cabbaasid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaasid
-da: (magac, dhedig, keli) joojin iyo candhasaabid. Cirkoo da'aya deegaan yarbaa lagu cabbaasaaye. Dh: joojin, gaagixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbaarid
m.f.dh eeg cabbaar³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabbaasid
(Rabbaasid-da)
Boodboodid; faclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbaasid
m.f.dh eeg rabbaas². la-mid: rabbaas¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbaasid
-da: (magac, dhedig, keli) boodboodid oo farxad la rablayn. Rabbaasid bay ku jiraan siday guushu u raacday ba. Dh: faclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbaad
(Cabbaad-ka) (koox cabbaadyo)
1. Qaab qurux badan oo dadka ladan ama cayilan surkoodu yeesho.
2. Midab cadcad ku jiro.
3. Kuul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbaad
m.l la-mid: cąbbaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabbaad
m. n. layers of fat around the neck; double chin (considered a mark of beauty)
cabbaad n. beads, stone ornaments
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaad
-ka: (magac, lab, keli) qaab qurux badan oo dadka qaarkii surka ku yeesho; duuduub surku yeesho. Dh: cabbaadh.
cabbaad -ka: (magac, lab, keli) midab caddaan ku jiro.
cabbaad -ka: (magac, lab, keli) iniinyo dhalo ah oo leh qaabab kala duwan oo dhexda ka daloola oo, inta dun lagu taxo, qoorta lagu xidho oo lagu xarragoodo. Dh: cabbaadh.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabbaas
name-m lion, stern
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaarid
(Abbaarid-da)
Leexleexad la'aan iyo toos u aadid; (ku abbaarid): ku toosin; ku duwid; ku aaddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaarid
m.f.dh eeg abbaar³. la-mid: abbaar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) toos u beegsashada wax ama meel la wada og yahay. Doonnida la waayay waxay seegtay abbaaridda jihadii ay u socotay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabaadid
(Cabaadid-da)
Cabaad soo saarid; qaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabaadid
m.f.dh eeg cabaad². la-mid: caabad¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaadid
-da: (magac, dhedig, keli) cabaad soo saarid; qaylin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cabbaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaayad
-da: (magac, dhedig, keli) diric nayloon iyo wax la mid ah laga sameeyo oo inta badan midabkiisu madaw yahay oo dumarku dharka ay xidhan yihiin ka dul gashadaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaysad
-ka: (magac, lab, keli) qori, rasaas dhuunta u geyn oo riddo u diyaarin. Dh: cabbaysasho.
cabbaysad -ka: (magac, lab, keli) wax mug leh, buuxsad; cabbaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabbaalid
(Dabbaalid-da)
(xoolo, ugaar) dib u soo waabin; soo rogid; horjoogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaalid
m.f.dh eeg dabbaal³. la-mid: dabbaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaalid
-da: (magac, dhedig, keli) in yar joojin oo aguugga ka hakin. Lo'du dabbaalidda ayay ku mirataa. Dh: waabin, hakin, dabaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabbaanid
(Dabbaanid-da)
Webi ama durdur lug ku gudbid; dabbaanka biyaha socda lug ku marid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaanid
m.f.dh eeg dabbaan³. la-mid: dabbaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaanid
-da: (magac, dhedig, keli) webi ama durdur lug kaga gudbid. Dabbaanid kaga gudub togga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambaasid
m.f.dh eeg hambaas². la-mid: hambaas¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabbaanid
(Qabbaanid-da)
Cid qabbaan u noqosho; ciidamin; adeegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabbaanid
m.f.dh eeg qabbaan³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabbaanid
-da: (magac, dhedig, keli) adeegid; cid midiidin u noqosho. Qabbaaniddu waa waxtar loo baahan yahay. Dh: ciidamid, adeegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbaarid
m.f.dh eeg sabbaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) sabbaar qaadasho: jicsimasho: sahay qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbaarid
m.f.dh eeg xabbaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo dhicid oo xoog ku qaadid. Dh: xabbaadhid.
xabbaarid -da: (magac, dhedig, keli) geela meel baad iyo biyo leh u kaxeyen. Dh: xabaadhid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cabdulbaasid
name-m servant of the Receiver
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaalsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: dabaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaalsii
(fal) qof aan dabbaal aqoon biyaha dhex socodsii ama dabbaashii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karbaashid
m.f.dh eeg karbaash².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karbaashid
-da: (n) whipping (wipping) ~ jeedlid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karbaashid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, karbaash la dhicid. Dh: jeedalayn, shaabuugayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qabbaansad
(Qabbaansad-ka)
Qabbaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabbaansad
m.l la-mid: qabaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabbaansad
-ka: (magac, lab, keli) eeg qabbaanasho.
qabbaansad -ka: (magac, lab, keli) meel qariib lagu yahay, cid dhawaale ah ka raadsasho. Magaalada ma garanayne qabbaansad ayaan kuu imid. Dh: qaraabaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbaysmid
m.f.dh eeg rabbaysan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbaysmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid carbisan ama la edbiyay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbaaxid
m.f.dh eeg shabbaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabbaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) shabbaaxtan cayaarid; nishaabtan; shabbaaxtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo aad lahayn xoog ku kaxaysasho. Xabbaadhiddu waax xaaraan. Dh: dhicid, qaadidi, boojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasid
m.f.dh eeg baas².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasid
-da: (magac, dhedig, keli) ka gudbidda itixaan iyo waxii la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caasid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad wax ku sugayso ku raagid oo ku caajisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabaad
(Cabaad-ka)
Qaylo dheer oo nafleyda qaarkeed ka yeerta kolka wax ku dhacaan ama ay xanuunsato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabaad
cabaad¹: m.l 1. Dhawaaq dheer oo geelu sameeyo marka la xanuujiyo. 2. Calaacal, cataw (qof). 3. la-mid: cabaadid.
cabaad²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Neef geel ah oo la xanujin si uu cabaad u sameeyo. 2. Calaacalid, catawid (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabaad
cabaad¹: m.l 1. Dhawaaq dheer oo geelu sameeyo marka la xanuujiyo. 2. Calaacal, cataw (qof).
cabaad²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Neef geel ah oo la xanujin si uu cabaad u sameeyo. 2. Calaacalid, catawid (qof). m.f.dh, cabaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabaad
v. cry out, yell, scream, screech, squeal, yelp
cabaad vl. n. crying out, scream, squeal, yelp (of a dog)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabaad
ay day: (v) scream (iskriim); whine (waayn); howl (hawl); cry, wail, shriek, screech, yell, shout
cabaad: -ka: (n) scream (iskriim); howl (hawl); a long, wailing cry ~ qaylo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaad
(fal) xoolo ama xayawaan kale, qayli oo jibaad.
cabaad -ka: (magac, dhedig, keli) qaylo dheer oo nafleyda qaarkeed samayso marka ay wax ku dhacaan ee ay xanuunsadaan. Dhurwaaga ciyaaya, cabaadku naf weeye.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cabaad
صُراخ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbid
(Cabbid-da)
(biyo, kd.) inta afka lagu qaado oo hunguriga la sii marsiiyo, caloosha geyn; dhamid (caano); fuudid (fuud; wixii kulul).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbid
m.f.dh eeg cab. la-mid: cabid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wixii la mid ah, inta afka lagu qaado oo hunguriga madow la sii mariyo, caloosha geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabid
m.dh eeg abaab². la-mid: ababid. la-mid: abaab¹, abaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabid
-da: (magac, dhedig, keli) xaabista iyo unuunufka wax meel ku daadsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaadid
(Abaadid-da)
(ku abaadid) ku daa'imid, ku waarid, ku ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadid
m.f.dh eeg abaad². la-mid: abaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadid
-da: (magac, dhedig, keli) duugowga iyo dabargo'a tilmaamaya baabi'idda wax jiray. Dh: goofid, gaboobid, raagid, duugoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaani
(fal) cid kale hoggaami oo hormuud u noqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araasid
-da: (magac, lab, keli) sac markaa dhalay meeshuu ku ogaa ilmihiisa tegid, isagoo cod iyo orod samaynaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaasid
(Asaasid-da)
Asaas u yeelid; bilaabid; (ama aasaasid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaasid
m.f.dh eeg asaas². la-mid: aasaasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asaasid
vl. n. act of founding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asaasid
-da: (n) the act of creating or founding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaasid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin, yagleelid. Dh: aasaasid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asaasid
de: act of founding
lx: asaasid
pd: (-da)
ps: vn2-f
key: asaasid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabaadi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka c.: neef geel ah xanuujin si uu cabaad u sameeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabaadi
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka c.: neef geel ah xanuujin si uu cabaad u sameeyo. m.f.dh, cabaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabaadi
v. cause to scream; violate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaadi
(fal) «ka ~» ka qaylisii; ka dhawaaji; wax cabaadaya ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabaadi
de: cause to scream; violate
lx: cabaadi
pd: (cabaadiyey)
ps: v2a=
key: cabaadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaal
-ka: (magac, lab, keli) wax la cabbo; wax aan cunno ahayn oo la quuto. Dh: sharaab.
cabbaal: (tilmaame) aan calalis ahayn; wax la cabbo. Dh: cabbitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabbaar
1. (Cabbaar-ka) In waqti ah oo aan dheerayn; nabar.
2. (Cabbaar-ta) Dhabbaha gaadiidku qaado, jagooyinka uu u qaybsan yahay, oo hadba mid la dego oo lagu nasto, middood; minqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbaar
cabbaar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Waqti aan badnayn ama aan fogayn. 2. Masaafo aan dheerayn.
cabbaar²: m.dh (-ro, m.l) Masaafada rati rarani ku daalo.
cabbaar³: f.mg1 (-ray, -rtay) Rati raran daalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cąbbaar
m.l (-rro, m.dh) 1. Meerisyo kuul yaryar ah, hab quruxsan la isugu tolo, rucubyo leh oo haweenka qoorta ku xirtaan. 2. Midab baraashirix ah oo lo'da iyo riyuhu yeeshaan. 3. (w) Qaab qurux badan oo dadka cayillan ama hablaha surkoodu yeesho. la-mid: cabbaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabbaar
cabbaar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Waqti aan badnayn ama aan fogayn. 2. Masaafo aan dheerayn.
cabbaar²: m.dh (-ro, m.l) Masaafada rati rarani ku daalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabbaar
m. n. short while, brief time
cabbaar [feminine] n., loc. campsite, rest area
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabbaar
(adv) awhile (a-waayl); for a while xoogaa. Ex: cabbaar joog; stay awhile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaar
-ka: (magac, lab, keli) in aan badnayn; xoogaa. Cabbaar baan ku sugayoo cadceedda ayaa i damaqday. Dh: waxoogaa, nabar.
cabbaar -ta: (magac, dhedig, keli) dhabbada gaa- diidku qaado, jagooyinka ay u qaybsan tahay oo hadba mid la dego si loogu nasto. Dh: minqaad.
cabbaar -ka: (magac, lab, keli), midab baraashirix ah oo lo'da iyo riyuhu yeeshaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbani
-da: (magac, dhedig, keli) waxba u adkaysi la'aan; samir iyo adkaysi la'aan. Dh: jilicsani, nugli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cabbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbaad
(Gabbaad-ka)
Wax lagu gabbado; wax dhaxanta iyo wixii la mid ah celiya; wax la dugsado oo dhan; (ama gabbood).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbaad
m.l (-do, m.dh) Wax, wax kale looga gabbado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabbaad
m.l (-do, m.dh) Wax, wax kale looga gabbado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbaad
m. n. shelter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabbaad
-ka: (n) shelter (shat ter); refuge (rafyuuj
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbaad
-ka: (magac, lab, keli) meel wax lagaga dhuunto ama laga magan galo; meel dhaxanta iyo cadceedda celisa. Gabbaad kob aan ahayn kuma gam'ee, guur aan ka la'aado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbaad
de: shelter
lx: gabbaad
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gabbaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaasi
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Boor kicin. 2. Neef riman candho keenid; carin; gorin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaasi
v. blow dust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaasi
(fal) siigo kici, awaaree. Dh: siigay, siigee, awaaree.
habaasi: (fal) neef rimman, muuji calaamadihii dhalitaanka oo gor yeelo; candhada weynee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaasi
de: blow dust
lx: habaasi
pd: (habaasiyey)
ps: v2a=
key: habaasi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabbaas
-ka: (magac, lab, keli) qof wax qarqariya. Ninkaa qabbaaska ah ayaa iga qariyay buugtaydii. Dh: khabbeeye.