cadaadis-ekeeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-ekeeye
m.l (-kayaal, m.l/dh) (juqraafi) Xarriiq ku yaal khariidad ama kaarto dusheed oo isku xira meelaha cadaadis gibilkoodu isla egyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis ekeeye
Isobar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-beege
m.l (-gayaal, m.l/dh) (fiisikis) Qalabka loo isticmaalo in lagu cabbiro cadaadiska gibilka. Qaabkiisa ugu sahlan waxa loo yaqaan cadaadis beegaha meerkari; meerkaridaas oo ku jirta dhululubo qarsho ah oo xiran oo lagu gembiyay meerkari kale oo weel ku jirta; meerkaridaas ku jirta dhululubada waxay ismiisamayaan culayska gibilka, dherekeeduna wuxuu ku siinayaa cabbirka culayska cadaadiska gibilka. Heerka meerkarida ee dhululubada ku jirta wuxuu tusinayaa celceliska cadaadiska gebilka ee bad la simanta.

cadaadisbeege

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadisbeege
Barometer, Manometer
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis beege
Barometer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaadisbeeg
-ga: (magac, lab, keli) qalab lagu cabbiro cadaadiska uu gibilku ku soo hayo dhulka korkiisa. Dh: baarobeeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-hoose
m.l (juqraafi) Gobol cadaadis gibilkiisu uu ka hoseeyo kan gobollada ku wareegsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadis-hoose
m.l (juqraafi) Gobol cadaadis gibilkiisu uu ka hoseeyo kan gobollada ku wareegsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-qaybeed
m.l (fiisikis) Cadaadiska guud ee iskujirka neefuhu waxa uu le'egyahay wadarta c. q.dyada xubnaha neefaha ka dhalan lahaa haddii ay neef kasta keli ahaanteed buuxin lahayd weelka. Dhab ahaan, xeerkani waxa uu sax ku yahay neefaha mitaaliga ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadis-qaybeed
m.l (fiisikis) Cadaadiska guud ee iskujirka neefuhu waxa uu le'egyahay wadarta c. q.dyada xubnaha neefaha ka dhalan lahaa haddii ay neef kasta keli ahaanteed buuxin lahayd weelka. Dhab ahaan, xeerkani waxa uu sax ku yahay neefaha mitaaliga ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-yar
m.l (-yo ..., m.dh) (juqraafi) Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo marka loo eego meelaha ku wareeraysan, mararka qaarkood waxaa loo yaqaan gufaaco.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadisyare
Secondary depression
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabaad-dheere
m.l Afkuxuuble.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis sare
Hith pressure
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-uumi
m.l (fiisikis) Cadaadiska uu uumi dhaliyo. Marka uu uumigu la dheelitiranyahay hoorkiisa, cadaadiska uumigu waxa uu ku xiranyahay heerkulka hoorka, waxana loo yaqaanaa caadadiska uumiga dheregsan (CUDh).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadis-uumi
m.l (fiisikis) Cadaadiska uu uumi dhaliyo. Marka uu uumigu la dheelitiranyahay hoorkiisa, cadaadiska uumigu waxa uu ku xiranyahay heerkulka hoorka, waxana loo yaqaanaa caadadiska uumiga dheregsan (CUDh).
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis hoose
Lou
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dagaal sokeeye
(n) civil war (sivil-woor) ~ dagaaltoleed
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dagaal-sokeeye
حَرْبٌ أَهْلِيَّه
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-siimow
m.l (baayoloji) Marka milanka laga sooco mile saafi ah iyada oo loo dhaxaysiinayo xuub badh habe, miiluhu waxaa uu u gudbiyaa milanka si uu uga hortago marinka miilaha ayaa loo yaqaan c. s.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadis-siimow
m.l (baay.) Marka milanka laga sooco mile saafi ah iyada oo loo dhaxaysiinayo xuub badh habe, miiluhu waxaa uu u gudbiyaa milanka si uu uga hortago marinka miilaha ayaa loo yaqaan c. s.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-gibileed
cadaadis-gibileed¹: m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Culayska saaran bar ee ka dhasha cadaadiska hawada ka sarraysa bartaas.
cadaadis-gibileed²: m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Cadaadiska ka dhasha culeyska hawada ee ka saaraysa bar kasta oo ku taal oogada dhulka. Marka laga qiyaaso heerka badda, gibilku waxa uu celin karaa tiir meerkaari oo jooggiisu yahay 760 mm. Cadaadiskaas wuu sii yaraadaa marka sare loo sii kaco. Qiimo beegaalka c. g. (heerka badda ee halbeegga (H.C.) waa 1.01325 x 10 5 Baaskal (N/m2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cadaadis-gibileed
cadaadis-gibileed¹: m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Culayska saaran bar ee ka dhasha cadaadiska hawada ka sarraysa bartaas.
cadaadis-gibileed²: m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis)
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis Qaybeed
Partial pressure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaaddheere
-ha: (magac, lab, keli), ilmo aan dhammays ahayn oo geelu dhalo, oo gaajo ama harraad soo tuuray isaga oo aan shinkiisii buuxsamin, welise nool. Dh: afkuxuuble, dhicis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calaamadeeye
-ha: (n) marker (maarkar); highlighter — qalab wax lugu calaamadiyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaamadeeye
-ha: (magac, lab, keli) qof xoolaha ama alaabada sumad ama astaan gaar ah u yeela.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis uumi
Vapour pressure
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
majaajilleeye
-ha: (n) comedian (komiidi-yan); male comic ~ majaajillow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sagaashameeye
(Sagaashameeya-ha)
Sagaashan ku dhowaad; (ama sagaashameeyo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagaashameeye
m.l.t. Tiro qiyaas ahaan sagashan u dhow. la-mid: sagaashameeyo, sagaashaneeye, sagaashaneeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sagaashameeye
m.l.t. Tiro qiyaas ahaan sagaashan u dhow. la-mid: sagaashameeyo, sagaashaneeye, sagaashaneeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sagaashameeye
num: about ninety, ninety-ish, 90 or so
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaashameeye
-da: (magac, dhedig, keli) sagaashan ku dhowaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sagaashameeye
a: sagaasha-meeyo ~ sagaashaneeyo (/da) [num-f]
de: about nine-ty, ninety-ish, 90 or so
initial: s
lx: sagaashameeye
pd: (/ha)
ps: num-m
key: sagaashameeye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagaashaneeye
m.l.t. la-mid: sagaashameeye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabaabusheeye
m. n. organizer, programmer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabaabusheeye
de: organizer, programmer
initial: t
lx: tabaabusheeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: tabaabusheeye
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis gibil
Atmospheric pressure
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saacad-sameeye
saacad-sameeyaha: (n) watchmaker (waaj-meykar); watch repairer ~ saacadoole
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadls yarayn
Deepening
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cadaadis gibileed
Atmospheric pressure