cajuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajuun
-ka: (magac, lab, keli) dibiga yar ee aan geesku weli u soo bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cajuus
(Cajuus-ka)
(erey cay iyo liididi ku jirto) oday xun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajuus
m.l (-siin/-syo, m.dh) Nin aad u gaboobay oo leh dhaqan la dhibsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cajuus
m. n. old man {derogatory}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cajuus
-ka: (n) aged man; old man; elderly man [impolite form] ~ oday catatab ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajuus
-ka: (magac, lab, keli) oday da' weyn, nin duqoobay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cajuus
cf: oday
de: old man {derogatory}
lx: cajuus
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: cajuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayuun
(Cayuun-ta)
Jaadadka geela jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayuun
cayuun¹: m.dh 1. Geel gaagaaban oo laga helo deexda. 2. Eegmo dhibaato leh oo dadka qaarkii leeyahay. la-mid: acyuun.
cayuun²: f.g1 (-uumay, -uuntay) Cid il wax ku yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cayuun
cayuun¹: m.dh 1. Geel gaagaaban oo laga helo deexda. 2. Eegmo dhibaato leh oo dadka qaarkii leeyahay. la-mid: acyuun.
cayuun²: f.g1 (-uumay, -uuntay) Cid il wax ku yeelid. m.f.dh, cayuumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayuun
f. n. camel species
cayuun [feminine] n. evil eye, casting the evil eye on someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayuun
-ta: (n) a stare believed to cause someone misfortune; an evil eye ~ il, dhajis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayuun
-ka: (magac, lab, keli) jaadadka geela midkood. Dh: ayuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadduun
(Cadduun-ka)
Dhulka aan dhagaxa lahayn dibirna ahayn ee ciidda jilicsan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadduun
m.l Dhul ciiddiisu jilicsantahay, aan boor lahayn oo geedgaab ka baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadduun
m.l Dhul ciiddiisu jilicsantahay, aan boor lahayn oo geedgaab ka baxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadduun
m. n., [collective] soft soil without stones
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadduun
-ka: (n) land on soft sand ~ opposite of dul]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadduun
-ka: (magac, lab, keli) dhul aan dhagax iyo dibir toona lahayn ee ciidda jilicsan ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadduun
de: soft soil without stones Opp: dhooddi
lx: cadduun
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: cadduun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajuula
(tilmame) mid si degdeg ah wax u qabta, dhakhso wax u qabta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajuuso
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: cajuusad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjuul
(tilmaame) shaah aan sonkor lahayn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CANUUNI
(Anuni) S, May, C Annona squamosa L. Annonaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carbuun
(Carbuun-ta)
Wax la gadanayo qiimihiisa in kamid ah, oo horay loo sii baxsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbuun
carbuun¹: m.dh (-no, m.dh) In lacag ah oo cid wax laga gatay horumar ahaan loo sii siiyo.
carbuun²: f.g1 (-nay, -ntay) Wax la gadanayo qiimihiisa in ka mid ah qaddimin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carbuun
carbuun¹: m.dh (-no, m.dh) In lacag ah oo cid wax laga gatay horumar ahaan loo sii siiyo.
carbuun²: f.g1 (-nay, -ntay) Wax la gadanayo qiimihiisa in ka mid ah qaddimin. m.f.dh, carbuunid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carbuun
f. n. deposit, collateral, down payment; reservation
carbuun v. put down a deposit on, reserve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carbuun
-ta: (n) deposit (di-paazit); handsel (haand-sal); down payment; stake money, earnest money, caution money ~ rahaamad, booscelis
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
CARBUUN
Caparra Handsel Waa horay u bixinta qayb ka mid ah qiimaha wax la kala gatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carbuun
(fal) wax lagu heshiiyey kala iibsigiisa, cudhaadh ka bixi.
carbuun -ta: (magac, dhedig, keli) wax lagu heshiiyey kala iibsigiisa, qiimihiisii qayb ka mid ah sii horummarin; curaar ka sii bixin. Dh: cudhaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jacjuun
(Jacjuun-ka)
Qof aan weji furfurrayn, aan bashaash ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jacjuun
m.l Qof aan bulshay ahayn oo aan furfurnayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jacjuun
m.l Qof aan bulshay ahayn oo aan furfurnayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jacjuun
m. n. cold ~ unfriendly person
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jacjuun
nickname-m cold - an unfriendly person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jacjuun
-ka: (n) unfriendly (an-freen-dhili); unsociable, unsocial person ~ xirxiran
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jacjuun
-ka: (magac, lab, keli) qof aan waji furnay oo aan bashaash ahayn. Jacjuun ayaad tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jacjuun
de: cold ~ unfriendly person
lx: jacjuun
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jacjuun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Majnuun
(Majnuun-ka)
Waalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majnuun
m.l (-jaaniin, m.dh) Qof waalan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
majnuun
m. n. (adj.): madman; crazy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
majnuun
-ka: (n) crazy (kareeyzi), insane or mad man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majnuun
-ka: (magac, lab, keli) qof waalan oon miyir qabin. Majnuun dembi ma leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
majnuun
bw: Arabic
cf: waalan
de: madman; [atr.] crazy
lx: majnuun
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: majnuun
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qarjuun
Nooc ka mid ah mandhawyada birta ee jeeba qaro ku siman ilaa mm. 2.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuun
m.l 1. Meel dhir badan oo jiq ah. 2. Dab, webi, bad iyo wixi lamida agtooda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuun
m.l 1. Meel dhir badan oo jiq ah. 2. Dab, webi, bad iyo wixi lamida agtooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuun
-ka: (magac, lab, keli) kayn jiq ah. Xooluhu cuunkay daagayaan. Dh: kayn, hirrig, toon, jeeke.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Juun
f. n. June (sixth month of Roman calendar)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Juun
Juin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Juun
-ta: (n) June (/hmm) ~ juunyo Ex: bisha juun; the month of June
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Juun
cf: bil {N < Eng}
de: June (sixth month of Roman calendar)
lx: Juun
pd: (-ta)
ps: n0-f-time
key: Juun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aluun
-ka: (magac, lab, keli) god dheer oo qarandi qodday. Aluun buu ku dhacay odaygii. Dh: hog, dalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anuun
mu.eb Magacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani' iyo 'uun 3'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anuun
(magac'uyaal) qofka koowaad ee hadlaha ah; 'ani' iyo 'uun' oo la isku ladhay. Ani uun buu i dhalay aabbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayuun
-ta: (magac, dhedig, keli) jaadadka geela jaad ka mid ah oo midab qurxoon. Dh: cayuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carun
(Carun-ka)
Dhiigga intiisa cad; (ama yacarun).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carun
m.l 1. Dhiig guduudkiisu yaryahay. 2. Doog yar oo markaa soo baxay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carun
m. n., (mass n.): blood plasma
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carun
-ka: (n) the discharge of bloody mucus from the body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carun
-ka: (magac, lab, keli) nabarka dheecaankiisu aanu weli malax soocan noqon. Dh: yacarun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carun
de: blood plasma
lx: carun
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: carun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casun
f.g1 (-umay, -untay; -umi) Cid casuumad u fidin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casun
f.g1 (-umay, -untay; -umi) Cid casuumad u fidin. m.f.dh, casumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casun
v. invite
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
casun
-casumay / casuntay: (v) invite (invaayt) ~ martiqaad. Ex: xafladdii buu igu casumay; he invited me to the party
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casun
(fal) cid kale, martiqaad oo sooryee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casun
de: invite
lx: casun
pd: (casumay)
ps: v1=
xe: Thank you for inviting me.
xv: Waad ku mahadsantahay inaad i casuntay.
key: casun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caduur
m.l la-mid: caduuro.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
CADUUR
[ADUUR, ADUR, ADHUR] Solanum Jubae 051
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CADUUR
(Adur) C Solanum jubae Bitter. Solanaceae.
N Solanum piperiferum A.Rich. Solanaceae.
C Solanum incanum L. Solanaceae.
May Croton menyhartii Pax. Euphorbiaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cafuuf
-ka: (magac, lab, keli) wax sida saabka u samaysan oo maydhax iyo harag ka samaysan oo afka lagaga xidho neefka yar ee hooyadii in uu jaqo loo diidayo ama awrka dadcunka ah. Nirigta cafuuf ku xidh si aanay jaqin hasha e.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cajiin
(Cajiin-ka)
Bur ama budo kale oo la qooyo oo la rafaaqo, si hadhow kimis looga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajiin
cajiin¹: m.l/dh 1. Budo meseggo ama galley oo biyo lagu rafaaqay. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur laysku qasay oo canjeelo laga sameeyo.
cajiin²: f.g1 (-iimay, -iintay; -iimi) 1. Biyo ku rafaaqid budo meseggo ama galley. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur isku qasid si canjeelo looga sameeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cajiin
cajiin¹: m.l/dh 1. Budo meseggo ama galley oo biyo lagu rafaaqay. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur laysku qasay oo canjeelo laga sameeyo.
cajiin²: f.g1 (-iimay, -iintay; -iimi) 1. Biyo ku rafaaqid budo meseggo ama galley. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur isku qasid si canjeelo looga sameeyo. m.f.dh, cajiimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cajiin
m. n. dough; paste (pasty substance like toothpaste)
cajiin v. make paste; mix dough, knead
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cajiin
-ta: (n) dough (dow); pastry (peystri) ~ qamiir
cajiin -cajiimay / cajiintay: (v) knead (niidh); knead dough
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajiin
(fal) daqiiq iyo wax la mid ah, xash oo isku rufaaq. Dh: xash; rufaaq; qoosh.
cajiin -ta: (magac, dhedig, keli) bur ama budo kale oo la qooyo oo la rufaaqo kimisna laga dhigo. Dh: qoosh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cardun
m.l la-mid: curdan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cardun
m. n. bud, shoot, sprout; newly born; unripe (plant, fruit); very young (of persons)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cardun
de: bud, shoot, sprout; newly born; unripe (plant, fruit); very young (of persons)
lx: cardun
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cardun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cargun
m.dh Doog aad u jilicsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cargun
m.dh Doog aad u jilicsan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caruus
-ka: (n) bridegroom (baraaydh-guruum); groom (guruum) ~ arooska
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caruus
-ka: (magac, lab, keli) nin aroos cusub ku jira oo markaa uun guursaday. Dh: aroos.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casuum
(fal) eeg casum.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casuus
(Casuus-ta)
Midab casaan ku jiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casuus
m.dh Midab cas oo caddaan ku jiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casuus
f. n., [abstract] reddish (color)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casuus
-ta: (magac, dhedig, keli) midab isku dar ah oo ka kooban caddaan iyo casaan. Dh: basali, uuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casuus
de: reddish (color)
lx: casuus
pd: (-ta)
ps: n2a-f-abs
syn: casuuro
key: casuus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culuun
m.dh 1. la-mid: cilmi. 2. w. cilmi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culuun
f. n., pl. subjects; sciences
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
culuun
-ta: (n) science (saaynis); natural science; scientific knowledge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culuun
-ta: (magacwadareed) aqoonta guud ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culuun
de: subjects; sciences
lx: culuun
pd: (-ta Sg: cilmi (ga))
ps: n8-f-pl
key: culuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daluun
-ta: (magac, dhedig, keli) god ama meel kale oo hoos u dheer oo halis ah. Dh: dalluun.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fatuun
name-f fascination