ereyga

cagajuglay

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagajuglay

DHAN

(fal) «u ~» u hanjab. Dh: baji, cabsii.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagajuglayn

DHAFAN

-ta: (magac, dhedig, keli) hanjabaad ay diriri ku dheehan tahay. Dh: bajin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cagajugleyn

DHAFAN
1

(Cagajugleyn-ta)

2

Cagaha dhulka la dhicid, si qof cabsi lagu geliyo; cabsiin; bajin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cagajugleyn

DHAFAN

m.f.dh eeg cagajuglee. la-mid: cagajugle (2).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

cagajugleyn

DHAFAN

-ta: (n) the act of frightening; harassment (haares-ment)

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagajugleyn

DHAFAN

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cagajug- layn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagajugleys

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) hanjabaad ay diriri ku dheehan tahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cagajugle

DHAFAN

m.l 1. Dhaar iyo handadaad cid loo jeediyo si loo cabsi geliyo. 2. la-mid: cagajugleyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cagajugle

DHAFAN

m.l Dhaar iyo handadaad cid loo jeediyo si loo cabsi geliyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cagajuglee

DHAFAN

f.mg2 (-leeyay, -leysay) U c.: qof si loo cabsi geliyo dhaar iyo handadaad u jeedin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cagajuglee

DHAFAN

f.mg2 (-leeyay, -leysay) U c.: qof si loo cabsi geliyo dhaar iyo handadaad u jeedin. m.f.dh, cagajugleyn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

cagajuglee

DHAFAN

v. threaten, intimidate

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

cagajuglee

DHAFAN

-yey / cagajugleysay: (v)frighten (faraay-ten); scare (iskeer); harass (haaras) ~baji, cabsii. —Syn: alarm, terrify, terrorize, startle, panic

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagajuglee

DHAFAN

(fal)) u hanjab; handed; cagajuglay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

cagajuglee

DHAFAN
1

de: threaten, intimidate

2

lx: cagajuglee

3

pd: (cagajugleeyey)

4

ps: v2b=

5

key: cagajuglee

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagjuglayn

DHAFAN

-ta: (magac, dhedig, keli) u hanjabid; cagajugleyn; cagajuglays.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

aa'

DHAABAN

f.g1 (aa'ay, aa'day) 1. Cid ama wax garaacid, u cagajuglayn. 2. Dagaallamid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

fooxaalli

DHAABAN
1

fooxaalli¹: m.l 1. Geesinnimo been ah oo la muujiyo. 2. Cagajuglayn been ah oo la muujiyo.

2

fooxaalli²: f.mg1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Geesinnimo been ah muujin. 2. Cagajuglayn been ah muujin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gabgablee

DHAABAN

f.mg2 (-leeyay, -leysay) 1. Gabgab samayn. 2. Falal cagajuglayn cid loola yimaado.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

handad

DHAABAN
1

handad¹: m.l (-dyo, m.dh). 1. la-mid: hanfad ¹, hanfaf. (-dyo, m.dh) Hinqasho, boodid. 2. la-mid: haddidid. 3. la-mid: handadid.

2

handad²: f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Qof u cagajuglayn. 2. (f.mg) Bootin fudud nafley dagaal maagani boodid. 3. (f.mg) Qof hurda nixid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

hanjab

DHAABAN

f.mg1 (-bay, -btay) U h.: qof u cagajuglayn. la-mid: hanjan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

hanjabaad

DHAABAN

m.dh Ereyo iyo cagajuglayn cid lagu cabsi gelinayo. la-mid: hanjabid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

tahdiid

DHAABAN

m.l (-dyo, m.dh) U cagajuglayn (cid), u dhaarasho, bajin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

handad

DHAABAN

f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Qof u cagajuglayn. 2. (f.mg) Bootin fudud nafley dagaal maagani boodid. 3. (f.mg) Qof hurda nixid. m.dh, handadid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

hanjab

DHAABAN

f.mg1 (-bay, -btay) U h.: qof u cagajuglayn. m.f.dh, hanjabid. la-mid: hanjan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

hanjabaad

DHAABAN

m.dh Ereyo iyo cagajuglayn cid lagu cabsi gelinayo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

tahdiid

DHAABAN

m.l (-dyo, m.dh) U cagajuglayn (cid), u dhaarasho, bajin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baalaxoofto

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) hanjabaad aan run ahayn; cagajuglayn been ah, gooddiyid aan dhab ahayn. Dh:goolaaftan, jiirfeed.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

baalxooftayn

DHAABAN

-ta: (magac, dhedig, keli) baalxoofto samayn oo hanjabaad; gooddi iyo cagajuglayn la imasho. Baalxooftaynta iska dhaaf oo bannaanka u soo bax

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bajin

DHAABAN

-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, cabsi gelin; handadaad hadal la socdo. Beesha bajinta ka daaya. Dh: cagajuglayn, didin, cabsiin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

boolaxooftay

DHAABAN

(fal) hanjabaad iyo cagajuglayn jabsi ah samee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

boolaxooftayn

DHAABAN

-ta: (magac, dhedig, keli) hanjabaad iyo cagajuglayn jabsi ah samayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

boolaxooftee

DHAABAN

(fal) hanjabaad iyo cagajuglayn jabsi ah samee. Baalxooftee haddaad banaankaa mari weydo boodhkaad galgalan. Dh: hanjab.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

diririd

DHAABAN
1

-da: (magac, dhedig, keli) dagaal aan dil iyo burbur loo aabbayeelin galid. Haddii lagu soo weeraro diririddu waa waajib. Dh: dagaallamid.

2

diririd -da: (magac, dhedig, keli) hanjabid oo canaan iyo cagajuglayn samayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagataallay

DHAFANDHAAF

(fal) (ka ~) ka warwareeg.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagagoy

DHAFANDHAAF

(fal) aad u eryo oo daali; orod ku daali. Dh: cagaggoo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cajuula

DHAFANDHAAF

(tilmame) mid si degdeg ah wax u qabta, dhakhso wax u qabta.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

calalay

DHAFANDHAAF

(fal) calal ka dhig; duug ka dhig.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cagaagan

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax aan kabo haysan ahaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cagaagan

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax aan kabo haysan ahaansho. m.f.dh, cagaagnaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagaagan

DHAFANDHAAF

(tilmaame) qof aan wax kabo ah xidhnayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagcagay

DHAFANDHAAF

(fal) socod dheer ka dib, meeshii ku dhawow oo agteeda sii soco. Dh: cagcagee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

faguugay

DHAFANDHAAF

(fal) hawl socota inta u badan fuli; hawl in yari ha kuu hadho; hawl inta mucdeed ama culus fuli. Dh: dhadhawey, faguugee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

magaalay

DHAFANDHAAF

(fal) suuq iyo meherado u samee oo magaalo ka dhig. Hayjadda magaalay oo tukaanno ka fur. Dh: magaalee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

taakulay

DHAFANDHAAF

(fal) cid kale, caawi oo u gargaar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cagaagsan

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-naa, -nayd) Wax cagaag hayo ahaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cagagubad

DHAFANDHAAF

m.l la-mid: cagaggubyo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

haghaglay

DHAFANDHAAF

(fal) hadalka googgoo oo si xidhiidh ah ha u wada odhan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

barijugley

DHAFANDHAAF

m.dh.u Nooc cayayaanka lix lugoodlaha ah ka mid ah oo leh madax ay ku dahaarantahay qolof adag oo kurtumo leh iyo qaar danbe oo buuran oo jilicsan; dhiidhiiyo, xaabley, xabgaal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

caradugaag

DHAFANDHAAF

m.l Cudur eyga ku dhaca oo ku khasba in uu qaniino dadka iyo xoolaha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

caradugaag

DHAFANDHAAF

m.l Cudur eyga ku dhaca oo ku khasba in uu qaniino dadka iyo xoolaha.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

caradugaag

DHAFANDHAAF

m. n. rage, terrible anger; hydrophobia

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

caradugaag

DHAFANDHAAF
1

de: rage, terrible anger; hydrophobia (that causes one to become aggressive)

2

lx: caradugaag

3

pd: (-ga)

4

ps: n0-m

5

key: caradugaag

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cagataallayn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg cagataallee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagataallayn

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) ka warwareegid; ka meermeerid; ka cagadtaallays.

2

cagataallayn -ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» ka warwareeg, ka meermeer. Dh: ceegataallayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagataallays

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg cagataallayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

bagagaclayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) mar qudha wada dhaqaaqid; kol keli ah wada ordid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

barijugleyn

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg barijuglee. la-mid: barijugle.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

barijugleyn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) badhijig u dhicid oo dabada dhulka ku jiidid. Barijugleynta carruurtu waxba kuma noqoto. Dh: badhijigleyn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

cagaboorley

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg cagaboodhley.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

calaalugsan

DHAFANDHAAF

(tilmaame) wax doorsan, badhxan, ladhan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

calanwalayn

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) calan ku shaqayn; hab ay maraakiibtu warka isku siiyaan oo la isku aqoonsado. Hababkii hore ee warisgaarsiinta gaadiidka badda ka mid ahaa oo labo markab ama markab iyo xeeb isu muuqdaa ku wada hadlaan. Dh: calanwalays.

2

calanwalayn -ta: (magac, dhedig, keli) calanlulista garsooraha ciyaaraha kubbada cagta dhinacyada ka ilaaliya.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

calanwalays

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg calanwalayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hangagurray

DHAFANDHAAF

(fal) cid kale, canaano oo guhaadi. Dh: guhaadi.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

majaajillay

DHAFANDHAAF

(fal) hadal suugaaneed oo maad ah ku hadal. Sidii Boon Xirsi u majaajillay Dh: majaajillee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

masacagalay

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) eeg maansacagalay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

masalugaley

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: masacagaley.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

masalugaley

DHAFANDHAAF

f. n. monitor lizard

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

masalugaley

DHAFANDHAAF

-da: (n) lizard (lizerd) ~ abeesolugaley, masacagaley

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

masalugaley

DHAFANDHAAF

-da: (magac,dhedig, keli) eeg maansacagaley.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

masalugaley

DHAFANDHAAF
1

a: masalugooley

2

de: monitor lizard

3

lx: masalugaley

4

pd: (-da)

5

ps: n-f

6

see: masacagaley

7

key: masalugaley

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

calaanbullayn

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) si aan ahayn sidii ugu haboonayd u arrimin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

faataadhuglay

DHAFANDHAAF
1

(fal) cid kale u hanjab si aad u cabsigeliso.

2

faataadhuglay: (fal) kibir iyo isqaadqaad samee; wax aanad ahayn iska yeelyeel.

waa la naqliyay ✓