cagcagaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagcagaar
(Cagcagaar-ka)
Dhirta yaryar oo nagaarka ah wadajirkeed, siiba tan dadku cuno; khudrad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagcagaar
m.l.u Qudaar; khudrad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagcagaar
m. n. greenery, vegetables
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cagcagaar
-ka: (n) verdure (veer-jar)-, the lush greenness of vegetation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagcagaar
-ka: (magacwadareed) dhirta yaryar ee cagaaran siiba ta dadku cuno. Cagcagaar badan ayay beertu leedahay. Dh: khudrad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagcagaar
cf: cagaar
de: greenery, vegetables
lx: cagcagaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cagcagaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bagal
(Bagal-ka)
Cagcagaarka la cuno jaad ka mid ah oo leh caleemo balballaaran iyo buruq dhuuban oo dheer; (ama begel).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqal
1. (Baqal-ka, Baqa-sha) Gammaanka jaad ka mid oo geenyada iyo dameerku iska dhalaan.
2. (Baqal-ka) Cagcagaarka la cuno mid ka mid ah; bagal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canyo
(Canya-da)
Cagcagaar biyo badan oo la cuno; cayo.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Vegetables
Cagcagaar
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
persil
persil, n.m. - geed caleen cagcagaaran leh oo celeentiisa maraqa ama suugada lagu samaysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agagaar
(Agagaar-ka)
Hareeraha aan fogfogeyn; dhinacyada; (ama agaggaar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agagaar
m.l Wax meelaha ku dhow ee hareeraha kaga xeeran. la-mid: agaggaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
agagaar
m.l Wax meelaha ku dhow ee hareeraha kaga xeeran. la-mid: agaggaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agagaar
m. n. surroundings, vicinity, surrounding area
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
agagaar
-ka: (n) surrounding (saraawn ding); neighboring area ~ wareegga, nawaaxiga, aagga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagaar
-ka: (magac, lab, keli) hareeraha u dhaw meel; hareeraha aan fogfogayn. Dh: agaag, dhinac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agagaar
cf: fagaag
de: surroundings, vicinity, surrounding area
lx: agagaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: agagaar
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
agagaar
ناحية
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagasaar
m.dh (-ro, m.dh) Meel la korayo ama laga degayo meelaheeda kala korreeya ee cagta la sii saarto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cagasaar
m.dh (-ro, m.dh) Meel la korayo ama laga degayo meelaheeda kala korreeya ee cagta la sii saarto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagasaar
f. n. something used to place the feet on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagasaar
-ka: (magac, lab, keli) walax maro ama caag ka samaysan oo albaabada hortooda ama baabuurta meesha lugta la saarayo la dhigo. Dh: dacsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagasaar
de: s.t. used to place the feet on
lx: cagasaar
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: cagasaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagcagay
(fal) socod dheer ka dib, meeshii ku dhawow oo agteeda sii soco. Dh: cagcagee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaagnaan
m.f.dh eeg cagaagan. la-mid: cagaagnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magac gaar
n. phr. proper noun {grammar}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magac_gaar
de: proper noun {grammar}
lx: magac gaar
ps: np
key: magac_gaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagar
-ka: (magac, lab, keli) dhoobo adkaatay oo sallax noqoto. Ceelku kolka agagar ayuu gaadhay. Dh: gaantay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagaar
(Cagaar-ka)
1. Cawska iyo caleemaha baxa haya midabkooda.
2. Doog, naq, cosob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaar
m.l 1. Midab u eg kan caleenta iyo cawska marka ay dooganyihiin. 2. Doog. 3. Qudaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cagaar
m.l 1. Midab u eg kan caleenta iyo cawska marka ay dooganyihiin. 2. Doog. 3. Qudaar.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cagaar
Green
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagaar
m. n., [collective] green (color); green grass, greenery; greens, vegetables
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAGAAR
(Agar) N Oropetium minimum (Hochst) Pilg. Gramineae.
N Brachiaria leersioides (Hochst.) Stapf. Gramineae.
N Cenchrus ciliaris L. Gramineae.
N Chloris virgata SW. Gramineae.
N Brachiaria ovalis Stapf. Gramineae.
N Digitaria pennata (Hochst) T. Cooke. Gramineae.
N Eragostis cilianensis (All.) Lut. Gramineae.
N Digitaria ternata (A. Rich.) Stapf. Gramineae.
S Cleome hanburyana Penzig. Capparidaceae.
S Indigofera phillipsiae Bak.F. Papilionaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cagaar
-ka: (n) 1. green (giriin) color. 2. green plant; foliage (foo-leeyj) ~ doog. 3. verdure (veer-jar); the lush greenness of vegetation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaar
-ka: (magac, lab, keli) doog; naq; cosob.
cagaar -ka: (magac, lab, keli) midabka doogga loo yaqaan ee u eg tigaadda iyo nagaadhka soo baxa. Samaale, shaadh cagaar ah buu ku labisan yahay. Dh: doog.
cagaar -ka: (magac, lab, keli) iniinta subagga ugu horeeya ee caanaha la lulaayo; haan la lulayo, burcadka ka baxa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagaar
cf: cagcagaar {C & S}
de: green (color); green grass, greenery; greens, vegetables
lx: cagaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: cagaar
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cagaar
أَخْضَرٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sagagar
(Sagagar-ka)
Qof sacsacan; sawaab ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sagagar
m. n. silly ~ eccentric person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sagagar
de: silly ~ eccentric person
initial: s
lx: sagagar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: sagagar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agagaaro
m. n. suburb; approach, avenue of approach
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agagaaro
de: suburb; approach, avenue of approach
lx: agagaaro
pd: (/ha)
ps: n-m
key: agagaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agaggaar
m.l la-mid: agagaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bacaraar
(Bacaraar-ka)
Sanka intiisa hore oo aan lafta lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacaraar
m.l (-rro, m.dh) 1. Sanka qeybtiisa sare ee dhuuban. 2. Sanka intiisa hore oo aan lafta lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bacaraar
m.l (-rro, m.dh) 1. Sanka qeybtiisa sare ee dhuuban. 2. Sanka intiisa hore oo aan lafta lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bacaraar
m. n. tip of the nose
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacaraar
-ka: (magac, lab, keli) sanka halka ku toosan labada indhood dhexdooda. Dh: sanbaruuq, sanqaroor, saqaroor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bacaraar
de: tip of the nose
lx: bacaraar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: bacaraar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaagan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax aan kabo haysan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cagaagan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax aan kabo haysan ahaansho. m.f.dh, cagaagnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaagan
(tilmaame) qof aan wax kabo ah xidhnayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagcagee
v. kick
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagcagee
(fal) eeg cagcagay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagcagee
de: kick
lx: cagcagee
pd: (cagcageeyey)
ps: v2b=
key: cagcagee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carcarar
v. run about
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carcarar
-ay / tay: (v) become restless; continue to run on; keep run around
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carcarar
cf: carar
de: run about
lx: carcarar
pd: (carcararay)
ps: v1=
key: carcarar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaggar
-ka: (magac, lab, keli) qof aan saaxi ahayn; mid dhaadhaan ah. Dh: sacsac, agagas, sawaab, segegger.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaagsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax cagaag hayo ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagsalaax
m.l Cudur geela cagaha ka gala oo aysan tuluddu ku joojin karin cagafta jirran, in ay dhulka ku xoqayso mooyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carcaraaf
carcaraaf¹: m.l 1. Dhibaato aad u weyn; rafaad. 2. Barsaq.
carcaraaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Dhibaato weyn la kulmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carcaraaf
m. n. trouble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carcaraaf
-ka: (magac, lab, keli) daal iyo dhibaato aad u badan; silic iyo saxariir. Dh: dhib, saxariir, silic. Li: raaxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carcaraaf
cf: dhibaato, silic
de: trouble
lx: carcaraaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: carcaraaf
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HAGAGAARO
(Hagagaro) NFD, S, May? Cleome brachycarpa DC. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragcanaan
m.f.dh eeg ragcan. la-mid: ragcanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waghabaar
-ka: (magac, lab, keli) inkaar Eebbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagacaddaan
(Cagacaddaan-ta)
Kabo qabid la'aan; kabo la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagacaddaan
m.f.dh eeg cagacad. la-mid: cagacaddaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagacaddaan
f. n., [abstract] barefootedness, shoelessness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cagacaddaan
-ta: (adj) barefoot (beer-fuut); with nothing on the feet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagacaddaan
-ta: (magac, dhedig, keli) kabo la'aan. Cagacaddaan ayaan ku imid guriga. Dh: cagaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagacaddaan
de: barefootedness, shoelessness
lx: cagacaddaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: cagacaddaan
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
COWS-CAGAAR
(Os-agar) S Corchorus baldaccii Mattei Tiliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caagganaan
(Caagganaan-ta)
Ku (wax ka) caaggan ahaan; wax ka reebbanaan; geyid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caagganaan
m.f.dh eeg caaggan. la-mid: caagganaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caagganaan
f. n., [abstract] abstention from a certain kind of food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caagganaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ka reebbanaan; wax ka caaggan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caagganaan
de: abstention from a certain kind of food
lx: caagganaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: caagganaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
caagganaan
إمساك، امْتِنَاعٌ عَن بَعْضِ الْمَآكِلِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanalahar
m.dh Neef xoolaad oo ay adagtahay in caanaha laga dhammeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcaddaan
m.f.dh eeg cadcad. la-mid: cadcaddaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadcaddaan
-ta: (magac, dhedig, keli) midab cadaan yeelad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaarnaan
m.f.dh eeg cagaaran. la-mid: cagaarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cagaaran oo doog u eg ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagafcagaf
(Cagafcagaf-ka, Cagafcagaf-ta)
Gaari xoog badan oo wax jiida: wuxuu dhinacyada ku lee yahay labo daliigood oo waaweyn oo bir ah oo ballaaran oo garangaro ilko leh ku kor rogmada, si uu dhulka qarfada ah ama ciidda leh u maro; gaari, wax lagu qardajeexo leh, oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagafcagaf
cagafcagaf¹: m.l/dh (-fyo, m.dh) Gaari xoog badan, leh lugo rabar ama bir ah oo beeraha lagu falo ama lagu geed qaado.
cagafcagaf²: m.dh.sh.r C. leh: cod lagu muujiyo meermeeridda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cagafcagaf
m.l/dh (-fyo, m.dh) Gaari xoog badan, leh lugo rabar ama bir ah oo beeraha lagu falo ama lagu geed qaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagafcagaf
m. n. tractor, bulldozer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cagafcagaf
-ka: (n) Caterpillar or a tractor equipped with continuous chain treads
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cagafcagaf
Trattore
Tractor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagafcagaf
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cagaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagafcagaf
de: tractor, bulldozer
lx: cagafcagaf
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2a-m/f
key: cagafcagaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagagashad
-ka: (magac, lab, keli) wax cagaha la gashado sida kabaha.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
campagnard
campagnard, adj. - Beer-godaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cargaagtan
cargaagtan¹: m.l la-mid: cargaagtamid.
cargaagtan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. Dhawaaq, geedo burburin iyo wixi lamida uu ku kaco libaaxa marka uu caroodo. 2. Muran aan go'aan lahayn ku hadlid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cargaagtan
v. cry out in pain, groan (of an animal); have an animated discussion without reaching a conclusion