camambuurid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camambuurid
m.f.dh eeg camambuur². la-mid: camambuur¹, cambuur¹ (2), cambuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camambuurid
-da: (magac, dhedig, keli) xanaaq dartiis camamka buuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camambuur
camambuur¹: m.l la-mid: camambuurid.
camambuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) Camcanka oo la buuriyo caro darteed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
camambuur
v., [compound] have an angry expression on the face; express disapproval
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camambuur
-ta: (magac, dhedig, keli) cadho ama wax kale darteed afka buurid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
camambuur
de: have an angry expression on the face; express disapproval
lx: camambuur
pd: (camambuuray)
ps: v1=cmp
key: camambuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambuurid
m.f.dh la-mid: camambuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambuurid
-da: (magac, dhedig, keli) canka oo inta neef laga buuxsho la afuufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambuur
cambuur¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Gashi haweenku qaato oo ilaa lugaha ku eg. 2. la-mid: camambuurid.
cambuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: camambuur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gammuurid
-da: (magac, dhedig, keli) geed iyo wixii la mid ah, gunta ku jarid; si isku siman u goyn. Dh: gamuumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraburburid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cadh-burburid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carragguurid
m.f.dh eeg carragguur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carragguurid
-da: (magac, dhedig, keli) carraguur ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kamandhuurid
m.f.dh eeg kamandhuur². la-mid: kamandhuur¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamandhuurid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi foolxun fariisasho; kuududid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabburid
(Aabburid-da)
Weel dabool saarid; daboolid; furayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabburid
m.f.dh eeg aabbur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabburid
-da: (magac, dhedig, keli) weel iyo wax la mid ah, dabool afka kaga adkayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbuurid
m.f.dh eeg afbuur². la-mid: afbuur¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afbuurid
-da: (magac, dhedig, keli) cadho darteed afka ururin; afka iyo jaaha cadho ka muujin. Afbuuridda jooji oo waxaad doonayso sheego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caabudid
(Caabudid-da)
Ilaah ka cabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabudid
m.dh la-mid: caabidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabudid
-da: (magac, dhedig, keli) Rabbi ka cabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabuqid
m.f.dh eeg caabuq³. la-mid: caabaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabuqid
-da: (magac, dhedig, keli) nabarkii jidhka ku yaallay oo dib u barar ama millila, hoosta na dheecaan ku yeesha. Dh: caabaqid, hurgumow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabburid
(Cabburid-da)
Cabbur ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabburid
m.f.dh eeg cabbur². la-mid: cabbur¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabburid
-da: (magac, dhedig, keli) mid neefsigu ku adagyahay noqosho. Dh: cabbudhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cambusid
m.f.dh eeg cambus². la-mid: cambus¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cambusid
-da: (magac, dhedig, keli) canyayuubid; jactadid; canyayuub u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cammirid
(Cammirid-da)
(magaalo) aad u degid; wax badan meel dhigid; buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammirid
m.f.dh eeg cammir. la-mid: cammiraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cammirid
-da: (magac, dhedig, keli) weel ama meel madhnayd ama dhinnayd, buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaamurid
(Gaamurid-da)
Cayil ama jimicsi ama wax kale, jir buuran oo adag la yeelasho; oogo adag yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaamurid
m.f.dh eeg gaamur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaamurid
-da: (magac, dhedig, keli) qallaf noqosho; xoog u adkaansho.
gaamurid -da: (magac, dhedig, keli) wax dareere ah kolka wax adag lagu daro ilaa uu gaadho heer uu cuslaado oo aayar u dareero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamuurid
m.f.dh la-mid: gamuuxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamuurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax si siman u goyn oo caaro fiiqan ka bi'in. Dh: gamuuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maquurid
m.f.dh eeg maquur². la-mid: makhuur¹, makhuurid, maquur¹, mukhuur¹, mukhuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maquurid
-da: (magac, dhedig, keli) cid meel biya ah quusin oo dhex muquursiin. Dh: muquurid. Dh: muquur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaruurid
(Asaruurid-da)
God ama ceel ama wax la mid ah, ciid ka buuxin, xabaalid, dhulka la simid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaruurid
m.f.dh eeg asaruur². la-mid: asaruur¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaruurid
-da: (magac, dhedig, keli) god ama ceel ama wax la mid ah, ciid ka buuxin oo xabaalid oo dhulka la simid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabfurid
-da: (magac, dhedig, keli) baab horey la isugu dhigay furid oo burin; fal ama sixir hore qof loogu qabtay rogid. Dh: sixirfurid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caambixid
m.f.dh eeg caambax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caambixid
-da: (magac, dhedig, keli) caan noqosho: magac yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camajuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhinacyadiisa si xoog leh isugu keenid. la-mid: camandhuuji, camanjuuji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
camajuuji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhinacyadiisa si xoog leh isugu keenid. m.f.dh, camajuujin. la-mid: camandhuuji, camanjuuji.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
camajuuji
v. wrestle someone to the ground
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camajuuji
(fal) rif oo camcami.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
camajuuji
de: wrestle s.o. to the ground
lx: camajuuji
pd: (camajuujiyey)
ps: v2a=
syn: camcami
key: camajuuji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carbuunid
(Carbuunid-da)
Wax la gatay, carbuun ka bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbuunid
m.f.dh eeg carbuun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbuunid
-da: (magac, dhedig, keli) wax lagu heshiiyey kala iibsigiisa curaar ka sii bixin. Dh: curaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casamarid
m.f.dh eeg casamar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashuurid
m.dh la-mid: canshuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashuurid
-da: (magac, dhedig, keli) cudhaadh ka qaadid. Dh: canshuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gammuuxid
-da: (magac, dhedig, keli) af fiiqan oo uu wax lahaa, ka jarid. Dh: gammuurid. Li: fiiqid. gamran: (tilmaame) mid lixaad iyo awood leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maamuusid
(Maamuusid-da)
Maamuus u yeelid; muunayn; xurmayn; weyneyn; xushmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maamuusid
m.f.dh eeg maamuus². la-mid: naamuusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maamuusid
-da: (magac, dhedig, keli) cid si wanaagsan u qaddarin oo muuno iyo sharaf ku qaabilid. Waalidku maamuusid buu kugu leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makhuurid
m.f.dh la-mid: maquurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhuurid
-da: (magac, dhedig, keli) cid meel biya ah quusin oo dhex muquursiin. Carruurta makhuuridda ka daa. Dh: muquurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mamnuucid
m.f.dh eeg mamnuuc².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mamnuucid
-da: (n) prohibition (poroohibishiri); the act of prohibiting ~ maanicid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamnuucid
-da: (magac, dhedig, keli) wax reebban oon cidna loo oggolayn ka dhigid. Dh: celin, joojin. Li: oggolaansho, fasixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naamuusid
m.dh la-mid: maamuusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naamuusid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, maamuusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammuurad
m.dh Ciid cas oo dharka cad lagu guduudiyo; sabakh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xammuurad
f. n., [collective] red sand (used as dye); lipstick
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammuurad
-da: (magac, dhedig, keli) kereem ama burcad midabyo kala duwan leh oo dumarku faruuryaha iyo ciddiyaha marsadaan. Gabadhu xammuurad ayay marsan tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xammuurad
de: red sand (used as dye); [ext.] lipstick {N}
initial: x
lx: xammuurad
pd: (-da)
ps: n1-f-col
key: xammuurad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgamuurid
-da: (magac, dhedig, keli) qori, bir ama wax kale, caarada hore ka gamuumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Camajuujin
(Camajuujin-ta)
Camcamin; rifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camajuujin
m.f.dh eeg camajuuji. la-mid: camadhuujin, camajuujis, camanjuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camajuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) rifid oo camcamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camajuujis
m.l la-mid: camajuujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camanjuuji
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: camajuuji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camanjuuji
(fal) qabo oo dhulka ama meel kale ku ruquus. Dh: camajuuji, camcami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canshuurid
(Canshuurid-da)
Canshuur ku qaadid; (ama cashuurid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canshuurid
m.f.dh eeg canshuur². la-mid: cashuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canshuurid
-da: (magac, dhedig, keli) cashuur ka qaadid. Dh: cashuurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanfuurid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere, si foolxun u haanfuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaanguurid
m.f.dh eeg jaanguur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabgurid
-da: (magac, dhedig, keli) malab soo gurid, malab jabsasho. Qiiq badan iyo qalab ayay malabguriddu u baahan tahay. Dh: malabguris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadguurid
m.f.dh eeg raadguur².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgammuurid
m.f.dh eeg afgammuur². la-mid: afgammuur¹ (2), afgammuux¹, afgammuuxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camanjuujin
m.dh la-mid: camajuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camanjuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) camajuujin; camcamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadaltuurid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fadaltuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hal'abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax curin oo wax cusub keenid. Dh: hal'abuuris, curin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hal-abuurid
m.f.dh eeg hal-abuur². la-mid: hal-abuuris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambaaburid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku kicid; ku baraarugid; ku toosid.
hambaaburid -da: (magac, dhedig, keli) si argagax ku jiro, hurdo uga toosid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalagguurid
m.f.dh eeg kalagguur³. la-mid: kalagguuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaddabbuurid
m.f.dh eeg gaaddabbuur².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgammuurmid
m.f.dh eeg afgammuuran¹. la-mid: afgammuuxmid, afgamuurmid, afgamuuxmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camandhuujin
m.dh la-mid: camajuujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqanguurid
(Dhaqanguurid-da)
Dhaqanguur ku dhacay; dhaqanwareegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqanguurid
m.f.dh eeg dhaqanguur². la-mid: dhaqanguur¹ (2), dhaqanguuris².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqanguurid
-da: (magac, dhedig, keli) is beddelid oo caadooyinkii iyo dhaqankii dadka aad ku abtirsato ka tegid; dhaqan kale qaadasho.