cadceedsoobax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadceedsoobax
m.l Qorraxsoobbax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadceedsoobax
m.l Qorraxsoobbax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedsoobax
-a: (magac, lab, keli) eeg cadceedbax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedbax
-a: (magac, lab, keli) waqtiga uu waagu ka soo baryo dhanka bari. Berri cadceedbaxa ha inoo ahaato.
cadceedbax -a: (magac, lab, keli) jihada bari ay cadceeddu ka soo baxdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadceedsad
m.l la-mid: cadceedsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedsad
-ka: (magac, lab, keli) cadceedda isku dhigid oo wax cadceedsanaya ahaansho. Dh: cadceedsasho, cadceedsi.
cadceedsad -ka: (magac, lab, keli) socoto iyo wax la mid ah, dib u dhicid illaa cadceeddu kululaanayso; kallahaadda dib uga dhicid. Dh: bariisasho, cadceedsasho, cadceedsi.
cadceedsad -ka: (magac, lab, keli) milay galab ah, xagga cadceeddu jirto u jeesasho ama aadid. Dh: cadceedasho, galbasho, cadceedsi.
cadceedsad -ka: (magac, lab, keli) diinta ka bixid; gaaloobid ama riddoobid. Dh: riddoobid, cadceedsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadceedsidhac
m.l Qorraxsidhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedmadoobaad
-ka: (magac, lab, keli) xaaladda ka dhalata kolka dayaxu kala dhex galo dhulka iyo cadceedda oo badhkeed ama gebigeed madoobaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcadoobid
m.f.dh eeg cadcadow. la-mid: cadadoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceeddhac
-a: (magac, lab, keli) xilliga uu gabbalku galbeedka ka dhaco. Cadceeddhaca ayaa la afurnaa bisha Ramadaan.
cadceeddhac -a: (magac, lab, keli) jihada galbeed ay cadceeddu ka dhacdo galabtii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadceed-dhac
m.l Qorraxdhac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadceed-dhac
m.l Qorraxdhac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadceedsasho
(Cadceedsasha-da)
1. (galab) xagga cadceeddu jirto aadid; xagga galbeed u socosho.
2. Diinta ka bixid; riddoobid; gaaloobid; kufriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadceedsasho
m.f.dh eeg cadceedso. la-mid: cadceedsad, cadceedsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cadceedda isku dhigid oo wax cadceedsanaya ahaansho. Dh: cadceedsasho, cadceedsi.
cadceedsasho -da: (magac, dhedig, keli) socoto iyo wax la mid ah, dib u dhicid ilaa cadceeddu kululaanayso; kallahaadda dib uga dhicid. Dh: bariisasho, cadceedsasho, cadceedsi.
cadceedsasho -da: (magac, dhedig, keli) milay galab ah, xagga cadceeddu jirto u jeesasho ama aadid; galbeed u socosho. Dh: galbasho.
cadceedsasho -da: (magac, dhedig, keli) diinta ka bixid; gaaloobid. Dh: riddoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadadoobid
m.dh la-mid: cadcadoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canceensad
m.l la-mid: canceensasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caleen ubax
n. phr. bud
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caleen_ubax
de: bud
lx: caleen ubax
ps: np
key: caleen_ubax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadeexoobid
(Fadeexoobid-da)
Ceeb weyni gaarid; facsharmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadeexoobid
m.f.dh eeg fadeexow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ceeb iyo canbaar yeelasho. Dh: kashifan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadeecoobid
m.f.dh eeg wadeecow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadeecoobid
-da: (magac, dhedig, keli) lumitaanka xoolo ama wax kale.