cadaadis-uumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-uumi
m.l (fiisikis) Cadaadiska uu uumi dhaliyo. Marka uu uumigu la dheelitiranyahay hoorkiisa, cadaadiska uumigu waxa uu ku xiranyahay heerkulka hoorka, waxana loo yaqaanaa caadadiska uumiga dheregsan (CUDh).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis uumi
Vapour pressure
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Vapour pressure
Cadaadis uumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-yar
m.l (-yo ..., m.dh) (juqraafi) Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo marka loo eego meelaha ku wareeraysan, mararka qaarkood waxaa loo yaqaan gufaaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-siimow
m.l (baayoloji) Marka milanka laga sooco mile saafi ah iyada oo loo dhaxaysiinayo xuub badh habe, miiluhu waxaa uu u gudbiyaa milanka si uu uga hortago marinka miilaha ayaa loo yaqaan c. s.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadis-siimow
m.l (baay.) Marka milanka laga sooco mile saafi ah iyada oo loo dhaxaysiinayo xuub badh habe, miiluhu waxaa uu u gudbiyaa milanka si uu uga hortago marinka miilaha ayaa loo yaqaan c. s.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis gibil
Atmospheric pressure
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-beege
m.l (-gayaal, m.l/dh) (fiisikis) Qalabka loo isticmaalo in lagu cabbiro cadaadiska gibilka. Qaabkiisa ugu sahlan waxa loo yaqaan cadaadis beegaha meerkari; meerkaridaas oo ku jirta dhululubo qarsho ah oo xiran oo lagu gembiyay meerkari kale oo weel ku jirta; meerkaridaas ku jirta dhululubada waxay ismiisamayaan culayska gibilka, dherekeeduna wuxuu ku siinayaa cabbirka culayska cadaadiska gibilka. Heerka meerkarida ee dhululubada ku jirta wuxuu tusinayaa celceliska cadaadiska gebilka ee bad la simanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-hoose
m.l (juqraafi) Gobol cadaadis gibilkiisu uu ka hoseeyo kan gobollada ku wareegsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadis-hoose
m.l (juqraafi) Gobol cadaadis gibilkiisu uu ka hoseeyo kan gobollada ku wareegsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadiska
ka dhasha culeyska hawada ee ka saaraysa bar kasta oo ku taal oogada dhulka. Marka laga qiyaaso heerka badda, gibilku waxa uu celin karaa tiir meerkaari oo jooggiisu yahay 760 mm. Cadaadiskaas wuu sii yaraadaa marka sare loo sii kaco. Qiimo beegaalka c. g. (heerka badda ee halbeegga (H.C.) waa 1.01325 x 10 5 Baaskal (N/m2).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CADAAD-GERI
(Adad-geri) Og, S, C Acacia ogadensis Chiov. Mimosaceae.
N, NFD, Og Acacia condyloclada Chiov. Mimosaceae.
C, May, S Acacia senegal (L) Willd. Mimosaceae.
S.C Acacia circummarginata Chiov. Mimosaceae.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadisyar
m.l (-yo , m.dh) (juqraafi) Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo marka loo eego meelaha ku wareeraysan, mararka qaarkood waxaa loo yaqaan gufaaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddadhuuni
m.dh Shimbir yar garbaha ka madow, baalashana midab dahabi ah ku leh; dahabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaadisbeeg
-ga: (magac, lab, keli) qalab lagu cabbiro cadaadiska uu gibilku ku soo hayo dhulka korkiisa. Dh: baarobeeg.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadisyare
Secondary depression
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaaqibxumi
m.dh Cawaaqib aan wanaagsanayn ee qof noloshiisu ku dambeyo. la-mid: cawaaqibxumaam.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawaaqibxumi
m.dh Cawaaqib aan wanaagsanayn ee qof noloshiisu ku dambeyo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis sare
Hith pressure
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadisbeege
m.l (-gayaal, m.l/dh) (fiisikis) Qalabka loo isticmaalo in lagu cabbiro cadaadiska gibilka. Qaabkiisa ugu sahlan waxa loo yaqaan cadaadis beegaha meerkari; meerkaridaas oo ku jirta dhululubo qarsho ah oo xiran oo lagu gembiyay meerkari kale oo weel ku jirta; meerkaridaas ku jirta dhululubada waxay ismiisamayaan culayska gibilka, dherekeeduna wuxuu ku siinayaa cabbirka culayska cadaadiska gibilka. Heerka meerkarida ee dhululubada ku jirta wuxuu tusinayaa celceliska cadaadiska gebilka ee bad la simanta.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadisbeege
Barometer, Manometer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-ekeeye
m.l (-kayaal, m.l/dh) (juqraafi) Xarriiq ku yaal khariidad ama kaarto dusheed oo isku xira meelaha cadaadis gibilkoodu isla egyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadis-ekeeye
m.l (-kayaal, m.l/dh) (juqraafi) Xarriiq ku yaal khariidad ama kaarto dusheed oo isku xira meelaha cadaadis gibilkoodu isla egyahay.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis beege
Barometer
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis hoose
Lou
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-qaybeed
m.l (fiisikis) Cadaadiska guud ee iskujirka neefuhu waxa uu le'egyahay wadarta c. q.dyada xubnaha neefaha ka dhalan lahaa haddii ay neef kasta keli ahaanteed buuxin lahayd weelka. Dhab ahaan, xeerkani waxa uu sax ku yahay neefaha mitaaliga ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadis-qaybeed
m.l (fiisikis) Cadaadiska guud ee iskujirka neefuhu waxa uu le'egyahay wadarta c. q.dyada xubnaha neefaha ka dhalan lahaa haddii ay neef kasta keli ahaanteed buuxin lahayd weelka. Dhab ahaan, xeerkani waxa uu sax ku yahay neefaha mitaaliga ah.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CADAAD-CAD
(Adad-ad) C Acacia senegal (L) Willd. Mimosaceae.
C Acacia hamulosa Benth. MImosaceae.
N Acacia asak (Forsk.)Willd. Mimosaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CADAAD-YAR
(Adad-ier) C Acacia senegal (L) Willd Mimosaceae.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
CADAADGERI
Acacia ogadensis 02
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadduumid
m.f.dh eeg daadduun². la-mid: daanduumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadduumid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato abaareed ama coleedeed awgeed meel dheer u hayaamid oo dhulka ka qayaadid. Dh: daaduumis, hayaamid, qaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadduumin
m.f.dh eeg daadduumi. la-mid: daadduunsiin, daanduumin, daanduunsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadduumin
-ta: (magac, dhedig, keli) rafaad iyo dullinimo ku reebid. Daadduuminta dadkan ku dhacday waa mid murugo leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daadduumis
-ta: (magac, dhedig, keli) rafaad iyo dullinimo aan waxba la ahaysan, faramadhnaan lagu jiro. Daadduumista dadkan ku dhacday waa mahadho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falaadxumi
-da: (magac, dhedig, keli) cadhoxumo aan dhakhso looga bogsan ama looga cadhoodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaadxumi
m.dh la-mid: garaadxumaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaadxumi
f. n., [abstract] foolishness, thoughtlessness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaadxumi
a: garaadxumaan (ta) [n0-f-abs]
de: foolishness, thoughtlessness
lx: garaadxumi
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: garaadxumi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadaadumid
(Hadaadumid-da)
Ka caloolduubasho; ka quusasho; dalaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaadumid
m.f.dh eeg hadaadun². la-mid: hadaadun¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaadumid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la naawilayey oo la waayey ka samrid, ka caloolduubasho. Dh: quusasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaajisii
(fal) eeg wadaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yadaadumid
-da: (magac, dhedig, keli) baryo iyo calaacal joogto ah ku jirid. Odaygani yadaadumid kama waantoobayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaqibaxumi
m.dh la-mid: caaqibaxumo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaqibaxumi
-da: (magac, dhedig, keli) aayatiin la'aan; caaqibaxumo.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
CADAAD GERI
Acacia senegal 10
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camandhuuji
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: camajuuji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabaadguuri
f.g2 (-iyay, -isay) Dhul nabaadguur ku ridid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nabaadguuri
f.g2 (-iyay, -isay) Dhul nabaadguur ku ridid. m.f.dh, nabaadguurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabaadguuri
(fal) xaalufi oo wixii uu dhulku khayraad iyo daaq lahaa baabi'i. Ninna dhulkiisa nabaadguuri isma yidhaa
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CADAAD-XINNI
(Adad-hinni) N, C Acacia somalensis Vatke. Mimosaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadls yar
Depression
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadsanaan
m.f.dh eeg cadaadsan. la-mid: cadaadsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaadsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hoos loo riixay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadcaadiigsi
-ga: (magac, lab, keli) marka aad cid wax ku caansiirisid adiga oo ka cadhaysiinaya. Iga daa cadcaadiigsiga oo si fiican iila hadal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaaqibxumo
m.dh la-mid: cawaaqibxumaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaaqibxumo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cawaaqibxumaan.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
CADAAD GUDUUD
Acacia oliveri 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CADAAD-GUDUUD
(Adad-gudud) C Acacia unispinosa (Fiori) Chiov. Mimosaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Caddaadis qaw
Trough of low pressure
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis ekeeye
Isobar