caawey
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caawey
adv., time: this evening
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caawey
de: this evening
lx: caawey
ps: adv-time
key: caawey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaney
m.dh la-mid: caaneeyo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caaway
(adv) tonight (to-nayt) ~ caawa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haawey
(Haawey-da)
Haadun; hoomo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawey
m.dh Dad sabool ah oo ku nool qaraab iyo wixii ay helaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haawey
f. n., [collective] the poor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haawey
-da: (magacwadareed) dad sabool ah oo fara madhan; dad aan hanti lahayn. Dh: haadun, hoomo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haawey
de: the poor
lx: haawey
pd: (-da)
ps: n0-f-col
syn: haadun
key: haawey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaawey
(fal) cadow ka dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaweyn
m.f.dh eeg baawee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xog, war ama wax kale oo meel ku koobnaa, dad badan gaadhsiintiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caateyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caatayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawiye
-ha: (magac, lab, keli) qofka kaaliye ah oo cid kale u adeega. Inan yar oo caawiye ah ayaa geela ila waraabshey. Dh: kaaliye,kalkaaliye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaweyn
(Daaweyn-ta)
Daawo siin; daweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaweyn
m.f.dh eeg daawee. la-mid: daaweysiin, daweyn, daweysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaweyn
vl. n. treatment, giving medical attention
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax buka dawo u fidin oo xanuun ka daaweyn. Dh: dawayn, daaways.
daaweyn -ta: (magac, dhedig, keli) bir iyo wixii la mid ah, dubbayn oo daawe ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daaweyn
طب
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waaweyn
adj., pl. big, large, great (ones)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waaweyn
(adj) bigger (big-ger)-, larger (laar-ger)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaweyn
(tilmaame) kuwa inta kale ka muuq, martabo ama da' weyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waaweyn
de: big, large, great (ones) Sg: weyn
initial: w
lx: waaweyn
pd: (waaweynaa)
ps: adj-pl
key: waaweyn
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Aawe
name-m reason, sake. Cf: Aawo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Aawe
magac loo baxsho wiil dhalashadiisii sababtay in la heshiiyo ama la walaaloobo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaw
caaw¹: m.l la-mid: caw¹.
caaw²: m.dh la-mid: caw².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caay
caay¹: m.dh la-mid: cay² (1).
caay²: f.g1 (caayay, cayday; caayi) la-mid: cay³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caay
v. abuse, insult
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caay
-caayey/ caayday: (v) offend (o-fend); insult (in-salt)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caay
de: abuse, insult Alt sp: cay
lx: caay
pd: (caayey / caaydey)
ps: v1=
key: caay
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
caay
سب، شتم
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaway
Aaway?
Xaggee buu (ama bay) jiraa (ama jirtaa?); Meeyey? Meeday? (ama away?).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaway
e.we Erey weyddiimeed, oo sida falka, mararka qaarkood, isu rogroga (sida dh.: awday, w.: aawaye) oo micnihiisu yahay 'xaggee laga helaa?' 'mee?'. la-mid: aawaye, away, awday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aaway
e.we Erey weyddiimeed, oo sida falka, mararka qaarkood, isu rogroga (sida dh.: awday, w.: aawaye) oo micnihiisu yahay: Xaggee laga helaa? Mee?. la-mid: aawaye, away, awday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aaway
loc. question word, m. where is he / it [masc.]?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaway
-da: (magac, dhedig, keli) sabab lagu badbaado ama loo ciirsado. Arrintii adkaatoo, aaway baan rabnaa. Dh: gargaar, kaalmo.
aaway: (weydiin) erey la adeegsado marka la isweydiinayo nafley ama walax meesha ay jirto. Weedha lagu bilaabo na, waxa ay ku dhamaatal calaamadda ?. Aaway horumarkaad tidhi, hadduun buu aawan yahay? Dh: mee, meeday, away.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aaway
de: where is he / it [masc]?
lx: aaway
pd: (aawey)
ps: qw-loc-m
syn: meeyey
key: aaway
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caawa
1. Habeenka markaas la joogo.
2. Maalinta la joogo, habeenka ku soo socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawa
m.dh.fk 1. Maalinta la joogo habeenka ku soo fool leh. 2. Habeenka markaa la joogo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caawa
m.dh.fk 1. Maalinta la joogo habeenka ku soo fool leh. 2. Habeenka markaa la joogo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caawa
adv., time: tonight, this evening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caawa
(adv) on or during the present or coming night; tonight (to-nayt); this evening (iiv-ning)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawa
(falkaabe) habeenka markaa la joogo ama soo socda ee maalinta la joogo ka danbeeya. Caawa xaflad aroos baan tegayaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caawa
de: tonight, this evening
lx: caawa
ps: adv-time
key: caawa
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
caawa
الليلة، هذه الليلة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawi
f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay;-iyi) Cid kaalmo ama taageero u fidin. la-mid: cawi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caawi
f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay;-iyi) Cid kaalmo ama taageero u fidin. m.f.dh, caawiyid. la-mid: cawi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caawi
v. help
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caawi
-yey / say: (n) help (help); give assistance to; aid (eeydh) taageer, saacid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawi
(fal) garab sii. Dh: taageer, gargaar, kaalmee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caawi
de: help
lx: caawi
pd: (caawiyey)
ps: v2a=
key: caawi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cagey
/keyji/ (adj) feejigan; ka dhawrsoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagey
-ga: (magac, lab, keli) qof cagta cin ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caley
m.dh Dhalo farshiidda ka weyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caley
m.dh Dhalo farshiidda ka weyn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Camey
nickname-m the one with the swollen or defective cheek
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Casey
name-f off-red (color)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Casey
ama Caso, magac loo baxsho gabadh aad u casayd xilligii ay dhalatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caway
(fal) fiid ama habeen, cid kale la sheekayso oo la joog. Dh: cawee, waari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawed
-ka: (magac, lab, keli) ubad, xoolo iyo wax la mid ah oo lumay, waxa kaalintoodii buuxiya. Dh: beddel, cawil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawee
f.mg2 (-weeyay, -weysay) Habeenka gelinkiisa hore sheeko, ciyaaro iyo wixi lamida waqti isku dhaafin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cawee
f.mg2 (-weeyay, -weysay) Habeenka gelinkiisa hore sheeko, ciyaaro iyo wixi lamida waqti isku dhaafin. m.f.dh, caweyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawee
v. spend the evening, socialize in the evening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cawee
-yey / -caweysay: (v) have a chat or a good talk in the evening; socialize (soo-sha-laayz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawee
(fal) eeg caway.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawee
de: spend the evening, socialize in the evening
lx: cawee
pd: (caweeyey)
ps: v2b=
key: cawee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawe
m.l la-mid: taawo¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daawe
Disc
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daawe
m. n. frying pan, grill, skillet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawe
-ha: (magac, lab, keli) bir la balaadhshay oo wareegsan oo laxooxda lagu dubto. Daawe ii soo iibi aan carruurta loxooxda ugu dubtee. Dh: bircanjeelo, birlaxooxeed.
daawe -ha: (magac, lab, keli) qalab casriga ah, walax goobaaban oo mug ahaan xog loogu kaydio.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daawe
a: birdaawe, taawo {N}
de: frying pan, grill, skillet
lx: daawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: daawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaawe
(Gaawa-ha)
Haruub weyn oo caanood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Haruub weyn oo geela lagu maalo, toobe; haruubgaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaawe
m.l (-wayaal, m.l/dh) Haruub weyn oo geela lagu maalo, toobe; haruubgaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaawe
m. n. large container for milk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaawe
-gaawaha: (n) a container for milking a camel ~ toobke, doobi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaawe
-ha: (magac, lab, keli) dhiil weyn oo laga qoro geedaha; haruub weyn oo geela lagu maalo. Hashii gorofka loo qaadayoo, gaawe laga buuxshay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaawe
de: large container for milk
lx: gaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gaawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaawe
(Jaawa-ha)
Uunsi la shito oo udgoon; (ama jaawi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaawe
m.l Waxyaabo laysku shiilo markay qallalaanna loo shito udug ahaan oo qiiq caraf leh bixiya. la-mid: jaawi¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaawe
m.l Waxyaabo laysku shiilo markay qallalaanna loo shito udug ahaan oo qiiq caraf leh bixiya. la-mid: jaawi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaawe
m. n., [collective] aromatic incense, benzoin, camphor
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jaawe
name-m aromatic incense, benzion, camphor. Lit: the aromatic one
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaawe
-jaawaha: (n) incense (in-sens); an aromatic gum, that is burned to produce a pleasant odor; frankincense; aromatic gum ~ foox
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jaawe
magac loo baxsho wiil jacayl dartii udgoon loogu magac daray ama akhlaaq macaan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaawe
-ha: (magac, lab, keli) wax geedo la isku dardaray ka samaysan oo carfi udgoon leh marka dabka lagu rido. Dh: jaawi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaawe
a: jaawi (ga)
de: aromatic incense, benzoin, camphor
lx: jaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: jaawe
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laawe
m. n.-suf: lacking, without
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laawe
de: lacking, without
lx: laawe
pd: (/ha)
ps: n7-m-neg-suf
xe: mute person [lit: lacking a mouth]
xv: aflaawe
key: laawe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taawe
m.l la-mid: taawo¹ (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taawe
-ha: (magac, lab, keli) weel burka lagu dubo. Dh: daawe, birlaxooxeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baaney
neg., vl. pron. she / they ... not,
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaney
(v) it is the one she didn't... Ex: Ali baaney arag; Ali is one she didn't see
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baaney
a: beeyan
de: she / they ... not + [FOCUS] = baa + aan + ay
lx: baaney
pd: (baanay)
ps: focus + neg + vpro
xe: It is vegetables that the children dont like to eat.
xv: Carruurtu khudaar baaney jecleyn iney cunto.
key: baaney
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaway
(fal) gaadhsii dad badan; ogaysii ummadda oo dhan. Dh: baafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baawee
f.g2 (-weeyay, -weysay) War qarsoodi ku haboon faafin. Tusaale: “Cali ayaa dadkii nagu baaweeyey”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baawee
f.g2 (-weeyay, -weysay) War qarsodi ku haboon faafin. Tusaale: Cali ayaa dadkii nagu baaweeyey. m.f.dh, baawayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baawee
(fall baylihi oo wax bilaa daryeel ah ka dhig. Xoolahaaga haddaad doonto baawec oo waxa dadweynaha ilaali. Dh: haawey, halladaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balwey
(fal) 'dibi' sac oofanaya ku dhawaaq ama bunnaaxi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaday
(fal) cir, caad yeelo.
caaday: (fal) caad u yeel.