cadhaysiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» cadho ku abuurid; ka xanaajin; umal iyo dhirif ka keenid. Dh: cadhaysiis, xanaaqsiin, dhirifsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydhaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) sabool ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhaysii
(fal) (ka ~) ka xanaaji; weyrixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhaysiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cadhaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashaysiin
m.f.dh eeg cashaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama dad badan, xeraadsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ahaysiin
(Ahaysiin-ta)
1. Wax aan jirin, wax jira ka dhigid; abuurid; uumid.
2. Dhab ama run ka dhigid.
3. Si, ama, wax ka dhigid, ka yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahaysiin
m.f.dh eeg ahaysii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaysiin
vl. n., [compound] making, invention, creating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan jirin wax jira ka dhigid. Ahaysiintu waa arrin Eebbe u gaar ah. Dh: abuurid, uumid, alkumid, ahaysiis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahaysiin
de: making, invention, creating
lx: ahaysiin
pd: (-ta)
ps: vn0-f-cmp
key: ahaysiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddaysin
(Caddaysin-ka)
Caddaysimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddaysin
m.l la-mid: caddaysimo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caddaysin
-ka: (n) unloaded pack animal, especially camel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddaysin
-ka: (magac, dhedig, keli) eeg caddaysimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhaysan
(tilmaame) mid cadho qaba; muuqaal sheegaya in qof wejigiisa xanaaq laga dareemayo. Dh: xanaaqsan, dhirifsan, caraysan. Li: faraxsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadheysii
v. anger, annoy, irritate
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadheysii
de: anger, annoy, irritate
lx: cadheysii
pd: (cadheysiiyey)
ps: v2a=
key: cadheysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caraysiin
(Caraysiin-ta)
(ka caraysiin) Caro ku abuurid; ka xanaajin; umal iyo dhirif ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraysiin
m.f.dh eeg caraysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka xanaajin; ka weyrixin; cadho ku abuurid. Dh: cadhaysiin, caraysiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid casho siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cashaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid casho siin. m.f.dh, cashaysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cashaysii
v. treat a dinner, invite someone to supper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashaysii
(fal) cid kale, milayga fiidka, wax la cuno sii; xeraadsii. Waa habeene, cashaysii, caruurta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cashaysii
de: treat a dinner, invite s.o. to supper
lx: cashaysii
pd: (cashaysiiyey)
ps: v2a=tr
key: cashaysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaysiin
m.f.dh eeg jahaysii. la-mid: jihaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadaysiin
m.f.dh eeg qadaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale hadhimo siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sahaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) xafiis u shaqeeya maraakiibta, dayuuradaha iyo wixii la mid ah oo sahayda ay u baahan yihiin siiya, ka iibsha; wakaalad qaabbilsan sahayda la siinayo gaadiidka badda iyo cirkaba.
sahaysiin -ta: (magac, dhedig, keli) sahayda la siiyo qof socoto si uu jidka ugu maro. Dh: jidmar, jicsimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caataysiin
m.f.dh eeg caataysii. la-mid: caatayn, caataysiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caataysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) caato ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashaysiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cashaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadlaysiin
m.f.dh eeg kadlaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadlaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) faras orod kadle ah orodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladnaysiin
m.f.dh eeg ladnaysii.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
annoy
/annooy/annoys, annoying, annoyed; (v) ka xanaajin ama ka cadhaysiin. e.g. He annoys her because he calls late in the night.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
incense
/insens/ (n) 1. cuud ~ foox. (n) 2. ka cadhaysiin (xanaaq daran).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadcaadiigsi
-ga: (magac, lab, keli) marka aad cid wax ku caansiirisid adiga oo ka cadhaysiinaya. Iga daa cadcaadiigsiga oo si fiican iila hadal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaansad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, ka cadhaysiin oo gardarro kula kicid. Daandaansadka adigaa bilaabay. Dh: gardarraysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaajin
-ta: (magac, dheig, keli) cid kale cadho ka keenid; qof ka cadhaysiin. Dh: cadhaysiin, xanaaqsiin. Li: qoslin, farxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaaqsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale ka cadhaysiin. Dh: xanaaqin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
contrarier
contrarier, V. - Ka cadhaysiin; ku lid ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
déplaire
déplaire, v. - aan faraxsanayn; ka cadhaysiin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
enrager
enrager, v. - ka cadhaysiin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
exaspérer
exaspérer, V. - ka cadhaysiin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
excitable
excitable, adj. - laga xanaajin karo; laga cadhaysiin karo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
exciter
exciter, v. - arbushid; niyad kicin; dareen kicin; ka cadhaysiin; laga caraysiiyo; dedejin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
irriter
irriter, v. - ka cadhaysiin; laga caraysiiyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
provoquer
provoquer, V. - ka cadhaysiin; la xanaajin
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
énerver
énerver, v. - ka cadhaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta mid cadhaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciishaysiin
m.f.dh eeg ciishaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciishaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ciil ku ridid ama badid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadhansiin
m.f.dh eeg dhadhansii. la-mid: dhadhansiis, dhadhensiin, dhadhensiis, dhandhansii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) carrabka u saarid oo sida uu u dhadhamayo tusid. Dh: dhandhansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax xalaad gaar ah ku sugid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaysii
v., [compound] create, make something be
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahaysii
-yey / say: (v) cause something to exist or happen; make (meeyk)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahaysii
(fal) 'awood Rabbi u gaar ah' abuur wax aan hore u jirin; uun wax cusub. Allahayow ahaysii, dalkayaga aroor qudha, kii ugu awood badan. Dh: abuur, alkun, uun.
ahaysii: (fal) gaadhsii darajo ama martabo aanu hore u ahayn. Ardaygaaga ahaysii ka ugu aqoon badan adduunyada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahaysii
de: create, make s.t. be
lx: ahaysii
pd: (ahaysiiyey)
ps: v2a=cmp
key: ahaysii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaysi
-ga: (magac, lab, keli) cadaysasho oo badheedhid.
cadaysi -ga: (magac, lab, keli) wax cad ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadhayn
(Cadhayn-ta)
Cadho ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadhayn
m.f.dh eeg cadhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cadho ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaysin
(Dhaysin-ta)
Candhada xoolaha rimman dhays ka muuqasho; habaasin; candhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaysin
m.f.dh eeg dhaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adkaysin
m.l Karti dheeraad ah oo nafley u yeelato dhibaato, mushkilad iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adkaysin
m.l Karti dheeraad ah oo nafley u yeelato dhibaato, mushkilad iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahaysiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ahaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badhaysi
m.l Wax tiradooda aad u badantahay qiimahooduna yaryahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badhaysi
m.l Wax tiradooda aad u badantahay qiimahooduna yaryahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax meel kasta yaalla oo uu iibkiisu aad u riqiisay ama xoog u jabay. Badhaysiga jaadka, miyaan mijin boobay! Dh: badhayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caarsiin
(Caarsiin-ta)
(doonni, kd.) meel xeeb ah geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caarsiin
m.f.dh eeg caarsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) doonni biyaha ka saarid; doonni meel xeeb ah geyn. Daahir, doon- nida ayuu caarsiinayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddaysi
(Caddaysi-ga)
Caddaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddaysi
m.l la-mid: caddaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caddaysi
vl. n. openness, being open, plain
caddaysi vl. n. act of whitening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg caddaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraysii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) 1. Is c.: is daalin. 2. Ka c.: cid caro ku abuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caraysii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) 1. Is c.: is daalin. 2. Ka c.: cid caro ku abuurid. m.f.dh, caraysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caraysii
v.caus: anger, make someone angry, enrage, annoy, irritate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caraysii
-yey / say: (v) [with] preposition ka] anger (ang-ger); provoke (pro-vowk); enrage (en-reyj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysii
(fal) «ka ~» ka xanaaji; ka weyrixi; cadho ku abuur. Dh: cadhaysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caraysii
de: anger, make s.o. angry, enrage, annoy, irritate Used with ka
lx: caraysii
pd: (caraysiiyey)
ps: v2a=caus
key: caraysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhacsiin
(Dhacsiin-ta)
Si qof, waxa la bara hayo ama loo sheega hayo uu u garto, hadal tilmaamo iyo tusaalooyin badan leh, wax ugu sheegid; faro waaweyn wax ugu sheegid; u dhaadhicin; garansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacsiin
m.f.dh eeg dhacsii. la-mid: dhacsiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacsiin
vl. n. elucidation; act of making someone understand
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhacsiin
Convincimento
Convincement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid hadal ama aragti ka raaridid oo fahamsiin. Dh: dhaadhacsiin.
dhacsiin -ta: (magac, dhedig, keli) cid xoolo laga dhacay u ridid. Dh: ridid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhacsiin
de: elucidation; act of making s.o. understand
lx: dhacsiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dhacsiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagsiin
m.f.dh eeg dhagsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) si fudud oo degdeg ah cid wax ugu dhifasho.
dhagsiin -ta: (magac, dhedig, keli) dhammayn oo si qurux badan dhag uga siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhansiin
m.f.dh eeg dhansii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof caano siin; caano cabbin. Dh: cabbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Nafley qiblada u jeedin. la-mid: jihaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jahaysii
(fal) nafley qiblada u jeedi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid qado siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qadaysii
v.caus: have someone for lunch; serve ~ give lunch to