cabbir-dhuleed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbir-dhuleed
m.l (juqraafi) Sayniska cabbiraadda qaabka iyo xajmiga dhulka oo ay ku jiraan miisaankiisa, cufnaantiisa iyo wixi lamida, iyo isla markaas sahaminta qaybaha waaweyn ee dhulka dushiisa ah si loo garawsado xoodnaanta dhulka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabbirdhuleed

qaab-dhuleed
m.l (-bab ..., m.l) (jooloji) Erey mararka qaarkood lagu isticmaalo in lagu muujiyo qaabka dhulka.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAABUUN-DHULEED
(Sabun-duled) May Momordica spinosa (Gilg) Chiov. Cucurbitaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hir dhuleed
Ground wave
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaabdhuleed
m.l (-bab ..., m.l) (jool.) Erey mararka qaarkood lagu isticmaalo in lagu muujiyo qaabka dhulka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyo-dhuleed
m.l (-dyo, m.dh) (jooloji) Biyaha ku jira shirqadaha iyo jeexjeexyada yaryar ee dabaqadda carrada, kuwaas oo gala marka biyaha roobka oo ceelasha iyo ilaha sameeya ay hoos ugu dusayaan carrada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biyo-dhuleed
m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Biyaha ku jira shirqadaha iyo jeexjeexyada yaryar ee dabaqadda carrada, kuwaas oo gala marka biyaha roobka oo ceelasha iyo ilaha sameeya ay hoos ugu dusayaan carrada.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaab dhuleed
Geoid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taag-dhuleed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Laab-ka kor u kacsan ee buuraha laalaabka, oo ilaa dhawr kiilomitir kala baxsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taag-dhuleed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Laabka kor u kacsan ee buuraha laalaabka, oo ilaa dhawr kiilomitir kala baxsan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiir dhuleed
Earth pillar, Hoodoo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waarigdhuleed
-da: (magac, dhedig, keli) waarigta teeda aan la cunin ee ka baxda meelaha aan dundumooyinka ahayn oo booga dhayaha la bah ah. Waarigdhuleedda waa lagu balaloodaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhidib-dhuleed
m.l (-byo ..., m.dh) (c.fal.) Xarriiq la mala awaalay oo isku xira cidhifka woqooyi iyo kan koonfureed, marana bartamaha dunida oo dhulku isku rogo hal mar afar iyo labaatankii saacadood. Dh. dh.ku wuxuu la leeyahay janjeer ah 66° 30 sallaxa majiiraha dhulka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cabbirka dhulka
Geodesy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagdhuleed
-ka: (magac, lab, keli) jugraafi ahaan, laabka kor u kacsan ee buuraha laalaabka, oo ilaa dhawr kiilomitir kala baxsan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tub dhuleed
Orbit earth
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Birdhuxuleed
Bir dhuxul lagu dhex qaboojiyey.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Biyo dhuleed
Groundwater
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulin-duleed
m.l (-dyo, m.dh) (cilmiga naflayda) Noole dulin ah oo soorihiisa dusha kaga nool. Tusaale: “Injirta”.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Taag dhuleed
Geoanticline
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ubac dhuleed
Centrosphere
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baraf dhuleed
Ground frost, Land-ice
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhidibdhuleed
m.l (-byo ..., m.dh) (c.fal.) xarriiq la mala awaalay oo isku xira cidhifka woqooyi iyo kan koonfureed, marana bartamaha dunida oo dhulku isku rogo hal mar afar iyo labaatankii saacadood. Dh. dh.ku wuxuu la leeyahay janjeer ah 66° 30 sallaxa majiiraha dhulka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharcidhuleed
-ka: (magac, lab, keli) sharci gooni u ah dhulka, oo dadka lagu kala maamulo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddigdhuleed
-da: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo cayayaanka ka mid ah oo wada qodax ah oo iftiima. Dh: xiddigdhul
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhidib dhuleed
Axis, earth
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaalin dhuxuleed
Coaling station
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Makiinad kuleed
Heat Engine
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qubbad-shiileed
m.dh (-dyo, m.dh) (jool.) Gobol dhadhaabo shiileed ah oo ka samaysma magma dhulka kor u soo gashay oo badanaa ka kooban dhadhaabta garanaytka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birlabnimo-duleed
m.dh (jool., fiis.) Astaamaha birlabeed oo uu muujiyo dhulku, kuwaas oo dhulka keenay inuu noqdo birlab weyn oo labo cirif leh; waa sayniska barashada astaamooyinkaas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birlabnimo-duleed
m.dh (jool., fiis.) Astaamaha birlabeed oo uu muujiyo dhulku, kuwaas oo dhulka keenay inuu noqdo birlab weyn oo labo cirif leh; waa sayniska barashada astaamooyinkaas.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Caabbin dareereed
Buoyancy