cajuusad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cajuusad
(Cajuusad-da)
(erey cay iyo liididi ku jirto) habar xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajuusad
m.dh Naag aad u gabowday oo leh dhaqan la dhibsado. la-mid: cajuuso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cajuusad
f. n. old woman, old hag {derogatory}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cajuusad
-da: (n) aged woman; old woman; elderly woman [impolite form] ~ habar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajuusad
-da: (magac, dhedig, keli) haweeney gabowday, habar dugowday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cajuusad
cf: habar
de: old woman, old hag {derogatory}
lx: cajuusad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: cajuusad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caruusad
m.dh la-mid: aroosad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caruusad
f. n. bride; doll
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caruusad
-da: (n) bride (baraaydh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caruusad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh aroos cusub ku jirta oo hadda uun aqalgashay. Dh: aroosad.
caruusad -da: (magac, dhedig, keli) masawirro yaryar oo laga sameeyo caag iyo wax la mid ah oo qof dumar ah loo ekaysiiyo, carruurtu na ku ciyaarto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caruusad
de: bride; [fig.] doll
lx: caruusad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: aroosad {N < Arb}
key: caruusad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habar
-ka: (magac, lab, keli) daboolka wax afbannaan lagu aabbudho.
habar -ta: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo waayeel ah. Habar fadhida legdini wax uga fudud. Hurdo habarba korin waydaye, ma anay hilbo i gelin. Dh: duq, cajuusad, wadaad. Li: gabadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) habar weyn ahaansho; islaan duqawday noqosho. Dh: duqoobid, gaboobid, cajuusadoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habarow
(fal) islaan da' weyn noqo oo gabaw. Dh: duqaw, islaamow, cajuusadaw, gabaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaajuusad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dhedig oo basaasnimo ku shaqaysa. Dh: jaasuusad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cajuus
(Cajuus-ka)
(erey cay iyo liididi ku jirto) oday xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajuus
m.l (-siin/-syo, m.dh) Nin aad u gaboobay oo leh dhaqan la dhibsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cajuus
m.l (-siin/-syo, m.dh) Nin aad u gaboobay oo leh dhaqan la dhibsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cajuus
m. n. old man {derogatory}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cajuus
-ka: (n) aged man; old man; elderly man [impolite form] ~ oday catatab ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajuus
-ka: (magac, lab, keli) oday da' weyn, nin duqoobay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cajuus
cf: oday
de: old man {derogatory}
lx: cajuus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: cajuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajisad
m.dh la-mid: caajisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajisad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo caajis badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajuula
(tilmame) mid si degdeg ah wax u qabta, dhakhso wax u qabta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajuuso
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: cajuusad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajuusow
f.mg1 (-oobay, -owday) Cajuus noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cajuusow
f.mg1 (-oobay, -owday) Cajuus noqosho. m.f.dh, cajuusoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casuumad
m.dh la-mid: casumaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casuumad
-da: (magac, dhedig, keli) martiqaad inta badan sababi ka danbayso oo cid loo sameeyo. Ardaydii imtixaanka ku guulaysatay oo dhan ayaa casumaad loo fidiyay. Dh: martiqaad, sooryeyn, xeedhayn, diyaafad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayuusad
-da: (n) bad woman or girl ~ see also [eeg] dayuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbuunad
m.l la-mid: carbuunasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbuunad
-ka: (magac, lab, keli) carbuun ka bixin. Dh: carbuunasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damuuqsad
m.l la-mid: damuuqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damuuqsad
-ka: (magac, lab, keli) furitaanka indhaha oo la yaryareeyo sida qof da' ah ama qof qorraxi hayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaajuusid
(Jaajuusid-da)
Jaasuusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaajuusid
m.dh la-mid: jaasuusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaajuusid
-da: (magac, dhedig, kali) ku shaqaynta habka wax loo basaaso oo cid kale, xog ka tebin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majuujsan
(tilmaame) maroojisan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maquunsad
m.l la-mid: muquunsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maquunsad
-ka: (magac, lab, keli) muquuno la bixiyay guddoomid. Waxan reerka u soo gaadhay maquunsadka muquunadii la i siiyay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rujuucsad
-ka: (magac, lab, keli) xukun sharci ah oo labo aan saddex ku kala tegin u banneeya inay ciddadbaxa horteed meher la'aan isku noqon karaan. Rujuucsadka ayaa kala tegga ka roon. Dh: rujuucsi.
rujuucsad -ka: (magac, lab, keli) naag aan baa'in ahayn meher la'aan soo ceshesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanuunsad
(Xanuunsad-ka)
Xanuunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanuunsad
m.l la-mid: xanuunsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanuunsad
vl. n. pain, illness, being ill ~ in pain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanuunsad
-ka: (magac, lab, keli) wax xanuun hayo noqosho; xanuun iska dareemid. Dh: xanuunsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanuunsad
a: xanuunsasho (/da) [vn-f]
cf: xanuunso
de: pain, illness, being ill ~ in pain
initial: x
lx: xanuunsad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: xanuunsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajuusoobid
m.f.dh eeg cajuusow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayuumaysad
m.l la-mid: cayuumaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayuumaysad
-ka: (magac, dhedig, keli) dhabataysad.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
causa
s.f. - sabab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsad
m.l la-mid: cabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsad
-ka: (magac, lab, keli) baqasho; cabsi qabid; cabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajuun
-ka: (magac, lab, keli) dibiga yar ee aan geesku weli u soo bixin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caruus
-ka: (n) bridegroom (baraaydh-guruum); groom (guruum) ~ arooska
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caruus
-ka: (magac, lab, keli) nin aroos cusub ku jira oo markaa uun guursaday. Dh: aroos.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casuus
(Casuus-ta)
Midab casaan ku jiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casuus
m.dh Midab cas oo caddaan ku jiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casuus
f. n., [abstract] reddish (color)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casuus
-ta: (magac, dhedig, keli) midab isku dar ah oo ka kooban caddaan iyo casaan. Dh: basali, uuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casuus
de: reddish (color)
lx: casuus
pd: (-ta)
ps: n2a-f-abs
syn: casuuro
key: casuus
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
causal
(adj) pertaining to a cause; directed against a cause
ku saabsan sababta keentay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuurad
m.l la-mid: cuurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuurad
-ka: (magac, lab, keli) si fiican uga dhergid oo sanka iskakeenid. Dh: cuurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuusad
(Kuusad-da)
Weel dhoobo ah oo biyaha lagu shubto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusad
m.dh (-do, m.l) Weel dhoobo ka sameysan oo biyaha lagu shubto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuusad
f. n. water jug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuusad
-da: (magac, dheddig, keli) weel dhoobo ah oo biyaha lagu shubto. Kuusad ayaan suuga ka soo qaaday. Dh: jalxad, ashuun. Wa: kuusado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuusad
de: water jug
lx: kuusad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kuusad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quusad
(Quusad-ka)
Quusasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quusad
m.l la-mid: quusasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quusad
-ka: (magac, lab, keli) waayid; quusasho. Dh: rajabeelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajarsad
m.l la-mid: ajarsasho.

ajirsad

cajalad
m.dh (-do, m.l) Qalab ka kooban laba qalbac oo caag ah, dhexdana ku leh mullaax dheer oo codka lagu duubo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cajalad
f. n. magnetic tape, cassette recording; wheel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cajalad
-da: (n) [Pl. cajalado -ha] cassette (ka-seet); magnetic tape used in audio or video tape recorders or players ~ cajal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajalad
-da: (magac, dhedig, keli) aalad hirarka codka ama kuwa iftiinka oo la birlabdanabeeyey oo si kiimikaysan wax u qabata oo kaydisa oo dib looga dhegaysto ama looga daawado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cajalad
bw: Arabic
de: magnetic tape, cassette recording; wheel
lx: cajalad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: cajalad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cajalad
شريط
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajisan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: caajisan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajisan
(tilmaame) mid caajis hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajisid
m.dh la-mid: caajisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajisid
-da: (magac, dhedig, keli) caajis dareemid, wahsi dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casuusi
(fal) casuus ka dhig: midab gabiib ah u yeel. Dh: gabiibee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Majuusi
(Majuusi-ga)
Dadka qorraxda ama dabka caabuda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majuusi
m.l (dii.) Dadka dabka caabuda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
majuusi
m.l (dii.) Dadka dabka caabuda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majuusi
m. n. pagan, heathen; sun-worshipper, fire-worshipper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Majuusi
-ga: (magac, lab, keli) qof cadceed caabuda oo ilaah ka dhigta. Majuusi waa mushrig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majuusi
bw: Arabic
de: pagan, heathen; sun-worshipper, fire-worshipper
lx: majuusi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: majuusi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baruurad
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun caloosha ku dhaca oo saxaradu dhiig iyo axalo yeelato. Baruurad nimuu hayaan bedanku fooyoobayne.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisad
m.dh (-do, m.l) Haweenay wahsi iyo hawl nacayb badan. la-mid: cajisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajisad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo wahsi badan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caasumad
-da: (n) capital (kaa-pi-tal); capital city ~ caasimad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cageysad
m.l la-mid: cageysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajebsan
(tilmaame) mid wax ka yaabsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calafsad
(Calafsad-ka)
Calaf ka dhigad; dheefsad; calafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calafsad
m.l la-mid: calafsasho.