caawiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawiye
-ha: (magac, lab, keli) qofka kaaliye ah oo cid kale u adeega. Inan yar oo caawiye ah ayaa geela ila waraabshey. Dh: kaaliye,kalkaaliye.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Caabiye
Resistor
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
caabiye
to offer resistance
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Caabiye
Caabiyaha qaydaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caamiye
-ha: (magac, lab, keli) aan waxba indhihiisu arag: indhoolle.
caamiye -ha: (magac, lab, keli) aan wax ba qorin wax na akhrin. Buux waa caamiye.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ancillary
/aansaleri/ (adj) 1. caawiye guud ama qofka qabta shaqooyinka hoose sida nadaafadda ama xammaaliga iwm. e.g. college ancillary workers 2. siyaado ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
assistant
/assistant/assistants; (adj) kaaliye ama caawiye. e.g. He is an assistant manager.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
auxiliary
/oogsilyari/auxiliaries; (n) 1. caawiye (gargaare); taageero leh. e.g. a nursing auxiliary (adj) 2. siyaado ah ama markii loo baahdo la isticmaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacanyare
-ha: (magac, lab, keli) qof qof kale u shaqeeya oo kolba wixii uu u baahan yahay u soo dhoweeya ama qabta. Dh: kaaliye, caawiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargaare
-ha: (magac, lab, keli) caawiye; kaalmeeye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalkaaliye
-ha: (magac, lab, keli) qof mas'uul ama dhakhtar gacanyare u ah. Dh: caawiye. Wa: kalkaaliyayaal.
kalkaaliye -ha: (magac, lab, keli) wax lagu daro falgalkimikaad si uu u karaariyo falgalka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
teegaare
-ha: (magac, lab, keli) taageere; caawiye.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
adjoint
adjoint, n - Kaaliye, Caawiye (Qof).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
assistance
assistance, n.f. - Mucaawino; Gargaar; Taageerid.
assistance maritime - Gurmadka badda.
assistance technique - Gargaar farsamo gacmeed.
assistant, n.m. (Université) - Kaaliye; caawiye (Jaamacad)
assistant médical - Gacanyare caafimaad
assistant de bureau - Gacanyare Xafiis
assistant de laboratoire - Gacanyare shaybaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabbiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (fiisikis) Qayb ka mid ah qalab danabeed oo leh caabbi, laguna doortey isticmaalkeed astaantaas awgeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caabbiye
-caabbiyaha: (n) [Electricity] resistance (ri-zistans); resistor (ri-zis-ter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadiyee
(fal) eeg caadiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawiyid
m.f.dh eeg caawi. la-mid: caawin, caawis, cawin¹, cawis, cawiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawiyid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid; kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casariye
(Casariya-ha)
Shaaha ama cunno kale oo fudud oo casarkii la cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casariye
m.l Shaaha casarka la cabbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
casariye
m.l Shaaha casarka la cabbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casariye
m. n. afternoon snack, tea ~ coffee break
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
casariye
-casariyaha: (n) afternoon tea
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casariye
-ha: (magac, lab, keli) shaaha galabtii la cabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casariye
de: afternoon snack, tea ~ coffee break
lx: casariye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: casariye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawi
f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay;-iyi) Cid kaalmo ama taageero u fidin. la-mid: cawi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caawi
f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay;-iyi) Cid kaalmo ama taageero u fidin. m.f.dh, caawiyid. la-mid: cawi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caawi
v. help
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caawi
-yey / say: (n) help (help); give assistance to; aid (eeydh) taageer, saacid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawi
(fal) garab sii. Dh: taageer, gargaar, kaalmee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caawi
de: help
lx: caawi
pd: (caawiyey)
ps: v2a=
key: caawi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawaye
e.we la-mid: aaway.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aawaye
loc. question word, pl. where are they?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aawaye
de: where are they?
lx: aawaye
ps: qw-loc-pl
syn: meeye
key: aawaye
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caaway
(adv) tonight (to-nayt) ~ caawa
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caawey
adv., time: this evening
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caawey
de: this evening
lx: caawey
ps: adv-time
key: caawey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawin
caawin¹: m.dh la-mid: caawiyid.
caawin²: f.g1 (-imay/-inay, -intay; -imi/-ini) Cid kaalmo ama taageero u fidin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caawin
f.g1 (-imay/-inay, -intay; -imi/-ini) cid kaalmo ama taageero u fidin. m.f.dh, caawinid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caawin
v. assist, help, support
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caawin
-caawimay/ caawintay: (v) help (help); assist (a-sist); give assistance to ~ caawi, taageer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawin
-ta: (magac, dhedig, keli) kaalmo iyo gargaar siin. Caawin ayay u baahan yihiin dadka soo qaxay. Dh: taageerid, gargaarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caawin
de: assist, help, support
lx: caawin
pd: (caawimay)
ps: v1=
xe: Can you help me?
xv: Ma igu caawini kartaa?
key: caawin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawis
m.l la-mid: caawiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Hawiye
m. n. major central and south Somali clan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hawiye
name-m sweetener; to air something out; open something to let air in or out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Hawiye
-Hawiyaha: (n) Somali clan name
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Hawiye
cf: Isaaq, Dir, Daarood
de: major central and south Somali clan
lx: Hawiye
pd: (/ha)
ps: n0-m
key: Hawiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiye
-ha: (magac, lab, kel) dhulka magaalada ka baxsan ee xoola dhaqatadu dego. Dh: miyi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahiye
-ha: (magac, lab, keli) qof ama qalab war ama wax kale baahiya oo dhul badan gaadhsiiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baamiye
m.l Qudaar dhuudhuuban oo yare xoodan ee maraqa lagu dhireeyo, oo dhadhan wanaagsanna ku kordhisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baamiye
m.l Qudaar dhuudhuuban oo yare xoodan ee maraqa lagu dhireeyo, oo dhadhan wanaagsanna ku kordhisa.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BAAMIYE
(Bamie) S Abelmoschus esculentus (L) Moench. Malvaceae.
S Abelmoschus ficulneus (L) Wight & Arn. Malvaceae.
S Hibiscus furcatus Willd. Malvaceae.
S Moringa longituba Engl. Moringaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baamiye
-ha: (magac, lab, keli) jaad khudradda ka mid ah. Sariibadda tag oo baamiye noo soo gad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaniye
-ha: (magac, lab, keli) qofka cid bukaan ah baxnaaniya.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caafiya
name-f curer, healer
name-m health; one who heals
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caafiyo
m.dh la-mid: caafiyad.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caaliya
name-f exalted, sublime, high, excellent
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caariyo
(Caariya-da)
Amaah; Ergiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caariyo
m.dh Shay cidi ergato si ay muddo ugu soo dhaqanto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caariyo
m.dh Shay cidi ergato si ay muddo ugu soo dhaqanto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caariyo
f. n. borrowed object, loan item; credit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caariyo
-da: (magac, dhedig, keli) amaah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caariyo
cf: amaah (borrowed money)
de: borrowed object, loan item; credit
lx: caariyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: caariyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawimo
m.dh la-mid: caawino.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caawimo
f. n. help, assistance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawimo
-da: (magac, dhedig, keli) deeq gargaar ah. Caawimo ayaa la siiyay dadkii tabaalaysnaa. Dh: gargaar, kaalmo, taageero.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caawimo
de: help, assistance
lx: caawimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: caawimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawino
m.dh Deeq ama kaalmo loo fidiyo dad tabaalaysan. la-mid: caawimaad, caawimo, caawinaad, cawimaad, cawimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caawino
m.dh Deeq ama kaalmo loo fidiyo dad tabaalaysan. la-mid: caawimaad, caawimo, cawimaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawino
-da: (magac, dhedig, keli) taageero iyo kaalmo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Calwiya
name-f made muddy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carbiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof wax carbiya.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CAWLIYE
(Aulie) S, C? Maerua oblongifolia (Forsk) A. Rich. Capparidaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaniye
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan yaryar oo madmadaw oo injirta legle'eg dub adagina ku dahaadhan yahay oo hadhuudhka ku dhasha oo dhuuxa u gala. Hadhuudhka daaniyaha ka buufiya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faafiye
m. n. distributor, spreader
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faafiye
-faafiyaha: (n) one who distributes or spreads something: distributor (dis tri-buyuu ter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faafiye
-ha: (magac, lab, keli) qof war ama wax kale baahiya ama fidiya. Dh: baahiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faafiye
de: distributor, spreader
lx: faafiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: faafiye
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Faahiye
name-m explainer, describer, detailer; distributor, spreader
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Faahiye
magac loo baxsho wiil la rajaynayo in uu wixii la hayay ee hanti ah sii ballaadhiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaliye
(Faaliya-ha)
Ninka faalka dhiga; faalallow; faashow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaliye
m.l (-yayaal m.l/dh) Faallalow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faaliye
m. n. fortune-teller, male diviner
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faaliye
-faaliyaha: (n) psychic (male) (saaykik); astrologer; see [eeg] ~ faalalow, wax sheegfaalalow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaliye
-ha: (magac, lab, keli) ninka faalka dhiga ee wax ka sheega; ninka falka dhiga. Faaliye Alla maaha dogonna ka mala roon. Dh: faalallow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faaliye
de: fortune-teller, male diviner
lx: faaliye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: faaliye
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaaciye
name-m repulser; he who resists an invasion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaciye
-ha: (magac, lab, keli) qof wax difaaca oo iska celiya. Dh: difaace, mujaahid, halyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawiya
m.dh Naar ka mid ah toddobada naarood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haawiya
m.dh Naar ka mid ah toddobada naarood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haawiyo
-da: (magac, dhedig, keli) meel qaw ah oo gun dheer. Halkii qalada kaan haye i odhan haawiyo u tuurka. Dh: laallay.
haawiyo -da: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah naaraha Ilaahay Qur'aanka innoogu sheegay. Waxa lagu ducaystaa hawwiyo Eebboow ha na gayn. Dh: cadaab. Li: janno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kaadiye
magac loo baxsho wiil la ogaaday inuu uurka ku jiro ayadoo hooyadii la furayo ka dibna aabuhu furustii ka noqday.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KAAHIYE
(Kahiye) N Reseda amblycarpa Fres. Resedaceae.
N Reseda bracteata Boiss. Resedaceae.
N Reseda oligomeroides Schinz. Resedaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kaahiye
name-m he who shines or enlightens
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kaahiye
magac loo baxsho wiil dhalashadiisa ay hooyadii ku diirsatay oo ay isaga hortii gabdho uun lahayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaaliye
(Kaaliya-ha)
Gargaare; taageere.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaaliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof caawiya qof hawl haya; gargaare.