canbefilfil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbefilfil
-ka: (magac, lab, keli) geed jirrid dheer iyo caleemo balballaadhan leh; waxa uu dhalaa midho buurbuuran oo dhexda innin badan oo madmadaw leh. Dh: babay.
canbefilfil-ka: (magac, lab, keli) midhaha geedka canbefilfilka; jaad khudradda ka mid ah oo midhihiisu iniinta badan oo madow leeyihiin.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAMBE-FILFIL
(Ambe-filfil) N Carica papaya L-. Caricaceae
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babaay
-ga: (magac, lab, keli) geedmidhood aad u dheeraada oo dusha sarena ku yeesha caleemo balballaadhan iyo midho waaweyn oo dhexda iniinyo badan ku leh. Dh: manfafaay, canbefilfil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canjilid
(Canjilid-da)
Jilid; dhaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canjilid
m.f.dh eeg canjil². la-mid: canjil¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjilid
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale siduu hadlo ama u dhaqmo jilid. Dh: dhaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caybeelid
-da: (magac, dhedig, keli) canaan iyo ceebkusheeg xaddhaaf ah dartiis, wax danbe oo lagu caayo waayid. Dh: eedbeelid, caybeelis.