cambusid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambusid
m.f.dh eeg cambus². la-mid: cambus¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambusid
-da: (magac, dhedig, keli) canyayuubid; jactadid; canyayuub u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbusid
-da: (magac, dhedig, keli) si foolxun isugu laallaabid; mid canyayuuban ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambuurid
m.f.dh la-mid: camambuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambuurid
-da: (magac, dhedig, keli) canka oo inta neef laga buuxsho la afuufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambus
cambus¹: m.l la-mid: cambusid.
cambus²: f.g1 (-say, -stay) Wax si aan nadaamsaneyn u laalaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cambus
v. crumple, rumple, crease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambus
(fal) canyayuubi; jactad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cambus
de: crumple, rumple, crease
lx: cambus
pd: (cambusay)
ps: v1=tr
key: cambus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamusid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aammusaad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cambuse
cambuse, n.f. - Qolka markabka wax loogu kariyo; Kijinka markabka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusid
(Aammusid-da)
Hadal joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aammusid
m.f.dh eeg aammus². la-mid: aammus¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caabudid
(Caabudid-da)
Ilaah ka cabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabudid
m.dh la-mid: caabidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabudid
-da: (magac, dhedig, keli) Rabbi ka cabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabuqid
m.f.dh eeg caabuq³. la-mid: caabaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabuqid
-da: (magac, dhedig, keli) nabarkii jidhka ku yaallay oo dib u barar ama millila, hoosta na dheecaan ku yeesha. Dh: caabaqid, hurgumow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabburid
(Cabburid-da)
Cabbur ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabburid
m.f.dh eeg cabbur². la-mid: cabbur¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabburid
-da: (magac, dhedig, keli) mid neefsigu ku adagyahay noqosho. Dh: cabbudhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caambixid
m.f.dh eeg caambax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caambixid
-da: (magac, dhedig, keli) caan noqosho: magac yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaasid
-da: (magac, dhedig, keli) joojin iyo candhasaabid. Cirkoo da'aya deegaan yarbaa lagu cabbaasaaye. Dh: joojin, gaagixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbudhid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cabbudh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carbuunid
(Carbuunid-da)
Wax la gatay, carbuun ka bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbuunid
m.f.dh eeg carbuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbuunid
-da: (magac, dhedig, keli) wax lagu heshiiyey kala iibsigiisa curaar ka sii bixin. Dh: curaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambaasid
m.f.dh eeg hambaas². la-mid: hambaas¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maamuusid
(Maamuusid-da)
Maamuus u yeelid; muunayn; xurmayn; weyneyn; xushmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maamuusid
m.f.dh eeg maamuus². la-mid: naamuusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maamuusid
-da: (magac, dhedig, keli) cid si wanaagsan u qaddarin oo muuno iyo sharaf ku qaabilid. Waalidku maamuusid buu kugu leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naamuusid
m.dh la-mid: maamuusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naamuusid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, maamuusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camambuurid
m.f.dh eeg camambuur². la-mid: camambuur¹, cambuur¹ (2), cambuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camambuurid
-da: (magac, dhedig, keli) xanaaq dartiis camamka buuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabid
cabid¹: m.l la-mid: cabiid.
cabid²: m.dh la-mid: cabbid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabid
cabid¹: m.l la-mid: cabiid.
cabid²: m.dh la-mid: cabbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabid
m. n. slave
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, afka ku shubid oo liqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabid
a: cabiid
de: slave
lx: cabid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: cabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabsi
(Cabsi-da)
Wax dhibaato keena ama xun ama xanuun leh, kd., argaggaxa ay nafleyda uurkeeda ku abuuraan; aragaggax, biqid, welwel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsi
m.dh Wax dhibaato keena ama xun ama xanuun leh iyo wixi lamida, argaggaxa ay nafleyda uurkeeda ku abuuraan; argaggax, bixid, welwel; baqdin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabsi
m.dh Wax dhibaato keena ama xun ama xanuun leh iyo wixi lamida, argaggaxa ay nafleyda uurkeeda ku abuuraan; argaggax, bixid, welwel; baqdin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabsi
f. n. fear, fright, dread, paranoia; danger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsi
-da: (magac, dhedig, keli) dareenka halis kugu soo fool leh. Dh: baqasho, biqid, welwel, baqdin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabsi
de: fear, fright, dread, paranoia; danger
lx: cabsi
pd: (-da)
ps: n1-f
key: cabsi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cabsi
خوف
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ambush
/aambush/ambushes; ambushing, ambushed; (v) gaadid, (weerar kadis ah ama dhabar jabin). e.g. The enemy was successfully ambushed and defeated.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Ambush
Gaadmo
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
ambush
/aambush/ (v) (n) geethow, kethis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caabid
(Caabid-ka)
Qof cibaado badan; taqi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabid
caabid¹: m.l (-diin/-dyo, m.dh) C. ah: qof muslin ah oo diinta sida ay tahay ugu dhaqma. la-mid: caabud¹.
caabid²: f.g1 (-day, -dday) Ilaah u tukasho ama ka cabsasho. la-mid: caabud².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caabid
f.g1 (-day, -dday) Ilaah u tukasho ama ka cabsasho. m.f.dh, caabidid. la-mid: caabud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caabid
m. n. worshipper, believer, devotee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabid
-ka: (magac, lab, keli) qof cibaado badan. Dh: caabud, taqi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caabid
bw: Arabic
cf: caalin
de: worshipper, believer, devotee
lx: caabid
pd: (-ka Pl: caabidiin (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: caabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabud
caabud¹: m.l la-mid: caabid¹.
caabud²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: caabid².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caabud
m.l la-mid: caabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caabud
v. worship, practice one's religion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caabud
-ay / day: (v) worship (woor-shiip); revere (n'-vnr); honor and love as a God ~ cibaadayso. —Syn: venerate, adore, idolize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabud
(fal) Rabbi ka cabso oo siduu ku faray yeel. Dh: hoggaansanaw.
caabud -ka: (magac, lab, keli) qof lagu yaqaan in uu fuliyo sidii uu Ilaahay amray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caabud
a: caabid
bw: Arabic
de: worship, practice one's religion
lx: caabud
pd: (caabuday)
ps: v1=
key: caabud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caasid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad wax ku sugayso ku raagid oo ku caajisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbid
(Cabbid-da)
(biyo, kd.) inta afka lagu qaado oo hunguriga la sii marsiiyo, caloosha geyn; dhamid (caano); fuudid (fuud; wixii kulul).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbid
m.f.dh eeg cab. la-mid: cabid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, inta afka lagu qaado oo hunguriga madow la sii mariyo, caloosha geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiid
m.l (cabiid, m.dh) Qof la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; bidde; addoon; cabid. la-mid: cabid¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabiid
m.l (cabiid, m.dh) Qof la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; bidde; addoon; cabid. la-mid: cabid¹.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabiid
name-m devout
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabiid
-ka: (n) slave (isleeyv)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiid
-ka: (magac, lab, keli) addoon lagu shaqaysto. Dh: bidde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsad
m.l la-mid: cabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsad
-ka: (magac, lab, keli) baqasho; cabsi qabid; cabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Nafley cabsi ku abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cąbsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Biyo, caano iyo wixi lamida nafley af ka siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Nafley cabsi ku abuurid. m.f.dh, cabsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cąbsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Biyo, caano iyo wixi lamida nafley af ka siin. m.f.dh, cąbsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabsii
v. frighten, scare
cabsii v.caus: make someone drink, give something to drink
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabsii
-yey say: (v) cause someone to drink; drive someone to drink
cabsii -yay say: (v) frighten (fraayten); alarm (a-laarm); intimidate (intimadeyt); scare (iskeer)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
càmbio
s.m. beddel; sarrif.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
campus
/kampas/ (n) dhulka dhismaha jaamacadda ama kulleejada.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
campus
/kampas/ (n) bedky kulleejythy amy jaama'addy ky taally.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbus
(fal) jactadi oo canyayuub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabsid
(Kabsid-ka)
Midiidinka liita oo kabaha dadka u qaada; kabaqaad; dabadhilif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabsid
m.l (-dyo, m.dh) 1. Midiidinka liita oo kabaha dadka u qaada; kabaqaad. 2. Qof aan ra'yigiisa ku meel mari karin oo had iyo jeer cid ku tiirsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabsid
m.l (-dyo, m.dh) 1. Midiidinka liita oo kabaha dadka u qaada; kabaqaad. 2. Qof aan ra'yigiisa ku meel mari karin oo had iyo jeer cid ku tiirsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabsid
m. n. lackey, servant, serf, low person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabsid
-ka: (magac, lab, keli) midiidinka liita oo kabaha dadka u qaada. Dh: kaboside, kabaqaad, dabadhilif.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabsid
cf: dabadhilif, kabaqaad, midiidin
de: lackey, servant, serf, low person
lx: kabsid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: kabsid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muusid
(Muusid-da)
(biyo, kd.) inta dhulka hoostiisa mara, meel kale ka soo baxa, ka soo fuura, ka soo habya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muusid
muusid¹: m.f.dh eeg muus².
muusid²: m.dh (jooloji) Dusidda biyuhu ay ka dusayaan dulduleellada carrada iyo jeexjeexa dhadhaabaha iyagoo markaas dhulka hoos u sii gelaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muusid
m.dh (jool.) Dusidda biyuhu ay ka dusayaan dulduleellada carrada iyo jeexjeexa dhadhaabaha iyagoo markaas dhulka hoos u sii gelaya.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Muusid
Seepage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muusid
-da: (magac, dhedig, keli) bixidda uu wax qoyani meel si aan burqasho ahayn oo aayar ah uga soo baxo. Dh: heemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xambus
m.l.u Jajab qoryo ama saalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xambus
m. n. twigs, pieces of dry brushwood, kindling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xambus
-ka: (magac, lab, keli) jajab geedo, caleen iyo xashiish ah oo dabka lagu huriyo. Dh: xanan, jajabood, xanbus, xansas. Li: xulad.
xambus -ka: (magac, lab, keli) geedo yaryar oo lagu xajiimoobo. Xambus gogol lagama dhigto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xambus
a: xanbus
de: twigs, pieces of dry brushwood, kindling
initial: x
lx: xambus
pd: (-ka)
ps: n-m
key: xambus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aammusi
f.g2 (-iyay, -isay) Hadal, qaylo ama oohin cid ka celin. Tusaale: 'Carruurta ka aammusi qofka jirran'.