cambe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambe
m.l Geed weyn, dhulka kuleylaha ka baxa oo leh caleemo dhuudhuuban iyo miro macaan dhexda laf weyn ku leh. la-mid: cambo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cambe
m. n. mango
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAMBE
(Ambe) All.Som. Mangifera indica L. Anacardiaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cambe
-cambaha: (n) mango (maang-gow) ~ canbe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambe
-ha: (magac, lab, keli) geed bixiya midho waaweyn oo macmacaan. Wuxuu u si kala baxaa cambalaf iyo babbay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cambe
a: canbe
de: mango
lx: cambe
pd: (/ha)
ps: n7-m-enum
key: cambe
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
came
/keym/ (v) come, oo fal tagay ah.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
came
/kem/ (v) 1. fiiri come. 2. come oo fal laha moothi eh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambo
m.l la-mid: cambe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canbe
(Canba-ha)
1. Miro cillaan guduudan ah oo dhulka kulul ka baxa; waxay lee yihiin: diir adag iyo laf weyn, dhadhan macaan iyo dhanaan isku darsan ah iyo ur udgoon.
2. Geedka mirahaani ka baxaan: kolkuu koro 90 cagood baa dhererkiisu gaaraa; waa geed qurux badan oo caleemo waaweyn oo hoos wanaagsan bixiya; ama canbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canbe
m. n. mango
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canbe
-canbaha: (n) mango (maang-gow) ~ cambe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canbe
-ha: (magac, lab, keli) eeg cambe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canbe
a: cambe
de: mango
lx: canbe
pd: (/ha)
ps: n7-m-enum
key: canbe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambe
s. 1. Ka d.: dabadeed, kaddib. Tusaale: “Fasaxa ka dambe ayaan is arkaynaa”. 2. Gadaal xiga; dambeeya. la-mid: damme.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dambe
s. 1. Ka d.: dabadeed, kaddib. Tusaale: Fasaxa ka dambe ayaan is arkaynaa. 2. Gadaal xiga; dambeeya. la-mid: damme.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dambe
attributive [adjective] after, behind; last, next [+TIME WORD.]; recent, following, later
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dambe
(adv) behind (bi-haayndh); next (nekest) ~ danbe, gadaal -kan
dambe the next
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambe
(tilmaame) waqti aan hadda ahayn oo soo socda. Mar dambe ii soo noqo aad ii warrantide. Dh: danbe, damme.
dambe: (tilmaame) meel aan xagga hore ahayn. Xagga dambe fadhiisi wiilka. Dh: danbe, damme.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dambe
a: damme ~ danbe
de: after, behind; last, next [+TIME WORD]; recent, following, later
lx: dambe
ps: adj-atr
key: dambe
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
jambe
jambe, n.f. - lug.
le devant de la jambe - dhudhunka lugta (inta u dhexaysa jilibka iyo raafka).
jambe antérieure - jeeni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wambe
-ha: (magac, lab, keli) xidid cad oo ah uunsi umuleed ay dumarku shitaan xilliga umusha ay yihiin. Waambe waa shaasho diid. Dh: qaye, waanbe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
babay
-ga: (magac, lab, keli) nooc khudradda la cuno ka mid ah oo dusha diir laga qaado ku leh boostana baruur huruud ah iyo iniinyo yaryar oo kawa filfisha u eg ku leh Dh: mafafaay, babbaay, cambefilfil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maango
da: (magac, dhedig, keli) midho macaan oo buruq jilicsan oo udgoon leh khudrada karin la'aanta lagu cunana ka mid ah oo qeedka cambaha la yidhaa uu bixiyo. Nin maango cabbaa mabsuud noqoy. Dh: cambo-laf, maangoo.
maango -da: (magac, dhedig, keli) geed weyn oo hadh macaan leh oo bixiya midhaha maangada. Dh: cambe-laf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaarido
-da: (magac, dhedig, keli) khudrad dhacdhay oo inay dhimato u dhaw. Waxad haysa cambe qaaridad ah oo qaadhay: Li: qaarac.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mangue
mangue, n.f. - Cambe laf; Cambe,
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cambuse
cambuse, n.f. - Qolka markabka wax loogu kariyo; Kijinka markabka.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
chamber
(n) a closed space, usually referring to a section of the heart.
qaybaha wadnaha
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
chamber
/jeymbar/ (n) 1. qol; aqal (n) 2. gole, sida golaha baarlamaanka iwm.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Chamber
Qol
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
chamber
/jeybar/ (n) qol, ming.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
chamber
n., (apartment) qollad, -di.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
chambre
chambre, n.f. - Qol; Qowlad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
clamber
/klaambar/ (v) tafid (fuulid adag).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bambee
-yey say: (v) 1. draw or 1 raise with pump. 2. bombard (bam baardh); attack with bombs, shells, or missiles dukhee, bamgaree, duqee-yey, garaac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bambee
(fal) bam ku tuur meel oo qarxi goob. Bambee saldhigga cadawga.
bambee: (fal) walax hawo ka buuxi adiga oo bam adeegsanaya. Shaagga bambee, baabuurka aan kexeeyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Jawaan, sanduuq iyo wixi lamida suuf, dhar iyo wixi lamida ku cidid. 2. Buntukh dhuunta xabbad u dhigid si ay dhicid diyaar ugu noqoto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabbee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Jawaan, sanduuq iyo wixi lamida suuf, dhar iyo wixi lamida ku cidid. 2. Buntukh dhuunta xabbad u dhigid si ay dhicid diyaar ugu noqoto. m.f.dh, cabbayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabbee
v. fill up, load, charge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabbee
-yay cabbaysay: (v) load (lowdh); stuff (staaf); fill up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbee
(fal) buntukh iyo wax la mid ah, rasaas dhuunta u gee oo ridis u diyaari.
cabbee: (fal) meel ama weel, wax ku gur; buuxi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabbee
de: fill up, load, charge
lx: cabbee
pd: (cabbeeyey)
ps: v2b=
key: cabbee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambar
m.l Shay udgoon, xabag u eg, uurka nibiriga qaarkii ku samaysma oo xeebaha laga helo. la-mid: canbar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cambar
m.l Shay udgoon, xabag u eg, uurka nibiriga qaarkii ku samaysma oo xeebaha laga helo. la-mid: canbar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cambar
f. n., [collective] amber
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cambar
-ka: (n) amber (aam-ber) ~ canbar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambar
-ka: (magac, lab, keli) cuf xabagxabag ah oo caddaan, madow ama beycas ah oo ur udgoon leh; jaadadka nibiriga ka mid ah ayuu xiidmihiisa ku samaysmaa waxana laga helaa badaha xeebahooda; waxana loo adeegsadaa samaynta cadarrada qaaliga ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cambar
a: canbar
bw: Arabic
de: amber
lx: cambar
pd: (-ta)
ps: n2-f-col
key: cambar
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
càmbio
s.m. beddel; sarrif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambus
cambus¹: m.l la-mid: cambusid.
cambus²: f.g1 (-say, -stay) Wax si aan nadaamsaneyn u laalaabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cambus
v. crumple, rumple, crease
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambus
(fal) canyayuubi; jactad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cambus
de: crumple, rumple, crease
lx: cambus
pd: (cambusay)
ps: v1=tr
key: cambus
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
càmice
s.m. - khamiis dhakhtar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Cid khayaamayn. 2. Cid indhatirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cammee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Cid khayaamayn. 2. Cid indhatirid. m.f.dh, cammayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cammee
v. blind someone; deceive, cheat, swindle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cammee
-yey / cammaysay: (v) deprive someone of sight; mislead (mis-liidh)-, deceive (di-ziiv)-, betray (bi-tareey)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cammee
(fal) qiyaamee oo wixii uu doonayey wax aan ahayn ama ka liita sii ama ka iibi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cammee
de: blind s.o.; [fig.] deceive, cheat, swindle
lx: cammee
pd: (cammeeyey)
ps: v2b=tr
key: cammee
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
camper
/kaamper/ (n) 1. qofky kaamby deghaw. 2. ming guuraw.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
camper
camper, v. - Xero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmee
f.g2 (-meeyay, -meysay) la-mid: carmi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carmee
v. treat something with boiled leaves of 'carmo' fruit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carmee
(fal) carmo yeelo. Musyahaw carmee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carmee
de: treat s.t. with the boiled leaves of 'carmo' fruit
lx: carmee
pd: (carmeeyey)
ps: v2b=tr
key: carmee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
combes
combes, n.f.pl. - Qaybta hoose ee dhabarka inta u dhexeysa feedhaha iyo miskaha.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
comble
comble, n.m, - buuxa heerka ugu sarreeya.
les combles - Saqafka; dedka (sida sagafka guryaha).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Coombe
Waadi bcraf
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
crampe
crampe, n.f. - Muruga luqunta ama dhabarka galaa.
donner des crampes - Kabuubyo; Cirriri; ku cidhiidhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambee
f.mg2 (-beeyay, -baysay) 1. Ka d.: wax, wax kale gadaashooda socosho ama taagnaan. 2. Ka d.: cid xushmadeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dambee
f.mg2 (-beeyay, -baysay) 1. Ka d.: wax, wax kale gadaashooda socosho ama taagnaan. 2. Ka d.: cid xushmadeyn. m.f.dh, dambayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dambee
v. be last, behind, backwards; make final ~ late
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dambee
see [eeg] ka dambee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambee
(fal) xagga danbe jir; ha horrayne gadaal jir. Iga danbeeyoow daba canjalaf. Dh: danbee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dambee
de: be last, behind, backwards; make final ~ late
lx: dambee
pd: (dambeeyey)
ps: v2b=
key: dambee
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gamble
/gaambal/ (n) 1. khamaar (v) 2. khamaarid
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gamble
v.i., qamaar; gamble with, la qamaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Cunto la cunayo qaar reebid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hambee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Cunto la cunayo qaar reebid. m.f.dh, hambayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hambee
v. leave something on the plate; have (some food) left over
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hambee
-yey / hambeysay: (v) not empty the dish; leave some food on the dish [plate] ~ hanbee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambee
(fal) cunto iyo wixii la mid ah, ha dhammayne wax iska reeb. Dh: reeb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hambee
a: hanbee
de: leave s.t. on the plate; have (some food) left over
lx: hambee
pd: (hambeeyey)
ps: v2b=tr
key: hambee
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JAMBEY
Megalochlamys linifolia 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JAMBEY
(Jambei) C Megalochlamys linifolia (Linau) Lindau. Acanthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaambe
m.l (-bayaal, m.l/dh) Nafley bad ku nool ah oo leh jir qolof adag ku dahaarantahay iyo toban lugood, lana cuno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaambe
-ha: (magac, lab, keli) nafley badda ku nool oo leh qolof adag oo ku dahaadhan iyo toban lugood, lana cuno. Dh: aargoosto, iskaambe, kaambo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ramble
/raambal/ (v) tamashlayn (socod lugobaxsi ah u bixid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ramble
v.., warwareeg, soo warwareeg; v.c., warwareeji; n., warwareeg, -gi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waambe
-ha: ((magac, lab, keli) uunsi umuleed ay dumarku shitaan xilliga umusha ay yihiin. Waambo waa shaasho diid. Dh: qaye.
waambe -ha: (magac, lab, keli) nooe badarka ka mid ah oo ay iniinyihiisu aad u yar yar yihiin. Waambe ha la beero.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wamber
-ka: (magac, lab, keli) wambar.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Cambiale
Amaah wade
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cambiale
s.f. - kambiyaale.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cambiare
v.tr. - beddelid; sarrifid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
scramble
/skraambal/ (v) 1. tafid (korid, fuulid) 2. u halgamid (la dagaalid) 3. isku-qasid (siiba ukunta iyo xabkeeda).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abe
-ha: (magac, lab, keli) meel bannaan oo nefis ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ame
-ha: (magac, lab, keli) xayawaan sida xoorka u eg oo madaw daba cad na lahayn sida xoorka oo kaymaha ku nool.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
âme
âme,n.f. - ruuxa ; Naf; Qudha.