cakir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cakir
(fal) arrin iyo wax la mid ah, jahawareer iyo dhibaato u keen.
cakir -ka: (magac, lab, keli) jahawareer ku dhacidda arrin iyo wax la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cakis
(Cakis-ka)
1. Joojin.
2. Rafaaqid, cajiimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cakis
cakis¹: m.l la-mid: cakisid.
cakis²: f.g1 (-say, -stay) 1. Wax ama qof joojin. 2. Wax rafaaqid; cajiimid. 3. Qof dilid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cakis
f.g1 (-say, -stay) 1. Wax ama qof joojin. 2. Wax rafaaqid; cajiimid. 3. Qof dilid. m.f.dh, cakisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cakis
v. hinder, impede; stop, halt
cakis v. pound, beat repeatedly; knead dough
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cakis
-ay / tay: (v) strike repeatedly and forcefully; beat (biit); rough up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cakis
-ka: (magac, lab, keli) rufaaqid iyo cajiimid.
cakis -ka: (magac, lab, keli) joojin ama baajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casir
casir¹: m.l la-mid: casar.
casir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Xanuun aad ah oo qabatin ah caloosha ka dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casir
f.mg1 (-ray, -rtay) Xanuun aad ah oo qabatin ah caloosha ka dareemid. m.f.dh, casirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casir
m. n. afternoon; afternoon prayers (one of the five Islamic prayers)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
casir
-ka: (n) afternoon (af-ter-nuun) ~ casar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casir
(fal) calool, majiiran; xanuun keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casir
de: afternoon; afternoon prayers (one of the five Islamic prayers)
lx: casir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: casir
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
casir
بَعْدَ الظهر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Catir
(Catir-ta)
Cad yar oo maro ah oo wax lagu tirtiro; cidaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catir
catir¹: m.dh (-ro, m.l) Cad maro ah oo carka lagaga baabbi'iyo weel la culay. la-mid: cartir¹.
catir²: f.g1 (-ray, -risay) Weel la culay, cad maro ah ama mayrax carka uga bi'in. la-mid: catir², catiree.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
catir
catir¹: m.dh (-ro, m.l) Cad maro ah oo carka lagaga baabbi'iyo weel la culay. la-mid: cartir.
catir²: f.g1 (-ray, -risay) Weel la culay, cad maro ah ama mayrax carka uga bi'in. m.f.dh, catirid. la-mid: catiree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
catir
f. n. cleaning rag, cleaning cloth
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Catir
name-m black. Syn: Cidaad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
catir
-ta: (n) a piece of cloth used for cleaning especially for nomad's milk containers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Catir
magac loo baxsho wiil markii u dhashay aad u madoobaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
catir
-ta: (magac, dhedig, keli) cad yar oo maro ah oo weelka la culo lagu tirtiro. Dh: cidaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
catir
cf: cidaad
de: cleaning rag, cleaning cloth
lx: catir
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: catir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawir
cawir¹: m.l la-mid: cawar¹.
cawir²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: cawar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawir
f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: cawar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawir
v. hurt, damage ~ blind s.o
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cawir
-ay I tay: (v) wound (wuundh), injure (in-jar) ~ dhaawac, cawar —Syn: hurt harm, damage, impair, mar, spoil
cawir -ka: (n) one who has strabismus (istra-bes-masf squinter (iskuwinter)-, cross-eyed (kros-aayidh) person; or one-eyed person ~ weershe, cawar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawir
-ka: (magac, dhedig, keli) qof ama nafley kale oo aan il wax ka arag; mid il la'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawir
de: hurt, damage ~ blind s.o (e.g. render s.o. squint-eyed)
lx: cawir
pd: (cawiray)
ps: v1=tr
key: cawir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fakir
(fal) maskaxdaada wax ku hawl; talo ama xal, maskaxdaada uga raadi.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fakir
faquir, n., faqiir, -ki; go and beg always for the same thing, ku sii faqiirow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cakiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg cakirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cakirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cakiran ahaan; wax jahawareersan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ragaadsaar
(fal) caqabado mashruuc hortaagan ka horqaad oo abuur jawi uu ku taabbagalo. Dh: maaree. Li: cakir.
ragaadsaar -ka: (magac, lab, keli) xal u helidda hawl la xannibay ama la horjoogsaday. Dh: furdaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cakiran
(tilmaame) talo, arrin iyo wax la mid ah oo laaqan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cakirid
-da: (magac, dhedig, keli) talo iyo wixii la mid ah, jahawareerin oo xal u diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aakhir
(Aakhir-ka)
Kan danbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aakhir
m.l 1. Kan dambe. 2. Quraanka qaybtiisa damba. la-mid: aakhiritaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aakhir
m.l Kan dambe. la-mid: aakhiritaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aakhir
m. n. end, conclusion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aakhir
-ka: (n) end (endi); conclusion (kon kuluu shin); completion (kom plit shin); Ex: aakhirka sheekada; the conclusion of the story
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aakhir
-ka: (magac, lab, keli) gebagabada ugu dambaysa ee wax ku dhammaado. Dh: dabayood, gebagebo, dhammaad. Li: bilaw.
aakhir -ka: (magac, lab, keli) Quraanka qaybtiisa danbe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aakhir
bw: Arabic
de: end, conclusion
lx: aakhir
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: dambeys
key: aakhir
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caamir
name-m prosperous
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbir
(Cabbir-ka)
1. Weynaanta, ballaca, dhererka, heerka, waxtarka, culayska, kd., wax lee yihiin; beeg; miisaan; qiyaas.
2. Dad socoto ah; rakaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbir
cabbir¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Qiyaas lagu heshiiyey oo caddeyneysa wax dhererkiisa, muuqiisa iyo wixi lamida. 2. Habka loo qiyaaso dherer, mug, culays iyo wixi lamida. 3. Qalab lagu cabbiro wax dhererkiisa, culayskiisa, muggiisa iyo wixi lamida.
cabbir²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax dhererkiisa xisaabid; culayskiisa miisaamid; muggiisa beegid. 2. Fikrad iyo wixi lamida sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabbir
cabbir¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Qiyaas lagu heshiiyey oo caddeyneysa wax dhererkiisa, muuqiisa iyo wixi lamida. 2. Habka loo qiyaaso dherer, mug, culays iyo wixi lamida. 3. Qalab lagu cabbiro wax dhererkiisa, culayskiisa, muggiisa iyo wixi lamida.
cabbir²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax dhererkiisa xisaabid; culayskiisa miisaamid; muggiisa beegid. 2. Fikrad iyo wixi lamida sheegid. m.f.dh, cabbirid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
cabbir
measure
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabbir
vl. n. measurement; size, dimension
cabbir v. measure; try
cabbir m. n. traveler, passenger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabbir
-aytay: (v) measure (meshar); size (sayz); weigh (weey) ~ miisaan
cabbir: -ka: (n) measure (meshar); dimension (di-men-shin): especially the width, height, or length; khaasatan dhumucda, baaxadda ama weynaanta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbir
(fal) miisaan; beeg; berdaami.
cabbir: (fal) wax aan kuu muuqan qiyaas. Dh: mala'awaal.
cabbir: (fal) xad ka gudub oo dhoof. Dh: tallaw.
cabbir -ka: (magac, lab, keli) weynaan, ballac, dherer, heer, culays iyo wixii la mid ah oo ay walax leedahay, beegid oo qiyaasid.
cabbir -ka: (magac, lab, keli) agab wax lagu qiyaaso oo la isla yaqaanno sida xadhigga dhismaha ama weelka wax lagu kala beegto sida miisaanka iyo wixii la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiro
(fal) cabir saaro; miisaamo; beego.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
cahier
cahier, n.m. - Daftar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Dukaan, badeeco badan dhigid. 2. Shaah, sonkor, caleen, qoroful, hayl iyo wixi lamida isu dheellitirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cammir
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Dukaan, badeeco badan dhigid. 2. Shaah, sonkor, caleen, qoroful, hayl iyo wixi lamida isu dheellitirid. m.f.dh, cammirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cammir
v. stock, fill up, pack
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cammir
-ay / tay: (v) supply a shop with merchandise; stock up (stakap)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cammir
(fal) meel, weel iyo wax la mid ah, buuxi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cammir
de: stock, fill up, pack
lx: cammir
pd: (cammiray)
ps: v1=
key: cammir
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
capire
v.tr. - garasho, fahmid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
carier
carier, v. - Qudhmid; Qaasiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cariir
m. n., [abstract] narrowness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cariir
de: narrowness
lx: cariir
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
see: ciriir
key: cariir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cartir
cartir¹: m.l la-mid: catir¹.
cartir²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: catir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cartir
-ka: (magac, lab, keli) jilow ama geed kale oo qofka dhiigbaxaya la saaro. Dh: dhibiibitir, deddatir.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
casier
casier, n.m. - Dheri: Digsi; weelka wax lagu kariyo; Dusuud.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
casiir
-ka:(n) juice (/uns); fruit juice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casiir
-ka: (magac, lab, keli) sharaabka laga tuujiyo jaadadka kala duwan ee khudradda; miidda midhaha dhirta laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catiir
catiir¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Sariir ka samaysan qoryo iyo xarig caw ah. 2. la-mid: caddiir. Xarig ka samaysan caw.
catiir²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Sariir catiir ku samayn. 2. Xarig caw ka samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
catiir
m.l (-rro, m.dh) 1. Sariir ka samaysan qoryo iyo xarig caw ah. 2. la-mid: caddiir. Xarig ka samaysan caw.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
catiir
m. n. bed made of wood and rope ~ palm leaves
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
catiir
-ka: (n) old-fashioned bed made of rope and wood
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
catiir
a: caddiir {S}
de: bed made of wood and rope ~ palm leaves
lx: catiir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: catiir
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
caviar
/kaaviyar/ (n) ukunty mal-laayky oo hung-gury haang lyng aamaw.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
caviar
caviar, n.m. - Kafyaar (ugxan kalluun).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daakir
f.mg1 (-ray, -rtay) Arooryo hore addimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daakir
inch. v. read ~ study the Koran in the early morning
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daakir
name-m one who remembers God frequently
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daakir
(fal) aadaanka lagu hiraabtu ku dhawaaq. Mu'addinku xilli hore ayuu daakiray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daakir
bw: Arabic
de: read ~ study the Koran in the early morning
lx: daakir
pd: (daakiray)
ps: v1=inch
key: daakir
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Nakiir
name: name of one of the two angels who examine the sins of the dead
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Nakiir
de: name of one of the two angels who examine the sins of the dead (the other's name is Munkar)
lx: Nakiir
ps: name-m
key: Nakiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakiir
m.dh (-ro, m.dh) la-mid: sakiiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakiir
-ka: (magac, lab, keli) qof khamri cabsan; sikiir.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Air
Hawo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
air
/eer/airs, airing, aired;(n) hawo, hawada sare. e.g. The air temperature is now 60 degrees celsius.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Air
Layr
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
air
/eer/ (n) neef, howy.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
air
air, n.m. - Hawo; dabayl
avoir l'air - U ekaan, u eg; Sansaan keed leh; Qaab keed leh.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
air
n., (one of the four elements) hawo, -di, dabayl, -shi, neecaw, di; (countenance, features) soo joog, -gi, jaah, -hi, weji, -gi.
air, v.tr., (aerate) neecaawi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Car
(Car-ka)
1. Qadiidka ku hara weelka caanaha (dhiil, kd.) marka la culo.
2. Car! Haddaad ku dhacdid! Wir!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
car
car¹: m.l 1. Qadiidka ku hara weel la culay. 2. Dhadhanka ay yeeshaan caano, biyo iyo wixi lamida oo lagu shubay weel la culay. 3. Cudur candhada geela ku dhaca oo dildilaaciya. 4. (e.d) C.!: haddaad ku dhacdid!; Wir!
car²: f.mg1 (-ray, -rtay) Car noqosho. la-mid: cartan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
car
m.l 1. Qadiidka ku hara weel la culay. 2. Dhadhanka ay yeeshaan caano, biyo iyo wixi lamida oo lagu shubay weel la culay. 3. Cudur candhada geela ku dhaca oo dildilaaciya. 4. (e.d) C.!: haddaad ku dhacdid!; Wir!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
car
m. n. sooty residue left after cleaning milk vessels
car m. n., [abstract] freshness, newness
car inter. don't you dare!, you'd better not!
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
car
/kaar/ (n) 1. baabuur; gaari (n) 2. qaybta rakaabka ee tareenka.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
car
(inter) expression used to challenge [someone]; dare (deer); I dare you!
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
car
/kaar/ (n) 1. baabuur. 2. tariinky qiib ku mid eh oo dadky koraw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
car
-ka: (magac, lab, keli) quruxda xoolaha; xoolaha dhaqaalaysan sida ay u egyihiin. Xooluhu sannadkan car bay leeyihiin. Dh: suud, dhoy. Li: xayeesh, naashif.
car -ka: (magac, lab, keli) qadiidka yaryar ee madow ee ku hadha weelka la culay. Dh: culay.
car!: erey la macne ah 'haddaad ku dhacdo, kuna dhici mayside!' oo qof lagu cabsi geliyo. Car! ilmahaas dharbaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cir
1. (Cir-ka) a) Hawada weyn oo sare, oo xiddigaha iyo meereyaashu ka buuxaan. b) Roob;
2. (Cir-ta) Inta caloosha nafleydu kol qaaddo; caloosha muggeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cir
cir¹: m.l 1. Samada sare, buluug ah oo ay xiddiguhu ka muuqdaan. 2. Roob.
cir²: m.l/dh (cilmiga naflayda) Xaddiga cuntada ee qof caloosha ku qaadi karo.