calooljileec
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calooljileec
m.l 1. Dareen naxariis iyo turaal leh oo aadanaha ku beerma. 2. Dareen nuglaan iyo debec leh oo loo yeesho arrin aan la hubsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calooljileec
m. n., [abstract] compassion; generosity; sensitivity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calooljileec
-a: (n) tender heartedness; soft heartedness; compassion (kom-paashin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calooljileec
-a: (magac, lab, keli) nixid iyo naxariis badnaan; aan calool adkayn. Dh: laabjileec.
calooljileec -a: (magac, lab, keli) caloosha oo qashinbaxda; caloosha oo shubanta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calooljileec
de: compassion; generosity; sensitivity
lx: calooljileec
pd: (-a)
ps: n-m-abs
key: calooljileec
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raxmad
(Raxmad-da)
Calooljileec keenta in wixii dhibaato qaba, dhibaatada laga feydo; beerjileec; naxariis; turaal; jimic.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kelya'adayg
-a: (magac, lab, keli) cabsila'aan iyo geesinimo. Dh: calooladayg. Li: calooljileec.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raxmad
-da: (magac, dhedig, keli) naxariis Eebbe.
raxmad -da: (magac, dhedig, keli) calooljileec iyo naxariis cid loo hayo. Ilaahoow addoomada raxmad isku geli. Dh: beerjileec, naxariis.
raxmad -da: (magac, dhedig, keli) roob lagu diirsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calooljilcan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof naxariis badan ahaansho. 2. Qof wax uusan hubsan si sahlan u qaata ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calooljilcan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof naxariis badan ahaansho. 2. Qof wax uusan hubsan si sahlan u qaata ahaansho. m.f.dh, calooljilcanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calooljilcan
der. [adjective] be compassionate, light-hearted; be sensitive; be generous
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calooljilcan
-aa / ayd: (n) tender hearted; soft-hearted; compassionate (kom-paashin-neyt) ~ calooljilicsan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calooljilcan
de: be compassionate, light-hearted; be sensitive; be generous
lx: calooljilcan
pd: (calooljilcannaa)
ps: adj-der
key: calooljilcan
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calooljilciye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (daaw.) Dawo badisa caloolbaxa, ayadoo jilcinaysa saxarada ama dhaqaajineysa xiidmaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolxumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Cid caloolxumo badid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caloolxumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Cid caloolxumo badid. m.f.dh, caloolxumayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caloolxumee
v. sadden; make someone unsatisfied
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caloolxumee
-yey / caloolxumaysay: (v) make someone sad; sadden (saaden)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caloolxumee
de: sadden; make s.o. unsatisfied
lx: caloolxumee
pd: (caloolxumeeyey)
ps: v2b=tr
key: caloolxumee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalbi jileec
m. n. soft-hearted ~ faint-hearted person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalbi_jileec
de: soft-hearted ~ faint-hearted person
lx: qalbi jileec
pd: (-a)
ps: n-m
key: qalbi_jileec
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calool-jilciye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (daawo) Dawo badisa caloolbaxa, ayadoo jilcinaysa saxarada ama dhaqaajineysa xiidmaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calooljilcanaan
m.f.dh eeg calooljilcan. la-mid: calooljilcanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baloolley
m.dh 1. Gabar yar oo markaas timihii loo reebay oo aan weli inan noqon. 2. Hal igar ah oo mar oggolato in caanaha laga liso marna diiddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baloolley
m.dh 1. Gabar yar oo markaas timihii loo reebay oo aan weli inan noqon. 2. Hal igar ah oo mar oggolato in caanaha laga liso marna diiddo. 3. Jaad ka mid ah ciyaaraha saarka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baloolley
f. n. she-camel without calf that will ~ will not give milk depending on her mood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baloolley
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka mid ah ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida. Gabdhuhu saf bay u joogsadaan wiilashu na saf, kolkaa, marba gabadh iyo wiil baa ciyaara. Waxa lagu furaa gabay araar ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baloolley
de: she-camel without calf that will ~ will not give milk depending on her mood
lx: baloolley
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: baloolley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caloolgal
(Caloolgal-ka)
Uur gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolgal
caloolgal¹: m.l 1. Bilawga uurka haweenka, uurgal. 2. la-mid: caloolgelid.
caloolgal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) Uur gelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caloolgal
caloolgal¹: m.l 1. Bilawga uurka haweenka, uurgal.
caloolgal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) Uur gelid. m.f.dh, caloolgelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caloolgal
v., [compound] conceive, become pregnant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caloolgal
-ay / shay: (v) conceive (kon-siiv); become pregnant with offspring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolgal
-ka: (magac, lab, keli) billawga sagaalka bilood ee ilumuhu uu caloolsha hooyadii ku jirayo; waqtiga uu cunug caloolsha hooyadiis ku kowsado; uurgelid; uuraysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caloolgal
de: conceive, become pregnant
lx: caloolgal
nt: caloolgal (ka) [vn2-m] 'conception, pregnancy'
pd: (caloolgalay)
ps: v1=cmp
key: caloolgal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caqlileey
-ah: (adj) intelligent female; smart (ismaart); bright (baraayt)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalooliye
m.l Bir af dhuuban oo girgirro leh oo alwaaxda, birta iyo wixi lamida lagu dalooliyo. la-mid: duleeliye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalooliye
m.l Bir af dhuuban oo girgirro leh oo alwaaxda, birta iyo wixi lamida lagu dalooliyo. la-mid: duleeliye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalooliye
m. n. drill, borer, hole punch, something that makes holes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalooliye
-ha: (n) drill (diriil); driller (diriilar) ~ duleeliye
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
DALOOLIYE
Bucatrice
Punch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalooliye
-ha: (magac, lab, keli) qalab ama makinad, gacanqabsi iyo kuwo waaweynba leh oo wax lagu dalooliyo. Dalooliyiihii labuu u kala jabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalooliye
a: duleeliye
de: drill, borer, hole punch, s.t. that makes holes
lx: dalooliye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dalooliye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiljileec
-a: (magac, lab, keli) wax aan ad'adayg lahayn. Dh: dabacsanaan, nuglaan. Li: ada'dayg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof buuran ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caloolweyn
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof buuran ahaansho. m.f.dh, caloolweynaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabjileec
-a: (magac, lab, keli) naxariis waalidnimo ama bini'aadminimo oo cid itaal yar loogu uurnuglaado. Dh: calooljieleec. Li: calool'adayg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolaweyn
m.dh 1. (u) Koox dad ah oo hanti mood ah oo badan leh. 2. Marka balagga digirtu ka baxo miliqnimada ee ay iniinyihiisu yaryaryihiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caloolaweyn
m.dh 1. (u) Koox dad ah oo hanti mood ah oo badan leh. 2. Marka balagga digirtu ka baxo miliqnimada ee ay iniinyihiisu yaryaryihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caloolbixid
(Caloolbixid-da)
Calooshoo inta dhaqaaqda baxda; shubmid; dooxmid; falmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolbixid
m.f.dh eeg caloolbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolbixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg caloobax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calooldabac
(fal) (u ~) u naxariiso.
calooldabac-a: (magac, lab, keli) naxariis laba qof isu muujiyaan. Cadaw ha igu noqonine, mar uun ii calool dabac. Dh: naxariis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolgelid
m.f.dh eeg caloolgal². la-mid: caloolgal¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolacaddee
f.mg2 (-deeyay, -daysay) Nafley galgalasho hadba caloosha la soo kormarinayo samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caloolacaddee
v. roll over and show the white of the stomach
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolacaddee
(fal) galgalo oo caloosha kor soo mari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caloolacaddee
de: roll over and show the white of the stomach
lx: caloolacaddee
pd: (caloolacaddeeyey)
ps: v2b=
key: caloolacaddee