cadaadisbeeg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaadisbeeg
-ga: (magac, lab, keli) qalab lagu cabbiro cadaadiska uu gibilku ku soo hayo dhulka korkiisa. Dh: baarobeeg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadisbeege
m.l (-gayaal, m.l/dh) (fiisikis) Qalabka loo isticmaalo in lagu cabbiro cadaadiska gibilka. Qaabkiisa ugu sahlan waxa loo yaqaan cadaadis beegaha meerkari; meerkaridaas oo ku jirta dhululubo qarsho ah oo xiran oo lagu gembiyay meerkari kale oo weel ku jirta; meerkaridaas ku jirta dhululubada waxay ismiisamayaan culayska gibilka, dherekeeduna wuxuu ku siinayaa cabbirka culayska cadaadiska gibilka. Heerka meerkarida ee dhululubada ku jirta wuxuu tusinayaa celceliska cadaadiska gebilka ee bad la simanta.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadisbeege
Barometer, Manometer
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis beege
Barometer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-beege

Manometre
Cadaadisbeege
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarobeeg
-ga: (magac, lab, keli) qalab lagu cabbiro cadaadiska atmosfeerka. Dh: cadaadisbeeg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadiska
ka dhasha culeyska hawada ee ka saaraysa bar kasta oo ku taal oogada dhulka. Marka laga qiyaaso heerka badda, gibilku waxa uu celin karaa tiir meerkaari oo jooggiisu yahay 760 mm. Cadaadiskaas wuu sii yaraadaa marka sare loo sii kaco. Qiimo beegaalka c. g. (heerka badda ee halbeegga (H.C.) waa 1.01325 x 10 5 Baaskal (N/m2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadisyar
m.l (-yo , m.dh) (juqraafi) Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo marka loo eego meelaha ku wareeraysan, mararka qaarkood waxaa loo yaqaan gufaaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-yar
m.l (-yo ..., m.dh) (juqraafi) Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo marka loo eego meelaha ku wareeraysan, mararka qaarkood waxaa loo yaqaan gufaaco.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadisyare
Secondary depression
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis ekeeye
Isobar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-ekeeye
m.l (-kayaal, m.l/dh) (juqraafi) Xarriiq ku yaal khariidad ama kaarto dusheed oo isku xira meelaha cadaadis gibilkoodu isla egyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadis-ekeeye
m.l (-kayaal, m.l/dh) (juqraafi) Xarriiq ku yaal khariidad ama kaarto dusheed oo isku xira meelaha cadaadis gibilkoodu isla egyahay.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis sare
Hith pressure
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis uumi
Vapour pressure
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-uumi
m.l (fiisikis) Cadaadiska uu uumi dhaliyo. Marka uu uumigu la dheelitiranyahay hoorkiisa, cadaadiska uumigu waxa uu ku xiranyahay heerkulka hoorka, waxana loo yaqaanaa caadadiska uumiga dheregsan (CUDh).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadis-uumi
m.l (fiisikis) Cadaadiska uu uumi dhaliyo. Marka uu uumigu la dheelitiranyahay hoorkiisa, cadaadiska uumigu waxa uu ku xiranyahay heerkulka hoorka, waxana loo yaqaanaa caadadiska uumiga dheregsan (CUDh).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Caddaadis qaw
Trough of low pressure
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la cadaadiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la cadaadiyey ahaansho. m.f.dh, cadaadsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cadaadsan
der. [adjective] oppressed, persecuted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cadaadsan
(adj) pressurized (pree-sharizid)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaadsan
(tilmaame) hoos u cadaadsan; hoos loo riixay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cadaadsan
de: oppressed, persecuted
lx: cadaadsan
pd: (cadaadsanaa)
ps: adj-der
key: cadaadsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcaddee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Roob da'ay biyo aan badnayn oo aan rays fiican yeelan karin dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadaaddee
f.mg2 (-deeyay, -deysay) Wadaad iska dhigid ama isu ekeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wadaaddee
v. act as a Muslim religious consultant
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wadaaddee
de: act as a Muslim religious consultant
initial: w
lx: wadaaddee
pd: (wadaaddeeyey)
ps: v2b=intr
key: wadaaddee
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
CADAADGERI
Acacia ogadensis 02
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaarbeeg
-ga: (magac, lab, keli) qalab tiriya karaarka walaxi leedahay.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
CADAAD GERI
Acacia senegal 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CADAAD-GERI
(Adad-geri) Og, S, C Acacia ogadensis Chiov. Mimosaceae.
N, NFD, Og Acacia condyloclada Chiov. Mimosaceae.
C, May, S Acacia senegal (L) Willd. Mimosaceae.
S.C Acacia circummarginata Chiov. Mimosaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaambereg
m.l la-mid: calaamberi.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadls yar
Depression
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis gibil
Atmospheric pressure
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis hoose
Lou
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-hoose
m.l (juqraafi) Gobol cadaadis gibilkiisu uu ka hoseeyo kan gobollada ku wareegsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadis-hoose
m.l (juqraafi) Gobol cadaadis gibilkiisu uu ka hoseeyo kan gobollada ku wareegsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddaan-biyeeg
m.l (-gyo, m.dh) Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay dhinac ka cad, dhinacna hal dhibic ku leh. la-mid: yeeg-bicaddaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidaardanbeed
-da: (magac, dhedig, keli) timaha oo qadaadka danbe ka hugma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabaad-dheere
m.l Afkuxuuble.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-siimow
m.l (baayoloji) Marka milanka laga sooco mile saafi ah iyada oo loo dhaxaysiinayo xuub badh habe, miiluhu waxaa uu u gudbiyaa milanka si uu uga hortago marinka miilaha ayaa loo yaqaan c. s.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadis-siimow
m.l (baay.) Marka milanka laga sooco mile saafi ah iyada oo loo dhaxaysiinayo xuub badh habe, miiluhu waxaa uu u gudbiyaa milanka si uu uga hortago marinka miilaha ayaa loo yaqaan c. s.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxaad sheegtey
greeting: How are you?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxaad_sheegtey
de: How are you? Lit: What did you tell?
lx: maxaad sheegtey
ps: greeting
key: maxaad_sheegtey