cadceed-dhac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadceed-dhac
m.l Qorraxdhac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadceed-dhac
m.l Qorraxdhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceeddhac
-a: (magac, lab, keli) xilliga uu gabbalku galbeedka ka dhaco. Cadceeddhaca ayaa la afurnaa bisha Ramadaan.
cadceeddhac -a: (magac, lab, keli) jihada galbeed ay cadceeddu ka dhacdo galabtii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadceedsidhac
m.l Qorraxsidhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diillin
-ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah liidad is barbar yaal oo isku dhawdhaw oo dhererkooda iyo balladhkooduba kala duwan yihiin. Diillimo fallaadha ah ayaa cadceed dhaca laga arkaa geesta galbeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedbax
-a: (magac, lab, keli) waqtiga uu waagu ka soo baryo dhanka bari. Berri cadceedbaxa ha inoo ahaato.
cadceedbax -a: (magac, lab, keli) jihada bari ay cadceeddu ka soo baxdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadceedsad
m.l la-mid: cadceedsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedsad
-ka: (magac, lab, keli) cadceedda isku dhigid oo wax cadceedsanaya ahaansho. Dh: cadceedsasho, cadceedsi.
cadceedsad -ka: (magac, lab, keli) socoto iyo wax la mid ah, dib u dhicid illaa cadceeddu kululaanayso; kallahaadda dib uga dhicid. Dh: bariisasho, cadceedsasho, cadceedsi.
cadceedsad -ka: (magac, lab, keli) milay galab ah, xagga cadceeddu jirto u jeesasho ama aadid. Dh: cadceedasho, galbasho, cadceedsi.
cadceedsad -ka: (magac, lab, keli) diinta ka bixid; gaaloobid ama riddoobid. Dh: riddoobid, cadceedsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadceedsoobax
m.l Qorraxsoobbax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadceedsoobax
m.l Qorraxsoobbax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedsoobax
-a: (magac, lab, keli) eeg cadceedbax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel qorraxda waxba aanay ka xigin dhigid; debed u soo saarid oo cadceedda u dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cadceedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadceedsi
(Cadceedsi-ga)
Cadceedsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadceedsi
m.l la-mid: cadceedsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadceedsi
vl. n. westward travel; conversion from one religion to another
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cadceedsad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadceedsi
de: westward travel; [fig.] conversion from one religion to another
lx: cadceedsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: cadceedsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadceedso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Galab dhanka qorraxdu jirto aadid. 2. Diinkabixid; gaaloobid. 3. Jid ama meel ka habaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadceedso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Galab dhanka qorraxdu jirto aadid. 2. Diinkabixid; gaaloobid. 3. Jid ama meel ka habaabid. m.f.dh, cadceedsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadceedso
v. travel westwards
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedso
(fal) cadceedda isku dhig. Dh: qoraxso, yo dhalcayso.
cadceedso: (fal) galab, xagga cadceeddu kaa xigto eeg ama aad.
cadceedso: (fal) diinta ka bax; gaalow; riddow.
cadceedso: (fal) adiga oo rabay in aad kallahdo, cadceeddu ha kuu soo baxdo. Dh: bariiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadceedso
de: travel westwards
lx: cadceedso
pd: (cadceedsaday)
ps: v3a=
key: cadceedso
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kadeeddan
-aa: (adj) distressed (dis-taree-sidh)-, stressed (istareesid)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcaddaan
m.f.dh eeg cadcad. la-mid: cadcaddaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadcaddaan
-ta: (magac, dhedig, keli) midab cadaan yeelad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadceedsasho
(Cadceedsasha-da)
1. (galab) xagga cadceeddu jirto aadid; xagga galbeed u socosho.
2. Diinta ka bixid; riddoobid; gaaloobid; kufriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadceedsasho
m.f.dh eeg cadceedso. la-mid: cadceedsad, cadceedsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadceedsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cadceedda isku dhigid oo wax cadceedsanaya ahaansho. Dh: cadceedsasho, cadceedsi.
cadceedsasho -da: (magac, dhedig, keli) socoto iyo wax la mid ah, dib u dhicid ilaa cadceeddu kululaanayso; kallahaadda dib uga dhicid. Dh: bariisasho, cadceedsasho, cadceedsi.
cadceedsasho -da: (magac, dhedig, keli) milay galab ah, xagga cadceeddu jirto u jeesasho ama aadid; galbeed u socosho. Dh: galbasho.
cadceedsasho -da: (magac, dhedig, keli) diinta ka bixid; gaaloobid. Dh: riddoobid.