calali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calali
f.g2 (-iyay, -isay) Cunto, meyrax iyo wixi lamida gowsaha ku jilcin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calali
f.g2 (-iyay, -isay) Cunto, meyrax iyo wixi lamida gowsaha ku jilcin. m.f.dh, calalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calali
v. chew
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calali
-yey / say: (n) chew (juu); masticate (mas-tikayt); munch (manj) ~ calaanji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calali
(fal) wax aan dareere ahayn afka geli oo ilkaha ku googoo illaa ad jilciso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calali
a: calili
de: chew
lx: calali
pd: (calaliyey)
ps: v2a=
key: calali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaali
(fal) hilib iyo wixii la mid ah, ilakaha ku gooso oo ku jilci inta aanad liqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calalin
(Calalin-ta)
(cunno, kd.) ilkaha ku googgoyn oo ku jilcin, si liqiddu u fududaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalin
m.f.dh eeg calali. la-mid: calalis (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan dareere ahayn, ilkaha ku googoyn oo ku jilcin, si sibqinta iyo liqiddu ba u fududaadaan. Dh: calalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calalis
(Calalis-ka)
Cunnada inteeda la calaliyo (hilib, badar, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalis
m.l 1. Cuntada inteeda la calashado. 2. la-mid: calalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calalis
m. n. solid food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalis
-ka: (magac, lab, keli) eeg calalin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calalis
cf: caysh, cunno, dheef
de: solid food
lx: calalis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: calalis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalsi
m.l la-mid: calalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalsi
-ga: (magac, lab, keli) wax afka gelin oo calalin. Dh: calalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alali
(fal) geel kallihi, si uu ugu arooro ceel fog. Aroorta geela alaliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caali
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Neef lo' ah si loo gowraco luquntiisa fidin. 2. Is c.: nafley, wax suuxsan ama liita iska dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caali
v. give oneself up, surrender, quit fighting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caali
(fal) neef caal ku rid.
caali: (fal) (is ~) caasha dhiib oo sidii la rabo ha lagaa yeelo. Dh: isdhiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calal
(Calal-ka)
(dhar) maro aad u duugowdey ama cad yar oo kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calal
m.l (-llo, m.dh) 1. Maro aad duug u ah. 2. Cad maro ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calal
m.l (-llo, m.dh) 1. Maro aad duug u ah. 2. Cad maro ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calal
m. n. old cloth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calal
-ka: (n) [Pl. calalada] 1. rag (raag); a piece of used cloth. 2. threadbare or tattered clothing ~ maro duug ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calal
-ka: (magac, lab, keli) maro aad u duugowdey ama cad yar oo ka mid ah. Calal ayaad xidhan tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calal
de: old cloth
lx: calal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: calal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balali
(fal) war dhegta u dhig. Inaan dheqaha loo balalinayn, ba'a e ayow sheega. Dh: dhegeyso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calili
v. chew
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calili
a: calali
de: chew
lx: calili
pd: (caliliyey)
ps: v2a=
key: calili
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salali
f.g2 (-iyay, -isay) Qof hurda selel ku ridid. la-mid: seleli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salali
v. wake someone suddenly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
salali
-yey I say: (v) arouse, awake someone from sleep abruptly; startle someone during his or her sleep ~ seleli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salali
(fal) jahada ka hallee oo khalkhali.
salali: (fal) selel ku beerid. Hurdadii buu iga salaliyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
salali
a: seleli
de: wake s.o. suddenly
initial: s
lx: salali
pd: (salaliyey)
ps: v2a=tr
key: salali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baryaqaad
(Baryaqaad-ka)
Raabsi; calalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baryaqaadid
(Baryaqaadid-da)
Raabsasho, calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calannaqsi
(Calannaqsi-ga)
(xoolaha badankood) cunnada oo kol labaad caloosha hore ka timaadda oo afka ku soo noqota, halkasoo kol labaad si wanaagsan loogu calaliyo oo dabadeed liqid labaad la liqo oo caloosha shishe loo gudbiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caysh
(Caysh-ka)
1. Dheef; cunno.
2. Calalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cunid
(Cunid-da)
1. Cunno, inta afka la geliyo oo la calaliyo, liqid.
2. Cawryid. kuunyid, ilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gows
(Gows-ka)
1. Ilkaha danbe oo waaweyn oo wax lagu calaliyo, midkood.
2. Surta inteeda cillaanka ukunta u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gowsdheero
(Gowsdheera-da)
(xoolo, kd.) gows inta debca wax yar kor u soo baxa oo dabadeed wax lala calalin waayo: takhtar yaqaan oo baxsha haddaan loo helin xooluhu waa ku dhibtoodaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilig
(Ilig-ga)
Afka dadka iyo nafleyda riciraha leh badankeed, dhis ku sarcan oo lafaha u eg oo wax lagu gooyo oo lagu qaniino oo lagu calaliyo midkood; ilkaha dadku waa 32 (foolal, dhoolal, miciyo, gowso).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luulid
(Luulid-da)
Carruurta aan weli calaliska bilaabin, carrabkooda calalin, ruugid; waxay calaamo u tahay inay calalis doonayaan oo u baahan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawshad
(Qawshad-ka)
(gocoso, goon) Calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raabsasho
(Raabsasha-da)
Baryaqaadid; calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruugid
(Ruugid-da)
Wax aan la liqi karin oo dhacaanka keliya laga nuugayo, calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiiqsasho
(Shiiqsasha-da)
Wax adag oo dhacaan leh oo inta afka la gashado la calaliyo oo dhacaanka laga liqo; bashuuqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sibqin
(Sibqin-ta)
Wax aan la calalin ama aan gows lagu taaban, liqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tahar
(Tahar-ta)
(hilib, ...) aan si fudud ilkaha loogu goyn karin ama aan loo calalin karin, badanaa weydnimo darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashuuqso
f.g3 (-saday, -satay) Wax jilicsan oo afka laga buuxsaday calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalid
m.dh la-mid: callaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilkaha wax ku raamsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaalis
-ka: (magac, lab, keli) eeg calaalin.
calaalis-ka: (magac, lab, keli) dheefta inta calaliska u baahan; dheefta intii aan dareere ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balalin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax balalooday ka dhigid. Saca balalinta ka daa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caalami
(Caalami-ga)
Caalankoo dhan ka dhexeeya ama laga wada yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalami
m.l.kh 1. C. ah: wax caalamka oo dhan ka dhexeeya ama wada yaqaan. 2. C. ah: shay tayadiisu aad u wanaagsantahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caalami
m.l.kh 1. C. ah: wax caalamka oo dhan ka dhexeeya ama wada yaqaan. 2. C. ah: shay tayadiisu aad u wanaagsantahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caalami
m. n. universal thing, international person; wonderful
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caalami
nickname-m international (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caalami
-ah: (adj) international (in-tar-naashinal); universal (yuu-na-versal); cosmic (kooz-mik) Ex: akhbaar caalami ah; international news
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalami
(tilmaame) wax dunida daafyaheeda oo dhan gaadhsiisan oo laga yaqaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caalami
de: universal thing, international person; [fig.] wonderful
lx: caalami
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: caalami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalo
f.g3 (-aashay, -aalatay) la-mid: callaalo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Calaawi
name-f the great
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calafsi
m.l la-mid: calafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calafsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg calafsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalay
(fal) calal ka dhig; duug ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Maro, calal ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calalee
v. wear out (clothes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalee
(fal) wax duugoobay ka dhig; calal ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calalee
de: wear out (clothes)
lx: calalee
pd: (calaleeyey)
ps: v2b=
key: calalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Calal noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalow
(fal) maro hun ah noqo. Dh: calalaw. calalsad -ka: (magac, lab, keli) cunto ilkaha ku jilcin; calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalso
f.g3 (-saday, -satay) Cunto gowsaha ku burburin. la-mid: calasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calalso
f.g3 (-saday, -satay) Cunto gowsaha ku burburin. m.f.dh, calalsasho. la-mid: calasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calalso
v. chew
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalso
(fal) cunto ilkaha ku jilci; calanji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calalso
a: calasho
de: chew
lx: calalso
pd: (calalsaday)
ps: v3a=tr
key: calalso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calashi
m.l la-mid: calalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calashi
-ga: (magac, lab, keli) eeg calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmali
m.l.kh C. ah: haweenay la guursaday oo la furay ama ninkii ka dhintay; garoob.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carmali
-da: (magac, dhedig, keli) eeg carmal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casmali
(Casmali-da)
1. Tarbuush guduudan.
2. Shaah aan caddays ahayn, ee guduudan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casmali
casmali¹: m.l.kh C: ah: shaah aan caano lagu darin; bigays.
casmali²: m.dh Tarbuush guduudan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casmali
m.l.kh C: ah: shaah aan caano lagu darin; bigays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casmali
f. n. red fez
casmali m. n.-mass: weak tea without milk ~ cream
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casmali
-ga: (magac, lab, keli) shaah aan caddeys ahayn oo guduudan ama madaw. Dh: bigeys, bigays, cusmali. Li: caddays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalali
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dhalaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galgali
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: galaalgali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaali
-da: (magac, dhedig, keli) hadal hindise ah. Iska daa halaalida. Dh: halaasi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaljali
(fal) kakabi cuntada oo ku jal. Aabo cunto ma qaadan karo ee jaljali oo la joog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalqali
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: khalkhali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Salalid
(Salalid-da)
Si naxdin iyo argaggax leh, hurdo uga soo boodid, uga kicid: (ama selelid.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salalid
m.f.dh eeg salal². la-mid: selelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salalid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, dulsabbayn; dul heehaabid.
salalid -da: (magac, dhedig, keli) aad u boodid.
salalid -da: (magac, dhedig, keli) si naxdin iyo argagax leh, hurdo uga soo boodid, uga kicid. Dh: selelid, sasid.
salalid -da: (magac, dhedig, keli) jaho garanwaa ku dhaca ruuxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salalin
m.f.dh eeg salali. la-mid: selelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salalin
-ta: (magac, dhedig, keli) salal kuu ridi selelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
salsali
v. rise up, riot; terrify, terrorize