calamaio
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
calamàio
s.m. dawaadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalo
f.g3 (-aashay, -aalatay) la-mid: callaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaamo
(Calaama-da)
Calaamad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamo
m.dh 1. (-ooyin, m.l) Tilmaan gaar ah oo wax leeyahay oo waxyaabaha la nooca ah looga garto; astaan. 2. Belo; masiibo. 3. C. ah: curyaan. la-mid: calaamad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaamo
f. n. emblem, insignia, badge, sign, mark, brand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamo
-da: (magac, dhedig, keli) sumad cid lagu garto oo inta kale ka sooca. Dh: astaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaamo
a: calaamad
de: emblem, insignia, badge, sign, mark, brand
lx: calaamo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: calaamo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaaqo
m.dh (-ooyin, m.l) Xiriirka ka dhexeeya laba qof, dowlado iyo wixi lamida. la-mid: calaaqaad, calaaqad, cilaaqaad, cilaaqad, cilaaqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calaaqo
m.dh (-ooyin, m.l) Xiriirka ka dhexeeya laba qof, dowlado iyo wixi lamida. la-mid: calaaqaad, cilaaqaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaaqo
f. n. rapport, relations, connections
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calaaqo
-calaaqada: (n) relationship (ri-liy-shin-shiip) ~ see [eeg] calaaqaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaaqo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calaaqaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaaqo
a: calaaqaad ~ cilaaqaad
bw: Arabic
de: rapport, relations, connections
lx: calaaqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: calaaqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaamadin
(Calaamadin-ta)
Calaamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamadin
m.f.dh eeg calaamadi. la-mid: calaamadayn, calaamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamadin
-ta: (magac, dhedig, keli) astaan ama calaamad dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamadis
-ka: (magac, lab, keli) eeg calaamadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamadso
f.g3 (-saday, -satay) Wax calaamaad u yeelasho. la-mid: calaamadayso, calaamayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calaamadso
f.g3 (-saday, -satay) Wax calaamaad u yeelasho. m.f.dh, calaamadsasho. la-mid: calaamadayso, calaamayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaamadso
v. mark, place a mark on (for one's own benefit)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamadso
(fal) meel ama wax, calaamad aad ku garatid oo adiga kuu gaar ah ku samayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaamadso
a: calaamayso
de: mark, place a mark on (for one's own benefit)
lx: calaamadso
pd: (calaamadsaday)
ps: v3a=tr
key: calaamadso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamayso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: calaamadso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaamayso
v. mark on (for one's own benefit)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calaamayso
-calaamaystay / calaamaysatay: (n) mark for yourself [for oneself]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaamayso
a: calaamadso
de: mark on (for one's own benefit)
lx: calaamayso
pd: (calaamaystay)
ps: v3b=tr
key: calaamayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax calaamo u yeelid. la-mid: calamadee, calaamee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calaamadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax calaamo u yeelid. m.f.dh, calaamadin. la-mid: calamadee, calaamee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaamadi
v. mark, put a mark on, note
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamadi
(fal) eeg calaamaday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaamadi
de: mark, put a mark on, note
lx: calaamadi
pd: (calaamdiyey)
ps: v2a=
key: calaamadi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaamatu
bw: Arabic
de: question mark
lx: calaamatu
pd: (/sha)
ps: n2-f
key: calaamatu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaamayn
(Calaamayn-ta)
Calaamo u yeelid; astayn; calaamadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamayn
m.dh la-mid: calaamadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calanaqso
(fal) xoolo, cuntada caloosha ku jirta soo celi si qaybqayb ah oo mar kale raamso.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
calzolàio
s.f. - kabatole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casamarid
m.f.dh eeg casamar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salaamaco
m.dh Geed dhererkiisu dhexdhexaad yahay oo laamo jiljilicsan oo aan jebin iyo qodax yaryar leh. la-mid: saleelmac.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SALALMACO
(Salalma) All. Som. Sesamothamnus busseanus Engl. Pedaliaceae.
NFD, N, S Sesamothamnus rivae Engl. Pedaliaceae.
N Cadia purpurea (Picc.) Ait. Papilionaceae.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
acclamation
acclamation, n.f. - ku raacis xamaasad leh.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
acclamation
n., bog, -gi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalaminimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax addunka oo idil gaadhsiisan ama laga yaqaan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caami
m. n. common man; general public
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caami
-ga: (n) [Pl. caamo-da] person who is a nonprofessional; layman (ley-man)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caami
-da: (magac, dhedig, keli) timir gabowday. Haddii caami loo rari lahaa maba canaanteene.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caami
bw: Arabic
cf: shirkad caami ah; See also: caamo
de: common man; [col] general public
lx: caami
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: caami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caamo
(Caama-da)
Inta aan cilmiga lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caamo
m.dh.u 1. Dad aan wax qori karin waxna akhrin karin. 2. Qof muslin ah oo diinta Islaanka aqoon badan u lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caamo
m.dh.u 1. Dad aan wax qori karin waxna akhrin karin. 2. Qof Muslin ah oo diinta Islaanka aqoon badan u lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caamo
f. n., [collective] illiterate; people uneducated in the Islamic law
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caamo
-caamada: (n) people who are non-professional especially in Islamic law; laymen (ley-miin); amateurs (ami-juris)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caamo
-da: (magacwadareed) dadka aan aqoonta lahayn; inta aan qoraalka iyo akhriska aqoon. Aqoon xumada waxaa kuugu wacan caamadaad tahaye. Dh: jaahil, badow. Li: culimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caamo
de: illiterate; people uneducated in the Islamic law
lx: caamo
pd: (/da)
ps: n0-f-col
key: caamo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calam
-ka: (magac, lab, keli) caag sida kubadda ah oo lagu xidho shabaagta oo biyaha dul sabeeya.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
calma
s.f. - xasilloonaan, degganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calmi
calmi¹: m.l Dersi; cashar.
calmi²: f.g2 (-iyay, -isay) Cid dersi siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calmi
calmi¹: m.l Dersi; cashar.
calmi²: f.g2 (-iyay, -isay) Cid dersi siin. m.f.dh, calmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calmo
f.g3 (-maday, -matay) Wax si aad ah u jecleysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calmo
f.g3 (-maday, -matay) Wax si aad ah u jecleysasho. m.f.dh, calmasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calmo
v. like, love; choose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calmo
-calmaday / calmatay: (v) wish or long for; desire (di-zaayr) ~ jamo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
calmo
agg. - deggen, xasillan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calmo
(fal) qof ama wax kale jeclaw oo dooro. Middii aan calmaday baa, cidhiidhiga i gelisoo, cidlaan manta joogaa. Dh: jamo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calmo
de: like, love; choose
lx: calmo
pd: (calmaday)
ps: v3a=
key: calmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaabo
m.dh.u la-mid: alaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaalo
m.dh Nooc caws ka mid ah oo dhaadheer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaalo
-da: (magac, dhedig, keli) tigaad iyo nagaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alamsi
m.l la-mid: alamsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alamsi
-ga: (magac, lab, keli) hore u liqligid iyo cunis boob ah oo foolxun. Alamsi, aayar cun baa ka habboon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alamso
f.g3 (-saday, -satay) Si degdeg ah wax u liqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alamso
(fal) cunto iyo wax la mid ah, kolba in weyn dhakhso u liq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alamti
-da: (magac, dhedig, keli) diirka sare ee aalaha hadhuudhka laga diiro.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caamir
name-m prosperous
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cajami
(Cajami-ga)
Qof cajam ka dhashay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cajami
m. n. non-Arab person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajami
-ga: (magac, lab, keli) qof aan Carab ahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cajami
bw: Arabic
de: non-Arab person
lx: cajami
pd: (-ga)
ps: n8-m
key: cajami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaal
calaal¹: m.l la-mid: callaal¹.
calaal²: f.g1 (-aalay, -aashay) la-mid: callaal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaal
f. n. deficiency, weakness, defect
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaal
de: deficiency, weakness, defect
lx: calaal
pd: (/sha)
ps: n1-f
key: calaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaan
(Calaan-ka)
Aan korin; cilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Qof garaadkiisu aad u yaryahay. 2. Cilin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Qof garaadkiisu aad u yaryahay. 2. Cilin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calaan
m. n. dwarf, midget
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calaan
-ka: (n) mentally or physically retarded or disabled person; cretin (kiriiten)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaan
-ka: (magac, lab, keli) qofka u dhaqma si aan habboonayn ama garashadiisu naqan tahay. Dh: doqon, nacas, dabbaal.
calaan -ka: (magac, lab, keli) qof lab oo aan u korin sidii caadiga ahayd ama aad u gaaban. Dh: cilin, calaanberi, coon.
calaan -ta: (magac, dhedig, keli) qof dhedig oo aan u korin sidii caadiga ahayd. Dh: cilin. calaanberi-ga: (magac, lab, keli) eeg calaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calaan
de: dwarf, midget
lx: calaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: calaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calako
m.dh Haweeney aad nacas u ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calako
-da: (magac, dhedig, keli) ceeb; bayuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calali
f.g2 (-iyay, -isay) Cunto, meyrax iyo wixi lamida gowsaha ku jilcin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calali
f.g2 (-iyay, -isay) Cunto, meyrax iyo wixi lamida gowsaha ku jilcin. m.f.dh, calalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calali
v. chew
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calali
-yey / say: (n) chew (juu); masticate (mas-tikayt); munch (manj) ~ calaanji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calali
(fal) wax aan dareere ahayn afka geli oo ilkaha ku googoo illaa ad jilciso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calali
a: calili
de: chew
lx: calali
pd: (calaliyey)
ps: v2a=
key: calali
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Calaso
nickname-f slightly light-skinned. Syn. Calas
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
càlcio
s.m. - haraati, laad; kubadda cagta; kaalsiyam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calmad
-ka: (magac, lab, keli) qof ama wax kale, cugasho, doorasho ama ka helid. Calmashada naftaydii, cugan weydey taan rabay. Dh: jamasho, calmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calman
La doortay; la jecel yahay.