caataysiis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caataysiis
m.l la-mid: caataysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caataysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Wax caato ah ka dhigid. 2. Wax dallan ka dhigid. la-mid: caatee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caataysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Wax caato ah ka dhigid. 2. Wax dallan ka dhigid. m.f.dh, caataysiin. la-mid: caatee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caataysii
v. put someone on diet, make someone thin ~ slim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caataysii
(fal) qof aan hilib iyo baruur lahayn ka dhig; caato ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caataysii
de: put s.o. on diet, make s.o. thin ~ slim
lx: caataysii
pd: (caataysiiyey)
ps: v2a=tr
key: caataysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caataysiin
m.f.dh eeg caataysii. la-mid: caatayn, caataysiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caataysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) caato ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysiis
-ka: (magac, lab, keli) «ka ~» eeg caraysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhaysiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cadhaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashaysiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cashaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baratansiis
m.l la-mid: bedertamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caatays
-ka: (magac, lab, keli) eeg caatayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahaysiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ahaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bataysii
(fal) ka badi tiro ahaan. Waan bataysiiyey tiradii kuraasida. Dh: badi, qarqi, hafi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caadaysi
m.l la-mid: caadaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caadaysi
vl. n. habit, custom
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caadaysi
-ga: (n) getting used to; accustoming [oneself to] ~ u barasho. Ex: caadaysiga hawada qabawga ah; getting used to the cold weather
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg caadaysad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caadaysi
de: habit, custom
lx: caadaysi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: caadaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg caarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraysii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) 1. Is c.: is daalin. 2. Ka c.: cid caro ku abuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caraysii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) 1. Is c.: is daalin. 2. Ka c.: cid caro ku abuurid. m.f.dh, caraysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caraysii
v.caus: anger, make someone angry, enrage, annoy, irritate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caraysii
-yey / say: (v) [with] preposition ka] anger (ang-ger); provoke (pro-vowk); enrage (en-reyj)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysii
(fal) «ka ~» ka xanaaji; ka weyrixi; cadho ku abuur. Dh: cadhaysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caraysii
de: anger, make s.o. angry, enrage, annoy, irritate Used with ka
lx: caraysii
pd: (caraysiiyey)
ps: v2a=caus
key: caraysii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qataysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Cid wax ka qadin. 2. Cid dhibaato iyo hagardaamo gaarsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qataysii
v. trick, deceive to irritate ~ frustrate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qataysii
(fal) kadeed oo khaati ka dhig. Qataysi ha kaa baydhee. Dh: daali.
qataysii: (fal) eeg qasaysii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qataysii
de: trick, deceive to irritate ~ frustrate (as children do when playing games)
lx: qataysii
pd: (qataysiiyey)
ps: v2a=tr
syn: luggooy
key: qataysii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bataysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka badnaan tiro ahaan. Bataysiin ma laha tayo ma ogiyi. Dh: qarqin, hafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caataysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax caato ah ahaansho. 2. Wax dallan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caataysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax caato ah ahaansho. 2. Wax dallan ahaansho. m.f.dh, caataysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caataysan
der. [adjective] thin, slim, emaciated ~ lean; be tired ~ worn out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caataysan
-caataysanaa / caataysnayd: (adj) lean or slender in form: thin (thin); slim (islim) skinny (iskini)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caataysan
(tilmaame) aan hilib iyo baruur lahayn. Dh: xayeesi; weyd.
caataysan: (tilmaame) daallan; juucjuucsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caataysan
de: thin, slim, emaciated ~ lean; [fig.] be tired ~ worn out
lx: caataysan
pd: (caataysanaa)
ps: adj-der
key: caataysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhaysii
(fal) (ka ~) ka xanaaji; weyrixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caraysiin
(Caraysiin-ta)
(ka caraysiin) Caro ku abuurid; ka xanaajin; umal iyo dhirif ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraysiin
m.f.dh eeg caraysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka xanaajin; ka weyrixin; cadho ku abuurid. Dh: cadhaysiin, caraysiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid casho siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cashaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid casho siin. m.f.dh, cashaysiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cashaysii
v. treat a dinner, invite someone to supper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashaysii
(fal) cid kale, milayga fiidka, wax la cuno sii; xeraadsii. Waa habeene, cashaysii, caruurta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cashaysii
de: treat a dinner, invite s.o. to supper
lx: cashaysii
pd: (cashaysiiyey)
ps: v2a=tr
key: cashaysii
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Catalysis
Kalkaalid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuntaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Cid cunto siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaajaysii
(fal) cid kale, wax cunno ah ha siin si uu u gaajoodo. Li: cuntaysii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalaysiis
m.l la-mid: jalaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qataysiin
(Qataysiin-ta)
Luggoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qataysiin
m.f.dh eeg qataysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qataysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) kadeedid oo khaati ka dhigid. Odaygu wuu soo daalaye qataysiinta ka yaree. Dh: daalin, qataysiis.
qataysiin -ta: (magac, dhedig, keli) eeg qasaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayaysiis
m.l (-syo, m.dh) Ogeysiis loo baahiyo dadweynaha aydoo loo ammaanayo badeeco iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xayaysiis
m.l (-syo, m.dh) Ogeysiis loo baahiyo dadweynaha aydoo loo ammaanayo badeeco iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xayaysiis
vl. n. advertisement; publicity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xayaysiis
-ka: (n) advertisement (adhvar-taayz-ment); commercial advertisement ~ iidheh, xayaysiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayaysiis
-ka: (magac, lab, keli) buunbuunin iyo ku xeel dheeraanshaha ammaanta shey in dadka la jeclaysiiyo la doonaayo. Dh: iidheh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xayaysiis
de: advertisement; publicity
initial: x
lx: xayaysiis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: xayaysiis
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
xayaysiis
إعلان
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» cadho ku abuurid; ka xanaajin; umal iyo dhirif ka keenid. Dh: cadhaysiis, xanaaqsiin, dhirifsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashaysiin
m.f.dh eeg cashaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama dad badan, xeraadsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayaarsiis
(Cayaarsiis-ka)
Dhaqdhaqaaqa iyo socod-wanaagga askarta; gaardi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayaarsiis
m.l la-mid: cayaarsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cayaarsiis
vl. n. playing; drilling (of soldiers)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaarsiis
-ka: (magac, lab, keli) 'askar' gaardisiin: cayaarsiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cayaarsiis
de: playing; drilling (of soldiers)
lx: cayaarsiis
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: cayaarsiis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuntaysiin
m.f.dh eeg cuntaysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuntaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunno siin; wax uu cunno siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaajaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, cunno ka qadin. Li: cuntaysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarraysiis
-ka: (magac, lab, keli) meel sare dhigis ama geys, sare gaadhsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysiin
m.dh la-mid: abaarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaraysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) abaari in ay ku dhacdo, sabab u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baratansiin
m.dh la-mid: bedertamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanadiidis
-ta: (magac, dhedig, keli) ka go'idda dhamista caanaha ama dhaadhista naaska.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanadiiqis
-ta: (magac, dhedig, keli) caano iibgeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caataysnaan
m.f.dh eeg caataysan. la-mid: caataysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caataysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof caato ah ahaan; weyd ahaan.
caataysnaan -ta: (magac, dhedig, keli) qof daalan ahaan; daalanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraabsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg carraabsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydhaysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) sabool ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalaysi
-ga: (magac, lab, keli) beer aala ka gurasho; aale ka cuunid. Dh: quwaaxaysi, eeleysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aanaysi
(Aanaysi-ga)
Godob u raadsi; xigtaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanaysi
m.l 1. Godob u raadsi. 2. Xigtaysi. la-mid: aanaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aanaysi
vl. n. blame, act of blaming, holding someone responsible
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanaysi
-ga: (magac, lab, keli) eegaargudasho ku salaysan godob horay loo geystay. Dh: aanaysad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aanaysi
de: blame, act of blaming, holding s.o. responsible
lx: aanaysi
pd: (-ga)
ps: vn7-m
key: aanaysi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawaysi
-ga: (magac, lab, keli) cid ama wax la garabsado oo gargaar laga dhigto. Is aawaysiga ayaa horumar laagu gaadhaa. Dh: taageersi, kaalmaysi gargaarsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax xalaad gaar ah ku sugid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaysii
v., [compound] create, make something be
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahaysii
-yey / say: (v) cause something to exist or happen; make (meeyk)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahaysii
(fal) 'awood Rabbi u gaar ah' abuur wax aan hore u jirin; uun wax cusub. Allahayow ahaysii, dalkayaga aroor qudha, kii ugu awood badan. Dh: abuur, alkun, uun.
ahaysii: (fal) gaadhsii darajo ama martabo aanu hore u ahayn. Ardaygaaga ahaysii ka ugu aqoon badan adduunyada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahaysii
de: create, make s.t. be
lx: ahaysii
pd: (ahaysiiyey)
ps: v2a=cmp
key: ahaysii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg caadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanays
-ka: (magac, lab, keli) eeg caanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caarsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Badda si xoog leh wax uga soo jiidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caarsii
v.caus: beach (a boat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarsii
(fal) doon iyo wixii la mid ah, meel xeeb ah gee. Dh: xeebi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caarsii
de: beach (a boat)
lx: caarsii
pd: (caarsiiyey)
ps: v2a=caus
key: caarsii