caloolyoobid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caloolyoobid
(Caloolyoobid-da)
Caloolyow qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolyoobid
m.f.dh eeg caloolyow². la-mid: caloolyow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) welwel iyo mustaqbalka cabsi ka qabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caloolyoob
inch. v. worry
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caloolyoob
de: worry
lx: caloolyoob
pd: (caloolyoobay)
ps: v1=inch
key: caloolyoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wahan
wahan¹: m.l Welwel.
wahan²: f.mg1 (-hmay, -hantay; -hmi) Uurxumo iyo walaac dartii isla hadlid ama caloolyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolfayoobi
m.dh Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin; uursami.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caloolfayoobi
m.dh Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin; uursami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolfayoobi
-da: (magac, dhedig, keli) cuqdad la'aan dad ku wada jooga iyo niyadsami. Caloolfayoobi ayaan ku gula joogaa. Dh: caloolfurni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaloobid
(Calaloobid-da)
Calal noqosho; duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaloobid
m.f.dh eeg calalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) calal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaaloobid
m.f.dh eeg calaalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) calal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolgo'id
m.f.dh eeg caloolgo'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolgo'id
-da: (magac, dhedig, keli) nicid oo niyadda ka jarid; niyadda ka goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galoofoobid
(Galoofoobid-da)
Galoof noqosho; gurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoofoobid
m.dh la-mid: galoofid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoofoobid
-da: (magac, dhedig, keli) neef guran oo sida neef caano gubayaan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabooloobid
(Sabooloobid-da)
Sabool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabooloobid
m.dh la-mid: saboolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabooloobid
-da: (magac, dhedig, keli) sabool noqosho. Dh: caydhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolfayoobow
f.mg3 (-bowday, -baatay) Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caloolfayoobow
f.mg3 (-bowday, -baatay) Qof aan cadaawad iyo nacayb cid u haynin noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caloolyow
(Caloolyow-ga)
Wax dhacay oo saamayskood darti talo la walaacdo; talo goosan waayid; uurkawareer; laballaabow; murugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolyow
caloolyow¹: m.l Welwel iyo walaac ku dhasha qof marka uu la kulmo arrin adag oo uusan xal u haynin. la-mid: caloolyoobid.
caloolyow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof la kulmay arrin adag oo uusan xal u haynin welwel iyo walaac ku beermid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caloolyow
caloolyow¹: m.l Welwel iyo walaac ku dhasha qof marka uu la kulmo arrin adag oo uusan xal u haynin.
caloolyow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof la kulmay arrin adag oo uusan xal u haynin welwel iyo walaac ku beermid. m.f.dh, caloolyoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caloolyow
m. n. worry, anxiety
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caloolyow
-ga: (n) sorrow (soo-row) sadness (saad-nes) ~ murugo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolyow
(fal) mustaqbalka cabsi ka qab, Dh: welwel.
caloolyow-ga: (magac, lab, keli) mustaqbalka cabsi ka qabid. Dh: welwel, walbahaar, walaahow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caloolyow
de: worry, anxiety
lx: caloolyow
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: caloolyow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Colloobid
(Colloobid-da)
Col la noqosho ama isu noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
colloobid
m.f.dh eeg collow². la-mid: collow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
colloobid
-da: (magac, dhedig, keli) col la noqosho ama isu noqosho; isnecbaysi; isnecbaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
coomoobid
m.f.dh eeg coomow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooloobid
m.f.dh eeg goolow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gooloobid
-da: (magac, dhedig, keli) neef gool ah noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooloobid
-da: (magac, dhedig, keli) qool noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agoomoobid
m.f.dh eeg agoomow. la-mid: agoonoobid, agoontoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoomoobid
-da: (magac, dhedig, keli) aabbe waayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agoonoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid labadiisii waalid ama midkood ka dhintay, noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goolloobid
(Goolloobid-da)
(xoolo) neef gool ah noqosho, goolow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yoolyoolid
m.f.dh eeg yoolyool². la-mid: yoolyool¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoolyoolid
-da: (magac, dhedig, keli) rafaadid oo dhibaato xoogle la kulmid. Dagaalku dad badanbuu yoolyoolid baday. Dh: carcaraafid, rafaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agoontoobid
m.dh la-mid: agoomoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boholyoobid
(Boholyoobid-da)
Boholyow qabid; hiloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boholyoobid
m.f.dh eeg boholyow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boholyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax maqan oo la tebeyo u xiisaqabid. Hooyo ilmeheedii ka magan yahay boholyoobid ma weydo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caasiyoobid
(Caasiyoobid-da)
Caasi noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caasiyoobid
m.f.dh eeg caasiyow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caasiyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) caasi noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caloolbixid
(Caloolbixid-da)
Calooshoo inta dhaqaaqda baxda; shubmid; dooxmid; falmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolbixid
m.f.dh eeg caloolbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolbixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg caloobax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolgelid
m.f.dh eeg caloolgal². la-mid: caloolgal¹ (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caloolkusid
m.l Qof xumaatada lagu sameeyo aan illaawin; uurkuqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caloolqabad
(Caloolqabad-ka)
Nabar qabatin ah oo caloosha maroojiya; caloolxanuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolqabad
m.l la-mid: caloolqabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caloolqabad
vl. n., [compound] cramps, stomach ache; 'pain in the neck' (something hateful)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolqabad
-ka: (magac, lab, keli) xanuun dadka caloosha ka qabta sida xundhurta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caloolqabad
de: cramps, stomach ache; 'pain in the neck' (s.t. hateful)
lx: caloolqabad
pd: (-ka)
ps: vn2-m-cmp
key: caloolqabad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmaloobid
m.f.dh eeg carmalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carmaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) carmal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walaaloobid
(Walaaloobid-da)
Walaalo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaaloobid
m.f.dh eeg walaalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) dad walaalo ah noqosho. Walaaloobid baa wanaag lagu alkumaa. walaalow -ga: (magac, lab, keli) dad walaalo ah noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calool-kusid
m.l Qof xumaatada lagu sameeyo aan illaawin; uurkuqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caloolduubad
(Caloolduubad-ka)
(ka caloolduubad) ka samrid; ka quusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolduubad
m.l la-mid: caloolduubasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caloolduubad
vl. n.-idiom: turning one's heart away from ~ giving up on something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolduubad
-ka: (magac, lab, keli) ka quusasho ama samrid. Dh: quusad, caloolduubasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caloolduubad
a: caloolduubasho (/da) [vn6-f]
de: turning one's heart away from ~ giving up on s.t. Lit: folding up one's stomach
lx: caloolduubad
pd: (-ka)
ps: vn2-m-idiom
key: caloolduubad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalalyoobid
m.dh la-mid: qaalalyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salsalloobid
-da: (magac, dhedig, keli) isu ekaysiin; ku dayasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolfayoobaan
m.f.dh eeg caloolfayoobi². la-mid: caloolfayoobaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calooladaygid
m.f.dh eeg calooladayg².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolgubyood
m.f.dh eeg caloolgubyoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caloolgubyood
v.pat: be broken hearted, struck with grief
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caloolgubyood
de: be broken hearted, struck with grief Lit: burning stomach
lx: caloolgubyood
pd: (caloolgubyooday / gubyootay / gubyoon)
ps: v1=pat
key: caloolgubyood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galoof'ololid
(Galoof'ololid-da)
Olol been ah ololid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoof'ololid
-da: (magac, dhedig, keli) hal aan irmaanayn oo haddana sida hal dhashay u olosha sabab la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoof-ololid
m.f.dh eeg galoof-olol². la-mid: galoof-olol¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaalaliyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dibbirido dhereg badan dartii la afuufmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agoonobid
m.dh la-mid: agoomoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boogoobid
m.f.dh eeg boogow². la-mid: boogow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogoobid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad u bugta oo boog weyn qabta noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boosoobid
-da: (magac, dhedig, keli) boos noqosho; naafoobid ama curyaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanoobid
-da: (magac, dhedig, keli) caano noqosho; caddaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaroobid
(Caaroobid-da)
Cadanyood; xajiimood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaroobid
m.f.dh eeg caarow. la-mid: caarood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) cadanyoobid; xajiimoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caatoobid
(Caatoobid-da)
1. Caato noqosho.
2. Daalid, noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caatoobid
m.f.dh eeg caatow². la-mid: caatow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caatoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid weyd ah noqosho.
caatoobid -da: (magac, dhedig, keli) daalid; noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadhoobid
m.f.dh eeg cadhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhoobid
-da: (magac, dhedig, keli) cudurka cadhada yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caloolbax
(Caloolbax-a)
Caloosha oo socota oo laga baxo, xanuun ha wehesho ama yuusan weheline; shuban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolbax
caloolbax¹: m.l Saxaro badan, jilicsan oo dulin nafleyda caloosha ka qooma keeno; shuban; dababbax.
caloolbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Nafley saxaro badan oo jilicsan dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caloolbax
caloolbax¹: m.l Saxaro badan, jilicsan oo dulin nafleyda caloosha ka qooma keeno; shuban; dababbax.
caloolbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Nafley saxaro badan oo jilicsan dhigid. m.f.dh, caloolbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caloolbax
m. n., [collective] diarrhea
caloolbax: v., [compound] have diarrhea