cadceedmadoobaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedmadoobaad
-ka: (magac, lab, keli) xaaladda ka dhalata kolka dayaxu kala dhex galo dhulka iyo cadceedda oo badhkeed ama gebigeed madoobaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadceedsoobax
m.l Qorraxsoobbax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadceedsoobax
m.l Qorraxsoobbax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedsoobax
-a: (magac, lab, keli) eeg cadceedbax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadeexadoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ceeb iyo canbaar ku haleesha. Dh: fadeexadaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayaxmadoobaad
dayaxmadoobaad¹: m.l (-dyo, m.dh) Marka dhulku kala dhex galo qorraxda iyo dayaxa, oo hooska dhulku madoobeeyo dayaxa.
dayaxmadoobaad²: m.l (-dyo, m.dh) (c.fal.) Dayax madoobaadku waxa uu dhacaa marka dhulku isku gudbo fallaadhaha ka imanaya qorraxda inta ayn soo gaadhin dayaxa, waxana dayaxa ku dhaca hadhka dhulka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dayaxmadoobaad
dayaxmadoobaad¹: m.l (-dyo, m.dh) Marka dhulku kala dhex galo qorraxda iyo dayaxa, oo hooska dhulku madoobeeyo dayaxa.
dayaxmadoobaad²: m.l (-dyo, m.dh) (c.fal.) Dayax madoobaadku waxa uu dhacaa marka dhulku isku gudbo fallaadhaha ka imanaya qorraxda inta ayn soo gaadhin dayaxa, waxana dayaxa ku dhaca hadhka dhulka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayaxmadoobaad
m. n., [compound] eclipse of the moon, lunar eclipse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaxmadoobaad
-ka: (magac, lab, keli) kolka dhulku soo kala dhex galo dayaxa iyo cadceedda ee uu hadhka dhulku qabto qayb dayaxa ka mid ah ama uu wada qariyaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dayaxmadoobaad
de: eclipse of the moon, lunar eclipse
lx: dayaxmadoobaad
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: dayaxmadoobaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigmadoobaad
(Dhiigmadoobaad-ka)
Meel nabar ku dhacay dhiigga ku urura oo ku madoobaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigmadoobaad
dhiigmadoobaad¹: m.l (-dyo, m.dh) Meel nabar ku dhacay dhiigga ku urura oo madoobaada.
dhiigmadoobaad²: m.l (-dyo, m.dh) (daawo) Dhiig madoobaad ah oo maqaarka hoostiisa ku urura marka jug gaadho jirka meel ka mid ah ama xididdo iska go'a cudurrada qaarkood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiigmadoobaad
m.l (-dyo, m.dh) (daaw.) Dhiig madoobaad ah oo maqaarka hoostiisa ku urura marka jug gaadho jirka meel ka mid ah ama xididdo iska go'a cudurrada qaarkood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigmadoobaad
m. n., [compound] (flow of) dark blood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigmadoobaad
-ka: (magac, lab, keli) dhiig ku dhex guntama nabar aan qarxin oo dhexdiisa ku madoobaada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigmadoobaad
de: (flow of) dark blood
lx: dhiigmadoobaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: dhiigmadoobaad
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dayax madoobaad
Eclipse, lunar
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dayax madoobaad
Eclipse, lunar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayax madoobaad
-ka : (n) lunar eclipse (luuner ik-lipsi)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayax-madoobaad
(Dayax-madoobaad-ka)
Kolka inta dhulku kala dhexgalo qorraxda iyo dayaxa, hooska dhulku dayaxa, habeenkii, wada qabto ama qaar ka qabto oo madoobeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadceedsidhac
m.l Qorraxsidhac.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xaddi roobaad
Rainfall
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaddi-roobaad
m.l (-iyo ..., m.l) (juqraafi) Wadarta inta roob ah ee la dhigay meel waqti lagu siiyay.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
YACEY-MADOOBE
Houtiion fruticosum 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gibilmadoobaad
m.l Raadka ka muuqda oogada nafley ee ay ku reebto murugo, jirro iyo wixi lamida. la-mid: gibilmadoobaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
orraxmadoobaad
-ka: (magac, lab, keli) cadceeddu marka ay madoobaato oo ah kolka dayaxu innagaga tooso ilayskeeda. Dh: cadceedmadoobaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giraanmadoobaad
-ka: (magac, lab, keli) giraanileys midabeysan oo widhwidha oo laga arko qorraxda goonyaheeda marka dayaxu ku aaddan yahay qorraxda ee amminta qorrax madoobaadka. Dh: taaj.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qorax madoobaad
Eclipse, solar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qorraxmadoobaad
m.l (-dyo, m.dh) Marka dayaxu kala dhex galo dhulka iyo qorraxda ee qorraxda qaarkeed qarsoomo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qorraxmadoobaad
m.l (-dyo, m.dh) Marka dayaxu kala dhex galo dhulka iyo qorraxda ee qorraxda qaarkeed qarsoomo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qorraxmadoobaad
-ka: (magac, lab, keli) cadxeedda oo iftiinkeeda la waayo marka dayaxu innagaga tooso ilayskeeda. Sannadkii siddeetankii qarnigii labaatanaad qorraxmadoobaad weyn ayaa Geeska Afrika ka dhacay. Dh: cadceedmadoobaad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qorrax madoobaad
Solar eclipse
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qorrax madoobaad
Eclipse solar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qorrax madoobaad
-ka: (n) solar eclipse (soo-ler ik-lipsi)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qorrax-madoobaad
(Qorrax-madoobaad-ka)
Waxaa qorraxdu madoobaataa marka dayaxu yimaado ama ku abbaarmo qorraxda iyo dhulka dhexdooda, oo inta qorraxda isku gudbo, wada qariyo ama qaarkeed qariyo. Kolka dayaxu dibbado (oo uusan soo bixin) weeye kolka uu sigo ama sabab u noqdo qorraxmadoobaadka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qorrax-madoobaad
m. n., [compound] eclipse of the sun, solar eclipse