caasiyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caasiyid
(Caasiyid-da)
Wax laysfaray diidid, maqli waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caasiyid
m.f.dh eeg caasi². la-mid: caasin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caasiyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la is faray ama Ilaah amray, diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawiyid
m.f.dh eeg caawi. la-mid: caawin, caawis, cawin¹, cawis, cawiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawiyid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid; kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caasin
m.dh la-mid: caasiyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caasi
caasi¹: m.l (-iyaal/-iyiin/-iyo, m.dh) 1. Qof wixii Eebbe faray aan fulin. 2. Qof waalidkii aan addeecin. 3. Qof madax adag, diiddo badan.
caasi²: f.g/mg1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1.(f.g) Cid eed iyo haaraan u jeedin. 2. Ku c.: qof,wixii Eebbe faray fulin waayid. 3. Ku c.: qof waalidkii addeeci waayid. m.f.dh, caasiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaddiid
-ka: (magac, la, keli) samo caasiyid; xumo doonid: sharka caan ku ah. Li: samaddoon. samaddiide-ha: (magac, lab, keli) eeg samaddiid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rebiffer
rebiffer, se, v. - diidid; caasiyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araasiyid
m.dh eeg araasi². la-mid: insaarixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caabbiyid
(Caabbiyid-da)
Xoog ku ilaalin; ku fillaansho; adkayn; xajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabbiyid
m.f.dh eeg caabbi². la-mid: caabbi¹, caabbin, caabbis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caabbiyid
vl. n. act of reinforcing, strengthening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caabbiyid
-da: (magac, dhedig, keli) xoog iskaga celin, iskaga qabasho. Dh: adkayn, xejin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caabbiyid
de: act of reinforcing, strengthening
lx: caabbiyid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: caabbiyid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caasid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad wax ku sugayso ku raagid oo ku caajisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caayid
(Caayid-da)
Hadal xun oo la qoonsado (qof, kd.) ku dhihid; aflaggaaddeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caayid
m.f.dh la-mid: eeg cay³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caayid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal xun oo la qoonsado qof ku dhihid. Dh: aflagaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaryid
(Caaryid-da)
1. (bad) dib u noqosho; xagga xeebta ka durkid.
2. (ku caaryid) Meel xeeb ah baddu geyn, ku tufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaryid
m.f.dh eeg caari². la-mid: caarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caaryid
vl. n. ebbing; ebb tide
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caaryid
-da: (n) the receding or outgoing tide; low tide; low water; ebbing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaryid
-da: (magac, dhedig, keli) badda, xeebta ka durkid oo berriga ka fogaansho.
caaryid -da: (magac, dhedig, keli) doon iyo wixii la mid ah, xeebta ku durkid oo xaaxiga badda raacid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caaryid
de: ebbing; ebb tide
lx: caaryid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: caaryid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cafiyid
(Cafiyid-da)
(qof) eedsiiskii uu mutaystay, ka dhaafid: saamixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cafiyid
m.f.dh eeg cafi². la-mid: cafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cafiyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg cafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casilid
(Casilid-da)
Meel ama jago uu hayey ka qaadid, ka ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casilid
m.f.dh eeg casil. la-mid: casilaad (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casilid
-da: (magac, dhedig, keli) qof xil hayay, ka qaadid. Dh: casilaad.
casilid: -da: (magac, dhedig, keli) (is ~) xil iyo shaqo aad haysay iskaga fadhiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casirid
m.f.dh eeg casir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casirid
-da: (magac, dhedig, keli) calool majiirmid; caloosha, xanuun ka dareemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawiyid
m.dh la-mid: caawiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baariyid
m.f.dh eeg baari². la-mid: baari¹ (2), baarin, baaris², baaryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baariyid
-da: (magac, dhedig, keli) xilligii la isticmaali lahaa dhaafid. Dh: baaryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caabidid
m.f.dh eeg caabid². la-mid: caabudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caafiyad
(Caafiyad-da)
Fayoobi; (ama caafimaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caafiyad
m.dh Xaalad cudur la'aan ee ay nafley ku sugnaato; fayoobi. la-mid: caafiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caafiyad
f. n., [abstract] health
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caafiyad
-da: (magac, dhedig, keli) fayoobi iyo caafimaad. Caafiyad ayuu ku noolaa in badan. Dh: caafimaad, fayoobi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caafiyad
a: caafimaad
bw: Arabic
de: health
lx: caafiyad
pd: (-da)
ps: n1-f-abs
key: caafiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caajisid
(Caajisid-da)
Hawl qaban waayid; ka wahsasho; daal iyo cagajiid wax ku qabasho bilaabid; soo tabar yarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisid
m.f.dh eeg caajis². la-mid: cajisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajisid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl qaban kari waayid; wahsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caasifad
f. n. storm
caasifad: m. n. alarm signal, siren
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caasimad
(Caasimad-da)
Magaalo-madax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caasimad
m.dh (-do, m.l) Magaalammadax.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caasimad
m.dh (-do, m.l) Magaalammadaxda dal leeyahay. Tusaale: Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya; magaalammadax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caasimad
f. n. capital city; big town, metropolis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caasimad
-da: (n) [Pl. caasimada-ha] capital city ~ magaalo madax, caasumad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caasimad
-da: (magac, dhedig, keli) magaalomadaxda dal leeyaahay. Caasimadda Soomaaliya waa Muqdisho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caasimad
bw: Arabic
cf: Moqdishu ~ Xamar, Baydhabo, Beledweyne, Bosaaso, Burco, Ceerigaabo, Dhuusomareeb, Gaalkacyo, Garoowe, Hargeysa, Jowhar, Kismaayo, Laas-Caano, Marka, Xuddur
de: capital city; big town, metropolis
lx: caasimad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: caasimad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caasiyow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ku c.: caasi noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caasiyow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Ku c.: caasi noqosho. m.f.dh, caasiyoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caasiyow
-ga: (magac, lab, keli) qof amardiid ah noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawimid
m.dh la-mid: caawinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawimid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmayn iyo gargaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawinid
m.f.dh eeg caawin². la-mid: caawimid, cawimid, cawinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawinid
-da: (magac, dhedig, keli) u gargaarid; kaalmayn; taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashiyid
m.f.dh eeg cashi². la-mid: cashin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashiyid
-da: (magac, dhedig, keli) caal ku dhicid; xanuunka cashiga qaadis.
cashiyid-da: (magac, dhedig, keli) xanuunka cashiga qaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaasirid
m.f.dh eeg gaasir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaasirid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhibaatayn ama si waxtarla'aan ah ula dhaqmid. Dh: gabid.
gaasirid -da: (magac, dhedig, keli) yarayn wax laga dhimo; shay intiisii wax laga gaabiyo.
gaasirid -da: (magac, dhedig, keli) yaraysi ama quudhsi lagula kaco cid kale. Dh: xaqiraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadiyid
m.f.dh eeg kaadi³. la-mid: kaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadiyid
-da: (magac, dhedig, keli) kaadi iska keenid. Dh: kaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaafiyid
(Kaafiyid-da)
Ku fillaansho; wada gaarid; deeqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaafiyid
m.f.dh eeg kaafi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaafiyid
-da: (magac, dhedig, keli) daboolitaanka baahida uu wax leeyahay; dhammaystirka baahida uu wax qabo. Dh: gaadhis, deeqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laasimid
m.f.dh eeg laasin³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laasimid
-da: (magac, dhedig, keli) mar kasta samayn; qaayibid; joogteyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabsiyid
m.f.dh eeg nabsi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabsiyid
-da: (magac, dhedig, keli) israafid oo si kibir iyo mannaanakh ah wax u khasaarin; xoolo Alla ku siiyay baylihin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamiyid
m.f.dh eeg saami². la-mid: saanyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamiyid
-da: (magac, dhedig, keli) saami yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasidid
-da: (magac, dhedig, keli) xasad samayn; xaasid ahaan; u quudhid la'aan oo wanaagga cidda kale ka xumaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caasiyoobid
(Caasiyoobid-da)
Caasi noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caasiyoobid
m.f.dh eeg caasiyow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caasiyoobid
-da: (magac, dhedig, keli) caasi noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agaagsiyid
(Agaagsiyid-da)
Agaagse bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamashiyid
m.f.dh eeg gamashi². la-mid: gamashi¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamashiyid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, caanayarayn.
gamashiyid -da: (magac, dhedig, keli) waqti jiilaal ah noqosho oo naqfurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaahiyid
(Abaahiyid-da)
(awr) kudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaahiyid
m.f.dh la-mid: abaahi¹, abaahin, abaahis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaahiyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg abaahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaajiyid
(Abaajiyid-da)
Baadi wax badan sii maqnayd, iyadoo aan la tebin; tasoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaajiyid
m.f.dh eeg abaaji².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaajiyid
-da: (magac, dhedig, keli) baadi, in badan tebid la'aan oo tasoobid. Abaajiyid ayaa ka muugata shagadaada, waayo wax badan baa ka magan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agaasimid
(Agaasimid-da)
Maamulid; nidaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agaasimid
m.f.dh eeg agaasin². la-mid: agaasin¹ (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agaasimid
vl. n. managing, administering
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Agaasimid
Dirigere
To direct
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agaasimid
-da: (magac, dhedig, keli) maamulidda shaqo laguu xil saaray. Dh: maamulis, agaasimis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agaasimid
de: managing, administering
lx: agaasimid
pd: (-da)
ps: vn-m
key: agaasimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agagsiyid
m.f.dh eeg agagsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagsiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, xoolaha boojimada lagu soo qaado, cad ka siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awaajiyid
(Awaajiyid-da)
War qaylo ama si kale ku faafin oo dad badan ku gaarsiin; naadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaajiyid
m.f.dh eeg awaaji².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaajiyid
-da: (magac, dhedig, keli) war, qaylo ama si kale ku faafin oo dad badan ku gaadhsiin. Awaajiyad baan u baahannahay, si aaska loo yimaaddo. Dh: faafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baanjiyid
m.f.dh eeg baanji². la-mid: baanji¹.