caatoobid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caatoobid
(Caatoobid-da)
1. Caato noqosho.
2. Daalid, noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caatoobid
m.f.dh eeg caatow². la-mid: caatow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caatoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid weyd ah noqosho.
caatoobid -da: (magac, dhedig, keli) daalid; noogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
catoobid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal cataw ah ku hadlid; calaacalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanoobid
-da: (magac, dhedig, keli) caano noqosho; caddaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaroobid
(Caaroobid-da)
Cadanyood; xajiimood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaroobid
m.f.dh eeg caarow. la-mid: caarood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) cadanyoobid; xajiimoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadadoobid
m.dh la-mid: cadcadoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaloobid
(Calaloobid-da)
Calal noqosho; duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaloobid
m.f.dh eeg calalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) calal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraboobid
m.f.dh eeg carabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caraboobid
-da: (magac, dhedig, keli) Carab noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaroobid
m.f.dh eeg cawarow. la-mid: cawiroobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax il cawaran noqosho; cawaro yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waantoobid
(Waantoobid-da)
Waano qaadasho; waansamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waantoobid
m.f.dh eeg waantow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waantoobid
-da: (magac, dhedig, keli) waano qaadasho. Ubadku way kala waantoobid ogyihiin. Dh: waansamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaluulid
(Macaluulid-da)
Caatoobid; weydoobid; xayeesiyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weydoobid
(Weydoobid-da)
Weyd noqosho; caatoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaasaamid
(Xaasaamid-da)
Caatoobid; weydoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bantar
bantar¹: m.l.kh 1. B. ah: fal aan qiimo lahayn, kibir ku jiro oo cidi ku kacdo. 2. B. ah: hilib aad caato u ah oo aan la cuni karin.
bantar²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Fal aan qiimo lahayn oo kibir ku jiro ku kicid. 2. Hilib aad u caatoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caatow
caatow¹: m.l la-mid: caatoobid.
caatow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Caato noqosho. 2. Wax dallan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daac
daac¹: m.dh Qabatoon; macaluul; diihaal.
daac²: f.g/mg1 (-cay, -cday) 1. (f.g) Neef caloosha ka timaadda oo dhawaaq leh, afka ka sii deyn. 2. (f.mg) Nafley caatoobid. la-mid: daaco².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeg
deeg¹: m.l 1. D. ah: qof wax lahaa oo faqriyey. 2. la-mid: deegid.
deeg²: e.d Istaag! ( fardaha ayaana loo adeegsadaa).
deeg³: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Qof cayrtoobid. 2. Qoor kacsi dartiis la caatoobid. 3. Fardo fuulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhogorrogmo
f.mg3 (-maday, -matay) Neef xoolo ah caatoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doon
doon¹: m.l 1. Xoolo tabar yar oo aan aroor dheer geli karin. 2. Meel dhulka inyar ka yara kacsan. 3. Ciidda iyo dhoobaha ceelasha dhaadheer hoostooda laga soo saro.
doon²: f.g/mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) 1. (f.g) Ceel dhoobo ka soo saarasho. 2. (f.mg) Xoolo iyo wixi lamida caatoobid.
doon³: f.g1 (-nay, -ntay; -ni) 1. Wax rabid. 2. Wax raadin. 3. Gabadh guur laga doonayo reerkooda weydiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gannad
gannad¹: m.l 1. Cayayaan u eg gendiga oo xoolaha dhiigga ka nuugta ayadoo geela ku reebta cudurka dhukaanka. 2. Caatoobidda xoolaha siiba geela marka dhukaanka ku dhaco ama abaari hesho; jaynaf. 3. la-mid: gannadid.
gannad²: f.mg1 (-day, -dday) Nafley kacsan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydal
haydal¹: m.l h. ah: neef ido ah oo caato ah.
haydal²: f.mg1 (-lay, -ashay) Neef ido ah caatoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jal
jal¹: m.l 1. la-mid: jaq 1. Caano yar oo ilmaha yaryar la siiyo. 2. J. ah: cunug aan si fiican u korin nafaqo yari darteed. 3. Dabbidka yar ee la siiyo qof aad u jirran; jeenan.
jal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Carruur nafaqo xumo darteed la caatoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalo
f.mg3 (-ashay, -alatay) Ilmo nafaqa xumo darteed la caatoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafallafow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof aad u caatoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liif
liif¹: m.l 1. la-mid: lųuf. 2. Xashiish jilicsan oo ka hara alwaaxda la qoro. 3. Dhagax xalleefsan oo lagu luufo. 4. Qaynbaar. 5. Sooloji ahaan, dhisme timaha oo kale ah oo dheer, sida tifafka yar yar ee baalasha shimbiraha.
liif²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Liif ciyaarid. 2. Caatoobid. la-mid: luuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaluul
macaluul¹: m.dh Dhuubnaan ama xayeesinnimo ku dhacda nafleyda oo ka dhalata nafaqadarro.
macaluul²: f.mg1 (-uulay, -uushay) Naflay nafaqo-darro ama jirro darteed u caatoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiqan
miiqan¹: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) 1. Wax miiqmay noqosho. 2. Qof caatoobid.
miiqan²: f.mg4 (-qnaa, -qnayd) 1. Dun dhuuban ahaansho. 2. Qof caatoobay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mulul
mulul¹: m.l 1. (m.u) Haweenay ama neef xoolaad oo uur yeeshay ama rimay iyada oo ilmihii weli nuujinaysa. 2. M. ah: dheddig dad ama xoolaad oo sano walba dhasha. 3. M. ah: neef ari ah oo aad caato u ah. 4. la-mid: mululid.
mulul²: f.mg1 (-ulay, -ushay) 1. Dheddig dad ama xoolaad isaga oo weli ilmihii hore nuujinaya rimid ama uur yeelasho. 2. Neef ari ah aad u caatoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruqo
ruqo¹: m.dh Qof ama neef xoolaad oo aad caato u ah.
ruqo²: f.mg3 (-qday, -qatay) Qof ama neef xoolaad aad u caatoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaasaan
xaasaan¹: m.l (-ammo, m.dh) Caato; weyd, macluul.
xaasaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Xoolo caatoobid; weydoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caatoob
inch. v. become thin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caatoob
a: caatow
de: become thin
lx: caatoob
pd: (caatoobay)
ps: v1=inch
key: caatoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafoobid
m.f.dh eeg aafow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ibtilo qabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantoobi
(fal) wax daadsan ama firi leh sida badar kuul iyo wixii la mid ah, sacabada ku qaad. Dh: xantoobi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caroobid
m.f.dh eeg carow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadhoobid
m.f.dh eeg cadhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhoobid
-da: (magac, dhedig, keli) cudurka cadhada yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammoobid
m.f.dh eeg cammow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cammoobid
-da: (magac, dhedig, keli) indho beelid; dhaayabeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantoobin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax daadsan oo firi leh sida badar kuul iyo wixii la mid ah, sacabbada ku qaadasho. Dh: xantoobin, cantoobis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantoobis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cantoobin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carroobid
m.f.dh eeg carrow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayroobid
(Cayroobid-da)
Cayr noqosho; xoola beelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayroobid
m.f.dh eeg cayrow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayroobid
-da: (magac, dhedig, keli) caydh noqosho: xoola beelid. Dh: caydhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawoobid
m.f.dh eeg daawow. la-mid: dawoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dawo ku bogsasho oo ku caafimaadid. Kolkii nafaqada la siiyay ayaa daawoobid ugu horraysay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaroobid
m.f.dh eeg faarow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) faar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaloobid
(Gaaloobid-da)
Diinta Muslinka ka bixid; gaal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaloobid
m.f.dh eeg gaalow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) diinta Islaamka ka bixid; gaal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gantoobid
m.f.dh eeg gantoob². la-mid: gandoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gantoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax gandooban oo aan dhannayn ka dhigid. Dh: gaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maaroobid
(Maaroobid-da)
Maar noqosho; midabka maarta yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaroobid
m.f.dh eeg maarow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) daxal yeelasho. Dh: daxaloobid, midhidhid, ruujimoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naafoobid
(Naafoobid-da)
Naafo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naafoobid
m.f.dh eeg naafow². la-mid: naafasho, naafow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naafoobid
-da: (magac, dhedig, keli) naafo aan wax qabsan karin noqosho. Dh: naafaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaloobid
m.dh la-mid: qaaliyoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qiimo sare leh noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaamoobid
(Qaamoobid-da)
Qaan gelid, lagu yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaamoobid
m.f.dh eeg qaamow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaamoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ruux qaamaysan ahaan; qof deyn lagu leeyahay noqosho; qaan gelid. Dh: gashiyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaasoobid
(Xaasoobid-da)
Xaas noqosho ama xaas badan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaasoobid
m.f.dh eeg xaasow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasoobid
-da: (magac, dhedig, keli) xaas badan yeelasho.
xaasoobid -da: (magac, dhedig, keli) itaal yaraan darteed xaaska ku biirid. Dh: maahaysoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caasiyoobid
(Caasiyoobid-da)
Caasi noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caasiyoobid
m.f.dh eeg caasiyow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caasiyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) caasi noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadcadoobid
m.f.dh eeg cadcadow. la-mid: cadadoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaaloobid
m.f.dh eeg calaalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) calal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carmaloobid
m.f.dh eeg carmalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carmaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) carmal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaatiroobid
(Gaatiroobid-da)
Gaatir noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaatiroobid
m.f.dh eeg gaatirow. la-mid: gaaturoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaatiroobid
-da: (magac, dhedig, keli) gaatir ama qallaf noqosho. Dh: gaatirow, adkaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaturoobid
m.dh la-mid: gaatiroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macagtoobid
m.f.dh eeg macagtow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaaroobid
(Abaaroobid-da)
Abaar noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaroobid
m.f.dh eeg abaarow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul xaalufay oo abaar ah noqosho. Haddii sidan geedaha loo guro, abaaroobid baan uga cabsoonaynnaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akaakoobid
-da: (magac, dhedig, keli) si sillan u dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaloobid
m.f.dh eeg bahalow. la-mid: bahalow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqan iyo caado bahal yeelad; ad'adayg iyo naxariisdarro yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaqoobid
m.f.dh eeg balaqow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhego balbalaqsan leh noqosho. Dhegta rida xanuun ayaa balaqoobidda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barafoobid
(Barafoobid-da)
Baraf noqosho; aad u qaboobid.