camma
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Camma
Indhaha beelay; aan wax arag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amma
xi. la-mid: ama.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amma
(xidhiidhiye) eeg ama.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
calma
s.f. - xasilloonaan, degganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammo
m.dh C. ah: qof aan indhaha wax ka arkayn. la-mid: cammoole.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cammo
f. n., [abstract] (adj.): blindness; blind; ignorant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cammo
-da: (magac, dhedig, keli) dadka intiisa indhaha la'. Dh: indhalaawe; indhoole; cammoole.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cammo
bw: Arabic
de: blindness; [atr.] blind; [fig.] ignorant
lx: cammo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: cammo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
comma
/koomma/ (n) hakad (,).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gamma
gamma, n.m. - waa shucaac raadiyo-aktif ah; xarafka saddeexad ee alifbeetada Giriiga (gaama, isagoo wayn Γ, isagoo yar γ).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lamma
-da: (magac, dhedig, keli) eeg labo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mamma
s.f. - hooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
indhatir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Cid cammayn. 2. Iska i.: dareenka aragtida iska sixirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
indhatir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Cid cammayn. 2. Iska i.: dareenka aragtida iska sixirid. m.f.dh, indhatirid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
palm off
/pam of/ (v) si khayaano iyo qish ah ku gadid (badeeco ku khayaanid, cammayn)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gogasho
-da: (magac, dhedig, keli) waxqabad cammays ah; qabyo; booshboosh; hawl ama arrin aan si fiican loo gelin lana daynin, arrinta gogashada ka daaya. Li: dhamaystir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaxaryabyab
-ka: (magac, lab, keli) fal cammays ah oon si gobanimo ah loo samaynin. Arrinta yaxaryabyabka ka daa oo daacad u noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cammaar
(Cammaar-ka)
Xarig bunji ah oo adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammaar
m.l.kh C. ah: xarig ama jawaan dun adag ka samaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cammaar
m. n. very strong rope made from hemp
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cammaar
name-m one who is a builder, long lived, or preserver of life
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cammaar
cf: xarig
de: very strong rope made from hemp
lx: cammaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cammaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cammayn
(Cammayn-ta)
Indhaha tirid; camma ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammayn
m.f.dh eeg cammee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cammayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan wanaagsanayn siin ama ka iibin, iyadoo loo tusayo inuu wanaagsan yahay.
cammayn -ta: (magac, dhedig, keli) indhaha tirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calmad
-ka: (magac, lab, keli) qof ama wax kale, cugasho, doorasho ama ka helid. Calmashada naftaydii, cugan weydey taan rabay. Dh: jamasho, calmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calman
La doortay; la jecel yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calman
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la calmaday ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calman
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la calmaday ahaansho. m.dh, calmanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calman
der. [adjective] chosen, appointed, loved
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calman
(tilmaame) qof la doortay ama la calmaday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calman
de: chosen, appointed, loved
lx: calman
pd: (calmanaa)
ps: adj-der
key: calman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambar
m.l Shay udgoon, xabag u eg, uurka nibiriga qaarkii ku samaysma oo xeebaha laga helo. la-mid: canbar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cambar
m.l Shay udgoon, xabag u eg, uurka nibiriga qaarkii ku samaysma oo xeebaha laga helo. la-mid: canbar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cambar
f. n., [collective] amber
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cambar
-ka: (n) amber (aam-ber) ~ canbar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambar
-ka: (magac, lab, keli) cuf xabagxabag ah oo caddaan, madow ama beycas ah oo ur udgoon leh; jaadadka nibiriga ka mid ah ayuu xiidmihiisa ku samaysmaa waxana laga helaa badaha xeebahooda; waxana loo adeegsadaa samaynta cadarrada qaaliga ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cambar
a: canbar
bw: Arabic
de: amber
lx: cambar
pd: (-ta)
ps: n2-f-col
key: cambar
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Camera
Kamara
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
camera
/kaamara/ (n) kaamaro (aalad sawirka lagu qaado).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Camera
Sawir
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
camera
/kaamara/ (n) kaamery (aalat lysky musawiraw).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
càmera
s.f. - qol.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
caméra
caméra, n.f. - Aalad ama qalab wax lag sawiro-kamarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Cid khayaamayn. 2. Cid indhatirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cammee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Cid khayaamayn. 2. Cid indhatirid. m.f.dh, cammayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cammee
v. blind someone; deceive, cheat, swindle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cammee
-yey / cammaysay: (v) deprive someone of sight; mislead (mis-liidh)-, deceive (di-ziiv)-, betray (bi-tareey)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cammee
(fal) qiyaamee oo wixii uu doonayey wax aan ahayn ama ka liita sii ama ka iibi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cammee
de: blind s.o.; [fig.] deceive, cheat, swindle
lx: cammee
pd: (cammeeyey)
ps: v2b=tr
key: cammee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Dukaan, badeeco badan dhigid. 2. Shaah, sonkor, caleen, qoroful, hayl iyo wixi lamida isu dheellitirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cammir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Dukaan, badeeco badan dhigid. 2. Shaah, sonkor, caleen, qoroful, hayl iyo wixi lamida isu dheellitirid. m.f.dh, cammirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cammir
v. stock, fill up, pack
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cammir
-ay / tay: (v) supply a shop with merchandise; stock up (stakap)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cammir
(fal) meel, weel iyo wax la mid ah, buuxi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cammir
de: stock, fill up, pack
lx: cammir
pd: (cammiray)
ps: v1=
key: cammir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Cammo noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cammow
inch. v. be blind; become blind
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cammow
-ga: (magac, lab, keli) indhabeelid; cammoobid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cammow
bw: Arabic
de: be blind; become blind
lx: cammow
pd: (cammoobay)
ps: v1=inch
key: cammow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carmal
(Carmal-ka)
Naag la guursadey oo ama la furay ama laga dhintay; garoob; (ama carmali).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmal
m.l.u Haweenay la guursaday oo la furay ama ninkii ka dhintay; garoob.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carmal
m.l.u Haweenay la guursaday oo la furay ama ninkii ka dhintay; garoob.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carmal
m. n. divorcee, widow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carmal
-ka: (n) widower (widhowar) or divorce (dhi-voor-see)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carmal
-ka: (magac, lab, keli) gabadh la guursaday. dabadeedna la furay ama seygii ka geeriyooday. Dh: garoob, cadrad, carmali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carmal
a: carmali {N & E < Arb}
de: divorcee, widow
lx: carmal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: carmal
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
carmal
ثَيِّبِ، مُطَلَّقَة، أَرْمَلَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caymad
(Caymad-ka)
1. Wax badan oo lumay, xoogaa ka harid, u nabadgelid.
2. (guud ahaan) nabadgelid; badbaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caymad
m.l la-mid: caymasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caymad
m. n. one left alone; remainder; safety, security
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caymad
(fal) si degdeg ah u carar.
caymad -ka: (magac, lab, keli) cararitaanka, halis laga baxsanayo. Dh: baxsasho.
caymad -ka: (magac, lab, keli) badbaadada, halis laga badbaado; waxyeello iyo dhib ka nabad gelid.
caymad -ka: (magac, lab, keli) orodka xoogga ah ee fardaha marka ninka fuushani joojin kari waayo. Axmed faraskii baa la caymaday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caymad
de: one left alone; remainder; safety, security
lx: caymad
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: caymad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caymar
-ka: (magac, lab, keli) hilib geela ku yaalla oo ka dambeeya shafka, candhada na ka horreeya. Dh: mud, caynmar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
clammy
/klaami/ (adj) dhag-dhag leh; dhoshog ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Damman
La moodo inuusan wax kala garana hayn; degganaan la moodo in doqonnimo ku jirto; maahsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damman
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof maskax ahaan aan baraarugsanayn ahaansho; maahsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
damman
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof maskax ahaan aan baraarugsanayn ahaansho; maahsan. m.f.dh, dammanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
damman
de: absent minded
lx: damman
pd: (dammanaa)
ps: adj-der
key: damman
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
dramma
s.m. - masraxiyad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fiamma
s.f. - olol, holac.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hammad
-da: (n) a wish or longing; ambition (aam-bishin)-, desire (dizaayer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hammad
-da: (magac, dhedig, keli) wax samayntiisa maanka lagu hayo. Dh: iddidiilo, mala'awaal.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Hammar
Dubbe, burris
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kamma'
(Kamma'-a)
Waxaan kas loo falin ama loo oran; gef.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kamma'
kamma'¹: m.l.fk Wax aan kas ama ula kac loo falin. la-mid: kama'¹.
kamma'²: f.mg1 (-a'ay, -a'day) Kas iyo ulakac la'aan wax u samayn. la-mid: kama'².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kamma'
m.l.fk Wax aan kas ama ula kac loo falin. la-mid: kama'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kamma'
m. n. (adj.): mistake, blunder; unintentional, by mistake ~ chance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kamma'
-ah: (adj) accidental (ak si-dental); unintentional (an-in-teen-shinal); inadvertent (in adh veer-tant) ~ kama'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamma'
-a: (magac, lab, keli) wax aan kas loo samayn ama loo odhan; wax illowshiiyo iyo u badheedh la'aan ku yimaadda ama ku dhaca. Li: kas, camdi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kamma'
cf: gef, halmaan; See also: kama'
de: mistake, blunder; [atr.] unintentional, by mistake ~ chance
lx: kamma'
pd: (-a)
ps: n0-m
key: kamma'
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kamma'
خطأ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lammad
(fal) labee oo mar kale ku celi. Shaaha i lammad. Dh: labee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mammal
/maamal/mammals;(n) naasleey (xayawaanka naasleeyda ah, sida dadka, xoolaha, eyga, libaaxa iwm).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mamman
Wax deddan, wax daran, wax kulul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mamman
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax mammay ahaansho. 2. Wax, wax ku dhiirran ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mamman
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax mammay ahaansho. 2. Wax, wax ku dhiirran ahaansho. m.f.dh, mammanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mamman
der. [adjective] at the peak stage, high point ~ climax of something, 'hot'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamman
(tilmaame) walafsan ah; iimaan laawe ah. Qof cuntada ku mamman kari baa laa yidhaa. Dh: daran, kowkansan, maanqaadan.