cabiidsamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiidsamid
m.f.dh eeg cabiidsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiidsamid
-da: (magac, dhedig, keli) addoon noqosho; addoonsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabiidsad
(Cabiidsad-ka)
Bidde ka dhigad; addoonsad; beelaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiidsad
m.l la-mid: cabiidsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabiidsad
vl. n. enslavement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiidsad
-ka: (magac, lab, keli) addoonsad; bidde ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabiidsad
de: enslavement
lx: cabiidsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: cabiidsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiidsi
m.l la-mid: cabiidsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiidsi
-ga: (magac, lab, keli) bidde ka dhigasho; adoonsi oo ku shaqaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biirsamid
(Biirsamid-da)
Wax aayar aayar layska dabaggeeyey oo ururay oo batay noqosho; kordhid; badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biirsamid
m.f.dh eeg biirsan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biirsamid
vl. n. act of increasing, intensifying
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biirsamid
-da: (magac, dhedig, keli) qunyar u sii kordhid, aayar aayar sii biirid. Biirsamid malaha ganacsigu sannadka. Dh: kordhid, badasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biirsamid
de: act of increasing, intensifying
lx: biirsamid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: biirsamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiidsan
f.mg1 (-amay, -antay, -ami) Addoon noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabiidsan
v. be obedient; become subjected ~ enslaved
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiidsan
(tilmaame) mid la addoonsaday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabiidsan
de: be obedient; become subjected, become enslaved
lx: cabiidsan
pd: (cabiidsamay)
ps: v1=intr
key: cabiidsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabiidsasho
(Cabiidsasha-da)
Addoonsasho; beelaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiidsasho
m.f.dh eeg cabiidso. la-mid: cabiidsad, cabiidsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiidsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cabiidsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbiidsasho
-da: (magac, dhedig, keli) adoonsasho ama bidde ka dhigasho. Dh: cabiidsasho, beelaysasho, biddeysasho, adoonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabiiltamid
m.f.dh eeg dhabiiltan². la-mid: dhabiiltan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabiiltamid
-da: (magac, dhedig, keli) si lexjeclo ku jirto u xisaabtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiidso
f.g3 (-saday, -satay) Qof cabiid ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabiidso
f.g3 (-saday, -satay) Qof cabiid ka dhigasho. m.f.dh, cabiidsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabiidso
v. enslave
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabiidso
-cabiidsaday / cabiidsatay: (v) enslave (enslayv)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiidso
(fal) addoonso; addoon ka dhigasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabiidso
de: enslave
lx: cabiidso
pd: (cabiidsaday)
ps: v3a=
key: cabiidso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadiidsi
-ga: (magac, lab, keli) u badheedhid oo u kasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cajiimid
(Cajiimid-da)
Cajiin ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajiimid
m.f.dh eeg cajiin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajiimid
-da: (magac, dhedig, keli) qooshidda iyo rufaaqidda budo iyo wax la mid ah. Dh: xashid, cajiimis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casiisad
(Casiisad-da)
Kimis, si gaar ah oo farsamo iyo aalad badan u baahan, loo sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casiisad
m.dh 1. C. ah: ciso leh (haweenay). 2. Kimis, si gaar ah oo farsamo iyo aalad badan u baahan, loo sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casiisad
f. n. bread pudding (prepared with several spices)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casiisad
-da: (magac, dhedig, keli) daqiiq biyo lagu walaaqo oo kimis laga sameeyo. Farsamaynteeda, si gaar ah ayaa loo sameeyaa, qalab badan na waa loo adeegsadaa. Dh: sabaayad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casiisad
cf: kimisdhaal
de: bread pudding (prepared with several spices)
lx: casiisad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: casiisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciidamin
(Ciidamin-ta)
1. Adeegid; xoog yeelad, tabargelid.
2. Ciidan keenid; (ama ciidmid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciidamin
m.f.dh eeg ciidami.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciidamin
vl. n. service, servicing; facilities
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidamin
-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan keenid; ciidamis.
ciidamin -ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) u adeegid; cid kale u shaqayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciidamin
de: service, servicing; [ext.] facilities
lx: ciidamin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: ciidamin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidamis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ciidamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibsamid
m.f.dh eeg iibsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibsamid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo ama badeecad suuq la keenay, iibgalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iidaamid
(Iidaamid-da)
Cunnada iidaan u yeelid, ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iidaamid
m.f.dh eeg iidaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iidaamid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto, wax dufan, dhadhan ama carfi udgoon leh, ku darid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadiigsad
-ka: (magac, lab, keli) wax la yeeli lahaa, qof kale dartii ama ku xumayntii, u canaadid oo diidid. Dh: carigsasho, cadiigsasho, cadiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariigsad
m.l la-mid: cariiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariigsad
-ka: (magac, lab, keli) canaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cariiqsad
(Cariiqsad-ka)
Cariiqsi, cariiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiqsad
m.l la-mid: cariiqsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cariiqsad
vl. n. provocation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cariiqsad
-ka: (magac, lab, keli) amardiiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cariiqsad
a: cariiqsasho (/da) [vn6-f]
de: provocation
lx: cariiqsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: cariiqsad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waciidsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, gargaarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiidnimo
m.dh Cabiid ahaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabiidnimo
-cabiidnimada: (n) servitude (sar-vi-tuud); enslavement (enslayv-ment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiidnimo
-da: (magac, dhedig, keli) addoon ahaansho; addoonimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabacsamid
m.dh la-mid: debecsamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabacsamid
-da: (magac, dhedig, keli) debeecad wanaagsanaan. Dabacsamidu dadkay kugu dartaa. Dh: dabeecadwanaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibsamid
m.f.dh eeg dhiibsan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habiiraqid
m.f.dh eeg habiiraq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madiidimid
m.dh la-mid: midiidimid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabdidaahir
name-m ritually purified servant
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabdulsamad
name-m servant of the Eternal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbirsamid
m.f.dh eeg dibbirsan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibbirsamid
-da: (magac, dhedig, keli) calool, dibbiro buuxsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xafiiltamid
(Xafiiltamid-da)
Is xifaalayn; is jurxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xafiiltamid
m.f.dh eeg xafiiltan². la-mid: xafiiltan¹, xifaalootan, xifaaltamid, xifaaltan¹
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xafiiltamid
-da: (magac, dhedig, keli) isxifaalayn kaftan ah oo dacaayad iyo ficiltan ku jiro. Dh: isjurxayn.
xafiiltamid-da: (magac, dhedig, keli) faan ku tartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xariiftamid
m.f.dh eeg xariiftan². la-mid: xariiftan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xariiftamid
-da: (magac, dhedig, keli) si xariifnimo ah u ciyaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cabdirashiid
name: Abdi Rasheed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Cabdirashiid
bw: Arabic
de: Abdi Rasheed
lx: Cabdirashiid
ps: name-m
key: Cabdirashiid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cabdulxamiid
name: Abdul Hamiid
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabdulxamiid
name-m servant of the Praiseworthy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Cabdulxamiid
bw: Arabic
de: Abdul Hamiid
lx: Cabdulxamiid
ps: name-m
key: Cabdulxamiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadaamid
m.f.dh eeg aadaan². la-mid: aadaan¹, aaddamid, aaddaan¹, eedaamid, eedaan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadaamid
-da: (magac, dhedig, keli) salaadka oo ah cibaado si gaar ah loo guto, ku baaqid. Dh: addimid, addimaad, eedaamid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaddamid
m.dh la-mid: aadaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abasaxid
-da: (magac, dhedig, keli) muujinta hasha saansaanyaha baahida awr abaahiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtirsad
m.l la-mid: abtirsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtirsad
-ka: (magac, lab, keli) awawyaashii laga soo tafiirmay oo siday iskugu xigeen loo sheegto iyada oo cid kale la iska dirsoocayo. Soomaalida iyo Carabtu waxyaalaha ay wadaagaan waxa ka mid ah abtirsadka. Dh: abtirsasho
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Abtisame
name-m one with a nice maternal uncle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariisad
-ka: (magac, lab, keli) inta qorraxdu soo dheeraanayso sugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilcamid
(Bilcamid-da)
Bilcan ka dhigid; guursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilcamid
m.f.dh eeg bilcan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilcamid
-da: (magac, dhedig, keli) bilcan noqosho Bilcamid ninkii doonayoow geel cas baad bixine. bilcan: (fal) gabadh, oori ka dhigo. Gabadh la la yaabay buu bilcamay. Dh: guurso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bitaamid
m.f.dh eeg bitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabidid
m.f.dh eeg caabid². la-mid: caabudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisad
m.dh (-do, m.l) Haweenay wahsi iyo hawl nacayb badan. la-mid: cajisad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajisad
-da: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo wahsi badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caajisid
(Caajisid-da)
Hawl qaban waayid; ka wahsasho; daal iyo cagajiid wax ku qabasho bilaabid; soo tabar yarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisid
m.f.dh eeg caajis². la-mid: cajisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajisid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl qaban kari waayid; wahsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawimid
m.dh la-mid: caawinid.