canjarafays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjarafays
-ka: (magac, lab, keli) eeg canjarafayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjarafay
(fal) hadal aan milgo iyo macno toona lahayn, ku dheh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjarafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal aan milgo iyo macne toona lahayn ku hadlid. Dh: canjarafays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjarafaysad
-ka: (magac, lab, keli) «isla ~» hadal aan macne iyo milgo toona lahayn iskula hadlid oo ku celcelin. Dh: jafaajiriq, yooyoodtamid, jalactan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjaraf
-ka: (magac, lab, keli) hadal aan milgo iyo macno midna lahayn. Dh: hantaatac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjarafo
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan macne iyo milgo lahayn. Dh: canrafad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAN-JARAAY
(Angiarrai) S Maerua subcordata (Gilg)Dewolf. Capparidaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbaarays
-ka: (magac, lab, keli) eeg canbaarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjarafsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg canjarafaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manjarafad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg majarafad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cananaas
(Cananaas-ka)
1. Miro la cuno oo macaan badan oo dhulka kulul ka baxa. Waa buruq weyn oo kurtummo gamuuxani ku wada rogan yihiin: iniino badan oo midoobey oo buruq weyn isku noqday, weeye.
2. Geedka mirahaasi ka baxaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cananaas
m.l Geed ka baxa kulaylaha oo dhala buruq kuusan, macaan oo korka ku leh qolof kurtumo leh, madaxa sarena caleemo dhuudhuuban oo adag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cananaas
m. n. pineapple
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cananaas
-ka: (n) pineapple (payn-aapal) ~ ananaas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cananaas
-ka: (magac, lab, keli) midho macaan badan oo dhulka kulaylaha ah ka baxa oo muuqaal ahaan, la bah ah dacarta. Waxa uu leeyahay midho waaweyn oo kurtumo qodxaan lihi ku duhaadhan yihiin. Dh: cananis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cananaas
bw: Arabic
de: pineapple
lx: cananaas
pd: (-ka)
ps: n2a-m-enum
key: cananaas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjaris
-ka: (magac, lab, keli) waxa ugu horreeya ee canugga ifka u soo baxa lagu qabto. Dh: anqarin, canqarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabays
-ka: (magac, lab, keli) eeg Carabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbaaray
(fal) wax lagu tuhmayo ku dhaleecay. Dh: dhaleecay; dhaleecee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaradays
-ka: (magac, lab, keli) eeg faaradayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Majarafad
(Majarafad-da)
Qalab afka bir ballaaran ku leh, gadaalna daab dheer oo qori ah oo ciidda jilicsan iyo wixii la mid ah lagu qufo ama lagu qodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majarafad
m.dh (-do, m.l) Qalab ka kooban bir af ballaaran iyo daab dheer oo qori ah oo sida badan loo adeegsado ciid qaadidda ama qufidda; badiil.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
majarafad
m.dh (-do, m.l) Qalab ka kooban bir af ballaaran iyo daab dheer oo qori ah oo sida badan loo adeegsado ciid qaadidda ama qufidda; badiil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majarafad
f. n. spade, shovel; hoe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
majarafad
-da: (n) shovel (shaval); spade (ispeeydh) ~ badeel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majarafad
-da: (magac, dhedig, keli) xagaaf daab dheer oo toosan la geliyo; bir af balladhan oo daab dheer leh oo ciidda lagu guro oo shaqada dhismaha lagama maarmaan u ah. Dh: mejerefed, xagaaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majarafad
bw: Arabic
de: spade, shovel; hoe
lx: majarafad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: majarafad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg masaafayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qandaraas
* (Qandaraas-ka)
Heshiis labo qof ama dad badani samaysto oo lagu abuurayo ama lagu maamulayo ama lagu burinayo arrin ama hawl sharci ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandaraas
m.l (-syo, m.dh) Heshiis hawleed laba dhinac dhex mara.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qandaraas
m.l (-syo, m.dh) Heshiis hawleed laba dhinac dhex mara.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qandaraas
m. n. contract, agreement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qandaraas
-ka: (n) commercial contract (kon-tarakt); tender (ten-dha)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandaraas
-ka: (magac, lab, keli) heshiis hawlqabasho ah oo laba dhican dhex mara oo midi hawl bilaw illaa dhammaad uu mid u qabto ka kalana qarashka ku baxaya sida lagu heshiiyo uu u bixiyo. Aqalkayga qandaraas ayaan ku dhisay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qandaraas
de: contract, agreement
lx: qandaraas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: qandaraas
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qandaraas
عَهْد
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
antarasayt
m.l (-yo, m.dh) (jooloji) Dhuxuldhagaxeed adag oo madow oo dhalaala oo ah dhuxusha ugu heerka sarraysa oo ay ku jiraan qiyaasta ugu yar ee biyo iyo maatarka aan xasilloonayn, iyo heerka xaddidan ee u sarreeya ee urkaarboonka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
antarasayt
m.l (-yo, m.dh) (jool.) Dhuxul-dhagaxeed adag oo madow oo dhalaala oo ah dhuxusha ugu heerka sarraysa oo ay ku jiraan qiyaasta ugu yar ee biyo iyo maatarka aan xasilloonayn, iyo heerka xaddidan ee u sarreeya ee urkaarboonka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Antarasayt
Anthracite
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambaarays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cambaarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canbaarayn
(Canbaarayn-ta)
1. Canbaar u yeelid.
2. Dhaleecayn; ceebayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canbaarayn
-ta: (n) condemnation (kon-dem-neyshin)-, denouncement (di-nown-simenf) ~ dhaleecayn
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Canbaarayn
Accusare
To accuse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbaarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaleecayn; dhalliil iyo cambaar u jeedin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curraafays
-ka: (magac, lab, keli) eeg curraafayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majarahaye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof, wax hoggaamintiisa loo xil saara.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majarahaye
m. n. leader, guide
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majarahaye
-ha: (magac, lab, keli) qof, wax hoggaamintiisa loo xil saara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majarahaye
de: leader, guide
lx: majarahaye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: majarahaye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xannaanays
-ta: (magac, dhedig, keli) daranyada ka dhabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaradays
-ka: (magac, lab, keli) eeg xasaradayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararaflays
-ka: (magac, lab, keli) eeg bararaflayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanamacays
-ka: (magac, lab, keli) geed weyn oo ka baxa meel walba midabkiisuna madow yahay oo lagu culo weelcaanoodka. Caanamacays dhiisha ma ku cushay? Dh: caanamaceeye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg calaamadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhuufays
-ka: (magac, lab, keli) eeg candhuufayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carqaladays
-ka: (magac, lab, keli) eeg carqaladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaakadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg xanaakadayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cantarabaqash
-ka: (n) nonsense speech
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haljalaflaysi
m.l la-mid: haljalaflaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haljalaflayso
f.mg3 (-stay, -satay) Neef waddo ku socda siiba geela geedaha jidka dhinacyadiisa ku yaal hadba laan ka goosasho. la-mid: haljaflayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjarsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) shaag iyo wax la mid ah oo banjarsan ahaan. Banjarsanaan baa shaagga ku ogaaye dabaday baa la buuxiyey.
banjarsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta qof ama dad lugo'ay oo danseegay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanammacays
m.l la-mid: caanammaceeye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamadaysi
m.l la-mid: calaamadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamadayso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: calaamadso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbaaraysan
(tilmaame) cid dhaleecaysan; dhalliil leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantarbaqash
-ka: (magac, lab, keli) hadal aan macno iyo milgo lahayn. Dh: hantaatac. Li: murti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayaaryaxaas
m.dh Ciyaar dab la shido oo ay dheelaan baxaarradu marka ay doonayaan in yaxaasku soo baxo. la-mid: ciyaaryaxaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayaaryaxaas
f. n. crocodile dance
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cayaaryaxaas
bw: ciyaaryaxaas {C & S}
cf: baxaar
de: crocodile dance (performed by those who claim to have power over the crocodiles)
lx: cayaaryaxaas
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: cayaaryaxaas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raabaraabays
-ka: (magac, lab, keli) shaqada raabaraabaynta lafteeda.
raabaraabays-ta: (magac, dhedig, keli) qaygaybin oo kooxkoox ka dhigid. Dh: kooxokooxays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shataaradays
-ka: (magac, lab, keli) shataaradayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantarabbaqash
m.l Hadal aad u nuxur yar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cantarabbaqash
m.l Hadal aad u nuxur yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cantarabbaqash
m. n. nonsensical talk
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cantarabbaqash
de: nonsensical talk
lx: cantarabbaqash
pd: (-ka)
ps: n-m
key: cantarabbaqash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aaladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalays
-ka: (magac, lab, keli) abaar aad u daran oo aafo ah. Waxaa arligii beddelay, abaar iyo aafo kulul, abaalays baa ka dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajarayso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: ajarso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajarayso
(fal) wax wanaagsan oo ajar laga helo samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anafaysi
-ga: (magac, lab, keli) kibir iyo islaweyni muujin. Anafaysi aayar baa dhaama.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjaris
-ka: (magac, lab, keli) banjarinta shaagga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafayn
m.f.dh (jooloji) Daboolidda uu meel daboolo, ama hawsha uu ka qabto, baraf goglan, ama barafweyne.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barafayn
m.f.dh (jool.) Daboolidda uu meel daboolo, ama hawsha uu ka qabto, baraf goglan, ama barafweyne.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Barafayn
Freezing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigitaanka wax aad u qabaw oo dhagax oo kale ah. Barafaynta biyaha ka daa. Dh: qaboojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalays
-ka: (magac, lab, keli) eeg calalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaanad
m.l la-mid: canaanasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaanad
-ka: (magac, lab, keli) canaanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaanyo
m.dh la-mid: cadanyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canaanyo
f. n. itching; skin irritation
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
CANAANYO
[ANAIYO] Tragia ?hildebrandtii 01
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canaanyo
-canaanyada: (n) intense irritation and itching of skin; an allergic reaction; allergy (al-lerji) ~ cadanyo, xajiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cadanyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canaanyo
de: itching; skin irritation
lx: canaanyo
pd: (/da)
ps: n-f
key: canaanyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhays
-ka: (magac, lab, keli) eeg candhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canqaris
m.l la-mid: anqarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canqaris
-ka: (magac, lab, keli) ilmo dhashay waxa la siiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantalay
m.l la-mid: cantalyaa.