cagaaritaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) caano la lulayo, burcad bixin; cagaar soo noqosho; cagaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) dheelitaan; ciyaaritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg amaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaarnaan
m.f.dh eeg cagaaran. la-mid: cagaarnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaarnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax cagaaran oo doog u eg ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaritaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale cawarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhaadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) cabaad soo saarid; qaylin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg cadaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) dheelitaan; cayaaritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaagitaan
-ka: (magac, lab, keli) gaajo iyo diihaal dartood la qixitaan. Dagaagitaan bay ku noolyihiin iyo qoxootinnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) dahaadh u samayn. Alaabtani dahaaritaan ayey u baahan tahay. Dh: dahaadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) xumaan iyo dhib, qof kale, Eebbe uga baryitaan. Li: ducayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaagitaan
-ka: (magac, lab, keli) baydhbaydhis la'aan; toos iyo horay u socosho.
hagaagitaan-ka: (magac, lab, keli) sidii la rabay noqosho; qummanaansho iyo toosni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg madaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaagitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg magaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarcaaritaan
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg caarcaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) kobcid oo hanaqaadid. Dh: hanaqaaditaan, koritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halgaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg halgaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamaarmitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax ka kaaftoomid. Dh: maarmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meegaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg meegaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) ciyaarta qammaarka ciyaaritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) geela mes baad iyo biyo leh u kaxeyen. Dh: xabaadhitaan.
xabbaaritaan -ka: (magac, lab, keli) xoolo ad lahayn xoog ku kaxaysasho. Dh: xabaadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) dhabarka ku qaaditaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax cagaartay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cagaaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax cagaartay ahaansho. m.f.dh, cagaarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagaaran
der. [adjective] green
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cagaaran
-cagaamaa / cagaamayd: (adj) 1. green (giriin); made with green. 2. lush (lash) ~ laac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaaran
(fal) midab cagaar ah, yeelo.
cagaaran: (tilmaame) wax midab cagaar ah leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagaaran
cf: laac
de: green
lx: cagaaran
pd: (cagaarnaa)
ps: adj-der
key: cagaaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaarin
m.f.dh eeg cagaari. la-mid: cagaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) cagaar ka dhigid; cagaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg ajarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaritaan
(Baaritaan-ka)
Baaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaritaan
m.l 1. Raadinta wax qarsoon. 2. Suuq waayidda badeeco ganac loo soo bandhigay. la-mid: baarid².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaritaan
m.l 1. Raadinta wax qarsoon. 2. Suuq waayidda badeeco ganac loo soo bandhigay. la-mid: baarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaritaan
vl. n. investigation, analysis, research, inspection
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaritaan
ka: (n) 1. investigation (investageyshan); analysis (anaalisis) 2. checkup (jeek ap) Ex: baaritaan caafimaad; medical checkup [a general physical examination] baarid, baaris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaritaan
-ka: (magac, lab, keli) wax dahsoon raadin ku suubbin. Dh: baadhitaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaritaan
a: baadhitaan; baaraan, baarid, baaris
de: investigation, analysis, research, inspection
lx: baaritaan
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: baaritaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caacitaan
-ka: (magac, lab, keli) roob aan laga jirsan ku rafaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caagitaan
-ka: (magac, lab, keli) caagidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caayitaan
-ka: (magac, lab, keli) hadal xun ku dhihitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaritaan
-ka: (magac, lab, keli) daaridda dab, nal iyo wixii la mid ah ama hurintiisa. Daaritaanka dabka iyo dabayshii ayaa kulmay.
daaritaan-ka: (magac, lab, keli) cid kale, hadal ama ficil uu ka xanaaqo u gaysasho oo faragelin. Daaritaanka dadka iska ilaali. Dh: maagitaan, daandaansi.
daaritaan-ka: (magac, lab, keli) caano la lulayo, in yar ka dhiijin si loo hubiyo inay baxeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaritaan
-ka: (magac, lab, keli) caano, faar yeelasho.
faaritaan-ka: (magac, lab, keli) eeg faadhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaritaan
-ka: (magac, lab, keli) dhaafitaan; saamixidtaan. Ninka dil ku kacay maaritaan xaq uma leh. Dh: maarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaritaan
-ka: (magac, lab, keli) meel sare saaritaan. Dh: laalitaan.
raaritaan-ka: (magac, lab, keli) xerada adhiga kadinkeeda hore qoryo ku dheereyn. Raaritaankii irridda ha dheerayn.
raaritaan-ka: (magac, lab, keli) kor isugu taagitaan. Raaritaankii ay is raartay bisaddii ayey kedis uga soo dhacday gidaarka.
raaritaan-ka: (magac, lab, keli) aad u rarid oo alaab badan saarid. Raaritaanka badan ka ilaali baabuurka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaritaan
-ka: (magac, lab, keli) saaridda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taaritaan
-ka: (magac, lab, keli) meel sare ku laalid; meel sare saarid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waaritaan
-ka: (n) durability (dhuu-ra-biliti); endurance (en-dhuu-ransi); longevity ~ cimri-dherer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg waarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) fiiqitaan; haritaan, xaaqitaan.
xaaritaan-ka: (magac, lab, keli) sindho keenitaan; wax saxaroonaya ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayaritaan
-ka: (magac, lab, keli) si tartiib ah oo aanu degdeg iyo adayg ku jirin. Dh: aayarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agtagitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel u dhow, tagisteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaagnaan
m.f.dh eeg cagaagan. la-mid: cagaagnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cakiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg cakirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casiritaan
-ka: (magac, lab, keli) calool xanuun ka dareemitaan; caloosha, majiirmitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ijaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) beer iyo wax la mid ah, ood ama wax kale oo lagaga baydho ku soo wareejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasaasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg aasaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaaritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg abbaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abraaritaan
-ka: (magac, lab, keli) si kuddo iyo fiirsi la'aan ah u boodid oo wax u sii dhex jibaaxitaan. Dh: jibaaxitaan, majiiritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badmaritaan
-ka: (magac, lab, keli) ka shaqaysashada badaha iyo maaxiddeeda. Dh: badmarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg bakaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banjaritaan
-ka: (magac, lab, keli) banjarid ku dhacday, taayir naqaskii ka baxay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basaasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg basaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bugaagitaan
-ka: (magac, lab, keli) tirtiritanaka wax jirey, cayntiisa goyntiisa. Dh: cidhibtiritaan, baabbi'itaan, xasuuqitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabaqitaan
-ka: (magac, dhedig, keli) barar iyo millile yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbiritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaaryahan
m.l (-nno, m.l) Dad qudaarta ku nool oo aan hilibka cunin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cagaaryahan
m.l (-nno, m.l) Dad qudaarta ku nool oo aan hilibka cunin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cagaaryahan
m. n. vegetarian
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cagaaryahan
de: vegetarian
lx: cagaaryahan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cagaaryahan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caymaditaan
-ka: (magac, lab, keli) samaynta falka caymadka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) cilaaqda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cinaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) canaadidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciqaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg ciqaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajaasitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg fajaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganaanitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg ganaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg habaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaafitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hadaafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) sida carruurta hadalbaradka ah u hadlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) munuusitaan. Dh: munuusitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaamitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel fog oo abaari ka sokayso, u guuritaan. Dh: kaynaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marmaritaan
-ka: (magac, lab, keli) wax marmarya ahaan. Marmaritaankaaga waan la socdaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg qalaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraritaan
-ka: (magac, lab, keli) kala dillaacitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayaaditaan
-ka: (magac, lab, keli) meel u hayaamitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigaaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) burburin ku samayn. Dh: jejebitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salaaxitaan
-ka: (magac, lab, keli) buuxin oo geer la simitaan.
salaaxitaan -ka: (magac, lab, keli) salaaxidda lafteeda.
salaaxitaan-ka: (magac, lab, keli) xoodaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaabitaan
-ka: (magac, lab, keli) qof ama wax kale meel ka gudbid; tilaabitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaaqitaan
-ka: (magac, lab, keli) qasitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaalitaan
-ka: (magac, lab, keli) meel god ah wax ku aasitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarugitaan
-ka: (magac, lab, keli) hurdo ka toositaan, ka kicitaan. Baraarugitaan ka hor lama kicin karo waa nin hurda weyn.
baraarugitaan -ka: (magac, lab, keli) baraarugid oo wax kasta ogaal u yeelasho. Dh: digtoonaad, feejignaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarujitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale hurdo ka toosin. Dh: baraarujin.
baraarujitaan -ka: (magac, lab, keli) cid kale digtooni gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbararitaan
-ka: (magac, lab, keli) barbararis iyo buurbuur yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalwaayitaan
-ka: (magac, lab, keli) «u-hawl, dhib iyo wax la mid ah, u taagwaayitaan; u tabar-waayitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaacalitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg calaacalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaalugitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax sidii uu ahaa ka doorin; badhxitaan; ladhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabayritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg kalabayrid.