calool-jilciye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calool-jilciye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (daawo) Dawo badisa caloolbaxa, ayadoo jilcinaysa saxarada ama dhaqaajineysa xiidmaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calooljilciye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (daaw.) Dawo badisa caloolbaxa, ayadoo jilcinaysa saxarada ama dhaqaajineysa xiidmaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calooljilcan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof naxariis badan ahaansho. 2. Qof wax uusan hubsan si sahlan u qaata ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calooljilcan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof naxariis badan ahaansho. 2. Qof wax uusan hubsan si sahlan u qaata ahaansho. m.f.dh, calooljilcanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calooljilcan
der. [adjective] be compassionate, light-hearted; be sensitive; be generous
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calooljilcan
-aa / ayd: (n) tender hearted; soft-hearted; compassionate (kom-paashin-neyt) ~ calooljilicsan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calooljilcan
de: be compassionate, light-hearted; be sensitive; be generous
lx: calooljilcan
pd: (calooljilcannaa)
ps: adj-der
key: calooljilcan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calooljileec
m.l 1. Dareen naxariis iyo turaal leh oo aadanaha ku beerma. 2. Dareen nuglaan iyo debec leh oo loo yeesho arrin aan la hubsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calooljileec
m.l 1. Dareen naxariis iyo turaal leh oo aadanaha ku beerma. 2. Dareen nuglaan iyo debec leh oo loo yeesho arrin aan la hubsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calooljileec
m. n., [abstract] compassion; generosity; sensitivity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calooljileec
-a: (n) tender heartedness; soft heartedness; compassion (kom-paashin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calooljileec
-a: (magac, lab, keli) nixid iyo naxariis badnaan; aan calool adkayn. Dh: laabjileec.
calooljileec -a: (magac, lab, keli) caloosha oo qashinbaxda; caloosha oo shubanta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calooljileec
de: compassion; generosity; sensitivity
lx: calooljileec
pd: (-a)
ps: n-m-abs
key: calooljileec
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calooljilcanaan
m.f.dh eeg calooljilcan. la-mid: calooljilcanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caloolbixid
(Caloolbixid-da)
Calooshoo inta dhaqaaqda baxda; shubmid; dooxmid; falmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolbixid
m.f.dh eeg caloolbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolbixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg caloobax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolgelid
m.f.dh eeg caloolgal². la-mid: caloolgal¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calool-adayg
calool-adayg¹: m.l la-mid: calool-adkaan.
calool-adayg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Ku c.: adkeysi iyo isbeddel la'aan muujin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calool-adayg
m.l eeg calool-adag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calool-adayg
m. n. (adj.): courage, bravery, boldness; brave; cruel, ruthless
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calool-kusid
m.l Qof xumaatada lagu sameeyo aan illaawin; uurkuqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caloolmajiir
m.l (-ro, m.dh) (daawo) Xanuun aad ah ee uurkujirtada oo ay ilbidhiqsiyo ama daqiiqado qabatinka u kala dhexeeyaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caloolmajiir
m.l (-ro, m.dh) (daaw.) Xanuun aad ah ee uurkujirtada oo ay ilbidhiqsiyo ama daqiiqado qabatinka u kala dhexeeyaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHALOOL-OOHIYE
(Shalol-ohie) May, S Hibiscus aponeurus Spargue & Hutch. Malvaceae.