed si qosol leh loo sawiro (n) 2. filin sawir-gacmeed shaactiro leh ay matalaan (filin jinni-jinni ah).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
cartoon
/kartuun/ (n) 1. kartuung (musawir jini-jini eh). 2. sheneemy jini-jini eh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayroob
inch. v. become poor, lose wealth, be destitute