calandejin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calandejin
m.dh Calan dejinta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calandejin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin weyn ama murugo dhacda darteed, calanka hoos u dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calan_dejin
de: lowering of the flag
lx: calan dejin
pd: (-ta)
ps: np-f
key: calan_dejin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaanjin
m.dh la-mid: calaanjiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaddejin
-ta: (magac, dhedig, keli) hoos u dejin. Daaddejinta alaabta iigu dhakhso. Dh: daaddejis.
daaddejin -ta: (magac, dhedig, keli) dad wax ayna horay u aqoonin ka dhaadhicis oo fahansiin. Daad- dejinta cashirka carruurta barahanaa ku fiican.
daaddejin -ta: (magac, dhedig, keli) markab dagaal oo uu markab kale hub ku dhufto oo uu daadejiyo. Daaddejinta markabka gantaalka ku dhacay baa u sabab ahaa.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
clandestin
clandestin, adj. - sir qarsoodi ah; sharci maaha; waa mamnuuc; Lama oggola.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camandhuujin
m.dh la-mid: camajuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballanjebin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ballan-baajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caananuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) caano siin; naaska u dhigid; nuujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camanjuujin
m.dh la-mid: camajuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camanjuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) camajuujin; camcamin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
clandestine
/kalandhestin/ (adj) qarsoodi ah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
clandestino
agg. - qarsoodi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaandalin
-ta: (magacn dhedig, keli) cid kale, si xannaano iyo dhawris leh u daaddihin. Dalaandali wixii taagdaran oo dhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaancelin
-ta: (magac, dhedig, keli) jawaabta la celiyo marka lagu salaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calalin
(Calalin-ta)
(cunno, kd.) ilkaha ku googgoyn oo ku jilcin, si liqiddu u fududaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalin
m.f.dh eeg calali. la-mid: calalis (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan dareere ahayn, ilkaha ku googoyn oo ku jilcin, si sibqinta iyo liqiddu ba u fududaadaan. Dh: calalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalajin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qallajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaladeyn
(Aaladeyn-ta)
Aalad u yeelid; qalabayn; hubayn; qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąaladeyn
m.f.dh eeg ąaladee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg aaladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanteen
-ka: (magac, lab, keli) labaatan senti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanteyn
m.l Lacag ka mid ah sarrifka rubiyada oo qiimaheedu u dhigmo labaatan senti. la-mid: caanateyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caanteyn
m. n. twenty cents
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caanteyn
-ka: (n) two dimes: twenty cents
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanteyn
-ka: (magac, lab, keli) eeg caantayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caanteyn
bw: caanad; lacag {N}
de: twenty cents
lx: caanteyn
pd: (-ka)
ps: n-m
syn: saaq
key: caanteyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanyeyn
m.f.dh eeg caanyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabaadin
(Cabaadin-ta) (ka cabaadin)
Cabaad ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabaadin
m.f.dh eeg cabaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» cabaad ka keenid. Dh: cabaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadaadin
(Cadaadin-ta)
Dhibid; kadeedid; xumayn; horjoogsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadin
m.f.dh eeg cadaadi. la-mid: cadaadis¹ (3).
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
cadaadin
pressing
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadaadin
vl. n. repressing, oppressing, torturing, tormenting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadaadin
-ta: (n) 1. pressure (paree- shar); compression (kom-pree-shen) 2. oppression (o-paree-shen) 3. harassment (haares-ment) cadaadis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xoog leh, hoos wax ugu riixid. Dh: cadaajin, cadaadis.
cadaadin -ta: (magac, dhedig, keli) culays saarid ama ku ciqaabid qof waxaanu qaadi karayn; horusocod u diidid; dhibid. Dh: kadeedid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadaadin
de: repressing, oppressing, torturing, tormenting
lx: cadaadin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: cadaadin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadadeyn
m.dh la-mid: cadcadeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xisaabin; cadad sheegid. Dh: tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagaajin
(Cagaajin-ta)
Ceyrin; eryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaajin
m.f.dh eeg cagaaji. la-mid: cagaajis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) kabala'aan ka dhigid; kabaha uga bi'id ama ka idlayn.
cagaajin -ta: (magac, dhedig, keli) caydhin; cagaajis eryood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilkaha wax ku raamsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaanji
(Calaanji-ga)
Farsamo ama wax kale oo aan si fiicin loo aqoon oo si foolxun loo sameeyo ama loo sheego; caanyeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaanji
calaanji¹: m.l la-mid: calaanjiyid.
calaanji²: f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Cunno meyrax iyo wixi lamida gowsaha ku jilcin. 2. Wax si aan habboonayn isugu qasid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calaanji
f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Cunno meyrax iyo wixi lamida gowsaha ku jilcin. 2. Wax si aan habboonayn isugu qasid. m.f.dh, calaanjiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaanji
v. behave awkwardly, do something awkwardly; chew sloppily
calaanji vl. n. poorly made thing because of lack of skill; poor recounting of information
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calaanji
-yey / say: (v) chew (yuu); masticate (mas-tikayt) ~ calali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaanji
(fal) qof ama wax, si qaab daran wax u qabo. Dh: canbus, cuyub, canyayuub.
calaanji -ga: (magac, lab, keli) aqoondarro ama farsamaxumo aawadeed, si qaab daran wax u qabasho. Dh: canbus, cuyub, canyayuub, caanyo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
calandar
/kaalandar/ (n) kalandaariyi (tirithy guky).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaseyn
m.dh eeg calasee.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Calender
Taariikhays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caraadin
(Caraadin-ta)
Boorrin; tirtirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraadin
m.f.dh eeg caraadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraadin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale tirtirsiin. Dh: boorrin, tirtirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Colaadin
(Colaadin-ta)
Sida colku isula dhaqmo, kula kicid; colaad ku samayn; xumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
colaadin
m.f.dh eeg colaadi. la-mid: colaadis.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Colaadin
Inimicare
To make enemy of
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
colaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) sida col isu la dhaqmid; colaad ku samayn. Dh: fogayn, xumayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
colander
/kalander/ (n) miire (sida baasta-miirka iwm).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaddeji
(fal) wax meel sare saaran ama jooga hoos u dhaadhici. Babuurka timir iiga soo daaddeji. Dh: deji.
daaddeji: (fal) dad wax ayna garanaynin ama ayna horay u aqoonin fahansii oo ka dhaadhici. Ardayga casharka ka daaddeji.
daaddeji: (fal) wax cuna kuu taagan ama afka kuugu jira dhug ka sii oo ku dhaadhici caloosha. Daaddeji cadkan baruurta ah. Dh: liq.
daaddeji: (fal) markab dagaal oo markab kale hub ku dhufta oo badda hoos ugu dhaadhiciya. Gujis baa laba markab daaddejiyey. Dh: deji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaajin
(Halaajin-ta)
Halaag ku ridid; halaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaajin
m.dh la-mid: halaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) halaag ku ridid; halaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) sida orgida u ciyid. Qalaadinta iska daa orgi ma tihide. Dh: ciyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) xoog uga qaylisiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) kala fidin oo wax ballaadhan ka dhigid. Dh: ballaadhin, fidin. Li: laalaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaanjis
m.dh la-mid: calaanjiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calanaqsi
-ga: (magac, lab, keli) calyo soo ceshad oo dib u raamsad. Dh: calanaqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caracelin
m.f.dh eeg caraceli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catajebin
m.dh la-mid: cashatebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaddejis
-ka: (magac, lab, keli) wax kor jira hoosta soo dhigid. Daaddejiska alaabtu hal cishay qaadan doontaa.
daaddejis-ka: (magac, lab, keli) dad waxayna horay u aqoonin ka raaridis. Daaddejiska casharkan ardada ku kari waayey.
daaddejis-ka: (magac, lab, keli) markab markab kale badda quusintii. Daaddejiska markabkan waxaa masuul ka ah gujiskan badda hoos jiifa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalandali
(fal) socod baro gaar ahaan dhallaanka. Dalandali dalandalka. Dh: socodbar, daaddihi.
dalandali: (fal) aayar aayar gacmaha ugu riix sida giraanta oo kale ama daadehee illmaha yar ha socodbartee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaanjin
m.f.dh eeg falaanji. la-mid: falaanjis, falaanjiyid, falaaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaneedin
(Haaneedin-ta)
Haaneed ka dhigid; hab wanaagsan u yeelid; qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaneedin
m.f.dh eeg haaneedi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaneedin
-ta: (magac, dhedig, keli) lisidda geela lafteeda. Haaneedinta hasha ayrada ah labo nin uun baa iska xajin karta.
haaneedin -ta: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan oo loo haneedi karo u joojin.
haaneedin -ta: (magac, dhedig, keli) haaneed ka dhigid; hab wanaagsan u yeelid. Dh: haaneedis, qurxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaardemin
-ta: (magac, dhedig, keli) siinta qof xanuusanaya daawo uu ku nefiso. Dh: kaarjebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalafujin
m.f.dh eeg kalafuji. la-mid: kalafujis.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
palanquin
palanquin, n.m. - kursi kor iyo dhinacyadaba ka dahaadhan oo awrta ama maroodiga hinaya la saaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talleejin
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere cadaadis ku soo baxaya sii deyn; kaadi horay u dhiijin. Dh: nay, talleejis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaamadin
(Calaamadin-ta)
Calaamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamadin
m.f.dh eeg calaamadi. la-mid: calaamadayn, calaamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamadin
-ta: (magac, dhedig, keli) astaan ama calaamad dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaanberi
(Calaanberi-ga)
Bahal jirac weyn oo guduudan u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaanberi
m. n. insect species, similar to an ant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calaanberi
-ga: (n) ant (aant) ~ quraanjo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaanberi
-ga: (magac, lab, keli) bahal jinaca u eg oo midab guduudan leh. Dh: calaan. calaanbullay: (fal) si aan haboonayn u arrimi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaanberi
a: calaamereg ~ calaanmereg
de: insect sp., similar to an ant
lx: calaanberi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: calaanberi
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
calendàrio
s.m. - taariikh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Camajuujin
(Camajuujin-ta)
Camcamin; rifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camajuujin
m.f.dh eeg camajuuji. la-mid: camadhuujin, camajuujis, camanjuujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camajuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) rifid oo camcamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalandalid
m.f.dh eeg dalandal². la-mid: dalandal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalandalid
-da: (magac, dhedig, keli) si dabacsan oo xannaanayn leh u wad. Dh: dalaandalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalandalis
-ka: (magac, lab, keli) eeg dalandalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacangelin
m.f.dh eeg gacangeli. la-mid: gacangelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacangelin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aad haysay cadowgiisi u dhiibid.