cadgoosad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadgoosad
-ka: (magac, lab, keli) (ka ~) ka aargoosad. Li: saamaxaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadgoosi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cadgoosad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadgooso
f.mg3 (-stay, -satay) Ka c.: cid godob ka gashay ka aarsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadgooso
f.mg3 (-stay, -satay) Ka c.: cid godob ka gashay ka aarsasho. m.f.dh, cadgoosasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadgooso
v. take share for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadgooso
-cadgoostay / cadgoosatay: (v) [with preposition ka] seek or take vengeance for oneself; revenge (ri-veenji) ~ aargudo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadgooso
(fal) qof kale xumaan uu kugu sameeyey ka aarso; aano hore ka aargudo. Dh: aargudo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadgooso
de: take share for oneself
lx: cadgooso
pd: (cadgoostay)
ps: v3b=tr
key: cadgooso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aargoosad
m.l la-mid: aargoosasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aargoosad
m.l eeg aargooso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargoosad
-ka: (magac, lab, keli) dhib la geystay, ciddii lahayd aanadii ka goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhoosad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh da' joogta oo aan weli guursan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydagoosad
-ka: (magac, lab, keli) goosashada xadhigga baydda ku xidhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadgoosasho
m.f.dh eeg cadgooso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadgoosasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka aargoosasho; ka aarsad; ka aargudasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantoobsad
-ka: (magac, lab, keli) wax daadsan oo firi leh, sida badar iyo wixii la mid ah, sacabka ku qaadasho. Dh: xantoobsasho, cantoobsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiidgoosad
m.l la-mid: fiidgoosasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadgoo
f.mg2 (-ooyay, -oysay) U c.: qof cayroobay kaalmayn; qof wax aan filanayn siin; qof tartan ku jira garab siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadgoo
f.mg2 (-ooyay, -oysay) U c.: qof cayroobay kaalmayn; qof wax aan filanayn siin; qof tartan ku jira garab siin. m.f.dh, cadgoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadgoo
(fal) hilibgoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goosad
(Goosad-ka)
Goosasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosad
m.l 1. Koox ari ah oo lumay. 2. la-mid: goosasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goosad
vl. n. cutting for oneself; secession
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goosad
-ka: (magac, lab, keli) wax meel ku dhegsan, ka soo rujisad.
goosad -ka: (magac, lab, keli) jarasho wax mar hore lagugu dhuftay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goosad
de: cutting for oneself; secession
lx: goosad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: goosad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aroosad
m.dh Haweenay ku jirta toddobaadkii ugu horreeyey aqalgalkeeda. la-mid: caruusad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aroosad
m.dh Haweenay ku jirta toddobaadkii ugu horreeyey aqalgalkeeda. la-mid: caruusad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aroosad
f. n. bride
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aroosad
-da: (n) bride (baraaydh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aroosad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh aan ka bixin ayaamihii arooska. Dh: caruusad, caroosad.
aroosad -ka: (magac, lab, keli) guursadka gabadh; aqalgelis. Dh: aroosasho, guursasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aroosad
bw: Arabic
de: bride
lx: aroosad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: aroosad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddood
m.l.kh C. ah: meseggo cad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caddood
m.l.kh C. ah: meseggo cad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadhood
inch. v. get angry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadhood
-ay/cadhootay: (v) become angry ~ xanaaq, carood. Ex: degdeg bay u cadhootaa; She gets angry too quickly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhood
-ka: (magac, lab, keli) cid ama wax ka xanaaqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadhood
a: carood
de: get angry
lx: cadhood
pd: (cadhooday)
ps: v3a=inch
key: cadhood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caddoosh
magac loo baxsho wiil dhashay isaga oo aad u cad oo qurux badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadgo'id
(Cadgo'id-da)
Hilibgo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadgo'id
m.f.dh eeg cadgo'².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadgo'id
vl. n. act of straining a muscle ~ getting a sprain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadgo'id
-da: (magac, dhedig, keli) dhaawac muruqyada xubnaha soo gaadha oo xanuun badan leh. Cadgo'iddu jabka kama xanuun yara.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadgo'id
de: act of straining a muscle ~ getting a sprain
lx: cadgo'id
pd: (-da)
ps: vn2-f
key: cadgo'id
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cageysad
m.l la-mid: cageysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagoogad
(Hagoogad-ka)
Hagoogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagoogad
m.l la-mid: hagoogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagoogad
-ka: (magac, lab, keli) madaxa wax iska saarid. Dh: hagoogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addoonsad
m.l la-mid: addoonsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addoonsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, addoon ka dhigad; yeelashada qof kale; gumaysadka cid kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddaysad
m.l la-mid: caddaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddaysad
-ka: (magac, lab, keli) aragti u badheedhid; caddaysasho; bareerid.
caddaysad -ka: (magac, lab, keli) shaah iyo wax la mid ah, caano ku darsasho; caddaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadhoobid
m.f.dh eeg cadhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhoobid
-da: (magac, dhedig, keli) cudurka cadhada yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadiigsad
-ka: (magac, lab, keli) wax la yeeli lahaa, qof kale dartii ama ku xumayntii, u canaadid oo diidid. Dh: carigsasho, cadiigsasho, cadiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadhoorad
(Gadhoorad-da)
Kadhoorad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadhoorad
m.dh la-mid: kalloorad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhoorad
-da: (magac, dhedig, keli) weel sida joogga ah, kase kulucsan oo dabool leh, oo wax lagu gurto. Dh: kadhoorad, kalloorad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadhoorad
m.dh la-mid: kalloorad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadhoorad
-a: (magac, lab, keli) eeg kadhoodhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maggowsad
(Maggowsad-ka)
Maggowsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maggowsad
m.l la-mid: maggowsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggowsad
-ka: (magac, lab, keli) kabbasho aad ah oo caano la cantuugo siiba kuwa liska ah. Maggowsiga khamrigu laabta ayuu gubaa. Dh: kabbasho, maggowsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udgoonsad
m.l la-mid: udgoonsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgoonsad
-ka: (magac, lab, keli) wax udgoon ismarin ama shidasho. Dh: udgoonsi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hantigoosad
-ka: (n) capitalism (kapataliisim) ~ hantigoosi-ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantigoosad
-ka: (magac, lab, keli) hannaan dhaqaale oo cid gaar ahi leedahay warshadaha iyo ilaha dhaqaalaha, dawladuna dusha uun ka ilaaliso oo aanay faragelin ku lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sicirgoosad
-ka: (magac, lab, keli) sicirgoosasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargoosato
-da: (magac, dhedig, keli) nafley badda ku nool oo la qadhaabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadadoobid
m.dh la-mid: cadcadoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadceedsad
m.l la-mid: cadceedsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedsad
-ka: (magac, lab, keli) cadceedda isku dhigid oo wax cadceedsanaya ahaansho. Dh: cadceedsasho, cadceedsi.
cadceedsad -ka: (magac, lab, keli) socoto iyo wax la mid ah, dib u dhicid illaa cadceeddu kululaanayso; kallahaadda dib uga dhicid. Dh: bariisasho, cadceedsasho, cadceedsi.
cadceedsad -ka: (magac, lab, keli) milay galab ah, xagga cadceeddu jirto u jeesasho ama aadid. Dh: cadceedasho, galbasho, cadceedsi.
cadceedsad -ka: (magac, lab, keli) diinta ka bixid; gaaloobid ama riddoobid. Dh: riddoobid, cadceedsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydhoobid
-da: (magac, dhedig, keli) caydh noqosho; xoolabeelid; cayroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhulgoosad
m.l Hab dhaqan-dhaqaale ku dhisan oo dhul-beereed dadyari hantiyo. la-mid: dhulgoosi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhulgoosad
m.l (taar.) Hab dhaqan-dhaqaale ku dhisan oo dhul-beereed dadyari hantiyo. la-mid: dhulgoosi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulgoosad
-ka: (magac, lab, keli) dhul in la iska goosto oo deegaan laga dhigto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fanqooqsad
(Fanqooqsad-ka)
Fanqooqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanqooqsad
m.l la-mid: fanqooqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanqooqsad
-ka: (magac, lab, keli) iyada oo aan la is taagin, dhulka kor isaga hayn. Dh: fanqooqsi, fanqooqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgoosad
m.l la-mid: googgoosasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guddoonsad
(Guddoonsad-ka)
Guddoonsasho; guddoonsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guddoonsad
m.l la-mid: guddoonsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadhoodhad
-da: (magac, dhedig, keli) jaambad cuntada lagu qaado oo laba dhegood oo side la sudho leh. Dh: joog, gadhoorad, kalloodhad, kalloorad. Wa: kadhoodhado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadgoobid
m.f.dh eeg raadgoob². la-mid: raadgoob¹
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadgoobid
-da: (magac, dhedig, keli) doondoonid: daydayid; raadin. Raadgoobid badan ka dib waa la helay sacii baadiyoobay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xantoobsad
(Xantoobsad-ka)
Xantoobsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantoobsad
m.l la-mid: xantoobsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantoobsad
-ka: (magac, lab, keli) kol sacabla ku wada qaadasho; sacabka buuxsasho. Dh: cantoobsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yantoobsad
-ka: (magac, lab, keli) kol sacabka ku wada qaadasho. Yantoobsad weynaa wiilka yari. Dh: cantoobad, yantoobsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciid hoosaad
n. phr. sub-soil
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciid_hoosaad
de: sub-soil
lx: ciid hoosaad
ps: np
key: ciid_hoosaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantiggoosad
*(Hantiggoosad-ka)
Hab dhaqaale oo wixii wax soo saara ama lagu soo saaro oo dhan (dhul, warshado, kd.) dad gaar u lee yahay oo gaar ahaan wax uga dheefo oo u maamusho; Qaranka iyo xoogsatada midna cod la sheego kuma laha; Raasummaaliyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantiggoosad
m.l la-mid: hantiggoosi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantiggoosad
vl. n., [compound] capitalism
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantiggoosad
de: capitalism
lx: hantiggoosad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m-cmp
key: hantiggoosad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadalloobsad
(Kadalloobsad-ka)
Kadalloobsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadalloobsad
m.l la-mid: kadalloobsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadalloobsad
-ka: (magac, lab, keli) si kadalloob ah u fadhiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadankoodsad
m.l la-mid: kadankoodsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maalingoosad
m.l Qof shaqaale ah oo la siyo maalin walba waxa uu goosto. la-mid: maalingoosato.