cafisdhawr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cafisdhawr
-ka: (magac, lab, keli) filidda qof dembi uu ku eedaysan yahay in laga cafiyo oo laga saamaxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashfaqad
-da: (magac, dhedig, keli) cudbi ama wax kale oo dumarka caadada lihi isticmaalaan si ay nadaafadda dharkooda u ilaaliyaan. Mashfaqad qaado hadday salaaddu kaa jaban tahay. Dh: cafisdhawr.
mashfaqad -da: (magac, dhedig, keli) naxariis aad u badan oo waalidnimo ama walaalnimo oo cid loo muujiyo. Dh: naxariis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhawr
(tilmaame) naanays hablaha yaryar loogu yeedho inay wiilasha walaalahooda ku hinaasaan oo afkooga eegaan waxay cunayaan iyo waxay leeyihiinba. Waxan dhalay afar wiil iyo afdhawr.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isdhawr
v. respect one another, watch out for ~ protect each other
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isdhawr
de: respect one another, watch out for ~ protect each other
lx: isdhawr
pd: (isdhawray)
ps: v1=expr
key: isdhawr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baridhawr
(Baridhawr-ka)
Barkimo xalleef ah ama wax kaloo aad loo jilciyey oo kooraha ama kursiga ama wixii kaloo adag oo lagu fariisana hayo layska xijiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baridhawr
m.l (-rro, m.dh) Barkin xalleefsan oo koore, kursi iyo wixi lamida layska xajiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baridhawr
m. n., [compound] cushion used on a saddle ~ chair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baridhawr
-ka: (magac, lab, keli) eeg badhidhawr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baridhawr
de: cushion used on a saddle or chair
lx: baridhawr
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: baridhawr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafkadhawr
-ka: (magac, lab, keli) qof sakaraad ah oon nolol dambe loo rajaynayn. Qof maskaxdu madoobaatay waa nafkadhawr.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydhaw
(fal) mid aan hanti lahayn noqo. Dh: cayraw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ildhawr
-ka: (magac, lab, keli) hawl cid kale ku eeg inay qabato; ku xinninta cid kale inay qabato hawl.
ildhawr -ta: (magac, dhedig, keli) halka qofka aragtidiisu gaadho. Lo'dii ildhawr ayay inoo jirtaaye imika soo rog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaqdhawr
(Xaqdhawr-ka)
Xaqa qof kale lee yahay oo la ilaaliyo, la dhawro ama wax uu qoonsado aan lagula kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqdhawr
xaqdhawr¹: m.l Xishood iyo ixtiraam cid loo hayo.
xaqdhawr²: f.g1 (-ray, -rtay) Cid ixtiraamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaqdhawr
xaqdhawr¹: m.l Xishood iyo ixtiraam cid loo hayo.
xaqdhawr²: f.g1 (-ray, -rtay) Cid ixtiraamid. m.f.dh, xaqdhawrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaqdhawr
m. n. respect, tactfulness, considerateness, thoughtfulness
xaqdhawr v. respect, be respectful of the rights of another; be tactful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaqdhawr
-ay / tay: (v) respect (ris-pakt); have respect for; be considerate (kon-si-dareyt); be thoughtful (thoot-fuul) ~ tixgali, xushmee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqdhawr
(fal) ixtiraam oo si ay xurmo ku jirto u qaddari xumaanna ha u quudhin. Waalid oo dhan xaqdhawr.
xaqdhawr -ka: (magac, lab, keli) ixtiraam iyo qaddarin xurmo ku jirto oo aan xumaan la isku quudhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayadhawr
m.l (daawo) Qayb ka mid ah cilmiga dhakhtarnimo oo lagu barto ka hortagga cudurrada. la-mid: fayodhow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fayadhawr
m.l (daaw.) Qayb ka mid ah cilmiga dhakhtarnimo oo lagu barto ka hortagga cudurrada. la-mid: fayodhow.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fayadhawr
-ka: (n) sanitation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayadhawr
-ka: (magac, lab, keli) nadaafadda jidhka iyo degaanka oo la ilaaliyo. Fayadhawrku caafimaadka waa ka kow. Dh: nadaafad.
fayadhawr -ka: (magac, lab, keli) duubka yar ee cudbiga ah ee ay dumarku adeegsadaan kolka ay caadada helaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayodhawr
-ka: (magac, lab, keli) eeg fayadhawr.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raradhawr
-ta: (magac, dhedig, keli) raro jilicsan oo muurka looga hoosaysiiyo raxanka si xadhkuhu wax u yeelin.
raradhawr -ta: (magac, dhedig, keli) kebed yar. Raradhawrta innoo soo qaad. Dh: afdabool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhidhawr
-ka: (magac, lab, keli) barkin jilicsan iyo wixii la mid ah oo kooraha fardaha ama wax kale oo adag sida kursiga la isaga dhigo. Senge buuran badhidhawr casoo, bulushku laadlaado. Dh: baridhawr, baridhowr.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqtidhawr
(fal) si xil, dhaxal iyo wixii la mid ah looga helo awgeed qof geeridiisa ka dhursug. Bakhtidhawr dhaxal laguma helee orda guryihiinna ku dheelmada. Dh: baqtidhawr.
baqtidhawr -ka: (magac, lab, keli) dakhsi waayen oo bakhtiga ku lala oo cuna, daaruqena ku dhala. Dh: doorshaan, dooryaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufandhawr
m.l (-rro, m.dh) Maro ama wax kale oo la gashado si dufanka iyo wixi lamida laysaga ilaaliyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dufandhawr
m.l (-rro, m.dh) Maro ama wax kale oo la gashado si dufanka iyo wixi lamida laysaga ilaaliyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dufandhawr
m. n. apron; something that protects one from grease, oil, etc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dufandhawr
de: apron; s.t. that protects one from grease, oil, etc.
lx: dufandhawr
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: dufandhawr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantidhawr
*(Hantidhawr-ka)
Qaybaha maamulka Dowladda mid kamid ah oo hantida iyo lacagta Qaranka ilaalisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantidhawr
m.l 1. Xaafiis dawlad, hay'ad, qof iyo wixi lamida u qaabbilsan ilaalinta lacagta in sidii loogu talaggalay loo isticmaalay. 2. H. ah: qof xaafiiskaas ka shaqeeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hantidhawr
m.l 1. Xaafiis dawlad, hay'ad, qof iyo wixi lamida u qaabbilsan ilaalinta lacagta in sidii loogu talaggalay loo isticmaalay. 2. H. ah: qof xaafiiskaas ka shaqeeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantidhawr
m. n., [compound] accounts department; treasury
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hantidhawr
-ka: (n) examination of records or financial accounts; audit (oodhit)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hantidhawr
Magistrato ai conti
Magistrate of accounts
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantidhawr
-ka: (magac, lab, keli) waaxda dadka ama dawlada u qaabilsan in ay dabagasho halka lagu bixiyey kharashka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantidhawr
de: accounts department; treasury
lx: hantidhawr
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: hantidhawr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaamodhawr
-ka: (magac, lab, keli) sanqadh dhegaysi dhiifoon; dhegataag dhiillo keento.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayladhawr
m.l Q. ah: qof ama ka badan oo diyaar u ah dhiillo laga filayo wax ka qabashadeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayladhawr
-ka: (magac, lab, keli) qof ama ka badan oo diyaar u ah dhiillo laga filayo wax ka gabashadeeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nafkadhawrid
-da: (magac, dhedig, keli) dhimasho iyo nafbax ka sugid; dhimasho qarka u saarnaan Ninkan xaalkiisu waa nafkadhawrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakhtidhawr
(fal) si dhaxal looga helo awgeed qof geeridiisa ka dhursug. Bakhtidhawr dhaxal laguma helee orda guryihiinna ku dheelmada. Dh: baqtidhawr.
bakhtidhawr -ka: (magac, lab, keli) dakhsi waayen oo bakhtiga ku lala oo cuna, daaruqena ku dhala. Dh: doorshaan, dooryaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhididdhawr
(Dhididdhawr-ka)
Waxa dhididka celintiisa loo qaato oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhididdhawr
m.l (-rro, m.dh) Wax dhididka celintiisa loo qaato sida funaanadda, jaanta kore ee kabaha iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhididdhawr
m.l (-rro, m.dh) Wax dhididka celintiisa loo qaato sida funaanadda, jaanta kore ee kabaha iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhididdhawr
m. n., [compound] handkerchief; antiperspirant; anything for stopping sweat
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhididdhawr
de: handkerchief; antiperspirant; anything for stopping sweat
lx: dhididdhawr
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dhididdhawr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaatidhawr
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, wax u dhibyarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naftiihawir
-ka: (magac, lab, keli) eeg naftihafar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shiir-dhawr
-ka: (n) deodorant (di-yoo-darant)