cabiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiid
m.l (cabiid, m.dh) Qof la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; bidde; addoon; cabid. la-mid: cabid¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabiid
name-m devout
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabiid
-ka: (n) slave (isleeyv)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiid
-ka: (magac, lab, keli) addoon lagu shaqaysto. Dh: bidde.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abiid
m.l.fk la-mid: abad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abiid
m. n., adv., time: ever; never
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abiid
(falkaab) intii la soo jiray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abiid
a: abad
de: ever; never
lx: abiid
pd: (-ka)
ps: n0-m / adv-time
syn: weli
key: abiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabid
cabid¹: m.l la-mid: cabiid.
cabid²: m.dh la-mid: cabbid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabid
cabid¹: m.l la-mid: cabiid.
cabid²: m.dh la-mid: cabbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabid
m. n. slave
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, afka ku shubid oo liqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabid
a: cabiid
de: slave
lx: cabid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: cabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbid
(Cabbid-da)
(biyo, kd.) inta afka lagu qaado oo hunguriga la sii marsiiyo, caloosha geyn; dhamid (caano); fuudid (fuud; wixii kulul).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbid
m.f.dh eeg cab. la-mid: cabid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, inta afka lagu qaado oo hunguriga madow la sii mariyo, caloosha geyn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabiid
-ah: (adj) cruel (kuru-wal); barbarous (baar-ba-ras), inhuman (in-hiyuu-man); savage (saa-vaj) ~ waxash, xaasid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabiidsad
(Cabiidsad-ka)
Bidde ka dhigad; addoonsad; beelaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabiidsasho
(Cabiidsasha-da)
Addoonsasho; beelaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addoon
addoon¹: m.l (-oommo, m.dh) Nin aan xor ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; cabiid; bidde.
addoon²: m.dh (-oomo, m.dh) Naag aan xor ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; biddad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidde
m.l (-dayaal, m.l/dh) Nin la leeyahay, aan xor ahayn oo sidii la doono loogu shaqeysto; addoon; cabiid.

cabiidnimo
m.dh Cabiid ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiidsad
m.l la-mid: cabiidsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiidsamid
m.f.dh eeg cabiidsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiidsasho
m.f.dh eeg cabiidso. la-mid: cabiidsad, cabiidsi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
addoon
m.l (-oommo, m.dh) Nin aan xor ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; cabiid; bidde.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bidde
m.l (-dayaal, m.l/dh) Nin la leeyahay, aan xor ahayn oo sidii la doono loogu shaqeysto; addoon; cabiid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
servile
/serval/ (adj) lita, (cabiid ah). servitude/servatuudh/ (n) cabiidnimo ~ addoonimo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
slavish
/sleyvish/ slavishly; (adj) 1. cabiidnimo ah (addoonimo ah) 2. sideedii loo soo guuriyey (wax isla-sidoodii loo soo turjumo, cusayb iyo bedel aan midna lugu siyaadin).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabiidnimo
-cabiidnimada: (n) servitude (sar-vi-tuud); enslavement (enslayv-ment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbiidsasho
-da: (magac, dhedig, keli) adoonsasho ama bidde ka dhigasho. Dh: cabiidsasho, beelaysasho, biddeysasho, adoonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabidid
m.f.dh eeg caabid². la-mid: caabudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbirid
(Cabbirid-da)
1. Cabbirkiisa ogaansho; beegid; qiyaasid; miisaamid.
2. Dad socoto ah dhoofin, dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbirid
m.f.dh eeg cabbir². la-mid: cabbiris.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cabbirid
Pesatura; misura
Weighing; measuring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbirid
-da: (magac, dhedig, keli) walax inta ay tahay qiyaasteeda ogaansho.
cabbirid -da: (magac, dhedig, keli) dhanka kale tegid; xad ka tallaabid.
cabbirid -da: (magac, dhedig, keli) cid socoto ah, dirid.
cabbirid -da: (magac, dhedig, keli) wax aan muuqan, qiyaasid; mala'awaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiidsi
m.l la-mid: cabiidsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiidsi
-ga: (magac, lab, keli) bidde ka dhigasho; adoonsi oo ku shaqaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabiidso
f.g3 (-saday, -satay) Qof cabiid ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabiidso
f.g3 (-saday, -satay) Qof cabiid ka dhigasho. m.f.dh, cabiidsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabiidso
v. enslave
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabiidso
-cabiidsaday / cabiidsatay: (v) enslave (enslayv)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabiidso
(fal) addoonso; addoon ka dhigasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabiidso
de: enslave
lx: cabiidso
pd: (cabiidsaday)
ps: v3a=
key: cabiidso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg cabbitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsii'
(fal) «ka ~» baqo geli; cabsi ku abuur adiga oo halis ku soo socota tusaya. Dh: baji.
cabsii: (fal) biyo ama dareere kale waraabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabsiin
(Cabsiin-ta)
1. Cabsi gelin; bajin.
2. (-°) Wax la cabbo (biyo, khamro) siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsiin
m.f.dh eeg cabsii. la-mid: cabsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cąbsiin
m.f.dh eeg cąbsii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabsiin
vl. n. act of scaring, frightening
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cabsiin
Intimidazione
Intimidation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cabsigelin; bajin; cabsiis.
cabsiin -ta: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wax la mid, qof kale waraabin. Curdankiyo dhalaanka na intaad darar cabsiinayso. Dh: waraabin, dhansiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabsiin
de: act of scaring, frightening
lx: cabsiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: cabsiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsiis
m.l la-mid: cabsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cafiyid
(Cafiyid-da)
(qof) eedsiiskii uu mutaystay, ka dhaafid: saamixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cafiyid
m.f.dh eeg cafi². la-mid: cafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cafiyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajisid
m.dh la-mid: caajisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajisid
-da: (magac, dhedig, keli) caajis dareemid, wahsi dareemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cakirid
-da: (magac, dhedig, keli) talo iyo wixii la mid ah, jahawareerin oo xal u diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cakisid
m.f.dh eeg cakis². la-mid: cakis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cakisid
-da: (magac, dhedig, keli) cajiimid; rafaaqid; qooshid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
candiid
m.l la-mid: cindiid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
candiid
m. n. milk mixed with water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
candiid
-ka: (magac, lab, keli) caano biyo ku darid: caano badhxid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
candiid
a: cindiid
de: milk mixed with water
lx: candiid
pd: (-ka)
ps: n-m
key: candiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canjiid
(Canjiid-da)
Summad xoolaha lagu dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canjiid
m.dh (-dyo, m.l) Summad alif dheer ah oo xoolaha daanka looga dhigo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canjiid
m.dh (-dyo, m.l) Summad alif dheer ah oo xoolaha daanka looga dhigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canjiid
f. n. brand (as on animals)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjiid
-da: (magac, dhedig, keli) summad xoolaha lagu dhigo oo sanka ilaa luqunta halkeeda hoose lagaga dhigo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canjiid
cf: gawl ~ gowl, hayl
de: brand (as on animals)
lx: canjiid
pd: (-da)
ps: n2-f
key: canjiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caqiido
(Caqiida-da)
Rumaysnaanta mabda' ahaan loo rumaysan yahay arrimo badan oo diinta ku soo arooray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqiido
m.dh (-ooyin, m.l) Mabda' diimeed oo la aaminsan yahay. la-mid: caaqido.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caqiido
m.dh (-ooyin, m.l) Mabda' diimeed oo la aaminsan yahay. la-mid: caaqido.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqiido
f. n. principle, theme, religious faith; ideology, doctrine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caqiido
-caqiidada: (n) a set of principles or beliefs; doctrine (dhok-triin); dogma (dhoog-ma)-, faith (feyth); creed (kiriidh)-, tenet (ten-et) ~ mabda'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqiido
-da: (magac, dhedig, keli) mabaadi' diin ahaan qofku uu aaminsan yahay. Dh: ictiqaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqiido
bw: Arabic
cf: aydiyooloji, idoloojiyo
de: principle, theme, religious faith; ideology, doctrine
lx: caqiido
pd: (/da)
ps: n6-f
key: caqiido
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casilid
(Casilid-da)
Meel ama jago uu hayey ka qaadid, ka ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casilid
m.f.dh eeg casil. la-mid: casilaad (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casilid
-da: (magac, dhedig, keli) qof xil hayay, ka qaadid. Dh: casilaad.
casilid: -da: (magac, dhedig, keli) (is ~) xil iyo shaqo aad haysay iskaga fadhiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casirid
m.f.dh eeg casir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casirid
-da: (magac, dhedig, keli) calool majiirmid; caloosha, xanuun ka dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catirid
m.f.dh eeg catir². la-mid: catirayn, cartirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
catirid
-da: (magac, dhedig, keli) weel la culay, cidaad marmarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la waayay, beddelkiisii keenid ama siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawimid
m.dh la-mid: caawinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawimid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid; caawimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawinid
m.dh la-mid: caawinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawirid
m.dh la-mid: cawarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawiyid
m.dh la-mid: caawiyid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caydiid
name-m curse refuter, drool resistant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caydiid
magac loo baxsho wiil miidhodiid ah oo aan gardarro oggolaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayilid
(Cayilid-da)
Hilib iyo baruur badan yeelasho; wax shilis ama buuran noqosho; naaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayilid
m.f.dh eeg cayil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayilid
-da: (magac, dhedig, keli) baruur yeelad; naaxid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cayimid
-da:(n) the act of specifying; specification (spase-fi-key-shin) ~ si gaar ah u caddayn; xaddidid