canbuulo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canbuulo
(Canbuula-da)
Badarka la kariyo isagoo iniinihii nool nool yihiin; garow; koronkor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canbuulo
f. n. boiled whole grains, eaten as cereal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canbuulo
-canbuulada: (n) cooked grain especially sorghum (soor-gam) or maize (mayz) ~ cambuulo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbuulo
-da: (magac, dhedig, keli) badarka la kariyo isaga oo iniinihii noolnool yihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canbuulo
a: cambuulo {C & S}
de: boiled whole grains, eaten as cereal
lx: canbuulo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: canbuulo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbuul
-sha: (magac, dhedig, keli) qodaxda galoolka sarmaanta ama galoolka ee xagga danbe u buurbuuran oo kolka ay curdiga tahay la cuno. Aabbahayba qaad iyo ma cunin qodax canbuuleede.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambuulo
m.dh Badar la kariyey isagoo iniinahiisa aan la burburin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cambuulo
m.dh Badar la kariyey isagoo iniinahiisa aan la burburin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cambuulo
-cambuulada: (n) cooked grain, especially sorghum (soar-gam) or maize (meyz) ~ canbuulo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambuulo
-da: (magac, dhedig, keli) badar garow-karis ah oo aan la budayn. Dh: canbuulo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbuufo
-da: (magac, dhedig, keli) canka oo neef laga buuxsho oo la buuro.
canbuufo -da: (magac, dhedig, keli) xanuun adhiga daanka gudihiisa iyo gawsaha kaga dhaca oo neefku daaqii uu calaliyay ama calanaqsaday canka ugu buuranto oo uu liqi kari waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garow
(Garow-ga)
1. Cunno (hilib, badar) biyo keliya lagu karshey; canbuulo.
2. Miraha cawda inta ayan xeegada noqon.
3. Miraha aan weli bislaan guud ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koronkor
(Koronkor-ka)
Badar garowkaris ah, aan la budayn; canbuulo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koronkor
-ta: (magac, dhedig, keli) badar garow karis ah oo aan la budlin. Koronkor cuni maaynoo kariba maaynee, karuur geel ma la hayaayey! Dh: hadhuudh, canbuulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbuul
m.l la-mid: cambuul¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabbuul
f. n. young soft thorn (that people and animal eat it)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabbuul
a: cambuul
de: young soft thorn (that people and animal eat it)
lx: cabbuul
pd: (/sha)
ps: n2-f
key: cabbuul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambuul
cambuul¹: m.l (-llo, m.dh) 1. Tub geed sisin ah oo isku xiran. 2. Hoy yar, caws qoryo iyo wixi lamida ka samaysan oo beeraha laga dhex samaysto. la-mid: abbuul, ambuul, cabbuul.
cambuul²: m.dh Qodaxda sarmaanta marka ay curdanka tahay; dhambacaluul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cambuul
m.l (-llo, m.dh) 1. Tub geed sisin ah oo isku xiran. 2. Hoy yar, caws qoryo iyo wixi lamida ka samaysan oo beeraha laga dhex samaysto. la-mid: abbuul, ambuul, cabbuul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambuul
-sha: (magac, dhedig, keli) qodax curdin ah oo gadaal u buuran oo ay bixiyaan geedaha galoolka iyo sarmaantu, lana cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canbuur
(Canbuur-ka)
Gashi haweenku qaataan oo googgaradda qariya; kurdad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canbuur
m. n. frock, dress
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canbuur
-ka: (n) woman's dress; gown (gaawn)-, frock (frook) ~ cambuur, kurdad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbuur
-ka: (magac, lab, keli) gashi haweenku qaataan oo googoradda qariya. Dh: toob, kurdad, kordad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canbuur
de: frock, dress
lx: canbuur
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: cambuur
key: canbuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjuul
(tilmaame) shaah aan sonkor lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjuufo
(fal) cid kale, ciddida farta iyo ta suulka ku wada qabo oo dubkiisa aad ugu xanuuji. Dh: qanjiidhi.
canjuufo -da: (magac, dhedig, keli) qanjiidho ku dhejin oo ku xanuuni. Dh: qandhuufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cantuugo
(Cantuuga-da)
(cunno) Afka muggi; inta afku mar qaado; maggaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantuugo
m.dh (-ooyin, m.l) Cabitaan ama cunto hal mar afka buuxisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cantuugo
m.dh (-ooyin, m.l) Cabitaan ama cunto hal mar afka buuxisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cantuugo
f. n. bite, mouthful, gulp
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cantuugo
-cantuugada: (n) mouthful (mow-th-fuul)-, gulp (gol-p)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantuugo
-da: (magac, dhedig, keli) afka muggii oo cunto ama cabitaan ah. Cunto, sharaab iyo wixii la mid ah, intii hal mar afka lagu qaadi karo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cantuugo
cf: maggaabo
de: bite, mouthful, gulp
lx: cantuugo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: cantuugo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbuuno
f.g3 (-ntay, -natay) Badeeco carbuun ka bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carbuuno
f.g3 (-ntay, -natay) Badeeco carbuun ka bixin. m.f.dh, carbuunasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carbuuno
v. reserve for oneself; put a deposit on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carbuuno
carbuuntay I carbuunatay: (v) put aside for yourself; reserve for yourself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbuuno
(fal) wax lagu heshiiyey kala iibsigooda, sii curaaro oo qiimihiisa badh sii bixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carbuuno
de: reserve for oneself; put a deposit on
lx: carbuuno
pd: (carbuuntay)
ps: v3b=
xe: Can I reserve four places?
xv: Afar meelood ma carbuunan karaa?
key: carbuuno
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunbuufo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg canbuufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanbuuqo
(Sanbuuqa-da)
Sanka intiisa hore oo jilicsan; sandaal (ama sanburuq, sanbuuq).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanbuuqo
f. n. tip of the snout, soft part of an animal's nose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanbuuqo
-sanbuuqada: (n) nose (nows); snoot (isnuut); schnozzle ~ sambuuqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbuuqo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg sanbuuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanbuuqo
a: sambuuqo
de: tip of the snout, soft part of an animal's nose
initial: s
lx: sanbuuqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sanbuuqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambuulee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Badar cambuulo ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cambuulee
v. boil whole grains
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambuulee
(fal) cambuulo ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cambuulee
de: boil whole grains
lx: cambuulee
pd: (cambuuleeyey)
ps: v2b=tr
see: canbuulo
key: cambuulee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Candhuufo
(Candhuufa-da)
Biyabbiyood layiig ah, badanaana xoor cad wata oo qanjirrada afka ka yimaada; calyo; (ama candhuuf).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candhuufo
m.dh la-mid: candhuuf¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
candhuufo
f. n., (mass n.): saliva, spit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
candhuufo
-candhuufada: (n) saliva (salaayva)-, spit (ispiit)-, spittle (ispe-tal) ~ calyo, candhuuf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candhuufo
-da: (magac, dhedig, keli) dareeraha afka ka yimaadda ee ay qanjidhadu sameeyaan. Dh: candhuuf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
candhuufo
cf: calyo
de: spit, saliva
lx: candhuufo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: candhuufo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canshuuro
f.g3 (-rtay, -ratay) Hanti, cashuur ka baxsasho. la-mid: cashuuro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canshuuro
v. pay a tax on something; ransom, redeem something (for oneself)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canshuuro
(fal) badeecad aad sidato, canshuur ka bixi. Dh: cashuuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canshuuro
a: cashuuro
de: pay a tax on s.t.; ransom, redeem s.t. (for oneself)
lx: canshuuro
pd: (canshuurtay)
ps: v3b=tr
key: canshuuro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juscambuulo
m.l Hal jus oo Quraan ah marka uu arday dhammeeyo cuntada uu bixiyo. la-mid: juscambuuleed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buulo
(Buula-da)
Magaalo aad u yar oo badanaa ka kooban buulal; tuulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buulo
m.dh Degaan buulal badan ka dhisanyihiin; tuulo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buulo
m.dh Degaan buulal badan ka dhisanyihiin; tuulo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buulo
f. n. village
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buulo
-buulada: (n) small village; hamlet (haam lit) ~ duddo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buulo
-da: (magac, dhedig, keli) magaalo yar badanaa ka kooban buulal. Buulo bannaankeeda lama dego. Dh: dabaayid, kaam, tuulo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buulo
a: tuulo
de: village
lx: buulo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: buulo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbuul
m.l la-mid: cambuul¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abbuul
m. n. small hut, shelter
abbuul m. n., [collective] bundle of plant stalks put in the sun to dry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbuul
-ka: (magac, lab, keli) xidhmo geed sisin ah.
abbuul -ka: (magac, lab, keli) hoy yar oo beeraha laga dhex dhiso oo ka samaysan caws iyo qoryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ambuul
m.l la-mid: cambuul¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambuul
-sha: (magac, dhedig, keli) qodax ka baxda geedaha sida galoolka oo buurbuuran lana cuno. Dh: cambuul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbus
(fal) jactadi oo canyayuub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabuul
m.l Aqbal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabuul
m. n. accord, in agreement, agreeing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabuul
-ka: (magac, lab, keli) oggolaansho ama yeelid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabuul
de: accord, in agreement, agreeing
lx: qabuul
pd: (-ka)
ps: n-m-expr
xe: He was in agreement.
xv: Arabic
key: qabuul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabuul
(Sabuul-ka)
Balka galleyda, kd.. madaxiisa duuban oo iniinaha badarku ka baxaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabuul
m.l (-llo, m.dh) Dalagga firiga xubinta iniinaha badarku ku yaallaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sabuul
m.l (-llo, m.dh) Dalagga firiga xubinta iniinaha badarku ku yaallaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabuul
m. n. stalk (of plant with grain removed), cob (of corn)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sabuul
-ka: (n) corn (koon); cob (kaab) ~ habuuq, xasiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabuul
-ka: (magac, lab, keli) hadhuudhka madaxiisa duuban ee firida badarku ka baxdo. Sabuul baa sariirta beerta sudhan. Dh: madax, kur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabuul
de: stalk (of plant with grain removed), cob (of corn)
initial: s
lx: sabuul
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: gufi
key: sabuul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbuu
-da: (magac, dhedig, keli) eeg xambuu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbuuyo
(falkaabe) erey caarcaarasho, hanjabo iyo gooddiyid ah. Abbuuyo, haddaanan ku dilin aabahay goblan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Banduul
(Banduul-ka)
Meel doonyaha dhexdooda ku taal oo loo sameeyey in biyuhu ku soo ururaan oo dabadeed laga dhuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banduul
m.l Meel doonyaha dhexdooda ku taal oo loo sameeyo inay biyuhu ku soo uruuraan si looga dhuro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
banduul
n. bilge, sump well (of a ship)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banduul
-ka: (magac, lab, keli) meel doonyaha dhexdooda laga sameeyo si biyuhu ugu soo ururaan dabadeedna laga dhuro ama laga harqiyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
banduul
de: bilge, sump well (of a ship)
lx: banduul
pd: (-ka)
ps: n -m
key: banduul
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Batuulo
pr. n., [feminine] Batula
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Batuulo
name-f chaste, virgin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Batuulo
bw: Arabic
de: Batula
lx: Batuulo
ps: name-f
key: Batuulo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbuur
m.l Dhismo yar oo badanaa geedo iyo caws ka samaysan oo hargaantigu u galo gorayada, marka uu gaadayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabbuus
v. furrow one's brow
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabbuus
de: furrow one's brow
lx: cabbuus
pd: (cabbuusay)
ps: v1=
key: cabbuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caduuro
(Caduura-da)
Geed aan qodxo lahayn oo bixiya miro yaryar oo kuwa kiriiriga u eg, oo la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caduuro
m.dh Geed leh caleemo yaryar, miro kuuskuusan, macaan iyo laamo dhuudhuuban. la-mid: caduur.