calanwalenimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calanwalenimo
-da: (magac, dhedig, keli) calanwalenimo ku shaqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caallenimo
-da: (magac, dhedig, keli) maangaab ahaan. Dh: doqoniimo, nacasnimo. Li: fariidnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaannimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof aan badan lahayn ahaan. Dh: doqonniimo, nacasnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walaalnimo
(Walaalnima-da)
Walaal ahaan; walaaltooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaalnimo
m.dh Walaal ahaan. la-mid: walaaltinnimo, walaaltooyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
walaalnimo
f. n., [abstract] brotherhood, state of being brothers ~ sisters
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
walaalnimo
-walaalnimada: (n) brotherhood (baraathar-huudh)-, fraternity (faraa-teenati) ~ walaaltinimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) walaal ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
walaalnimo
a: walaaltooyo
de: brotherhood, state of being brothers ~ sisters
initial: w
lx: walaalnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: walaalnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaalennimo
m.dh Alaale ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaalennimo
-da: (magac, dhedig, keli) alaale ahaanshaha.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadaawenimo
-cadaawenimada: (v) hostility (hostiliti); antagonism or enmity cadaawo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaawenimo
-da: (magac, dhedig, keli) cadow ahaan; cadaawe ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maangalnimo
m.dh (fals.) Aragti falsafadeed oo amminsan in maanku ama caqligu uu yahay shuruudda ugu muhimsan wax garasho kasta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cadaawannimo
m.dh Cadaw ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaawannimo
-da: (magac, dhedig, keli) cadaawe ahaansho; cadownimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadaqaatenimo
-da: (magac, dhedig, keli) noqoshada qof caadaqaate ahaan ku shaqaysta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afnaqenimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof dadka kale magacooga ku hadla ahaansho. Afnaqenimo ayuu Idiris jaamacadda u galay.
afnaqenimo -da: (magac, dhedig, keli) ahaanshaha turjumaan dadka u kala afceliya. Afnaqenimadu waa shaqo maanta qaali ah oo loo baahan yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadilnimo
-da: (magac, dhedig, keli) caddaalad falitaan; si caddaaladi ku jirto u dhaqmid. Caadilnimo ayey ku dhaqmi jireen asaxaabadii Rasuulku (scw).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaqilnimo
(Caaqilnima-da)
Caaqil ahaan; caqli wanaagsan lahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaqilnimo
m.dh Caaqil ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caaqilnimo
f. n., [abstract] intelligence, wisdom; headship, chieftaincy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caaqilnimo
-caaqilnimada: (n) wisdom (wiiz-dam); insight (iin-saayt); intelligence (in-tal-a-jansi); good judgment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaqilnimo
-da: (magac, dhedig, keli) waxgarad ahaan; caqlibadnaansho. Caaqilnimo muuji marka arrin laguu keeno.
caaqilnimo: -da: (magac, dhedig, keli) caaqil ahaan hoggaamiye reereed ahaan; nabaddoon ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caaqilnimo
de: intelligence, wisdom; headship, chieftaincy
lx: caaqilnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: caaqilnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaadnimo
m.dh la-mid: cinaadnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaannimo
m.dh Cawaan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaannimo
-da: (magac, dhedig, keli) cawaan ahaan; qof jaahil ah noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciyaalnimo
(Ciyaalnima-da)
Ciyaal ahaan; carruurnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyaalnimo
m.dh Ciyaal ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciyaalnimo
f. n., [abstract] childhood, childishness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciyaalnimo
-ciyaalnimada: (n) 1. childhood (jaayldhi huudh) ~ carruurnimo. 2. childish act
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaal ahaan, dhaqanka carruurta yeelasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciyaalnimo
cf: carruurnimo
de: childhood, childishness
lx: ciyaalnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: ciyaalnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fataalnimo
(Fataalnima-da)
Fataal ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataalnimo
m.dh Fataal ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fataalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) fidnoole ahaan.
fataalnimo -da: (magac, dhedig, keli) qof ragga iyo dumarka isu geeya ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaallenimo
m.dh Jaalle ahaansho.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kalgalnimo
Periodicity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) xamaal tunka wax ku qaada ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaddilnimo
(Caaddilnima-da)
Caaddil ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaddilnimo
m.dh Caaddil ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caaddilnimo
f. n., [abstract] justness, impartiality, rationality
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caaddilnimo
-caaddilnimada: (n) freedom from favoritism, self interest, or bias in judgment; fairness (feernes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaddilnimo
-da: (magac, dhedig, keli) caaddil ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caaddilnimo
de: justness, impartiality, rationality
lx: caaddilnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: caaddilnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalaminimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax addunka oo idil gaadhsiisan ama laga yaqaan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caallannimo
m.dh Caalle ahaansho; nacasnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caallennimo
(Caallennima-da)
Caalle ahaan; nacasnimo; dabbaalnimo; doqonnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caashaqnimo
-da: (magac, dhedig, keli) caashaq ahaan; jacaylnimo. Wuxu isla garan la'yahay waa caashaqnimo. Dh: aashaqnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calakonnimo
m.dh Calako ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calanwalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) calan ku shaqayn; hab ay maraakiibtu warka isku siiyaan oo la isku aqoonsado. Hababkii hore ee warisgaarsiinta gaadiidka badda ka mid ahaa oo labo markab ama markab iyo xeeb isu muuqdaa ku wada hadlaan. Dh: calanwalays.
calanwalayn -ta: (magac, dhedig, keli) calanlulista garsooraha ciyaaraha kubbada cagta dhinacyada ka ilaaliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calanwalays
-ka: (magac, lab, keli) eeg calanwalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calanwallee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) 1. Calan ruxid. 2. Muddo barwaaqo iyo rayrayn ku noolaasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calanwallee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) 1. Calan ruxid. 2. Muddo barwaaqo iyo rayrayn ku noolaasho. m.f.dh, calanwalleyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calanwallee
v. hold and wave a flag; be in a period of maximum brightness ~ brilliant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calanwallee
(fal) wakhti ama xilli wanaagsan ku jir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calanwallee
de: hold and wave a flag; [fig.] be in a period of maximum brightness ~ brilliant
lx: calanwallee
pd: (calanwalleeyey)
ps: v2b=tr
key: calanwallee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallaalnimo
m.dh Dallaal ahaansho.

dąllaalnimo
m.dh Dąllaal ahaansho. la-mid: dillaalnimo, dullaalnimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dallaalnimo
m.dh Dallaal ahaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dallaalnimo
-dallaalnimada: (n) brokerage (baro-kareeyj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof dillaalnimo ku shaqaysta ahaan. Dallaalnimada dad baa ku nool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadyaalnimo
m.dh Caadyaal ahaansho (Ilaahay).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadyaalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax muuqda ahaansho; dibadyaal ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadaawennimo
(Cadaawennima-da)
Cadaawe ahaan: nacabnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadaawennimo
f. n., [abstract] enmity, hostility
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadaawennimo
de: enmity, hostility
lx: cadaawennimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: cadaawennimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calanwalleyn
m.f.dh eeg calanwallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calanwalleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) seben wanaagsan ku jirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareewalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) darewal ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faantaarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qabweyni iyo kibir; isqaadqaadid macnala'aaneed. Dh: batraanimo, faacuuranimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laangaabnimo
-da: (magac, dhedig, keli) dad aan nasab ahayn ama tol weyn ka dhalan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maangaabnimo
m.dh la-mid: maangaabi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maangaabnimo
-maangaabnimada: (n) stupidness (istuupidnes); slowness (isloow-nes), dullness (dal-nes), obtuseness (obtuus-nes); blockheadedness ~ doqonnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maangaabnimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax maangaaban oo kasmadiisu kooban tahay ahaan. Dh: kasyari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macangagnimo
(Macangagnima-da)
Macangag ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macangagnimo
m.dh Macangag ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macangagnimo
f. n., [abstract] obstinacy, stubbornness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macangagnimo
- macangagnimada: (n) obstinacy (oo bis-tanas i); single-mindedness; hard line; stubbornness ~ see also [eeg] macangag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macangagnimo
-da: (magac, dhedig, keli) macangag ahaan; qof dabcixun oo madax adag ahaan. Dabeecadda macangagnimada ah iska daa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macangagnimo
de: obstinacy, stubbornness
lx: macangagnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: macangagnimo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaangaarnimo
-qaangaamimada: (n) puberty (piyuubarti); maturity (majuurati); adulthood (a-dhalt-huudh) ~ baaluqnimo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
walaaltinimo
-da: (n) brotherhood (baraathar-huudh)-, fraternity (faraa-teenati) ~ walaalnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaaltinimo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg walaalnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayawaannimo
(Xayawaannima-da)
Xayawaan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayawaannimo
m.dh Xayawaan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xayawaannimo
f. n., [abstract] condition of being an animal; stupidity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xayawaannimo
-xayawaannimada: (n) 1. animality (a-ni-maaliti). 2. stupid act
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayawaannimo
-da: (magac, dhedig, keli) doqonniimo maangaabni ah oo la mid ah ta noolaha aan caqliga lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xayawaannimo
de: condition of being an animal; [fig.] stupidity
initial: x
lx: xayawaannimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: xayawaannimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanannuugnimo
m.dh Caanannug ahaansho. la-mid: caanonnuugnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxweynenimo
-da: (magac, dhedig, keli) madaxweyne ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabbannimo
m.dh Aabbe ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abwaannimo
(Abwaannima-da)
Abwaan ahaansho; aqoon, tan abwaanka u eg, lahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abwaannimo
m.dh Abwaan ahaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abwaannimo
-abwaannimada: (n) the state of being a scholar (iskoolar)-, scholarship; knowledge (noolaj) expertness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abwaannimo
-da: (magac, dhedig, keli) karti halabuurnimo iyo aqoon ballaadhan lahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afhayenimo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg afhayeennimo.