calasow
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Calasow
nickname; name-m slightly light skinned. Syn: Calas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calasow
magac loo baxsho wiil u dhashay midab furan oo dhalaalaya.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Calaso
nickname-f slightly light-skinned. Syn. Calas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Calal noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalow
(fal) maro hun ah noqo. Dh: calalaw. calalsad -ka: (magac, lab, keli) cunto ilkaha ku jilcin; calalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galasow
-ga: (magac, lab, keli) godnaan gaajo darteed; gaajo la dhuubnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Calal ama wax duugoobay noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaalow
inch. v. become dependent, helpless, incapable; become worn out, a wreck
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaalow
-ga: (magac, lab, keli) calal noqod.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaalow
de: become dependent, helpless, incapable; become worn out, a wreck Alt sp: callaalow
lx: calaalow
pd: (calaaloobay)
ps: v1=inch
key: calaalow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calas
(Calas-ka)
(fuud, biyo) aan miir ahayn; calow galay; qasan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calas
calas¹: m.l.kh 1. C. ah: biyo saafi ah. 2. C. ah: maraq dufankiisu yaryahay. 3. C. ah: midab casaan xigeen ah; maarniin.
calas²: m.dh 1. Biyo ama fuud aan miir ahayn calow galay, qasan. 2. Midabyo isku laban (xoolaha).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calas
calas¹: m.l.kh 1. C. ah: biyo saafi ah. 2. C. ah: maraq dufankiisu yaryahay. 3. C. ah: midab casaan xigeen ah; maarniin.
calas²: m.dh 1. Biyo ama fuud aan miir ahayn calow galay, qasan. 2. Midabyo isku laban (xoolaha).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calas
m. n., (mass n.): muddy water
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Calas
nickname; name-m slightly light-skinned. Syn: Calaso
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calas
-ah: (adj) not bright or pure, especially muddy water or muddy color ~ calow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Calas
magac loo baxsho gabadh leh midab furan oo dhalaalaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calas
-ka: (magac, lab, keli) fuudka laga miiro raashinka sida hadhuudhka iyo baastada iyo wixii la mid ah; biyo aan saafi ahayne oo calaw ku jiro ama wax isku qasan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calas
de: muddy water
lx: calas
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: calas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaw
-ga: (magac, lab, keli) biyo yar oo wasakh leh.
calaw -ga: (magac, lab, keli) maraqa aan subag iyo milix midna lahayn oo ka baxay hilibka neef weyd ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calow
(Calow-ga)
Dhoobo iyo ciid iyo wixii la mid ah oo biyuhu sitaan; raqas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calow
calow¹: m.l.kh 1. C. ah: biyo dhoobo ku qasantahay. 2. C. ah: midab calas ah.
calow²: f.mg1 (-lway, -lowday; -lwi) Biyo, dhoobo ku qasmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calow
m.l.kh 1. C. ah: biyo dhoobo ku qasantahay. 2. C. ah: midab calas ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calow
m. n., (mass n.): muddy water
calow v. be muddy (of water)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calow
-ga: (n) not bright or pure especially muddy water or muddy color; turbid (tuur-bidh) ~ calas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calow
-ga: (magac, lab, keli) biyo dhoobo ku kaakacsan tahay ama ku walaaqan tahay. Dh: caraq, raqas.
calow -ga: (magac, lab, keli) fuudka dabka ku raaga oo dhanaanaada oo ka taga in la cabi karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casow
f.mg3 (-saaday, -saatay) Wax cas noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casow
f.mg3 (-saaday, -saatay) Wax cas noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casow
inch. v. become red, get reddish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casow
(fal) wax cas noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casow
a: casoow
de: become red, get reddish
lx: casow
pd: (casaaday)
ps: v3a=inch
key: casow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lasow
(Lasow-ga)
Dhadhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lasow
m.l Dhadhanka wax faaday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lasow
m. n. taste, flavor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lasow
-ga: (magac, lab, keli) dhadhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lasow
de: taste, flavor
lx: lasow
pd: (-ga)
ps: n-m
syn: dhadhan
key: lasow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanow
(fal) caano noqo; caddaan noqo.
caanow-ga: (magac, dhedig, keli) caano noqosho ama midab caddaan ah yeelasho.
caanow -ga: (magac, lab, keli) cudur maqasha yaryar kaga dhaca xunaha lafaha oo aanay kici karin. Waxartu caanow ayey la jiiftaa.
caanow -ga: (magac, lab, kel) xanuun maqaarka ama jidhka ku dhaca oo cadcaddaan u yeela. Dh: baras.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caarow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Caaro dareemid (dad ama xoolo). la-mid: caaroo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caarow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Caaro dareemid (dad ama xoolo). m.f.dh, caaroobid. la-mid: caaroo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarow
(fal) cadanyoo oo xajiin iyo cuncun dareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caatow
caatow¹: m.l la-mid: caatoobid.
caatow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Caato noqosho. 2. Wax dallan noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caatow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Caato noqosho. 2. Wax dallan noqosho. m.f.dh, caatoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caatow
(fal) daal oo rafaad. Dh: noog.
caatow -ga: (magac, lab, keli) mid aan hilib badan iyo baruur lahayn noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calako
m.dh Haweeney aad nacas u ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calako
-da: (magac, dhedig, keli) ceeb; bayuur.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
callow
/kaalow/ (adj) ciyaal aan khibrad lahayn ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haasow
haasow¹: m.l la-mid: haasaawid.
haasow²: f.mg1 (-saaway,-saawday;-saawi) La h.: haasaawe samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haasow
f.mg1 (-saaway,-saawday;-saawi) La h.: haasaawe samayn. m.f.dh, haasaawid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raasow
m.l (botani) Nagaar laamo jilicsan iyo caleen dhuudhuuban leh oo marka la kariyo caleemihiisa dadku cunto ahaan u cunaan. la-mid: raansow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raasow
m.l (botani) Nagaar laamo jilicsan iyo caleen dhuudhuuban leh oo marka la kariyo caleemihiisa dadku cunto ahaan u cunaan. la-mid: raansow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raasow
(fal) raas la dego noqo. Raasow oo ha lagugu soo hirto.
raasow: (fal) adkaw oo dhagax raaso ah noqo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
WAASOW
(Wasow) S Aristolochia rigida Duch. Aristolochiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaasow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Nafley caato noqosho. 2. Qof carruur badan yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasow
(fal) carruur badan yeelo. Dh: danow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaqow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax balaq ah noqosho (hilib).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqow
-ga: (magac, lab, keli) eeg balaqaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadadow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) la-mid: cadcadow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calafso
f.g3 (-saday, -satay) Wax calaf ka dhigasho. la-mid: calfo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calafso
f.g3 (-saday, -satay) Wax calaf ka dhigasho. m.f.dh, calafsasho. la-mid: calfo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calafso
v. obtain one's daily bread; have luck
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calafso
(fal) calaf ka dhigo oo dheefso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calafso
cf: calfo
de: obtain one's daily bread; [fig.] have luck
lx: calafso
pd: (calafsaday)
ps: v3a=
key: calafso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalso
f.g3 (-saday, -satay) Cunto gowsaha ku burburin. la-mid: calasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calalso
f.g3 (-saday, -satay) Cunto gowsaha ku burburin. m.f.dh, calalsasho. la-mid: calasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calalso
v. chew
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalso
(fal) cunto ilkaha ku jilci; calanji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calalso
a: calasho
de: chew
lx: calalso
pd: (calalsaday)
ps: v3a=tr
key: calalso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calasee
f.g2 (-seeyay, -seysay) 1. Dhul qashin ka nadiifin. 2. Biyo calas ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calashi
m.l la-mid: calalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calashi
-ga: (magac, lab, keli) eeg calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calasho
f.g3 (-shaday, -shatay) la-mid: calalso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calasho
(fal) cunto iyo wax la mid ah, afka geli oo ilkaha ku googoo oo raamso.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caliyow
name-m exalted, high, lofty. Cf: Cali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carabow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Carab noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carabow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Carab noqosho. m.f.dh, caraboobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carabow
inch. v. become an Arab
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carabow
de: become an Arab (e.g. take on the traits / characteristics of an Arab)
lx: carabow
pd: (caraboobay)
ps: v1=inch
key: carabow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawarow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax il beelay ama nabar ka gaaray noqosho. la-mid: cawirow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawarow
inch. v. become blind in one eye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawarow
(fal) nafley, mid il la' noqo.
cawarow-ga: (magac, dhedig, keli) mid cawar ah noqosho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawarow
cf: weershe {N}
de: become blind in one eye
lx: cawarow
pd: (cawaroobay)
ps: v1=inch
key: cawarow
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Culusow
nickname; name-m heavy; serious
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Culusow
magac loo baxsho wiil yaraantiisii miisaan iyo culays ka carruurta ka badan lahaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falalow
-ga: (magac, lab, keli) eeg falallaw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lalabow
v. be nauseous; feel sick (like vomiting)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacasow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Nacas noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nacasow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Nacas noqosho. m.f.dh, nacasoobid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nacasow
-bay I nacsowday: (v) commit foolish or stupid act ~ nacasoob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nacasow
(fal) fal nacasnimo same.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarasow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax qaras qaaday noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarasow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax qaras qaaday noqosho. m.f.dh, qarasoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarasow
inch. v. have a stomach disorder resulting in constipation, headache and nausea
qarasow [inchoative] v. become silly, be lacking in meaning (of speech)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Yalaxow
nickname; name-m fine; soft haired. Syn: Yalax, Yoolax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Yalaxow
eeg Yalax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nacaladow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Qof nacaladi ku dhacday noqosho. 2. Qof aad loo ceebeeyey noqosho. la-mid: lacanadow, nacalladow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nacaladow
inch. v. become unclean
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nacaladow
a: nacaladoob
de: become unclean
lx: nacaladow
pd: (nacaladoobay)
ps: v1=inch
key: nacaladow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bambasow
f.mg1 (-ooway, -oowday) la-mid: dambasow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basaasow
-ga: (magac, lab, kel) marka aad dux yari darteed la wareertid. Madaxa ayaan basaasow ka dareemayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caasiyow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ku c.: caasi noqosho.