cad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cad
1. Midab ka koobma toddobada midab, oo ifka qorraxda, wadajirkooda; midabka caanaha iyo barafka.
2. (Cad-ka) a) Wax weyn go'i; gabal; xoogaa; in yar. b) Hilib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cad
cad¹: m.l 1. Midabka caanaha, nuuradda iyo wixi lamida ee soo celiya ilayska qorraxda. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin.
cad²: f.mg4 (-ddaa, -ddayd; -cadcad) 1. Wax cad ahaansho. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin ahaansho. 3. Waa ka caddahay: waa liitaa.
cąd: m.l (-dad, m.l) 1. Gabal hilib ah. 2. C. ah: in maro, dhul, xaashi iyo wixi lamida ah. 3. C. ah: qof gaboobay oo aan waxba qaban karin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cad
cad¹: m.l 1. Midabka caanaha, nuuradda iyo wixi lamida ee soo celiya ilayska qorraxda. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin.
cad²: f.mg4 (-ddaa, -ddayd; -cadcad) 1. Wax cad ahaansho. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin ahaansho. 3. Waa ka caddahay: waa liitaa. m.f.dh, caddaan².
cąd: m.l (-dad, m.l) 1. Gabal hilib ah. 2. C. ah: in maro, dhul, xaashi iyo wixi lamida ah. 3. C. ah: qof gaboobay oo aan waxba qaban karin.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
cad
clear
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cad
[adjective] white; clear; intelligible (of speech)
cad m. n. part, piece, portion, share
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cad
-ka: (n) [Pl. cadad-ka] piece (piis); portion (poor-shin) ~ gabal.
cad cad: 1. piece by piece. 2. having white spots
cad -caddaa / caddayd: (adj) white (waayt). Ex:timo sidii baraf u cad; hair as white as snow
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cad
Pezzo; bianco
Piece; white
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cad
-ka: (magac, lab, keli) qayb yar oo hilib ah; gabal yar oo hilib ah. Cad ma cunin ayaamahan. Dh: hilib.
cad -ka: (magac, lab, keli) in yar oo wax weyn ka go'day; gabal; gobol; xoogaa; walax.
cad: (tilmaame) wax leh midabka caanaha ama barafka. Cali gaadhi cad buu soo iibsaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuur
1. (Abuur-ka) a) Wax aan hor u jirin uumis; alkun. b) Geed ubxa haya, docda uu lafta ama iniinta ku lee yahay, oo kolkii la beero korta oo geed hor leh oo cusub noqota; laf ama iniin ama cad kasta oo geed hor leh noqon karta; firi. c) Hawsha la qabto kolka beerta abuurka lagu rida hayo.
2. (Abuur-ta) Sida loo uumay (farsamo, hab, qaab); baxaalli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afaggaal
(Afaggaal-ka, Afaggaa-sha)
Toddobada xiddigood oo raqaha, tan ugu danbaysa; waxay u dhexaysaa nuguushi-cad tyo naafcadde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyuun
(Afyuun-ka)
Geed-ubax la beero oo waxtar (dawo) iyo dhibaato weyn labadaba leh, oo dhulka kulul ka baxa; wuxuu lee yahay dhacaan sida caanaha u cad oo la engejiyo, oo dabadeed la cuno ama sida sigaarka loo shito; kartida iyo maanka qofkaba habbisuu saaraa, haddaan degdeg la isaga qabanna waa lala doorsoomaa oo lala dufoobaa (sida xashiishka, qaadka ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anaakici
(Anaakici-da)
(anaa kici) col yar oo si gaar ah u laylyan oo cadowga lala dagaallama hayo dhulkiisa lagu sii dhex daayo; wuxuu ka kooban yahay, dad aan la khasbine, iyagu raalli ku ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asay
(Asay-da)
Dhar cad ama madow oo afadu qaadato kolka saygu ka dhinto; hangal; weer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baalfallaar
(Baalfallaar-ta)
Mid ka mid ah shinbiro wadajir u duula oo xilliba dal u talaaba; caloosha waa ka caddahay, dhabarkuna waa madow iyo buluug isku darsan; waxay leedahay baalal dheerdheer oo fallaarta u eg, iyo dabo ganto leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bafto
(Bafta-da)
Jaad dharka la qaato ka mid ah oo cad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bakaal
(Bakaal-ka)
1. (cudur) bar cad oo isha birteeda ku dhalata.
2. Meeraha labaad oo qorraxda ku wareega oo u dhexeeya dhulka iyo Dusaaga (Sahra); Xiddigta Waabberi; Waxaraxir; (ama Bakool).
3. Qof lixaad weyn; dhammays ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bakool
(Bakool-ka)
1. Dhul carradiisu tahay didib ama dhooddi; dhul carro cad.
2. Meeraha dhulka iyo Dusaaga u dhexeeya; Waxaraxir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barafuun
(Barafuun-ka)
Udug; cadar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baras
(Baras-ka)
Cudur oogada ku dhaca oo dubka ka diira oo xajiin iyo cuncun badan; caddaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bareer
(Bareer-ka)
Dhuumasho la'aan; qarsoodi la'aan; caddaan; kas (ama bareero).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baruur
(Baruur-ta)
Hilibka intiisa cad oo dufanka leh oo aan jiirka ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bayaan
(Bayaan-ka)
Muuqaal si wanaagsan u muuqda ama u cad ama u qeexan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beey
1. (Beey-da) Abeeso; Abguri.
2. (Beey-ga) Midab ka dhasha caddaan iyo madow laysku daray; (ama bey).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beeycad
(Beeycad-ka)
(midab) Beey caddaanku ku badan yahay; (ama beycad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biifayn
(Biifayn-ta)
1. Biif ka dhigid.
2. Qurxin; caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biifid
(Biifid-da)
1. Biyo ku darid; qoyn.
2. Qurxin; caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bikrad
(Bikrad-da)
Gabar aan weli la guursan; inan; cadrad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Billad
(Billad-da)
Cad yar oo fidsan oo ah dahab, lacag, ama wax kale oo astaan ama hadal ku kor qoran yihiin, oo ama arrin weyn oo dhacday lagu xuso ama abaalgud loo bixiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caad
1. (Caad-da) Dhagax, isagoo shiilmay oo qolqola haya dhulka gudihiisa ka soo baxay, oo isagoo is-haysta dhulka korkiisa ku ballaartay oo ku qaboobey; sallax dhagax ah oo jaadkaas ah oo biyaha celiya.
2. (Caad-ka) Daruur cad oo xalleefsan oo aad u sarraysa; daruurta da'satey waxa ka hara oo wax cirka laftiisa ku dhegsan la moodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caad
caad¹: m.l (-dad, m.l) 1. Xayaabo daruur ah oo meel sare ka muuqata.
caad²: m.l (daawo) Xuub cad oo isha qaybteeda madow fuula oo aragga yareeya.
caad³: m.dh 1. Meel dhagax ballaaran oo siman leh oo ciid ku hareereysantahay oo biyaha celisa. 2. C.daas joog/c.daas mar: wax buux ah (weel); qof fiican.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caad
caad¹: m.l (-dad, m.l) 1. Xayaabo daruur ah oo meel sare ka muuqata.
caad²: m.l (daaw.) Xuub cad oo isha qaybteeda madow fuula oo aragga yareeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caad
m. n., [collective] cloud, clouds; mist, fog
caad [feminine] n. lava, volcanic rock
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAAD
(A'd) S, May, N Annona squimosa L. Annonaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caad
-ka: (n) [Pl. caadad-ka] 1. cloud (klawdh); fog (foog) ~ ciiryaamo. 2. something that darkens the eyesight; blur (baleer)-, poor vision
caad: -ka: (n) the penis of a male animal organism other than a human being, especially male camel or bull (buul) ~ caar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caad
-da: (magac, dhedig, keli) dhijaan ama jidhaan; meel biyo joogsadaan. Caada ayaan ka soo dhaansaday.
caad -da: (magac, dhedig, keli) neef xoolaad, qof ama ugaadh dhabarkiisa ama dushiisa. Farowgii intaanu labo tallaabo qaadin baa libaaxii caadda kaga degey. Dh: kor, dul, guud. Li: bog.
caad -da: (magac, dhedig, keli) dhul carradiisu milix leedahay oo aan beeraha ku wanaagsanayn, cagaar na aan soo saarin.
caad -da: (magac, dhedig, keli) meel carro adag leh oo biyaha roobku joogsadaan.
caad -ka: (magac, lab, keli) salab gacmaha la gashado oo uu ninku ku muujiyo ragannimadiisa iyo dagaalyahannimadiisa.
caad -ka: (magac, lab, keli) daruur cad oo xaleefsan oo aad u sarraysa. Caad ayaa cirka ka muuqda.
caad -ka: (magac, lab, keli) dhagax shiilmay oo qulqulaya oo dhulka ubucdiisa ka soo baxa oo isaga oo is'haysta dhulka dushiisa ku ballaadha oo ku qabooba. Samirreh, caad ayaa dilay. Dh: basaq.
caad -ka: (magac, lab, keli) indhaha xuub dusha ka fuula oo wax laga arki waayo. Awoowo indhaha ayuu caad ku yeeshay. Dh: xuub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadh
m.dh Dhibco-dhibcaha ka soo horreeya daruur markaas di'id bilaabaysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cado
-ha: (magacwadareed) hilbo googa'an oo aan badnayn oo la isku keeno. Wallee culimo sheekheed wataan cado la siin waayin. Cado keliya waataan ka dhigay currubtii reerkaase. Dh: hilbo.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Card
Bidaaqad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
card
/kardh/ (n) 1. kaar (warqad ama balaastig adag) (n) 2. turub (warqadaha turubka).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
card
/kaardh/ (n) 1. kaar. 2. turub. 3. kaartoliing (kaarky baqshy laang lynis diraw oo dhinigho masawir amy wal kely ku leh).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawd
(Cawd-ka)
Meel kulul oo dugsi ah; kob, meel dugsi ah, ku taal, oo neecawdu ka xiran tahay; huur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawd
cawd¹: m.l 1. Ururinta xoolo badan meel lagu ururiyo. 2. Meel kulul oo dugsi ah oo neecawdu ka xirantahay.
cawd²: f.g1 (-day, -dday) Xoolo badan meel isugu ururin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawd
cawd¹: m.l 1. Ururinta xoolo badan meel lagu ururiyo. 2. Meel kulul oo dugsi ah oo neecawdu ka xirantahay.
cawd²: f.g1 (-day, -dday) Xoolo badan meel isugu ururin. m.f.dh, cawdid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawd
m. n. hot, stuffy place, where the air does not circulate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawd
-ka: (magac, lab, keli) meel dugsi ah oo ay naacawdu ka xidhan tahay. Dh: huur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawd
cf: huur
de: hot, stuffy place, where the air does not circulate
lx: cawd
pd: (-ka Pl: cawdad (ka))
ps: n4-m
key: cawd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayd
m.l Baahi weyn oo wax loo qabo. la-mid: ceed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cayd
m.l Baahi weyn oo wax loo qabo. la-mid: ceed. caydan f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Qof, baahi weyn alaab maacuun u qaba ahaansho. m.f.dh, caydnaan. la-mid: ceedan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
clad
/kalaadh/ (adj) 1. dhar xiran (adj) 2. daboolan (dahaaran).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ad
pron., sg. you, thou
ad class-prosg. may you ...
ad class-pro, pl. may you all ...
ad vl. n.-suf: -ing
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ad
/aadh/ (abbr) xayiisiis; xayiisiin. e.g. newspaper ad.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ça
ça, pron.dem. - kaas
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
çà
çà, adv. de lieu - halkan, halkas
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
CD
/sii-dii/ (n) harfy laha ku gaabiyi compact disc oo eh ajal mug wiing.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aad
aad: 1. (⁰) Dhab; si daran.
2. Adigu.
-aad: Tiraab lagu dabakaro tirada oo muujiya jagada tiradaasi ku abbaaran tahay, saddex-aad (3d.); shan-aad (5d.); sagaal-aad (9d.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aad
aad: mu.dhm.y Magacuyaal tilmaama qofka labaad ee kelida ah (lala hadlaha ama wax loo qoraha). “Ninka aad la hadashay waa walaalkay”. la-mid: aa², aydin.
ąad¹: m.l (-dyo, m.dh) 1. Isku ąa. cayaar: isku beegnaan cayaar. 2. la-mid: aadid.
ąad²: m.dh.fk (-dyo, m.l) 1. Isku beegnaanta laba meelood ama shay. 2. Badan, si daran. 3. A. yar: la-mid: aayar.
ąad³: f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Meel u socdaalid ama u kicid. 2. (f.mg) Ku a.: wax wax kale u dhigmid. 3. (f.mg) Ku ąa.: cunto cabid iyo wixi lamida cid ku filnaan. 4. (f.mg) Ku ąa.: wax muuqaalkooda wax kale isku gudbid. 5. (f.mg) Ku ąa.: meel aadisteeda wax u adeegsasho. Tusaale: “Cali baabuur buu Kismaayo ku aaday”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aad
ąad¹: m.l (-dyo, m.dh) Isku ąa. cayaar: isku beegnaan cayaar.
ąad²: m.dh.fk (-dyo, m.l) 1. Isku beegnaanta laba meelood ama shay. 2. Badan, si daran. Tusaale: "Cali aad buu u dadaalaa". 3. Aa. yar: la-mid: aayar.
ąad³: f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Meel u socdaalid ama u kicid. 2. (f.mg) Ku aa.: wax wax kale u dhigmid. 3. (f.mg) Ku ąa.: cunto cabid iyo wixi lamida cid ku filnaan.
4. (f.mg) Ku ąa.: wax muuqaalkooda. m.f.dh wax kale isku gudbid.
5. (f.mg) Ku ąa.: meel aadisteeda wax u adeegsasho. Tusaale "Cali baabuur buu Kismaayo ku aaday". m.f.dh, aadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aad
aad: v. go to (a place), head for; reach, get to (a destination)
aad vl. pron., sg. you, thou
aad vl. pron., pl. you [plural.], ye
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Aad
très, beaucoup.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aad
aad': (pronoun) you (vuu) ~ adi-ga. Ex: waraagdii aad keentay.... the letter you brought.
aad? -ay / day: (n) 1. go (goo). Ex: isbitaalka aad: go to the hospital. 2. aad: (adv) very (veeri); in a high degree; extremely, very much. Ex: aad u jarasan; very happy.
—aad': (suffix) -th; used to form ordinal numbers. Ex: afaraad; fourth (foorth); 4ih
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aad
aad: (fal) teg oo meel tilmaaman u kac. Dh: teg.
aad: (fal) «ku ~» qof kale ka horteg.
aad: (fal) (ku ~) cid kale u dhigan. Adigu Cabdi ku aad, Cali na anigaa ku filan. Dh: hagaag.
aad: (fal) (ku ~) muuqaalka wax kale isku gudub.
aad: (falkaab) si dhab ah ama xooggan.
aad: (magac'uyaal) dhiman oo tilmaamaya qofka labaad ee lala-hadlaha kelida ah.
aad: (dabakar) tiraab dabada lagaga karo tirada oo muujisa jagada ay tiradaasi ku abbaaran tahay: saddexaad (3aad), afraad (4aad), toddobaad (7aad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bad
(Bad-da)
Biyaha badan oo dhanaan oo dhulka intiisa badan ku rogan; maanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bad
bad¹: m.dh (-do, m.l) 1. Biyo badan, dhanaan oo dhulka intiisa badan ku rogan; maanyo. 2. Goobta lagu ciyaaro turubka. 3. B.da gabayga: baabka gabayga.
bad²: f.g/lg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Cid wax dhibaato leh oo aysan raalli ka ahayn ku jirrabid. 2. (f.lg) la-mid: bid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bąd
m.l la-mid: bed³.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bad
bad¹: m.dh (-do, m.l) 1. Biyo badan, dhanaan oo dhulka intiisa badan ku rogan; maanyo. 2. Goobta lagu ciyaaro turubka. 3. B. da gabayga: baabka gabayga.
bad²: f.g/lg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Cid wax dhibaato leh oo aysan raalli ka ahayn ku jirrabid. 2. (f.lg) la-mid: bid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bad
Sea
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bad
v. compel, force; be to blame for, cause trouble for, involve in difficulty; make someone deserve something
bad [feminine] n. sea, ocean
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bad
/baadh/worse, worst;(adj) 1. wax xun ama aan-wanaagsanayn e.g. She received some very bad news. (adj) 2. aad u xun ama dhibaato leh. e.g. He had a bad accident in his car.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bad
-da: (n) sea (sii); ocean (oow shin) ~ badweyn-ta
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bad
/baadh/ (adj) 1. hung (ing feyla-haayny). 2. eed ing hung. 3. doorsoomyng (lyng aamy korny). The food has gone bad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bad
bad: (fal) ku dirqi wax aanu doonayn.
bad: (fal) wax lagugu lahaa, wax u dhigma ku bixi.
bad' -da: (magac, dhadig, keli) biyaha dhulka intiisa badan jiifa ee dhanaan ee aan abidkood gudhin. Dh: maanyo, maayo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bad
بحر
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bad
a., xun, baas, daran; be bad, xumaw; do bad to, u xumay; make (him, it) bad, xumay.
bad state, bad thing, n., belo, -adi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ca'
de: C [letter of the Somali alphabet] Voiced pharyngeal fricative
lx: ca'
pd: (-da)
ps: n-f
key: ca'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cab
f.g1 (-bay/-bbay, -btay; -bbi) 1. Hoore si isdabajoog ah u liqid. 2. Sigaar dhuuqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cab
f.g1 (-bay/-bbay, -btay; -bbi) 1. Hoore si isdabajoog ah u liqid. 2. Sigaar dhuuqid. m.f.dh, cabbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cab
v. drink; take (medicine)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cab
/kab/ (n) tagsi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cab
cabbay cabtay: (v) 1. drink (dirink) 2. smoke (ismowk) Ex: sigaarya cab; smoker
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
cab
/kab/ (n) 1. taksy. 2. shukaanty baabuurky.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cab
(fal) biyo ama dareere kale afka ku shubo oo liq.
cab: (fal) sigaar iyo wax la mid ah, qiiqiisa jiid oo fuud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cab
de: drink; take (medicine)
lx: cab
pd: (cabbay ~ cabay)
ps: v1=
xe: Dont drink that water!
xv: Ha cabbin biyahaas!
key: cab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caf
-ka: (magac, lab, keli) saamaxaadda iyo cafinta cid dembi gashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cag
(Cag-ta)
Lugta dadka iyo nafleyda kale qaarkeed, inta canqawga ka hoosaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cag
m.dh (-go, m.l) 1. Canqawga inta ka hooseysa ee lugta dadka ama nafleyda qaarkeed. 2. (fk) C.ta/c.aha: imminka; hadda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cag
m.dh (-go, m.l) 1. Canqawga inta ka hooseysa ee lugta dadka ama nafleyda qaarkeed. 2. (fk) C.ta/c.aha: imminka; hadda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cag
f. n. foot; feet
cag [feminine] n. now, at present
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cag
-ta: (n) foot (fuut) —caga cad: (adj) barefoot (beer-fuut)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cag
-ta: (magac, dhedig, keli) magta dhiiga lagu baxsho, magac guud oo loo yaqaan geela lagu bixiyo dhagarka.
cag -ta: (magac, dhedig, keli) lugta qofka inteeda kabta lagu xidho ama inta canqawga ka hoosaysa.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cag
قدم
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cal
(Cal-ka, Ca-sha)
1. Buur weyn oo dhagax ah; qar weyn.
2. Dhagax; shiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cal
cal¹: m.l Baadiye jiq ah.
cal²: m.dh (-lo, m.l) 1. Buur aad u dheer. 2. Buur taxane ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cal
cal¹: m.l Baadiye jiq ah.
cal²: m.dh (-lo, m.l) 1. Buur aad u dheer. 2. Buur taxane ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cal
f. n./m: rocky mountain; stone, rock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cal
-ka: (magac, lab, keli) dhagax cad. Dhul uu cal ka buuxo ayaan soo maray. Dh: dhagaxshiil.
cal-sha: (magac, dhedig, keli) buur weyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cal
de: rocky mountain; stone, rock
lx: cal
pd: (-ka ~ /sha)
ps: n1-f/m
key: cal
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Cam
Waalwade
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Can
(Can-ka)
Labada cad oo hilibka ah oo wejiga labadiisa dhinac ku yaal, midkood; waxay u dhexeeyaan isha iyo qalka hoose, ama sanka iyo dhegta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
can
m.l (caman, m.l) Labada cad ee hilibka ah oo ku yaal wejiga labadiisa dhinac midkood, waxay u dhexeeyaan isha iyo qalka hoose, ama sanka iyo dhegta.